Home Qoraallo WELWELKII BOONTA W/Q:- Abshir Cabdi Umal

WELWELKII BOONTA W/Q:- Abshir Cabdi Umal

0
SHARE

Welwelkii Boonta

Magacaygu sida uu u yahay wax liita ayaan aniguna ugu ekaaday wax liita oo awood xun. Dabadeed sidaas baan meel kasta ula joogaa niyad xun oo aad moodo maro duug ah oo jeexjeexan. Wax kasta oo noloshayda la xiriirana waxay noqdeen wax aan la aqoon ama aan la qeexi karin. Xitaa mustaqbalkayga ayaa mugdi isku duubay oo laba dible ugu xiray jiingadahan baas ee aan dhexdooda yuururo saaka. Waa aroor ay dabaysha xagaagu afarta dhinacba ka soo dhabanayso iyada oo dhegaha nabaysa. Meel walba cod foolxun oo sidayda u awood yar baa ka baxaya. Waa midida ay hooyaday ku lisayso aqalka hortiisa. Wax kale kuma garatid ee waa jimce saaka. Waa aroorta keli ah aan quraac hilibleh cunno. Balse anigu aroortaas waxa aan u karaahsadaa midiyahan saawirta ah ee ay hooyaday guriga hortiisa ku soofayso. Mididu sideeda ayey iigu ahayd wax aan la i tusi karin oo anigu la igu calaamadiyay sida summada geela. Noloshayda oo dhan ayay middidu siyaabo kala duwan uga muuqataa, mar aniga la igu caayo inaan sagaaro dhuuxeeda ku feento iyo mar aan noloshayda oo dhan middi la qoodhaadhayo sida in ay abuurtayda ka mid tahay. Sidaas ayaan muuqeeda u karhay dhawaaqeedana sida shaydaanka sharkeeda u naaraa. Saaka waxa aan la soo kacay boqolaal feker oo ii raacay rejadaydii iyaduba liidatay ee aan weligay la noolaa. Maalin kasta oo aan nolosha wax ka fahmo waan sii nacaa oo waxa aan ka sii qaadaa welwel. Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ayaan sannadkan dhammeeyay bishii shanaad. Maalinkaas kadib muuqaygu xitaa waa uu is beddelay. 

Xilli ay barqadii tahay oo ay qorraxda cirka badhtankiisa qotonto oo ay cadceedu falaadho kulul oo jirkayga gubayo soo ganayso ayaan daarada ka soo baxay. Waa cariish yar oo jiingado ka samaysan oo ku yaala xaafada daami ee magaalada Laascaanood. Meel kasta shanqar baa ka baxaysa, cunug yar baa ka dhawaaqaya meel shishe, haweenau waayeel ah ayaa meel soke oo aan cariishka waxba ka fogayn ka gunaasaysa. Cabbaar kadibna aamus baa xigaya oo jiingadaha iyo cariishyada ayaa dabaysha shanqar kale oo fool xun ka yeersiinaysaa. Daarrada ayaan qumaati u istaagay oo dhinacyada eegay aniga oo fiino yar oo kilkilada ka jeexan wata. Gacmaha ayaan kala bixiyay aniga oo hamaansanaya oo daal badan uu iga muuqdo. Dabadeedna cariishkii ayaan ku laabtay oo quraac mar hore la ii soo dhigay cunay. Waa jimce aan sagootinayo bisha toddobaad ee sannadka. Bil kadeedan o nuxuuus ah ayay aniga ii ahayd. Waayo noloshayda si aanan u fekerin ayaan bishan bilaabay inaan u fekero. Waa bisha aan ka fekeray noloshayda danbe iyo sida ay u ekaan doonto, balse cabsi ayaan ka qaaday oo aniga oo awalba jiritaankayga hiifayay ayay cabsi kale ii raaacday. Noloshayda badankeedu waxay ayayd mid aa khayaal lahayn oo sida hal raqayo ah isaga dhadiiqinaysa. Aroortanna waxa kale oo igu cusub waa bishan cusub ee aan horteeda taaganahay oo aniga garamadan yar ee fiinada ah wata. Inaan sidan ku qaabilo iyo in kale midna garan maayo ee quraacdii baan hadda ka faraxashay. 

Codka hooyada ayaa meel deriska ah ka yeeray, waan dareemay inay guriga u soo socoto oo ay kuwa yaryar oo walaalladay ah gacmaha hayso. Kuwa yaryar ayay meel deriska ah ka soo kaxaysay iyaga oo geed qurac ah abqo ka shiidanaya. Balse abqadii kama ay daadin ee gacmaha ayey ku wataan iyaduna dhowr midh ayey gacanta bidix ku wadataa, midna waa ay cunaysaa. Cariishka yar ayey soo galeen iyaga oo kuwa yaryar iska faraxsan oo wada qoslaya. Waa laba gabdhood oo yaryar. Hooyaday ayaan qummaati ii soo eegtay aniga oo cariishka hortiisa fadhiya oo indhaha ku fogaynaya gabdhaha yaryar. Dabadeed intay ay caadi u istaagtay oo abqadii ay cunaysay joojisay ayey ila damacday inay ila hadasho. Hooyaday noloshaydan welwelka badan igama waraysato oo iyaduba waa ay ogtahay in kadeedkan ay dhammaantay marno. Iyada ayaa noloshan dhibta badan soo martay oo cid kasta ay u arkaysay wax habaaran. Cid kasta yaanan oran ee mar haddii aanay aji ahayn waxay isu arkaysay qof ayaan darran. Waa ruux deggan oo mar kasta wejigeeda aan wax dareen ah ka muuqan. Waxa aad ba mooddaa in aanay fekerin oo noloshaba dan ka lahayn. Sida aabbahay oo kale ma aha, balse, haddana wax badan ma dhaanto. Inay qof kasta xaaladdiisa gaarka ah ogaato ayey jeceshahay. Waa sababta aan mar kasta oo aan doonayo inaan talo gaaro iyada ula tashadaa, mar kasta oo aan doonayo inaan dhaho erey laabta i gubaya sida baaruudda. Sidaas darteed ayey beryahan oo dhan u doonaysay in ay iga waraysato jaamacadda goorta la furayo si aan isu soo qoro. Aniguna ma doonayn inaan dhibtaas maro oo aan jaamacadda isa soo qoro.

Waa run, sannadkan bishii Shanaad ayaan dugsiga sarre ee Muuse Yuusuf ka baxay, sidaas darteed ayey hooyo u doonaysaa inaan Jaamacadda u galo oo waxbarashada sii wato. Noloshayda waxa i taageerayay wiilal ilmaadeerraday ah oo maraykanka deggan. Aniga oo keli ah ima ay taageeri jirin ee qoyska oo dhan ayey biilka u soo diraan. Aabbahay isagu wax badan ma qabto oo meel yar uu kabaha ku talo ayuu suuqa fadhiistaa. Waana nin aamusan oo aan dadka la hadal, waxaad moodaysaa in uu ereyada uu ku hadlayo meel ku soo qortay. Balse isaga ayaan wax badan ka bartay oo taariikh fool xun oo ii cabsi gelisay iiga warramay. Marar badan ayaan ka maqlay isaga oo ka sheekaynayo sooyaalka boonta. Wuxuu adkaa. Waan fahmi waayay ereyada sidan isu saaran ee qallafsan, balse, mar danbe ayuu ii sheegay boqotooyo ay lahaan jireen gabooyuhu inay magacan lahayd. Aabbahay sidii nin aqoonyahan ah ayuu ereyada u xushaa oo weli ma maqal isaga oo leh madhibaan. Waayo mar kasta waxa uu is dareensiin jirey inuu yahay nin dadka ka duwan. Sidaas ayaa xitaa aabbahay loogu naanaysay Boon. Warsame Boon. Aniguna boonta u nacay sida geerida. 

Cariishkii kor baan u yara istaagay si aan hooyaday isula simo oo aanay hoos ii soo eegin aniga oo fadhiya. Labadayadu marka aan is eegayno waxa aad mooddaa inaan daawanayno muuqaallo murugo lagu qurxiyay oo hoosta ka ooyay. Waa wejiyo ay waayuhu ka dhigeen sida geed caleentu ka daadatay oo qalallan. Waan sii qiyaasay ereyada ay i oran doonto, balse, wax kasta inay caadi iska ahaadaan baan jeclaystay oo hooyaday iyada oo garabka i haysa ayey hadalka billawday; 

  • Hooyo, Jaamacaddii ma la furay” Ayey igu tiri: iyada oo kor ii eegaysa sida geed ay caleentu ka daadanayso. 
  • ” Ma aqaan hooyo, balse, waxaan maqlayay in berri oo sabti ah la furi doono..” Hadalka ayaan sii watay; balse, isma lihi aad. Waayo jaamacadda haddaan tago ma kollaan qof kale oo ina Warsame Boon ahayn noqonayaa. Ma kollaan mar kale dhalanayaa sida ajida.”
  • Dabadeed hal mar baa dabayl i martay oo aan nefisay. Ileyn wax baa iga fuqay. 
  • May waryaa. Sidaas ha oran. Nin rag ah iska dhig oo niyadaada ka saar waxaas. Maxaad sidan ugu fekeraysaa?” 
  • Sow sidan inaan noqdo uma dhalan?! Ayaan ugu celiyay hooyaday iyada oo argagaxsan. 
  • Fulay. Haddaad beri tegi waydo jaamacadda fulay baad tahay. Waa inaad tagtaa oo sida asaaggaa jaamacadda isu soo qortaa. Sida aad noqonaysid cidna lagama baryo, adigu samayso noloshaada gaarka ah, adiga oo ina Boon ah, ayey hooyaday i tiri: iyada oo awooddu hadalkeeda ka muuqata oo si aanan weli arag oo maqal iila hadlaysa.
  • Hooyaday maanta si aanan uga baran ayey iila hadashay oo iiga dhex daartay shumaca rejeda. Dabadeed sida hillaac bilig yiri ayey ereyadeedu halacsi iigu beereen oo mar kale jantay inaan maqlo. Hal mar baan is beddelay. Dabadeed aniga oo firfircoon baan ugu celiyay: Haye..Hooyo. Waa ballan.” 

Aniga oo daaradda yar taagan ayey hooyaday cariishka ii waydaaratay. Halkaygii ayaan ku qalallay oo indhaha intaan mar maray  ayaan dhowr jeer iskala bixiyay. Dabadeed mar kale indhaha u qaybiyay waxa igu hareeraysan. Waa daarad yar oo dayr yar oo oodo iyo jiingada isgu jira ka samaysan oo ay ku dhisanyihiin, halka laga soo galana ood wayn oo afsaar la moodo ayaa taalla. Dhinaca midigna gabdhihii yaryaraa ee walaalladay ayaa fadhiga oo weli abqadii calaalinaya. Hablaha yaryar da’doodu waxa ay u dhaxaysaa lix ilaa toddoba. Lix ama toddoba sanno waa wakhti ku filan qof kasta oo wax garad ah inuu dhibaatada dareemo. Balse ogaalku iyo wacyigu waa cudur. Waa jirro haleesha jirka roon si uu dhinto ama u kadeedmo. Waa jirro sii wayntaada mar kasta oo garaadku uu koro. Gabdhihii yaraa oo iska faraxsan ayaan sii eegay cabbaar. Dabadeedna waxa aan ka fekerey nolosha dhibta badan ee summada boonta leh ee sugayso xilli kasta oo ay wax fahmaan ama ay haleesho jirrada garaadka iyo ogaalku. In yar kadib ayaan ku fekeray inaan cariishkii galo oo jirjirka u seexdo, balse ma gelin ee cabbaar ayaan daarrada sii taagna aniga oo berri ka fekeraya. Ma jeclayn inaan berri ka fekero, balse, waa arrrinta keli ah ee maskaxdayda dhex miranaysa.

