Home Qoraallo DHIBAATOOYINKA HAYSTA UBADKA SOOMAALIDA QURBAHA WQ: Cali M. Diini

DHIBAATOOYINKA HAYSTA UBADKA SOOMAALIDA QURBAHA WQ: Cali M. Diini

0
SHARE

DHIBAATOOYINKA UBADKA SOOMAALIDA QURBAHA

Maalin dhowayd waxaan la kulmay wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah. Waxa uu dhigtaa Jaamacadda Curtin ee ku taal Perth. Wiilku waxa uu ku dhashay magaalada Melbourne, Australia. Qoyskiisa ayaa halkaas tagay dhammaadkii 1990-aadkii. Waxaa isu kay qaban wayday in wiilku ku dhashay Melbourne haddana Af Soomaaligiisu yahay mid heer sare ah. Waxa aan waydiiyay sida uu Af Soomaaliga ku bartay? Waxa uu ii sheegay waalidkiisu Soomaaliya ku celiyeen halkaasna uu 3 dabshid soo joogay.

Waxa uu sheekeeyay noloshii iyo waayihii uu Soomaaliya kala soo kulmay.

Waxa uu igu yiri: waalidkaygu waxa ay Soomaaliya ii geeyeen in aan Afka iyo Dhaqanka iyo soo barto. Waxaa la i geeyay Gaalkacyo halkaas oo dugsi Qur’aan iyo Iskool la iga geeyay. Af Soomaaligeygu aad ayuu u liitay oo in yar oo jajab ah baan ku hadli karay. Waalidkeygu Af Soomaali ayay iga la hadli jireen anigu Ingiriisi ayaan ugu hadalcelin jiray. Waalidkey Af Ingiriisiga kuma hadli karaan balse marka lagu la hadlo waa ay fahmaan. Sidaas ayaan anigu waalidkey isku afgaran jirnay.

Markii dalka la i geeyay sannadihii hore dhibaatooyin badan baan kala kulmay. Carruurta aan iskoolka iyo dugsiga isla dhiganaynay si xun bay ii la dhaqmi jireen aniguna waan la dagaallami jiray kaddibna macallimiinta dugsiga ayaa i garaaci (dili) jiray. Dhawr goorna iskoolka ayaa la iiga eryay. Ciyaalka magaalada oo dhan aniga ayay shaqo iga dhigteen. Waa ay i caayi jireen Af Soomaaligayga liita dartiis. Waxa ay igu tilmaami jireen in aan ahay doqon, neef iyo/ama xoolo. Waxa ay caayi jireen hooyadey iyo walaashay ayaga oo igu oran “hooyadaa w.s, iyo walaashaa waxaa ku samee.” Anigu dagaal iyo gacanqaad baan ugu jawaabi jiray. Waxaan dareemay in meesha dhaqancelinta la ii keenay aysan dadkeedu dhaqan wanaagsan lahayn oo ayagu dhaqancelis u baahan yihiin.
Xataa dadka waa wayn ayaan ka baxsan waayay. Mid baa inta ku soo ag istaago oo ku fiiriyo kugu oranaya “muxuu ahaa kan dhagoolka eg? Muxuu ahaa kan feeraha wayn?” Mid kale ayaa ku oranaya “waryaa yaa tahay?”

Waxaan tagay magaalooyinka Gaalkacyo (oo aan ku noolaa) Garoore iyo Boosaso, Hargeysa iyo Muqdisho. Dhammaan magaalooyinkaas marka Muqdisho laga reebo waxa aan kala kulmay wixii aan Gaalkacyo kala kulmay, dadkoodu waa isku dabeecad. Balse Muqdisho waa ay ka duwanayd. Intii aan Muqdisho joogay ma rag qof Af Soomaaligeyga liita dartiis igu aflagaaddeeya ama qabiilkayga i waydiiya.

Ugu dambayn Af Soomaaligeygi waa koray ilaa aan sidii dadka kale ugu hadlo. Carruurtii i dhibaatayn jirtay dhibkii waa iga dhaafeen waxa aanan noqday saaxiibkood.

Waxa uu hadalkiisu ku soo gunaanaday in uu ku faraxsan yahay in waalidkiis Soomaaliya geeyeen inkasta oo uu dhibaatooyin badan kala soo kulmay.

Wiilkaas dhallinyarada ahi waxa uu ku taliyay in waaliddiinta qurbuhu ay fahmaan dhibaatooyinka carruurtoodu la kulmaan marka ay Soomaaliya ku noqdaan ayna fiican tahay in ubadkooda Af Soomaaliga ku baraan dalalka ay joogaan oo u furaan fasallo carruurta Af Soomaaliga lagu baro maalmaha fasaxa (sabtida iyo axadda).

Dhibaatooyinka wiilkaasi la kulmay waa kuwa haysta dhammaan carruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku koray ama ku dhashay Soomaalida qurbaha ku noolina sida muuqata ay indhaha ka qarsanayaan. Waxaa jira carruur badan oo Soomaaliyeed oo qurbaha ku dhashay ama ku koray oo aan Af Soomaaliga ku hadli karin qorina karin taasina waxa ay dhaxalsiisay in uu go’ ama yaraado xiriirkii ay waalidkood la lahaayeen iyo kii ay bulshada Soomaaliyeed la lahaayeen sidaasna noloshii dhibaato kala kulmay. Carruurtaas qaarkood waxa ay u gacangaleen kooxo dambilayaal ah oo daroogada ka ganacsada qaarkoodna xabsiyada dalalka qurbaha ayay ka buuxaan. Carruurtii Soomaaliyeed ee qurbuhu intooda badani waa ka tageen (la maba barin) Afkii iyo dhaqankii Soomaaliyeed midkii dalalkii ay joogeenna lama ay qabsan.

Aniga qudhaydu waxa aan indhayga saaray (arkay) wiil iyo aabbihiis aan isfahmi karin oo wada sheekaysan karin. Wiilku Af Ingiriisi ayuu ku hadlaa Af Soomaaligana in yar un buu ka fahmaa, aabbuhuna Af Ingiriisi ma yaqaan haddii lagu la hadlana in yar buu ka fahmayaa. Aabbuhu waxa uu ku hadlayaa Af Soomaali midkii miyiga ah. Sidaas awdeed aabbaha iyo wiilku ma yeelan karaan wadahal ka badan salaan iyo iswaraysi kooban. Aabbuhu wiilka ayuu ku eedaynayaa in uusan inan wanaagsan ahayn oo Af Soomaaligii ka tagay halka wiilku jaahwareersan yahay oo la’yahay meel uu wax ka bilaabo.

Waxa kale oo aan la kulmay carruur walaalo (ilmo adeer) ah oo Australia iyo Norway ku kala dhashay oo Nairobi la isugu keenay. Carruurta midkoona Af Soomaali ku ma hadli karaan (Ingiriisi iyo Norwegian) ayay ku kala hadlaan. Carruurtaasi wadahadal iyo sheeko ma yeelan karin.

Gunaanad

Waxaan waaliddiinta qurbaha iyo dhammaan Soomaalida qurbaha waxaan kula talinayaa in sida hadda xaalku yahay wax laga beddalo dal walba iyo magaalo walba oo qurbaha ahna laga furo fasallo ubadka Af Soomaaliga lagu baro.

WQ: Cali M. Diini

SHARE