Home Curis Aabbihii Ambaday Q2AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Aabbihii Ambaday Q2AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
SHARE

Aabbihii Ambaday Q2AAD

Xaashi waa nin  da’ lixdamaad ah, sida ka muuqata aqoonsigiisa waxaa uu dhashay 1963 waxaa markaas laga joogaa 57 gu’ waa nin laf iyo laxaad u dhashay balse darxumada heshay ayaa ka dhigtay maqaar iyo laf, waxaa ka muuqata oogadiisa, nabbaro iyo haaro qaarkood weli qooman yihiin.

Waa nin waayuhu gabay oo dhib iyo raxanraad u dhammaaday, qofna ma yaqaan mana oga waxaa sidan ka dhigay, waxaase muuqaalkiisa guud ka aqrinaysaa, qof dhan walba nolosha ku hungoobay.

Haa waa arrin jiraal ah in dadka qaarkood iyagoo da’ noqdaan, Barlaawe balwadi dilootey oo habaar ku dhacay, caddaan iyo madoowba waa jiraan, balse waa dad tiro yar qofkii arkaana kuma diirsado. Qof kasta oo meertadan ku jiraa ma helo garowshiiyo, waa dhalan uumiyuhu ka siman yahay, haddii qofka laga waayo sida iyo qaabka ay u noolyihiin la liido lana quudhsado, hase yeeshe  hadda wuxuu u dhaxeeya nolol iyo geeri, waxaase uu ku baxsaday inuu ku noolyahay dal hannaan dowladeed ka jiro, oo xil ka qaaday qof walba oo ku dhaqan, nabadgelyadiisa, fayoqabkiisa, xannaanadiisa iyo xeerintiisa.

Qof weliba waxaa uu nabdiga iska weydiinayaa, Tolow miyaanu dad lahayn, miyaanu ubad lahayn, miyaanu xigaal lahayn, miyaanu cid u diir naxda lahayn maxaa sidan ka dhigay?Weydiimahan Xaashi uun baa ka warcelin kara, yaa og inuu leeyahay iyo in kale? Cidna?

Xaashi waxaa la geeyey xarunta fayada iyo daryeelka(Cisbitaal) waxaa markiiba lagula dhaqaaqay baadhitaanno kala duwan dhan walba, waxaanna lagula dedaalay in la siiyo waxyaabo nafaqeeya oo jidhkiisa iyo miyirkiisa dib u soo celiya.

Isagu waaba iska baraad la’ yahay, waxaa jug culusi ka soo gaadhay, madaxa iyo garabka midig labadiiba dhaymo iyo dhadhab ayaa lagula dhaqaaqay, Xaashi waxba kama oga goobta uu joogo iyo dhibka gaadhay ee  waxaanna uu ku jiraa riyooyin kala duwan, laba kala bariday kala war la’.

Xaashi oo sidii meesha u yaal, nabar iyo dhaawacii madaxa ka gaadhayna laga dhayey oo laga duubay, ayaa waxaa goor galab gaab ah, soo gashay shaqada  Idil,  Idil waa gabadh ka mid ah hawlwadeennada xarunta fayada, waa dhakhtarad guud, si gaar ah u xil saaran dejinta iyo daryeelka dadka maandooriyaha dilooday iyo tababarka qaabkii looga goyn lahaa, waa hawl adag balse, dedaalkeeda ayey ku gaadhay.

Sida dhaqanka iyo jiraalka hawshu ahayd, marka uu baxo Dhakhtar ee mid kale  caanomaalka hawsha la wareegayo, waxaa uu soo kormeeraa dhammaan dadka bukaanka ah ee jiifa, si uu mid walba xaalkiisa uga warhelo iyo heerka uu marayo, Idil waxa ay dul timid bukaankan cusub ee la keenay, markii ay kalkaalisooyinkii  wareysatayna waxaa durtaba la siiyey warbixinta iyo gal xaashiyeedka Xaashi,  markay qabatay ee aqriday ayaa waxaa durtaba isheeda ku dhacay, Xaashi Cali,  haddana aqoonsigiisa dhacsan ayay ka dheehatay inuu soomaali yahay, labadaasiba waa naxdin geliyeen, gabadhii u dhiibtay ee ahayd kalkaalisada ayaa si kaftan ah ugu tidhi:  Magaca qoyskaaga ayuu wataa, waxaadna tihiin isku dad ee ma xigaal baad tihiin?

Weydiintan ayaa dareenkeeda sii kicisay, iyadoo kaftamaysa ayay tidhi: Xaashi waa magaca aabbahay, balse, immisa Patric iyo Cristian ayaa ka shaqeeya goobtan? Magaca isku eg dal walba iyo dad walba oo isku mid ah way wadaagaan, ee waa side xaalkiisu hadda.

Waxaa la siiyey IDIL warbixinta bukaanka oo dhammeytiran si wanaagsan markay uga bogatayna sidii hawsheedu ahayd waa ay dul tagtay, waxaa ayna markiiba kula dhaqaaqday ogaanshiiyaha dhaqdhaqaaqa wadnihiisa iyo dhegaysiga neefsashadiisa.