Halkaygii aniga oo taagan ayaa qorraxdii hoobatay oo sidii islaan raqayo ah godkeeda ugu hoobatay, fallaaro yaryar oo casuus ahina cirka isku talaalleen, sidii in ay bari u jeesteen. Shanqartii ayaa sii xoogaysatay oo dhinac kasta wax foori u eg ama qaylo baas baa ka yeerta. Haddaan gartay, oo qayladii xoolaha jinka ee kudaafadaha dareerji jirey waxa sidaas u qaylinaya ama haddii aanan cid kale hafrin waa dadkii faraha badnaa ee suuqa u jarmaaday saaka oo iyaga oo daal cagaha jiidaya soo gurxamaya. Waxaad moodaysaa in la cadaabay oo jirkeeda ay ciqaabtu ku muuqato weli sida ay u nugulyihiin ee badankoodu u niyad jabsanyihiin. Cabbaar kadib labaddii gabdhood ee yaryaraa ayaa cariishkii galay aniguna daarradii ayaan iska fadhiistay oo iskaga fekeray aniga oo fekerka is diidsiinaya. Sidaas ayaa amminku isu gurayaa oo dhulku hal mar madoobaaday oo gudcur dam ah isu beddelay nalal yar oo daciif ahna jiigadaha u cawarayaan.

Aroortii ayaan ku naxay fallaaraha cadceedda subaxdii oo jirkayga gubaysa. Sidii inay carcar qabto ayey saaka jirkayga u diiratay oo ay iigu dartay aroor sabti ah oo u eg aroor shar ah oo aan ganbo khayr ah lagu ogayn. Maalintu iyadu waa marba wejiga lagu qaabbilo oo wax summad ah ma leh. Khayrna lagama helo, sharna lagu lammaanin oo maalin qaawan, oo hadba sidii loo arko loogu dedo rejada. Sidaas dareed aniga saaka waa ii sabti ayaan darran. Ma aqaan waxaan u sharaysano, balse, waa fikrad xun oo aniga igu ragaaday. Degdeg baan boorka isaga jafay oo cawda uga kacay. Isla markiiba quraacday oo degdeg baan shahaaddadii dugsiga sare oo sanduuq salka u yaalla u soo saaray. Dabadeedna buug yare kilkilada u gashtay aniga oo dhaashiga wejiga marsanaya. Lebiskayga uma fiirsan, balse, haddana wax culus oo aad mooddo buurta sayidka ayaa i saaran. Haddaanay ku cuslayn kollay kama yara. Waa wax wayn oo sidi hootada igu mudan. Waa nabar naxdin leh oo nacabku kula helay baan is iri: mise waa nabsi uu soo ganay. Hadduu doono waa jaxiima, waa naxaas la dhalaaliyay oo ku de’aysa laabtayda.

Wax kasta tallaabada aan jaamacadda u qaaday ayaa igala culus. Sidan aan xusuusnahay waa markii aan jaamacad ku fekero, waayo waxa maskaxdayda ku duugnayd fikrad ah inaanan abuur ahaan jaamacad iyo waxbarasho midna ka jibo keenayn. Balse wa feker maskaxdayda lagu abuuray oo aan abuurtayda la xiriirina ama aan shaqaba ku lahayn. Maxaa yeelay, dadkan ayaa qaabeeyay oo jaan gooyay habka aan u fekerayo iyo sida aan u noolaanayo. Iyaga ayaa aniga iga dhigay wax liita oo habaarana ama kadeedan oo aan nolosha quruxda badan u qalmin, iyaga iga soocay oo iga dhigay gooni ama qof qalaad oo takooran. Waxaas oo dhan waxa ka daran sida qoyskayga iyo reerka aan ku arooraba u yihiin dad liita oo nafsad ahaan xanuusan.

Jirradaas inaan ka badbaaday baan filayaa oo yaraantaydii oo dhan nin qab wayn oo aan cidna u joojin oo aan hadalka washaysiguna soo loodin baan ahaa. Waa sababta aan dugsiga sarre u galay oo dadkaas kale iyo bulshada u dhex galay. Balse sidaa kuma sii negaan oo saddex sanno kadib waxaan is arkay aniga oo dadka ka soocan. Waayo cilladdii ayaan fahmay, halka ay sartu ka quruntay baan u dhacay. Aabbahay ha ugu horeeyo dadka aan jirradaas ka qaaday. Mar kasta oo aan aamuskiisan faraha badan, dabeecadahan qallafsan ee uu leeyahay sii raadiyo waxaan ugu tegaa cuqdad gaamurtay oo sida xinjirta dhiigga laabtiisa ku dheggan. Waan ka sasay. Dabadeed sidaas ayey ku billaabantahay noloshaydan kadeedan. 

