Home Qoraallo ISMA LAHEYN W/Q: Cabdikariim Cabdulle (Abka jallaato)

ISMA LAHEYN W/Q: Cabdikariim Cabdulle (Abka jallaato)

0
SHARE

Isma laheyn

Marnaba isma laheyn Idil Siyaad ayaad is waayi doontaan godka mooyee, kuma fikirin in ay nin kale xaaskiisa noqon doonto calafku waa halkiisee. Waxaan aheyn degaan wadaag, inkastoo aan ka gu’ weynaa haddana dumarka korriinsho ahaan wiilasha ayagaa ka hor mara, marka loo fiiriyo laba dhinac, marka koobaad: Gabadha agabkeeda iyo adeeggeeda guurku dukaanka ayuu diyaar ku yahay. Marka labaad: Wiilku asiga ayey diyaarin  ka sugayaan waxkasta oo lagama maarmaan u ah aqal-galkiisa. Wiilku marka uu guur haweysto su’aasha ugu horreysa ee la weyddiinayo ayaa ah: maxaad xoolo heysataa? Maxaad reerka ku dhaqi doontaa ileyn qof dhan ayaad mas’uuliyaddeeda dusha saaraneysaa waana waajib Alle ku dulsaaraye?. Halka gabadha la su’aalayo hal su’aal kaliya oo ah waa imisa meherkaagu? Si kastaba arrinku ha ahaadee markii aan dugsiga sare dhiganaayay Idil dugsiga hoose ayey dhiganeysay xiriirkeenna jaceyl waxa uu ku billaawday si lama filaan ah.

Waxay aheyd goor duhur ah oo ay qorraxdu  dhallada noo joogto, qof walba tiisa ayuu la ciirciirayay ardaydii oo mar qura la soo wada daayay ayaa koox koox u yaacaya, cid walba gurigeeda iyo halkii ay qadada ku laheyd ayey u socotaa, qaar badan ayaa ku xoonsan miisaska iskuulka hortiisa yaalla iyo gaari gacanno ay qudaar ku camiran tahay, meel aan saa iiga fogeyn ayey laba gabdhood feer iyo laad isku qaad qaadeen, labaduba waxay xiran-yihiin dhar Jaalle ah, waxaan ka mid noqday; dadkii ku soo orday ee rabay in ay gabdhaha kala celiyaan, wiil ka mid ahaa ardaydii dugsiga sare oo iga soo horreeyay labo tallaabo ayaa aqoonsaday gabadha dhulka lagu rifaayo in ay walaashiis tahay, markaas ayuu haraanti uga dul kacshay intaa ugama harin ee waa la sii daba kacay asagoo leh; walaasheey naa soo kac oo juci naagta!. Aniga waa la i madax qaaday, ma arkin gabadha uu wiilku dilayay in ay idil aheyd, balse, dammiirka ayaase i siin waayay falka uu ninkaani ku kacay inaan gacmaha ka laabto sidii uu  halgaaday gabadha miskiinta ah ee asaaggeed la dagaaleysay, si ka ba’an ayaan u garaacay, waliba dadkii meesha joogay ay igu sii dhiirri galiyeen inaan naf uga tagin oo aan si xun u jilciyo, markii uu nafta u yaabay ayuu ku cataabay waa i gaadday ee haddii aad rag tahay is keenna sii.

Intaas ka dib, aniguna inta dib uga gurtay baan ku iri: soo daa waxaad heyso! markuu indhaha saaray inaan ka istaagay ayuu cararay, dhanka kale, Idil oo gabartii shinni camal u cuntay oo dadku ku daawanaayaan ayaan ka soo dul qabtay waaba idil markaasey isku key duubtay ayadoo  leh! Aboowoow! i daa aan ka gooyee intuu wiilku igu dhuftay. Halkii ayaan shaarkeyga u siibay maaddaama shaarkeedii uu dagaalka ku jeexjeexmay anigoo feero qaawan ayaan  buugaagteedi iyo kuweygiiba isku wada, ayaa qeylo dhaan gadaasheenna ka yeertay hayeey! war ka cararaay, haddaan sidaa u fiirshay waa wiilkii iyo aabbihii, walaalihiis hooyadiis iyo cidaha dariskooda ah oo dhan. Naftu orod bay kugu aamintaaye Idil intaan gacanta ka qabsaday ayaan orod isa sii deynay. Wax yar markii aan sii ordeynay ayaguna ay na daba dudaayaan ayaa horteyda waxaa ka soo muuqday col kale,  hayaay! xaaji Macoow Xanjeelo xaajadii waa xummaatay naxdin! Allow yaa shimbir idinka dhigo aad buubtiine!. Colkaan horteyda ka soo baxay; waa idil Aabbaheed iyo adeerradeed, walaalaheed iyo dadkii xaafadda oo aan hal ka soo harin markii loo sheegay;  gabadhoodii idil aheyd in la meyd garaacay aysanna naf ku gaareyn!.

Buuggaagtii inta u dhiibay ayaan dhabarka marsaday inta iska key filiqday ayey tiri: inteed buug iigu dhiibee hal meel ayaan ku wada dhimmaneynaaye. Dadkii na eryanaayay cidda wiilka maahan ee intii kale gees ayey u leexdeen soomaali iyo war jecli waayee, waaba dad soo daawasho tagay. Markii saf iyo saf leysku hor istaagay labadii oday ayaa is aqoonsaday waryaa hebeloow ma adigaa  iyo ma adigaa baa ka dhacday. Ayadoon wali labada dhinac dhan loo badan waa kan Guulwade seeri la buubaayo, fadhiista qof nuuxsan karo ma jiro! Dadkii labo qeyb ayuu u kala saaray, isla markaana firinbi xarig qoorta ula surnaa ayuu laba goor  biib biib siiyey, ka dibna dadkii qaar ku yiri: xagga istaag  saldhigaan idin geynayaa car iyo wir yaa is dhaqaajiyo! Macaanaa marka sharcigu sarreeyo qof nuuxsadaana la waayo.

Idil adeerkeed oo saddex Xiddigle ah ayaa ku jira dadkii soo gurmaday markii warka dhiillada ah loo geeyay oo macawiis iyo garan wata iyo kobohii askarta ee buutka ahaa, guulwadihii buu ku yiri: nin karmeed! shaqo wacan baad qabatay xilli laguu baahnaa waana isku sheegyay. Waxa uu ku yiri: guulwadihii haddaad xaal mastuur ku dhameysaneysaan oggoli, balse, ciyaalka fidnadaan kiciyay waa in la ciqaabaa magaaladey saxmad ka dhigeen si aysan mar danbe ugu dhiirran tan oo kale waa in la marsiiyaa jarrib. Maalinkaa maalin daran bay aheyd  dad waaweyn baa isku bus beeli gaaray, si kastaba arrinku  ha ahaadee odayadii labada reer ayaa xalliyay galabkii aniga iyo wiilkiina waa is gacan qaadnay ilaa iyo amminkaas wixii ka danbeeyay aniga iyo idil waxaan noqonnay far iyo faraanti ilaa reerkooda ay is keen siiyeen si dadban macnaha anigaa la igu ogaa oo maba leygu xaman jirin. Dugsiga  sare markii aan dhammeeyay, reerkeenna ayaa qorsheystay inaan jaamacad dibadda ah ay ii diraan, halkaasna aan waxbarashada kusoo idleysto, maaddaama ay iiga shakisnaayeen in aan Idil awgeed aan maya! U dhihi doono jidkaas waaba la iga sii xiray, taasoo caqabad igu noqotay meel aan uga baxsadana aan waayay, kaddib, markii ay ii soo mareen reerkeena dhanka Idil, reerkeygii oo ay Idil Aabaanduule u tahay difaaceygii waa nin daad qaaday xumbo cuskay waa qorshe degsan oo meel looga xaluushaa jirin.

Qorshihii dhoofka

Idil waxa ay raalli ku noqotay: inaan marka hore waxbarashada soo dhammeysto, kaddibna, aan aroos galno taas oo aan u arkay  kala fogaanshaheenna in dhib ka imaan karo haddana jaceylka iyo kalsoonida aan ku qabo, inkastoo aan ka afeeftay waan  ka oggolaaday.

  • Nin jaceyl la ilmeeyay
  • Ku jujuubay naftiisa
  • Meelaan Idil joogin
  • Jabka uu filanaayiyo
  • Guusha uu jarinaayo
  • Jaaniskooda ma fiicno.
  • Jugta waan qarsanaayee
  • Marna maanan jecleysan
  • Jowharaddii nafteyda
  • Meelaan uga jeedin
  • Inaan jiifto habeenno.

Erayadaas waxa ay ahaayeen kuwa qalbiga iga damqinaaya, balse, runta cagta ku haaya, waayo, “ragna qowl ayaa xira dumarna meher” soomaalida ayaa tiraahda: teeda kalena soomaalidu been ma maahmaahdo ee waa ay been hadashaa, waxaa la yiri: “KAS DUMAR OO KADALLOB RAG KAAGA DANBEEYAY kaad ku ogeyd ma aha”.


W/Q: Cabdikariim Cabdulle (Abka jallaato)

SHARE