Home Qoraallo Nabar Qarsoon W/Q:- Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

Nabar Qarsoon W/Q:- Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

0
SHARE

Nabar Qarsoon

Saddex saacadood ayey saf ugu jirtaa, sidii ay u qaadan lahayd kaar cunta lagu siinayo. Inkastoo ay Waris ammin danbe timid, haddana boos dhexe ayey heshay. Dadka inta badan dhulka wax kama xigaan. Geedka weyn hoostiisa waxaa iskugu yimid wejiyaal macna badan. Wejiyo rajo, quus, yididdiilo, tiiraanyo iyo tabasho ku sawiran tahay. Dadka geedka fadhiya indhahooda waxay ku maqan yihiin ninka hankooda baahi ku xirmay ee karaararka raashinka qaybinaya. Wuxuu ku mashquulsan yahay dad yaroo loo oggolaaday inay gaaraan albaabka weyn agtiisa. Safka hore waxaa fadhiya islaan waayeel ah iyo gabadheeda oo ilma yar sidata. Labadoodaba ciiddeey fadhiyaan. Wiil laba bir labada kilkilo ugu jirto ayaa geedka weyn salkiisa ku tiirsan. Wejigiisa baaba’a ah ayuu ku eegayaa ninka dadka yeerinaya. Waxaa ka horreeya oday ku fadhiya kurisga naafada. Inkastoo uu kursi ku soconayo, haddana isagaa ugu weji roon inta safka ku jirta.

Qofkuu eegaba waa u muusoonayaa. Waris waxay korka ku haysaa Sahal. Waa kaw iyo toban jir, balse, dhaqamadiisa waxaa loo kontaroolayaa sidii afar jir. Maalinkuu toddoba jiray ayey noloshiisu is beddeshay. Shil ay ku dhinteen walaalihiis ayey ka soo hareen, isaga iyo aabbihiis; inkastoo markii danbe aabbihiis u dhintay dhaawicii. Shilkaas ayaa Sahal uga tagay naafa-ruuxeed. Nin da’ dhexaad ah oo kaar qoorta ugu jiro ayaa soo aaday geedka weyn xaggiisa. Hareerihiisa waxaa socday gacan-yarayaashiisa oo weji aqoon badan loo daba yaacayo. Weji aan giir lahayn markuu ku eegay maatada baahan ayuu cod kore ku yiri: “Kaarku wuu go’ay sidii shalay, balse, maanta way ka geddisan tahay shalay. Kaar la iskugu soo noqonayo ma jiro. Maanta ayey ku ekeyd kaar qaybintu.” Tabaaleysanayaashii waa naxeen, xanaaqeen, quusteen oo qayliyeen. Bullaan baa billawday. “Xaq ma lihin miyaa? Yaa innaga tabar yar oo innaga mudan kaalmo? Caddaalad ma jirto miyaa? Shalay maxaad noo ballamisay, haddaadan wax noo hayn? Isku quuso, haddii uusan meesha qof kuu joogin.” Dooddooda ma dhegaysan ee hal kaar oo u soo haray ayuu siisay islaan uu u farmuuqay qof hagayay. Dadka dhan uurkay ka habaareen afkana ka haaraameen. Funaanadda kuleetiga leh ee uu xirnaa inta uu guluuska kore furay oo labada garab u kala jiiday ayuu caag caafi ah oo loo keenay qurquro uga jeestay.

Waris waxay hagaajinaysay Sahal oo kaadi soo dhaaftay, markii lays fasaxayay. Mara dheeraad ah oo ay u wadday inteey ku masaxday qaarkiisa danbe ayey tii kale laabtay. Markii ay siisay cabitaan, ayuu suulka afka gashaday oo korkeeda isku duugay. Indhihiisoo baalasha isa sii gelinaya ayuu dhoollacaddeeyay. Dhoollacadayntiisa ayaa raxmad kale ku sii beertay Waris. Markeeda ayey dhoollacaddayn run iyo raalli ah muusannootay. Haddana, walaac iyo welwel ayaa uga daba-maray. Markii ay Sahal ka soo jeesatay, ayey indha bayhoofsan ku eegtay buuqii dhacayay. Way garatay in ay hungoobeen mar kale. Maryahay ururinaysay, markay qalbiga iskala hadlaysay. ‘Wax kasta ha igu qaadatee, maanta waa inaan helaa kaarkaas. Meel aan u noqdo igama horrayso. Cunuggan kama shaqayn karo, haddana guriga iskama joogi karo. Dantu waxay i badday in aan raashin saf u galo.’ Intay isla hadlaysay ayuu soo garab maray odaygii kursiga ku socday. Dadkii iyagoo caro iyo quus la dalanbaabinaya ayey ka yaraadeen geedka hoostiisa. Intii soo hartayna, askar baa kicisay oo qorraxda u saartay.

Waris markay istaag lahayd, ayey aragtay Sahal oo hurda dheer ku jira. Askarigii kor taagnaa bay ka codsatay in uu sugo intuu ka toosayo. Waa ka diiday oo gogosha dhinacay fadhisay ma ahan ee dhinica kale ayuu ka soo laabay. Askari kale ayaa arkay hooyada kici la’. Intuu soo istaagay ayuu fadiyay gogosha intii laabnayd. “Ma aragtid miyaa ilmaha yar ee hurda!” ayuu cod aysan canaani ka marnayn ku yiri. “Taliyahaa amray in meesha la banneeyo.” ayuu isku difaacay kana dhaqaaqay. Markay u mahadcelisay askariga abaalka u galay ayey weyddiisay sida kaarka lagu heli karo. Haddii aan isxaan kuugu sameeyay cunugga yar ee xanuunsan, boqollaal baahiyood miyaad igu soo furtay ayuu hadalkiisa u ekaa. Waxay si duraansasho ah u weyddiisay xalkii ay ku heli lahayd kaar. “Walaalow cunuggaas xanuunsan ee aad u jeeddo ayaan hayaa, hooyaday oo waayeel ahna gurigay igu sugaysaa. Cid aan Ilaahay ahayn oo aan maanta wax ka sugayno ma jirto ee igu caawi sidii aan ku heli lahaa kaarka. Igala hadal ninka kaararka qaybiya.” ayey u tiri: si calaacal ah. Hadalkeedaa dabciyay oo dareengeliyay. Cabbaar markuu fikir la fooraray ayuu cod hoose ku yiri: “Dhageyso! Ninkan kama helaysid wax ixsaan ah. Haddaad joogayso ilaa casarradii, booskaan kuu gaynayaa.” Laba mar ayey dhinacyada eegtay.

Amminka dheer iyo baahida haysa ayey gedgeddisay. Go’aan ay qaadato ayaa ku adkaaday. Haddana, naxariis ka raadisay. “Walaalow, ilmhan xanuunsan waan wadaa, hooyaday oo cutiyana kaligeed baan guri ku soo dhaafay, sidaan kuu sheegay, ayey si beerlaxawsi ah ugu soo celisay hadalkeedii. Wuxuu u eegay si adag. “Haddaad booska iiga dhammayn karto, kaarka iiga qaad.” ayey daymadiisa canaanta ah uga jawaabtay. Dhawr mar ayuu damcay in uu dhaqaaqo. Isagoo eegaya dhankuu aadi lahaa ayuu yiri: “Ninka haddaad u tagayso, waan kaala hadlayaa, una sheegayaa dhibtaada. Haddii aadan karinna, risaqa Ilaahay waa badan yahay. Amaana Alla.” Markay aragtay in uu baxayo ayey tiri: “Waa yahay ee ila kulansii booska.” Markuu askarigu sii dhaqaaqayay ayuu soo toosay Sahal. Maradii saddexaad ayaa laga beddelay. Buskudka dareera ah ayey siisay. Hal mar markuu afka geliyay ayuu tuuray. Labada gacan intay labada dhinac ka marisay ayey bogga gilisay. Gaajo iyo harraad bay saacada kale la fadhisay geedka hoostiisa. Duhur baa laga yimid. Casar baa la aaday. Galab baa goorteedii la gaaray. Mar dambe ayuu u yimid askarigii ay dhawraysay.

“Booska marti baa sugaysa ee ciyow soo gabagabay baahidaada” ayuu ogaysiis iyo amarba ugu sheegay. Iyadoo Sahal ku caawinaysa in uu istaago ayey uurka ka baartay erayada ay ku dhihi doonto booska. Askarigii baa horkacay. Qol gadaale ayuu albaabkiisa istaagay oo idin weyddiistay. “Soo gudub.” ayuu yiri: cod gudaha ku jira. Askarigii baa gadaal u soo eegay Waris, iyadoo ku mashquulsan kab Sahal ka siibatay. Markay gudaha u gashay qolka ayuu jirkeeda dareemay neecawda qabow ee qolka. Wejigeeda ayaa ku dhacay wejiga Xasan. Naxdin iyo farxad ayuu Xasan hubsatay wejiga Waris. Ilkihiisii muuqday ayaa qarsoomay, isagoo dib-u-gurasho aan ku talaggal ahayn sameeyay. In ay tahay Waristu, tii uu garanayay ee uu eegmadeeda u ku istareexi jiray ayuu is beeniyay. Quruxdeedii ayaa dhalan-rog ku dhacay. Muuqaalkeedii waxaa ka jooga dhererkeeda. Markeeday ka galiilyootay aragtidiisa. Waris xanuun ku abaaday baa saaqay. Ilmaheedii ay shilka ku weysay. Ninkeedii raacay. Dhibaataduu amminku gaarsiisay. Hiirtaanyada waayaha, nabar uga xanuun badan aragtida Xasan ma jirin.

Xanuun xanfaf leh baa oogadeeda ku faafay. Aragtidiisaa garashada u gudbisay dareen hadimo leh… Dareenkii baa isu beddelay xusuus tabaalaysan. “Waris. Warisay walaal. Waris intee ku noolayd! Waris maxaa sidaan kuu beddelay?” araggeeda liitaa qalbigiisa gilgilay. Markii ay Sahal firiisisay ayey qalbi basaasan ka gubasha-oyday. Xasan markuu fasaxay asakariga ayuu soo istaagay oo soo dhinac fadhiistay kuraasta suufka ah ay Sahal iyo Waris fadhiyeen. “Warisay hadal. Akhbaartaada waan waayay. Ma adigaa dhalay wiilkan yar? Indha cawlan oo god ku jira ayey ku golongol-eegtay. ‘Maxaa sidaas iigu gashay. Maxaad iiga tagtay? Maxaad ii xumaysay… Maxaad ii khiyaantay? Maxaad u iibsatay kalsoonidii dhexdeenna ahayd? Maxaad… Maxaad…’ ayey ku gubtaanyo weyddiinaysay eegmo eed xambaarsan. Eed gar ah, balse, aan goorteedii la joojin. Eegmadeeda maquunadaha ayaa garbaduubtay hadalkiisa wareysiga hillowsan ah. Iyadoo eegaysa wali, eegmadii fogayd ayey soo tuftay, su’aal uurkeeda holac-karaya dhex tafaysay: “Maxaad sidaas iigu samaysay?” ayey ku tiri: cod hoose oo ilmaynaya. Wuu xusuustaa, markii arooskooda la gangaamay, siduu uga xiriir goostay Waris. Sidii ay u kale irdhoobeen. Sidii uu waayahu mid meel ugu waabay.

Wuu ogyahay In Waris laga gardarraa. In uusan ogaysiin markuu ka tagayay, balse, in uu gafkiisa marmarsiinyo u yeelo ayuu go’aansaday. “Hooyaday miyaan ka safan lahaa?” ayuu isku difaacay. “Markaad i goynaysay, soo ma ahayn in aad dhageysato doodda dhinacayga?” ayey ku garnaqsatay. “Noloshadaadu xaggay ku dambaysay?” ayuu uga gaabsaday sooyaalka godobaysan. “Intaad raaxada gama’sanayd, rafaad baan la wareegay. Waa kaas maanta na keenay hoostaada. Ilmahan xanuunsan ee aad u jeeddo ayaa ka haray carruurtaydii” ayey si gocasho leh u tiri: fikir ayuu la soofay. In uu gargaarteeyo ayuu isku guubaabiyey., nabdiga ayuu ka qorsheeyay, siduu u dhinac istaagi lahaa. Warisna Sahalay laabta gashatay, iyadoo talo iyo tabarba ay ku yar tahay. Gacantiisa hawada qolka qaboojisay ayuu salaam ugu soo taagay. Iyadoo tiiraanyo-eegaysa ayey salaanta ka qaadday, gacan haragga maqaarkeeda gaatiroobay. “Xaggayga ayaa tihiin, gasiin iyo gogolba waan idiin fidiyay” ayuu yiri: isagoo eegaya wejigeeda darxumada, diihaalka iyo duruufta ka muuqato. Intuu hadalka waday ayey xusuus anguubyootay. Markii ay u hinqatay in ay hadasho ayuu Sahal ka sibxaday korkeeda. Xasan iyo Warisba waxay isla qabteen Sahal.

W/Q: Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

SHARE