Noloshaydu ma hagaagto. Fekerkana ma joojiyo. Dhalinyaranimadayda ayaan damcay inaan wax badan fahmo oo aanan sidii dadkii hore sameeyaan iska luudin aniga oo taag daran. Sababta ayaa damcay inaan raadiyo. Bal maxaa madhibaanka ka dhigay dad takooran? Ma dadka ayaan isku sinji iyo isir ku aroorin. Ma annaga ayaan dalka u dhalan oo dool ku yimi? Ma annaga ayaa kufaar qaaqaawan ah oo aan diinta islaamka haysan oo sidaas diirkaygu u noqday mid la fogeeyay sida cad xaaraan ah? Waydiimuhu ha iska cuslaadeen, balse, weli warcelintooda ma helin. Waa nugaal oo tabtaas ayey dabayshu xagaagu jiingadahayga u ruxayso ayaa ka sal ah. Meel aan wareerkayga ula kaco ma jirto. Maktabad wayn ama cid kale oo aan taariikhda ka warsado ma jirto. Waxaadba mooddaa meel saxare ah oo lagu tarmay ama lagu dabaqaday qaacidadii daarwiin ee loollanka nooluhu maro si uu nolosha ugu sii waaro. Nolosha ayaa sideeda isaga socota sidii in aan wax qorshe ah ba laga lahayn, mise anigaa nugaal ku eegayay indhahayga welwelka badan oo u sawiray dhul habaaran oo sidayda oo kale u kadeedan.

Wax kasta sidooda ayey iska ahaanayaan ilaa ay ka dhammaadaan, sida ay waydiimahaygu ay maankayga u culayaan oo aan jawaabtooda weli loo helin. Mar baan yar aan isku fasal ahayn dugsiga maalin gaar u faqnay. Cidda aan ahay ma uu ogayn. Arday af gaaban buu ahaa inta badanna isma aanan arki jirin. Sidaas ayuusan wax badan iiga aqoon, balse, maalin ayaan kedis ugu kulannay kursi faloor ah oo faslaka hortiisa yaallay. Arday dhowr ah ayaa qolka ku jirey, weliba hablo ayey u badnaayeen oo qosolkooda halkaas baan ka maqlaynay. Dabadeed ardaygii ayaa i bariidiyay isaga oo dhoosha ka qoslaya oo hadalka markiiba billaabay sida qof weligii i yaqaannay. Nuxurka ayaan u deganay oo wuxuu iiga sheekayay in dadkii ay hadda billaabeen inay sagaarada dabtaan oo subaggii gorrayadi lacagtiisa ay hal irmaan goyso. Aniga la yaab ilama ahayn, balse isaga ayaa hadalka sii furfuray oo sharraxaad aanan ku qancay saaray.

Haddii madhibaanku ay intaan oo keli ah ku noqdeen dad takooran. Maxaa diidaya in kuwan ba ay hadda noqdaan dad takooran oo gabooyaha oo kale ah” Si wacan baan u fahmay, balse, waxaan ku iri: Sidaas waa xummaan, xummaan ku gud oo wax qaribma moojaane waxba ma hagaaagayaan..” 
Haa balse dadkani wixii ay dadkaas ku takooreen sow kuwan iyagu hadda samaynaya..”

Waa run. Waxaase ila qurux badan in arrinta dhinaca kale laga eego oo lagu doodo waa xaalad amminka ku xiran oo xukunkii hore ee gabooyaha lagu qaaday loo fahmo wax fahanka dadka iyo xilligaas ku xirnaa. Waayo haddii dadkii hore badawnimo u gaysay inay madhibaan ku xukumaan dad isirkooda qaldanyamay ugaarsiga awgii. Dadku asalka horeba waxa ay ahaayeen ugaarsato iyo qaraabsato, ceebna ma aha oo wax fahanka dadka marba isla beddelay. Waxaana kuugu daliilkii ah sida haddeer ay dadku u fahmeen in saagarada hilibkeedu yahay caafimaad oo maraqeeda kixda lagu daaweeyo. Waa hilib xalaal ah oo aan geela iyo ariga waxba kaga duwanayn. Arintana dib loo eego oo loo fahmi wax fahanka dadka ku xiran. Hadalka ayaan sii watay isaga oo u dhegaysanayo sida buuni ruugcaddaa ah. 

Haddiise degdeg lagu xukumo oo naclad lagu rido dadkaas, wax ba kuma hagaagayaan. Iyaguna waa ku fogaanayaan. Wax aan wanaagsanayn ayaana hadhow ka dhalan doono, wax aan ciqaabtiisa danbe la dhayalsan karin oo dhib badan. Sida hadda aniguba aan cirib danbeedkii takoorka u marayo, ayaan ku iri: sidii in ay wax culus iga degeen. Aniga oo arkaya ayuu is beddelay. Caadi buu iska dhigay oo mar kale inta sidiisii yarayd dhoosha uga qoslay ayuu i waydiiyay:

  • Ma adiga maraya dhibtaas oo kale?
  • Haa, weliba aniga oo keli ah ma marayo, waa mid sida xagaagada daba dheer oo asalkayga horeba uu ka soo billowday. Waa taariikh fog oo aasan.
  • Cajabeey cajab. Adigu yaad tahay?”
  • Gabooye. Gabooye ayaan ahay, haddii aadan fahmayn madhibaan?” Ayaan ku iri: dabadeed caadi baan u fadhiistay oo dhabarka faloorkii dib ugu tiriyay. Isaguna sidaas oo kale. Hal mar baan labadayaduna qoorta wada toosinnay oo qummaati u wada fadhiisannay. Sidii in mid walba halkiisa ku dhegay sida barafka. 

Iyada oo maskaxdayda sidaas u gubanayso oo fekerku marba dogobyo waawayn ku hulaaqinayo ayaan soo gaaray jaamacaddii. Waa jaamacadda Nugaal oo xilligan oo kale ardaydu ay iriddeeda tubantahay. Ardaydu maalmahan oo kale waa marka ay ugu jah wareerka badanyihiin. Qorshe xumo ayey ka tahay oo inta hore xog ma sii raadiyaan ama danba kama galaan ee maalmahan oo kale ayey ku soo jabaan sida xoolo aroor ah. Gudaha ayaan u gudbay oo sidii oo kale ardayda u taagantahay. Xafiiska akaadeemiyada ayaan u sii gudbay. Isaguna sidoo kale waa mashquul. Cabbaar ayaan sugay. Amminku waa igu dheeraaday ee xilli barqadii ah baan u gudbay oo shahaadadii dhiibay. Kasmada aan is qorayayna doortay. Kasmooyinka la dooranayay waa wax xaddidan. Sida barasha Kambiyootarka, dhaqaalaha iyo bangiyada Islaamka, ganacsiga, shareecada, beeraha, iyo horumarinta bulshada.

Ma mooddaa inaan ardayda dhaamo. Sidooda oo kale ayaan u jahwareersanaa. Haddii ba aanan ka ba darnayn. Horumarinta bulshada ayaan doortay. Haddii aan taas waayan waxaan qorshaha labaad ka dhigay quudinta ama sida ay lahaayeen Nutrition. Markii ay hawshii is diiwaangelintu dhammaatay ayaa qolyaha akaadeemiyadu ardayda ogaysiiyeen in berri hoolka jaamadda la isugu yimaado si ay u dhegaystaan hadal soo jeedinaya guddoomiyaha jaamacadda. Arkii doonaa ayaan laabta iska iri oo durba kadinka u waydaartay. Meel kaleba kuma leexdo ee waa inaan daami tago ama waa inaan makhaayada buuloqodax ku sii nasto. Meel kale oo aan halkaas ahayn ma fadhiisto. Sababta oo ah waa meel cid kasta qarisa, waa meel cid kasta ay joogto oo aan cid gaar ah lahayn. Dhalinyarada reeraha ladan ka soo jeeda halkan ayey yimaadaan si ay ugu baashaalaan ama ay balwadahooda kale ugu qarsadaan. Waa meel aniga i xejin karta ama i ilaalin karta. 

Hoolkii ayaa ardaydu ku soo xoontay iyaga oo sida shinni guuraysa guuxaya oo hadba qosol yar, cod sare oo kaftan ah iyo hadallo kale oo isku dhex qasan uu dhinac ka baxayo. Anigu sidaydii baan ahay oo cidna lama sheekaysanayo. Qofkii aan is garano waan isu dhoolacadaynaa ama waan isa salaannaa dibna uma wada hadalno. Saf dhexe ayaan soo fadhiistay sidii in aan dadka iska ilaalinayo. Weli ardaydu way buuqaysaa. Aniguse ka baddaas ku jiraba ma ihi. Yar dhinaca iga fadhiya oo nin furfuran u eg ayaa marba i soo eegaya isaga oo qoslaya. Kuwa dhinacyga kale fadhiya oo ay is garanayaan ayey wada qoslayaan, markuu i soo eegana wuu is kay dhaafinayaa. Buug yare aan watay baan ku mashquulay oo ku falaaday. Magacii boonta ayaa igu wareegaya. Maya igama ba baxo oo sida dhiigga ayuu maskaxdayda ugu wareegayaa. Dabadeed waa aniga qoray oo qalinka ku sii xardhay si ogaan la’aan ah. Hal baan dareemay yarkii oo qosolkii iyo hadalkii badnaa joojiyay oo aniga igu soo jeestay. Si kedis ah ayuu u eegay waxaan qorayo. Markaas ayuu i waydiiyay wax aanan fahmin, balse gadaal baan ka ogaaday inuu waxaan qorayo isha ku xaday, balse, laba erey isku qalday. Meesha N da ah ayuu mooday inay S tahay. Dabadeed isaga oo aan wax dareen ah wejigiisa ka muuqan ayuu i soo eegay. Waa ka i waydiiyay: 

  • Ma reer buuhoodle ayaad tahay?” 
  • Markiiba uma jawaabin, waayo ma fahmin waydiinta. Dabadeed sidii qof fahmay oo kale baan ugu warceliyay: 
  • May, ma ihi. Balse maxaad ugu malaysay?” 
  • Boos, magacan baan arkayay adiga oo ku falaadaya.
  • Waan ka xumahay. Magaca aan qorayay sidaas ma aha. Waa boon.”
  • Haa. Inaad boos qoraysid baan mooday oo aniga ayaa aqaanna qoysas badan oo reer boos ah oo reer buuhoodle ah. Xitaa ardaydii aan dugsiga sare ka wada baxnay dhowr arday baa ahaa reer boos. Gabadh ka mid ah ardaydiina Nugaal ayey hadda is qortay. Laascaanood ayeyna jaamacadda ka billowday.” 
  • Hadda ayaan ku fahmay. Haddaba magacan aabbahay ayaa la yiraahdaa, waa naanays uu isagu leeyahay. Mar kasta oo aan magacayga qoro iyada ayaa ku lammaan oo mararka qaar waxaan u maleeyay inay summad tahay. Haddii aanu magacu isagu summad ahayn tolow maxaynu yeelan lahayn si aynu isu aqoonsano. Ma is waydiisay weli?” 
  • Waa aniga bad isku faruuray oo wax aan loo joogin waydiiyay yarkii. Nin hadalka yaqaan buu ahaa oo weli hadalka seeskii uu horey u dhigay ayuu ku binaynayaa.
  • Haa, waa waydiin culus. Balse aniguba sidaas oo kale ayaan magaca awoowgay ugu falaadaa. Waa naanaysta keli ah ee qoyska ka dhaxaysa, sidaas ayey aniga iigu noqotay wax sida summada xoolaha iigu lammaan..Balse Boon, magacan weli ma maqal oo ma arag meel uu ku qoranyahay. Waa ii afkaaga. Ogow, waana sababta aan boos ugu maaleeyay, maadaama uusan maskaxdayda ku duugnayn ama aanay mar hore inta ay aragtay am ay maqashay kaydka xusuusta u gelin..”
  • Haa, waa runtaa. Aniguba mararka qaar waxaan is iraahdaa: waa magac gole ka fuul ah oo aan hore loo aqaan oo naanaysta aabbahaa oo keli lagu arkay. Haddana waxaan xusuustaa mar uu aabbahay wax yar oo ku saabsan iiga sheegay.” 
  • Haye.. Bal intaas yar ii sheeg aniga..”
  • Wuxuu igu yiri: magacan waxaa lahayd boqortooyo gabooyuhu lahaa oo xilli hore dhulka soomaalida ka talinaysay. Gaar ahaan dhulkan waqooyiga . Wax badan kama aan sii raadin oo ma helin cid iga caawisa.”
  • Haa, gabooyaha. Hadda ayaan ku fahmay.”
  • Gabooyaha, waad garanaysaa sow ma aha?”
  • Ma rag la garan waayo baa!. Waa dad gob ah. Gob liicda waa la arki jirey. Gunise waa liid.. Marag Ilaahay.”

Sida nal yar oo diniiq ah baa qalbigayga firfircoonida u xushay oo niyad burbursanayd mar kale inay gadaal u soo istaagto isugu dayday. Erey kasta oo aan dhaho aniga wuxuu iiga dhignaa bar madow oo laabtayda ka ba’aysa. Waa nin wax badan fahansan oo ugu yaraan aan arrimo sidan oo kale u fudud, balse, u xeeldheer kala hadli karo. Hadalku igama dhammaan, sida uusan fekerku iiga dhammaan. Dabadeed hadal kale oo daandaansi u eg baan sii waday aniga oo qof welwelsan u eg: Waa ereyo qurux badan, balse, aan runta sal ku lahayn! ayaan si kedis ah u iri.

Xaasha Lillaah ee xarafkaagu waa habow. Anigu sidaa oran maayo, balse, iimaan qadci ah baan aaminsanahay qaddiyadda gabooyaha oo wax badan oo dadku sahlanayaana anigu masiibo ayaan u arkaa. Waayo waxa kala duwan fekerka qofka iyo waaqaca. Feker ahaan xor baan ahay, balse, waaqaca waxaan u laba diblaysanahay fekerkooda awoodda badan. Haddii aan bareero ama aan dhiirradana nafta bes baan halligayaa ee wax ba ma beddelayo. Haddiise la rabo in wax la beddelo oo cid kasta oo xor ah ay waaqaca ku adkaato, waa in ay is bahaystaan, waa in ay is aruursadaan oo awood mid ah ku waajahaan waaqaca..”
Sidii nin gabooye ah baad u hadlaysaa, ayaan ku iri: aniga oo la yaabban sida ay ereyadiisu runta u abbaarayaan weliba sida dhiirran ee feejigan. Dabadeed inta uu dhoosha ka qoslay ayuu i raaciyay: “Ma ihi, xitaa inaan ahayn wax macno ah iima yeelayso.” 

Waa runtaa. Balse ereyadaadu aniga ayey i rejo geliyeen oo dhiirranaantaadan oo kale u baahan..” 

Dhibtaadan takoorka si dadban baan u soo maray anigu. Marka aan ku leeyayay si dad ban, waxaan uga jeedaa aniga la iguma samayn, balse, rag aan asxaab ahayn ayaa jirrabkan maray iyaga oo caga cad. Mid hadda dibadda ayuu aaday oo eeddadii ayaa dhoofisay. Ninkaas dhoofay dadka iyo dalkaba wuu nacay. Dhowr jeer buu ii sheegay in uusan wedka ka baqayn. Ninka kale isaguna dugsii hoose dhexe ayuu kaga haray waxbarashada oo buuhoodle ayuu degganyahay oo waa aabbe afar carruur ah leh haddeer. Kolkaa dhibtaas baan raggaas aan asxaabta ahayn la soo maray. Nin adigana ku dareemi waayaya ma ihi..” 

Ereygiisii u danbeeyay iyo guddoomiyihii jaamacadda ee aan suganay soo galay ayaa kulmay. Waa nin gaaban oo dhakada ay bidaartu ka leeftay. Dhoollacaddayn yar ayaa wejigiisa ka galalacleh sida xareedda. Mar qosol hiinraag la moodo ayuu qoslayaa. Hal mar ayaa ardaydu aamustay sida in muusiggii geerida ee siigadii iyo sunuuftii xabaaluhu ka soo uraysay laga dhex daaray. Hadal fara badan oo aan meel uu ku aroor iyo meel uu ka soo fulayo midna lahayn ayuu tiriyay. Bar saac kadibna wuu aamusay oo ardaydii ayaa hadalka wadwaday oo is barasho, xaal warran ayaa la iska galay. Ardayda qaar waa ay tageen oo waa iska dareereen. Ardaydii iska tagtay ayaan raacay. Yarkiina mar danbe ma arag oo waxaan sii arkayay isaga oo kuwa wada faqayaan oo meel shishe oo gees ah taagan. Markan niyaddaydu rejo ayaa ku abuuran oo yarkii ayaa ii dhisay oo weliba dood macquul ah igu dhaliyay. Halkii aan awal cagaha jiidayay.

Markaan waan soo lalay sida nabar la ganay. Dabadeed cariishkaygii ayaan soo gaaray. Hooyaday oo deyrka yar dhexdiisa naag la taagan baan soo gaaray. Naagtii markaan ooda agteeda marayay ayey i waydaaratay, kadib ayaan hooyaday oo wejigeedu iftiimayo ku soo beegmay. Iyada oo irkaysa ayaan dhaafay oo buugtii iyo nuqulkii shaahaddada ka soo haray gudaha soo dhigay. Daaradda ayaan isugu nimi iyada oo weli sidii u faraxsan. Hadal aanan muddooyinka ba filayn ayey igaga nixisay oo iga farixsay. Waan qaadan waayay, inaan riyoonayso ayaan mooday, balse, ma aha waa dhab. Qoyskayga aniga ayaa u wiil ah, aniga ayaa u ciidan ah. Aniga ayaana tegaya. Dhallinyaro kale oo saddex ah baan is raacaynaa, labana horey ayey u sii tagtay oo Kampala u joogeen. Waa qorshe cusub oo beryahan danbe ay reer laascaanood fahmeen. In lagu guulaysanayo ma cadda sida in lagu guuldarraysanayaaba ay u tahay wax aan la aqoon.

Waa is guray. Maanta bishu waa 28 bishii sagaallaad ee sannadka 2019. Waa aroor isniin ah oo ay saacadu ku taagantahay sagaalkii iyo barkii subaxnimo. Waa garoonka hargeysa Cigaal oo ay dhaxan yalaxleh buurta masallaha kaga soo dhabanayso. Waa garoon aad moodo kii caasimada koonfurta suudaan ee Jubba ku yaalay oo kale. Diyaarad itoobiyaan ah ayaa taagan. Waa isla tan saaka raacayno. Wax ila tegayaa ma jiraan. Hadday xusuus tahay iyo haddii kaleba. Waxaad moodaa inaan ahay qofka koowaad ee dalkiisa ka dhoofaya isaga oo xiiso iyo boholyow midna aanay laabtiisa xulayn. Hooyaday iyo labadii gabdhood ee yararaa ayaan ka fekeray, noloshu sidii ay Laascaanood ahayd ayaan ka fekeray. Wax kasta kama fekerayo ee waan xadidaday fekerkayga. Ma doonayo inaan wax kasta ay i sameeyaan si aan garaabo ugu noqdo fekerro aan u qalmin. Qorshahan markii ay hooyaday ii sheegaysay marna kama labalabayn ee sida aayad quraan ah ayay laabta ii degtay. Waayo qof madhibaan ah oo soomaaliya ku nool oo maanta diidi kara inuu dalka iskaga tego ma jiro. Waa sandulle, waaqaca ayaana ku sandulleeyay. Diyaarayadii ayaa cagaha laabatay oo jiho aanan garanayn meel ay ku beetantahay afka saartay. Daruuraha ay dhex jibaaxayso iyo sida ay daqiiqadu u idlaanayaan ayaad mooda in wax kasta oo laascaanood aan ku jeclaa ay iiga sii baxayaan. Weligay Laascaanood ma nicin. Si wal oo dhaqanka ajida aan u nacay weli ma nicin magaalada. Magaalado waa sidii qof oo kale, waxay leedahay ruux gob ah oo degan. Waxay u ekayd naag qaangaar ah oo af gaaban. Haddana maanta wax kasta waxay u egyihiin inay dhammanaayaan. 

Afartii galabnimo ayaan garoonka caalamiga Entebbe ee magaalada Kambaala ayay diyaaradii cagaha soo dhigatay. Garoonka roob yar o tumay ah baa ka da’aya. Dhulkuna waa dhalaalayaa, oo dadku wejiyadooda farxad iyo rayrayn baa ka muuqato. Balse angagu dadka waa ka duwanayn, anigu aan u darnaado. Aniga oo awalba nin madow ah ayaan beryihii u danbaysana caato sii noqday. Surwaal jeenis ah oo igu jactaday iyo shaar ay guluusyada sare u furanyihiin baan wataa. Timaha food wayn baa ii jaran oo yucub la moodo. Ragga kalena mid aniga waaba iga sii liitaa, ka kale ayaa na loogu qaatay. Waana isa soo daba galnay oo labadii nin oo garoonka nagu sugayay ayaan u nimi. Sida dadkaas kale ayaa wejiyadooda u iftamayaan oo dhoolacadayntu ugu joogtaa wejiyadooda sida dayax dhammays ah. Laba fooq oo dhanka galbeedka kaga yaal xaafada Kisenyi ayaanu degnay. Waa magaalo qabow oo jewigeeda mar kasta qurux badanyahay. Ubaxii rejada ee iniintiisa aan qalbigayga ku beeray ayaa hadda baxay oo caleemo yaryar oo jilacsan yeeshay. Welise ma uu qaangaarin ee jirridiisu ma aanay adkaan. Labadii wiil ee meesha hore u joogay ayaanu mid wada degnay. Nin aniga iga daran oo aad u xirxiran buu ahaa. Wuu qayili jirey, sigaarka iyo neeftiisuna isku mid bay ahaayeen oo mar kasta leetarka iyo sigaarku koomadiinka kama ay maqnaan jirin. Heeso aan markii hore ciyaar dhaqameed hawd laga ciyaaro aan u maleeyay buu dhegaysan jirey. Hawlihii qaxoontiga iyo qorshihii dhoofka oo dhan baan soo xaraysannay. Kaararkii qaxoontigana waa soo qaaday. Markaas ayaa biilkiina ii bilowday, oo wiilshii aan ilmaadeerka ahayn ee maraykan joogay, markii horena iyagu fikrada lahaa biilkii ii soo direen. Nolol qabow baa ii bilaabantay. Rejadu iyadu marba waa ay igu sii waynaataa, ilaa aan dhab u fahmay hawraar dhaqameed ay nayjeeriyaanku yiraahdaan oo ah rejadu waa tiirka nolosha. 

