Home Curis Aabbihii Ambaday Q3AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Aabbihii Ambaday Q3AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
SHARE

Aabbihii Ambaday Q3AAD!

Idil oo awal hore ka werwersanayd arrimihiisa caafimaad iyo xaaladiisa nololeed ayaa haddana waxaa ku soo biirey in uusan dalkaba ku sii noolaan karin,Idil waa qof naxariis badan, dadnimo badan oo lagu barbaariyey dal iyo dad jacayl, waxaa aad ula xumaaday qof aan caafimaadkiisu hagaagsanayn, horena dhib iyo dhiiqo ugu jiray, in lagu celiyo meel uusan ammin dheer tegin, lana ogayn waxaa uu kala kulmi doono, waxaa ay is tustay in ay samayso qaab kasta oo ay ku badbaadin karo, kuna baajin karto in la celiyo isaga oo xaalkiisu sidan yahay.

Idil waxa ay la hadashay odayaal soomaaliyeed iyo qolyo arrimaha bulshada soomaaliyeed ee magaalada ka mid ahaa, waxa ayna u sheegtay, in nin soomaali ah oo haysta aqoonsiga dalka Holland uu yaallo xarunta daryeelka iyo caafimaadka ay ka hawlgasho, aysana jirin cid garanaysa, warbixintiisii oodhan ayay u sheegtay iyo in uu u baahan yahay gurmad soomaaliyeed si dadkiisi iyo xigaalkiisii loo helo, loona xanaaneeyo uu halkan uu u sii joogo inta uu cagihiisa isku taagayo, noqonayanna qof isagu kala dooran kara inuu joogo iyo inuu tago.

Odayaashi arrintii waa isu taageen, waagu markii beryeyna waxa ay ugu tageen booqasho iyadoo xaalkiisii suursanaanta aan waxba iska doorin, waxaase la waayey qof qudha oo garta ama meel ku sheega.Ugu dambayn wixii ay awoodeen ayay ku dhaqaaqeen, waxa ayna la hadleen Idil in ninka sidan xaalkiisu yahay aan dib loogu celin meeshii uu ka yimid ee si wanaagsan loo daryeelo, kaddibna isaga oo sidan dhaama lagu celiyo dalkiisa.

Idil arrintii waa oggolaatay waxa ayna dhambaal u dirtay Dr William oo ay u sheegtay sida wax u jiraan, Dr Williamna iyada ayuu u xilsaaray inay dhambaal iyo farriin u dirto ciidanka ugu yaraana ilaa laba toddobaad la siiyo ammin ah oo ay bukaanka ku daryeelaan, hadduu soo nabdaado iyo haddii kaleba. Arrintii waa soo dhaweeyeen qoladii ciidanka waana oggolaadaan iyadoo dadnimada iyo xaalka fayoqab ee bukaanka eegaya.

Markii intaasi dhacday ayay Idil ku wargelisay odayaashii Soomaaliyeed halka wax marayaan iyo sida ay uga halcelisay codsigoodi, waxaa odayaashi iyo waxgaradkii go’aansadeen in dalkii uu ka yimid, qaylodhaanta gaadhsiiyaan oo bal la baafiyo haddi ay jirto, cid garanaysa, ayaandarrose waxaa la waayey cid meel ku sheegta.

Odayaashi waxa ay mar kale ku soo noqdeen Idil una sheegeen in aan la hayn wax xigaal iyo aqoonin oo ninkaas garanaya ama meel ku sheega, sidaa awgeed odayaashi waxa  ay  isku daray Idil iyo wiil kale oo aad u firfircoonaa,  arrimaha bulshada soomaaliyeedna isagu hayey xilka guddoonka oo la yidhaahdo  Liibaan,  waxa ay la xidhiidheen, Hoyga Abbaanka dalka Holand( Safaaradda) ee ku yaalay magaalada Bern ee dalka Switzerland, waxa ayna ka codsadeen in balan looga sameeyo Ergayga si ay ugala hadlaan arrin ku saabsan Xaashi Cali.

Waxaa loo qabtay balan laba maalmood kaddib, kaddibna waxa ay arrintii u sheegaan, Qareen  Duulane oo isna magaalada la deganaa inuu bal wixii aqoon ah ee dhanka  xeerarka dalalka iyo sidii ninkan lagu baajin lahaa uu garab ka siiyo, isaguna aad buu u soo dhaweeyey.

Kaddib waxaa  si wadajir ah hawshii u galay, Drs Idil, Gud: Liibaan iyo Qareen Duulane oo isu xilqaamay garab istaaga ninkaas soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxa ay hadba meel tagaan, hadba qolo codsi u diraanba, waxa ay ku guuleysteen in ninkaan helo, Qareenno kale oo u dooda, sidaasna waxaa loogu soo cusbooneysiiyey aqoonsigiisi iyo dalku galkii uu ku lahaa, Holland, waxaa kale oo la siiyey, deganaanshiiyo dalka Swiska oo hal gu’ ah.