Haa si wanaagsan ayuu wadnihiisu u shaqeynayaa, neeftiisuna waa heer sare, balse tabardaro ayaa ka muuqata ayay tidhi, waxaa loo sheegay wixii la siiyey iyo habraacii dhakhtaradii hore.

Intaas kaddib waxa ay si wanaagsan u dheehatay ugana bogatay baadhitaannadii lagu sameeyey iyo dhiigiisa in ay buux dhaafisay HALAAJISADA  Alkoolada, uuna u baahan yahay in lagala dagaallamo dhiigiisa oo laga maydho guud ahaan maandooriyahan halakeeyey.

Idil waxa ay guda gashay hawshii bukaanka,inkastoo uusan awood badan lahayn, haddana Dhakhtarka ayaa faray  in si gaar ah loola socdo ilaa uu ka soo nabdaadayo, lana siiyo waxyaabo ka caawiya nasiinnada oo jidhkiisa tabarta darana nafaqeeya. 

Idil habeenkii dhawr jeer ayay soo kormeertay, waxa ayna ka werweraysay xaalkiisa nololeed, waxa ay nabdiga iska weydiisay, tolow aaway dadkiisi?side loo heli karaa,  halkee loogu hagaagayaa iyo yaa qaabka loola xidhiidhayo?!

Waxaa yimid goor fiid ah laba ka mid ah  laba ka mid ah ciidanka nabadgelyada, kaddib waxa ay weydiiyeen qolada warbixinta xarunta caafimaadka,xaalka bukaanka iyo meesha uu joogo, cidda u xilsaaran  daryeelkiisa iyo hawshiisa.

Gabadhi joogtay afaafka hore ayaa baadhay galkiisa waxa ayna u sheegtay in Dr Wiliam hawshiisa galay, haddana uu tegay oo ku wareejiyey Drs  Idil Xaashi,  Ninkii ciidanka ahaa booliiska oo gacanta ku haya galkii ayaa arkay, Xaashiga bukaanka ah iyo dhakhtarada oo iyana ina Xaashi ah, balse waa nin ciidan ah oo og in dadku isku magac noqon karaane, waxaa uu soo aaday soona abbaaray,  qolkii loogu tilmaamay in  jiifo Xaashi.

Markii gabadhii Kalkaalisada ahayd aragtay ayay tidhi:Idinkoo mahadsan aan idiinku yeedhayaa Dhakhtarada iyada ayaa warbixin sugan idinka siin karaysa xaalkiisa iyo arrimaha fayadiisa ku saabsan.Labadii nin ee ciidanka ahaa waxay ay ugu warceliyeen,  Hagaag iyo Hawraarsan.

Kalkaalisadii ayaa u gudbisay warbixintii ciidanka yimid ee baadhitaanka waday Idil,  Drs Idilna waxa ay ka soo dhaqdhaaqday halkii ay joogta toosna u soo abbaatay qolkii Xaashi ku jiray.

Markii ay soo gashay, ayaa haddana waxaa labadii nin ee ciidanka ahaa ka sii yaabiyey in gabadh maariin ah oo  Drs ah u timid,  is wareysi iyo is xogeysi kaddib waxa ay u sheegtay halka xaalkiisa marayo iyo in tabardari badani jirto,  jirkiisana ay aad ula falgalala maandooriyaha halaajisada(Alkoolka)  ayna u baahan yihiin inay wax ka qabtaan oo si weyn loogu dedaalo,  haddana  jug madaxa ka gaadhay iyo garabka maahine ineysan jirin dhibaabe kale oo uu qabaa, iyagana baanin, baxnaano iyo daryeel iney ku hayaan.

Markii labadii nin ee ciidanka ahaa dhegaysteen ayay u sheegeen, in uusan Xaashi dalkan deganayn kuna lahayn wax saldhig iyo deegaan ah, sidoo kale in aqoonsiga ay ka helaan Xaashi uu ahaa mid dal kale oo aan dalkan ahayn, haddana dhacsan ammin saddex gu’ iyo dheeraad ah.

In ay la xidhiidheen  laanta socdaalka ee dalkaas, iyaguna ay garteen balse, ay sheegeen inaysan ammin dheer meel ku ogayn oo ka haynin wax warbixin  ah,  sidaa awgeed in marka ugu horreyso ee uu soo nabdaado inay qaadi doonaan una gudbin doonaan,  dalka uu ka yimid, maxaa yeelay dalkan qof aan saldhig ku lahayn deegaan, shaqo iyo hawl ka haynin iskama joogo karo oo aan ka diiwaan gashanayn.Waxa ayna siiyeen, dhambaalyare  meelaha lagala xidhiidhayaa ku xardhan yihiin iyo magacyadooda si ay ula soo xidhiidho sida ugu dhakhsiyaha badan uguna suurtagalsan.

La soco qaybaha kale

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE