Home Qoraallo HAMMIGII HUNGOOBAY Q-2AAD WQ:- Mustaf Cusmaan

HAMMIGII HUNGOOBAY Q-2AAD W\Q:- Mustaf Cusmaan

0
SHARE

Xaalku wuxuu sidaas ahaa muddo ku siman afar sano dareenkuna aniga ayuu gooni igu ahaa Hodanna sidaa ayaan uga cabsan jiray. Naftayda la ildaran waabaayada gammuunka caashaqa waxaan ku madadaalin jiray riyo iyo rajo mala-awaal ah. Rajadu waa qurux, mar walba waa wada macaan, in yar oo qadhaah haddaad xataa ku aragto waad ka soo saari kartaa dhadhan macaan. Adiga ayaa hoggaanka u haya, waa barta is moodsiisku uu ka billowdo. Riyadu waa duni mala-awaal ah, ma sii haysan kartid dhacdadeeda, ilbidhiqsiyo kooban ayaa humaaggeedu toggoga illowga raacayaa. Hodan iyadu nolol qurux badan bay rejada kaga nooshahay. iyada iyo asxaabteedi wali sidii ayey u wada socdaan.Waxaa soo dhawaaday xilligii fasax sanad-dugsiyeeda, balse, anigu kolkan fasaxa dugsiga ugama faraxsani sidaa aan horay ugu faraxsanaan jiray oo kale, maxaa yeelay, dugsigu waa meesha kaliya ee na kulmisa aniga iyo hodan inkastoo dareenku gooni igu yahay, balse, araggeeda markii fasalka la joogo waxaan ka qadaa faraxad iyo rayn-rayn, balse, fasaxa sanad-dugsiyeedkani waxa uu u muuqdaa mid xargaha u jaraya farxaddaasi iyo rayrayntaas. Naftayda waxaan ku sabaalin jiray ereyadan:

  • Waxaad jeceshay lama helo nafteeydaay
  • Wax ku jecelna diiddee
  • Ma ogtahay jannada udug 
  • Nimaan jirrib usoo marin
  • Sahal lama dhex joojee
  • Haddaad jamato geed adag
  • Oonad hayn wax kuu jara
  • Jebin meyso gacantuye
  • Ha ku daalin jeedaal
  • Indho sooma jiidaan
  • Qalbi kaa janjeedhaa.


Xaalku waa xaal adduune waligay hiyiga kuma qaban waad is baranaysaan oo aad wada kaftamaysaan, iska daa way kaa heli dootaa Hodan e. Qaadan waa iyo yaab bay igu noqotaa jeer kasta oo aan soo xasuusto sidii kediska ahayd ee aan isku barannay. Muddo afar gu´ ah oo aanu isku fasal ahaan jirnay baanaan aqoon guud mooyee mid gaar ah isu lahayn. Murtidii Soomaaliyeed ee ahayd: ”Magaalo way is muuqtaqaannaaye, isma magac taqaanno” ayey iigaga ekayd, afartii gu´ ee aanu isku fasalka ahayn. Hadda oo aanu arday jaamacadeed isla nahay, xaalku waa uu ka duwan yahay sidii hore oo waxay iga taagan tahay; ”Barasho dabaddeed ha i nicin, horteed isma’aynaan aqoon e “. Maalinkii mar amma laba jeer baan is xaal warraysannaa. Jeer kasta oon iska la hadlayno mobile-ka, waxa aan hadalka ku soo gabagabeeyaa; “Ma sidan oo dhan baad u wanaagsanayd huunno.” Waayo, waxa aan ogaa qabkii iyo isla waynidii ku jirtay Hodan. Saddexdeeddii saaxiib ee aan u aqaannay “Yey wadar u socota” hadda waa ii kalkaaliyaal jacayl. Seetahay walaal, Xasan? Nafta ka warran? Ayey markasta oo ay indhaha iga qaadaan igu xaal waraystaan, asxaabta Hodan.

Waxaan is waydiiyaa, maa Hodan ayaa ku amartay inay ii muujiyaan ixtiraamka intaas la’eeg? Is beddelkan wayni siduu ku yimid? Dacartii sidee bay malabka-doocaan uga macaanaatay? Mooyi, mooyi. Waa jawaabaha keliya ee aan u hayey wayddiimahaas. Qorsheyaal badan oo uu ugu horreeyo guur aniga oo ay ii dejisan yihiin, rejo waynna ka qaba inay ii hirgalin doonto gacalisadaydu, ayaan abbaaro 9:30 fiidnimo, Hodan ka wacay mobile-kayga gacanta. Waxaanna ka codsaday inaan galabka soo socda ku kulanno buundada yar ee ku taal cirifka magaalada si aan jawi deggan ugu wada sheekaysanno.


Waa goor galabnimo casarliiq ah oo cadceeddu godkeeda inay gasho ay waxyar u jirto. Jawigu waa mid aad u macaan. Dhaxandhaxan baa jirta wadnahayga dareen galisay. Buundada yar ee cirifka magaalada ku taalla baan kolba dhinac u gu soconayaa.  Waxa aan kolkaa sugayaa Hodan oo qorshahayagu yahay in aanu jawigaa macaan kuwada haasawno. Kolba sidaan dhan ugu dhaqaaqayay buundada dhexdeeda, baa markeli ah indhaygu qabteen gashaantidii joogga iyo quruxda ba Alle u dhammeeyay oo naftaydu isku qabatay: ma dadkii kitaabkiyo diinteennu sheegtee deggenaa firdowsoo soo daahiraa?! Laafyoodkeeda iyo deggenida ay tallaabada u qaadayso baa ashaqaraar kale I gu ridday. Wax aan daawado iyadu na soo laafyootaba, dhinacayga ayey soo istaagtay. Malaha ujeedkeeduba waxa uu ahaa in ay neecawda macaan ee buundada ka dhacaysa ugu soo raaxayso nafta.Cabbaar hadii aan ku wada raaxaysannay jawiga macaan ee ka dhacaya buunda ayaan aniga oo dhanka kale ee buundada fiirinaya ayaan u holladay hadal: aniga oo si aan ku talagal ahayn u iri: Fadlan, hodan, aynu shaah soo wada cabno?

  • Haye, waa yahay xasanoow. Ayey hoos u tiri: iyada oo foolkeeda laga dheehanayo hogasho/xishood.
  • Mahadsanid abbaayo ina mari. ayuu Xasanna ku aftideystay.


Waa aannu isa sii barbarsoconnay intii aannu ku sii soconnay goobtii shaaha. Waxa naftaydu si hoose ii lahayd: ‘maanta waa aad heshay qoftii aad nolosha la qaybsan lahayd’. Waxa aan holladay hadalkii aan damacsanaa inaan galabta u sheego waxaanna iri: Hodan, caawa arrin baan damacsanahay inaan kuu soo bandhigo. Maxay tahay arrintu gacaliye, ma tu´ aynaan horay isula ogayn baa? ayey tiri: iyada oo dhararsaneysa waxa uu Xasan sheegidoono. Dabcan haa, aniga ayey dhawaan igu dhalatay fikirkeedu. Ayuu Xasan ku jawaabay, asiga oo aan si qumman neefta usoo saari karin, hadalkana ku merganaya oo xiix xiix leh. Hodan oo weli sugaysa biya dhaca hadalka, eray kasta ee Xasan yiraahdana ay haah, ku soo afmeereyso ayey tiri: Gacaliye, war aad ii maldaheyso ha iga daahin ee dedka iiga qaad. Soomaalida ayaa tiraahda: “God iyo qof loo wado lama kala qariyo”. warkana anaad sheegirabtaaye, daaha ka rog. Xasan oo fallaar uusan ka sii baaraandegin wadnaha looga giijiyey ayaa ku tiraabay: Gacaliso, “hadal qof dheereeyay ma uusan dhammeyn, qof soo gaabiyana kama wada tegin” ee ujeedkaygu waa guur.

Hodan qosol aan hagrasho lahayn ayey ilkiheedii dhalaalka badnaa iyo afeekeedii dugulka madow ahaa qosol la jabsatay, iyada oo ka hormarinaysa raalligelin si aan Xasan qosolkeeda digasho u fahmin, isla markaana waxay tiri, iyada oo labada sacab isku dhifatay, sidii doob gaamurey oo cayaar jebinaya, waxayna si kaftan ah u tiri: “Xasan, galabta war waa wayn baad sheegaysaaye, ma kaa dheelaa, mase, waa dhab?. Runtii waa iga dhab ee maaha kaftan iyo iga ciyaar. Ayuu Xasan ku gaabsaday, asiga oo Hodon dhabankeeda eegayaa, bal waxa ay ku afti celin-doonto. Xogaa bay yara aamustay inkastuu jiray walwal iyo walaac ka dhan ah jawaabta ay isiin doonto iyo waxa ay noqon doonto, yeelmo iyo diidmo midkood; haddana kalsooni iyo taageero badan oo uu qalbiga Hodan ku haystay, ayaa hadba sabaalinayey hummaag farxadeed iyo rejo laxibboon inuu kaga warsugo falcelinta Hodan.

Barashadii kediska ahayd waa tii horseedday xidhiidh wanaagsan e, tollow xidhiidhkan wanaagsan ma horseedi karaa nolol rummaad inaan wadaagno, Hodan?. Shucuurtiisu maaha mid deggan amma kacsan. ” Maxay ku dhihi doontaa” baa maskaxdiisa walaaqaysa. Daqiiqado kadib waxaa dibnaheeda kasoo baxay ereyadan: “Gacaliye, kula mid baan ahaa ilaa iyo amminkii aad iisoo bandhigtay ilaa eegga maanta ah. Dabcan, waxba kama qabo inaynu is guursanno oo aan nolol aayatiinlehna wadaagno. Intaa kolkii ay I tidhi: mar keli ah waxa dhegiisa ku soo dhacday codka xabbad dhacday! Dadkii waddada marayay oo dhan baa orod billaabay. Wuxuuna soo qabtay gacanta Hodan, si ay u wada ordaan. Meel buundadii ay ka soo dhaqaaqeen ka shishaysa ayey orodkii ku soo gaadheen.


Waa aad mahadsan tahay gacaliye, ayey tiri: iyada oo neeftuuraysa. Waa waajib i saaran gacaliso, adiga ayaana iga sii mudan, ayuu ku yiri: Xasan oo aan laftiisu garan halka laga soo galay iyo cidda xabbadaha ku hurgufeysa. Cabbaar ka dib , markii ay dhawaaqii xabaddu joogsatay, baa dadkii wax gaadheen lagu soo wada xoomay. Xasan, waxa uu damcay inuu soo gacanqabto dadka waxyeelloobay, dabadeed waxa uu ku idhi Hodan: Halkan sii joog, waxa aan soo kaalmeynayaa dadkaase. Waa aan ku raacayaa? ayey tiri: iyada oo diiddan in kaligeed looga tago cidlo. Maya, iska joog adigu, ayuu Xasan ugu jawaabay: asiga oon wax sabab ah u raacin. Hodan oo aan jawaabtaas ku laabsameyn ayaa si kedis ah u tiri: sababtee, ayaan halkaan u sii joogayaa kaligeey? Xasan oo aan sababta uu uga reebayo gacanqabashada dadka dhibban laftiisu ogeyn ayaa ku gaabsaday; in dhib ku soo gaadho ayaan diidayaa gacaliso. Hodan oo yara hadalkaas ka dareencelisay ayaa tiri: Gacaliye, I dhegayso, aniga ibnu aadan baa aan ahay, sida aad u soo gacanqabaneyso baanan u soo kaalmeynaya dadkaas aniguna, ayey ku soo gaabisay hadalkii, hore ayeyna u tallaabsatay, iyada oo sii hiigsaneysa dhankii ay ka xigeen dadka dhibbanayaasha ah.

Xasan oo hadalka sii wata ayaa yiiri: Waxa aannu gaadhnay dadkii wax soo gaadheen. Qof walibana wixii uu qaban karayay buu ku aaday. Anigu waa aan illaaway ba sababtii aan goobta u imid iyo in aan kaalmeyo dadka. Maskaxdayda oo dhan iyo dareenkaygu ba iyada ayuu ku maqan yahay oo aan daawanayaa. Mar keli ah baa aan si kedis ah u arkay, gaadhiga xawliga u soo socda ee ku soo beegan iyada. Waxa aan ku qayliyay ‘Hodan…Hodaaaaaaan….. ka soo leexo waddadada, gaadhi baa kugu soo socdee’, waxaana xigtay jiqiiqdii joojiyaha gaadhiga oo jiidhay iyadii!! Anna! Orod baan ku soo dhaqaaqay illaa aan soo dul istaagay. Waxa aa dhabta saaray madaxeeda. Hodan indhaha kala fur. Xasan…xasan…eeen…een… Hodan waad caafimaadaysaa ee adkayso, dhakhtarkaan ku gaynayaa. Xasan waan ku jeclahay…Runtii aniguba, markii koowaad aan ku arkay ba dareenkayga oo dhan adiga ayuu ku raacay. Aragtidii koowaad ba waa aan ku jeclaaday oo I qancisay. Xasan…..Haddii aan noolaado waan kula noolaanayaa, balse, rabitaankeedii iyo hammigeedii ma u hirgalin Hodan, meeshaas ayeyna ku naf baxday ayaamo dabadood. Mar walba waxaan kusoo noqdaa buundadii dusheeda iyada oo ilmadu iga socota ay shaadhkayga qoysay. Si fudud baan ku bartay si fududna way iiga tagtay hadda na si qof loo waayo sida ugu xun ayaan u waayay. Alla maxaa buundadaan ku keenay! Alla maxaad shaaha ugu kaxaysay ee halkan isaga joogi waydeen iyo kun hadal taag-waa bay naftaydu kolba mid I odhanaysaa. Waa saacado baddalay noloshada.

SHARE