Qolyaha gargaarka bulshada(Caydha) ayaa  la wareegay hawlihiisa dhaqaale iyaga oo caafimaadkiisa iyo daryeelkiisa

Halkaas ayaa Xaashi kaga badbaaday in dib loo celiyo, arrimihiisana ay faraha kala baxeen ciidanka iyo laanta socdaalka, balse weli xaalkiisa caafimaad isma doorin, waxaa uunna miyir daboolnaa ammin gaadheysa ilaa bil iyo badh.

Idil hadba wax ay kormeerto, intaasna baadi goob ugu jirto inay hesho, cid garata iyada oo meelo badan u martay, baraha bulshada ku faafisay, waa ay weyday qof meel ku sheega, waayo muuqaalkiisa ayaa aad isu dhalan rogey, qofkii hore u yaqaanay baanay u suuragelay inuu garto

Maalintii dambe ayaa goor galabnima ah Idil Xashi oo soo gashay shaqada, waxa loo sheegay in Xaashi uu soo baraarugay  welise uusan  si quman wax u kala garanayn, Idil ayaa si  halhaleel ah ugu dhaqaaqday qolkii uu jiifay,  markii ay usoo gashay ayey aragtay isaga oo indhaha kala haya, aad ayay ugu obsiday uguna riyaaqday in eebbe dedaalkii ku guuleeyey oo uu indhaha kala furay.

Xaashi waxaa ka muuqda daal badan iyo inuusan hadalka karayn oo carabkiisa dawooyinkii la siinayey iyo aamusnaantii amminta dheer ku reebeen, raad, Idil ayaa Af soomaali quman kula hadashay:  Adeer Xaashi side tahay? Xaalkaaga ka warran?.

Xaashi waa maqlay hadalkan debecsan ee gabadha, balse dhanxannaga hadal aan soo dhaafay oo aad u hooseeya ayuu ku dhawaaqay, waa u dhawaatey oo dhegta ayay afkiisa u dhaweysay, waxbase kama aysan garan.

Kolkaasay fartay qolyihii kalkaaliyayaasha in qolkan gaarka ah laga saaro, qalabkana kuwo badan oo ka mid ah laga furo qol kalena loo diyaariyo, waana ay ka tagtay oo waxa ay durtadiiba u dirtey wacaal, odayaashi iyo qolyihii kale ee ay arrinta hore ugu sheegtay, waa la wada obsiyey, waxaanna maalintaas eebbe bari looga sameeyey, Masaajidkii ay odayaashu ku tukan jireen in eebbe fayoqab siiyo kana dulqaado dhibka haysta.

Xaashi waa uu dareemay in gabadha u adeegaysa ee Drs  ahi tahay soomaali, laftiisu nabdiga ayuu uga riyaaqey, waana ku dareen samaaday in qof dadkiisa ahi gacanta ku hayo,  ma oga Xaashi meesha la keenay iyo waxa ku dhacay, welina ma garan  xaalku sida uu yahay,  hurdadiisi ayuu iskaga noqday.

Idil habeenkii markay shaqada dhammeysay ayay hooyadeed uga sheekaysay xaalka odayga oo ay hore ula wadaagtay, Hooyadeed Cudbi waa qofta naxariista iyo gobonnimada ku barbaarisaye, way ku boggaadisay hawsha ay qabatay, waxa ayna tidhi: Hooyo Koraadeey,  saw kuma aanan odhan jirey weligay noqo mid loo aayo, eeg waa kaa aqoontaadii manta dadkaagu u aayey, ciddina maanta  odaygaa soomaaliyeed intaad u qabatay uma qabteen,  eebbe ha kula garab galee, ka war hay, waxaa laga yaaba inuusan dad iyo ubad lahayne, u naxariiso oo si wanaagsan uga war haay.

Idilna iyadoo aad ugu bogsan ammaanta hooyadeed ayey ugu warcelisay: Hooyo wax walba oo wanaagsan adiga ayaan kaa bartay,  naxariista dadka liita iyo danyarta, waxaan xasuustaa mararka qaarkood, innaga oo aan waxba haysan inaad  raashinka yare ee noo yaal dad innaga daran aad u huri jirtey.

Hooyo Cudbi ayaa tidhi: Hooyo marka aad samo fasho ayaa eebbe kuu samo falaa, markaas wax baxsato ayaa eebbe wax ku siiyaa, markaad naxariisato ayaa eebbe kuu naxariista,  weligaa qof dhibaateysan cidla hawga dhaqaaqin, adigoon abaal iyo arrin kale  ka lahayn, adiguna dhibtoon maysid weligaana murugo arki maysid.

Dardaarankii markay hooyo Cudbi dhammeysay ayey is nabadgelyeeyeen iyada iyo gabadheeda oo isku riyaaqsan.

Idil, waxaa  heerka ay joogto ay ku gaadhay waa Eebbe bariga hooyadeed iyo qofnimada wanaagsan ee hooyo Cudbi oo dhibaato badan la soo martay, Cudbi waa qof waayo arag ah, noloshana  dhib iyo raxanraad ku soo martay waase qof ad adag oo kartideeda waayo badan iyo maalmo qadhaadhaa ku soo dhaaftay.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE