Home Qoraallo Gacasho W/Q. Saynab Xaaji Axmed

Gacasho W/Q. Saynab Xaaji Axmed

0
SHARE

Gacasho

Markaan dheegga dhulka dhigay, dhegahayga waxaa ku soo dhacayay or iyo qaylo meel dheer ah. Indhahaan isku hayay uurkase waan ka soo jeeday, markuu sawaxankU sii kordhay, Daqiiqado ka dib, waxaan maqlayay codka qof cagacad oo marmarka dabaqa sare ka soo degaya. Waxaa sii xoogaystay qaylada iyo buuqa, oohinta Idman iyo hadallo aan la fahmayn. Anigoo ku taagsanaya darbiga sariirtayda ku aaddan, ayaan shabaqa daaqadda qolka salootada wajiga soo saaray. Waxaa soo degay eeddo Shacni oo aan dharka si fiican u qabin dirac kaliyana madaxa u saaran yahay. Waxaa ku soo xigsaday adeer Abshir. Waxaan gadaal u eegay hooyo Xaawo oo aan qolka wada jiifanno. Waxay ku jirtaa hurudda daal ah. Waa garteed oo waa saq dhexe. Dabaqa qaybta hoose dadka nala deggan aniga iyo eeddo Shacni hooyadeed, waa dad yar. Qolka afraad ayuu ka soo baxay nin xiran garan iyo macawis. Waxaan ogaa in uu maqnaa, balse, gurigan caadadiisa ayey ka mid tahay, in uu yimaado qofka kasta saacadduu doono. Adeer Abshirna in uu guure ku yimid waa caddahay.

Maxaa dhacay? Maxaa dhacay? Siday wax u dhaceen?” ayuu yiri ninkii qaylada ku soo baxay, iyadoo wajigiisa baraarugsan laga dheehan karo naxdinta. “Ma joogayo, wallaahaan joogayn gurigan naxuuska ah. Maxaa ii keenay dood aan dhammaanayn habeen kasta?” ayey tiri eeddo Shacni oo timaha gadaal u hagaajisanaysa. “Shacni cowdubillayso. Saacaddan xaggeed aadaysaa?” ayuu si deggan u yiri adeer Abshir. “In aanan guri wada joogayn, waan baxayaa. Ilaahayow maan u galo ciyaalsuuqa. Iyagaaba loo qirsan yahay inay xunyihiin, balse, waxaa kun jeer ka liito, qof xun oo diiddan xummaantiisa.” Markay diraca garbaha si fiican u saaratay ayey maqashay oohinta Idman. “Alla, gabadhaydii Idman!” iyadoo leh ayey jaranjarta ku noqotay cagacaddaan. Adeer Abshirna waa ka daba noqday. Saalootada mugdigeedii iyo xasilloonidii ayey dib u soo heshay. Waxaa ilmilicsi hortayda ku maray, cajaladdii noloshayda aan midabka lahayn sidii saakada baaliga ah ee aan xiranahay ee catirka u ekaatay.

Muranka reerkan wuxuu handadaad ku hayaa mustaqbalkayga aan muuqan. Markay hooyaday na dayrisay, dhibkii i soo gaaray markaas ayaa cabsi joogta ah igu hayo. Xusuustaydu hibashada iyo hiirtaanyada ma dayso diiftii nagu dhacday darteed. Walaalkay waxa uu ugu dhintay macluul daryeel la’aaneed, guri aan la aqoon dhexdiisa. Markaan walaalkay xusuustaba huq iyo ciil baan la hagoogtaa. Eeddo Shacni, eedaynta maalinlaha ee tuuganimada oo iska ah dhaqan caadi ah. Waayo, xad ama ha xadin, marba haddii ay shaqadaadu adeegto tahay, tuugana waad tahay. Garaacista sabab iyo sabab la’aanba lagu tumayo. Waxyaabahan yaryar ee caadiga ah marka laga reebo, marna ima dhihin eedda Shacni, guriga iiga bax intii aan la joogay, aniga iyo Idmanna nama kala soocin weligeed. Imaanshahayga gurigan, waxaan ka xusuustaa hadallada dariska oo marna igu dirayay reerka cusub, marna iga dirayay. Dadka qaar baa ku dhaliilay eeddo Shacni, inay adeegto ahaan u keensatay cunug aan qaangaarin. Iyadana dan kama gelin xantaas bareerka ah iyo eeddaas ee shaqo iyo korriimaba waa isku kay dartay. Dabaqan aan subax walba sii koro ayey noloshaydu ku soo kooban tahay ehel la’aan.

Hooyo Xaawada aan habeenkii la seexdo, ayaa dhibkayga wax badan ka og. Waxay ka warhaysaa noloshayda. Maalinkii nala deyriyay ilaa hadda. Reerkii iigu dambeeyay oo aan u soo adeegayna ay dil iyo deyro iskugu dareen. Ayaamo badanna diihaal la dibjiray. Haddii aan weydiiyo sababtay dhibka iigu eeganaysay; waxay ii sheegtay, in markii hore qof kale masuul iga ahaa. Hadalkaas hooyo Xaawo ayaa halgaaday hankaygii nolosha. Jirkayga ayaa holan iyo hanfaf dareemay, markaan ogaaday in habeennadaas aan dayrada iyo dibjirka ahaa, ciddii masuulka iga ahayd ay ogayd in aan ciirsi la’ahay. Reerkaygii ayaan dib u lacnaday, maalinkay i dhaleen iyo maalinkay i dhigeen daleelada. Kaar iyo xanuun bay igu ahayd inay hooyaday damaq la’aan ka dhaqaaqdo laba cunug oo ay dhashay. Mid uu ugu dhinto nafaqadarro guri aan kiisa ahayn midna adeegto noqoto, balse, markii aan sii baaray siday ku noolayd hooyaday, ayaan garwaaqsaday inay duruufta iyo dhibtu ku xukumeen dayradeennan.

Idman inay sidaydii nolosha la xariiftami doonto shaki iigama jiro, haddii aysan eeddo Shacni tanaasulin. Idman kaliya ma rajoobayso, aniga laftaydaa dib u rajoobaya haddii ay eeddo Shacni ka baxdo gurigan. Si kastoo aan u qaangaaro, kama maarno eeddo Shacni wehelkeeda. Waxay beddeshay reerkaygii aan raad laga hayn. Jilbiha aan sariirta ku hayay ayaaba i daalay, bal aan fidiyo. Qayladii inay dhammaatay iyo inay dihan tahay midna iima kala cadda. Khuurada hooyo Xaawo waxaan ahayn ma maqlayo hadda.

Saynab Xaaji Axmed

SHARE