Guriga aan deganahay iyo aaggiisa kama fogaado. Makhaayada u dhow iyo dukaamo u dhow bes ayaan tagaa. Wakhti badan oo aan wax akhrin karo ayaan helay. Nolosha akhriska ayaan galay, oo sheekooyinka gaagaban ayaan akhriskooda bilaabay, sida sheekada Waxshi ee ibraahim Hawd qoray oo aan markii koowaad akhriyay. Hawd ayaan bartay maalmahaas oo yarka qolka ila degan maalin ii sheegay. Sidaas ayaa akhriska ku bilaabay. Anigu balwad kale ma lahayn, ee akhris iyo dhegaysi ayaan balwad ka dhigtay. Sheekooyin gaagaaban ee Ibraahim hawd oo dhan baan akhriyay, sida Jacaylkii Barni Seed, i deda, Dookhu waa cajiib, Samsam, iyo sheekadiisa gaaban ee haddana ugu dooda badan ee la yiraahdo Saddex nafood. Fanaaniin aanan iyaga horey u aqoon baan heesahooda bilaabay, sida Maandeeq, Saynab Cige. Markii horena fananiinta Cumar dhuule iyo Khadra daahir bes baan ka xiisayn jirey. In kasta oo aanan lahayn dhaqanka ah in fanaan keli la isku koobo. Anigu fanka nolol baan u aqaan oo marna doorasho ma gelin jirin. Luqad kale ma aqoon oo carrabi iyo ingiriis midna waxba kuma akhrin jirin. Sawaaxiliga oo aan dhowr erey oo aan wax ku iibsado ka bartay moojaane erey kale ma aqoon. 

Bishii u danbaysay sannadka ayaa maalin isniin ah na loo yeeray oo kiiskayagii in la aqbalay na loo sheegay, bisha maalinka u danbaysana aan dhoofayno. Raggii aad bay u farxeen. Aniguse waydiin baan iskula noqday, waxaan maalmahaas akhrin jirey halgankii madowga ee Maraykanka. Waxaa u danbeeyay qoraal uu Hawd soo tarjamay oo ka hadlaya halgankii madowga ee marakaynka iyo guulihii ay markii danbe gaareen. Weliba waxa aad ii saameeyay sida ay u dhabar adaygeen ee haddana ay maanta Maraykanka ugu yihiin awood aan la dhayalsan karin iyo dad dhalad ah. Waxaa sidoo kale igu madow erey aan iga bixin oo Mandela kaga tegay taariikhda halganka. Waa ereyga oranaya haddii aad adigu xorriyadaada hanato dadka kalena inay helaan ku feker oo taada oo keli yaanay ku dhibin. Maalinkaas farxad ayaa raggii kale ku qaabileen, balse anigu sidaas ma yeelin ee Baarleex oo aan baryahaas bartay baan dhaantadiisa dhegaysanayay. Waa dhantadiisii Herar iyo Hawaas. Isaga ayaan hanka igu beeray oo welwel iyo rejo kale igu sii abuuray. Baarleex sidayda oo kale isma uu dhiibin ee dadkiisa ayuu qaddiyadii gobanimo i dirirka kala sinnaa. Sidaasna ku qaatay boqorkii dhaantada. 

Bishu maanta waa 31, waa maalinkii u danbeeyay diseembar. Cid maqnayd ma soo laabato. Cid joogtayna ma tagto. Bisha anigu ma qiimayn karo, balse waxaan dareensanahay in dad badan u tahay bil caadi ah. Anigase rejo ayaa ii abuurantahay oo ubaxeedaa laamaha ka bixiyay qalbigayga dhexdiisa. Cid iga maqam ma jirto, cid aan sugayaana ma jirin ee waa bil dhammaanaysa, oo bi kale soo dhawaynaso. Keliya waxa ay la dhammaanaysaa welwelkii afrika, qolka madow aan deganahay iyo qayladii daami ka bixi jirtay makhribkii. Xilli casar ah ayaa saddexdii kale iyo labadayadii qolkaygii isugu yimaadeen. Berri ayaa la dhoofayaa oo cid kasta inay maalinkaa u faraxdo ayau go’aansatay. Qaad iyo sigaar aysan badankoodu cuni jirin bay soo qaateen. Hees cod dheerna waa la shiday. Ruugga ayaan u aastay oo inaan qayilo ma rabin. Dhowr jeer ayay igu celceliyaan inaan tijaabiyo. Markii koowaad qaadkii waan tufay inta uu qaraar ila noqday. Dabadeed xabad sigaar ah baan shiday. Marba soo dhaweeyaa, ilaa aan markii danbe afka saaray oo nuugay. Hal mar baan qufacay sidii gaashaanti markii koowaad shiishad ku cabaysa qolalka madmadow ee islii. Dabadeed waa la igu qoslay. Waan ku celiyay, ilaa aan qufacii joojiyay oo saddex xabo oo sigaar ah cabay. Caleemihii qaadka ayaan sii haabhaananayay marka ereyadu heesta iyo codka Saalax Qaasim uu kor u baxay. Jiibta ayaa is raacday oo ereyadu laabahayaga u xulayaan sida neecow qabow oo barkii salkii ka soo dhacaysa;

  • Waxaan jeedaaliyaba
  • Jalleeco hillaadiyo
  • Dabadeed ku jiciiirey hawd
  • Haddaan jeeraban lahaa
  • Hayaanka ku jacsiin lahaa
  • Jariyo gebi baa iga xiga
  • Jid baa ka sokeeya dheer.
  • Tallaba jeerin bay gashoo
  • Jeegaan baan is daawannaa
  • Iyaba jiilaalku helay..” 

Dabadeed hal mar baa jiibtu istaagatu, anigu intaan caleenta daanka ku qabtay baan ereyga u danbeeyay gaarkayga ugu luqeeyay.

  • Maxay jiriirrico dawayn 
  • Hadduu lumay wada jirkee
  • Jacaylka miyay bixin kartaa.

W/Q:- Abshir Cabdi Umal


SHARE