Home Curis Aabbihii Ambaday Q4AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Aabbihii Ambaday Q4AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
SHARE

Aabbihii Ambaday Q4AAD!

Xaashi waxa uu u soo nabdaaday si wanaagsan, miyirkiisiina waa soo wada noqday, waagu markii uu beryay ayaa kalkaalisadii ugu tagtay isagoo indhaha kala haya, waxa ayna u sheegtay in meeshan la keenay oo jug gaadhay, haddase uu aad u wanaagsan yahay oo lagu dedaalay,  wixii warbixin ah ee intaas dheerna Dhakhtaradda hawshiisa gacanta ku hayaa la wadaagi doonaan.

Idilna sidii dhaqanka u ahayd waxa ay soo gashay ammintii ay hawsha bilaabi jirtay, waxaa  ay lugta soo marisay guud ahaan bukaannadii iyadoo ku hormartay kuwii cusbnaa ee la keenay intay shaqada ka maqnay si ay ula kowsato, xaalkoodana u ogaato, kaddibna waxa ay kulmeen Kalkaaliso Batrizia oo warbixinta Xaashi siisay.

Markiiba waa is raaceen waxa ayna tageen qolkii Xaashi ku jiray,  Xaashi saaka waa nin maankiisu dhan yahay, inkastoo daal  badan iyo dawooyinkii ku sii jiraan haddana  si quman ayuu bariidada uga qaaday,  markii gabadhu warbixinta dhammeystay ayay Xaashi weydiisay, maxaad cunaysaa oo saaka aan Af fur kuugu keenaa,  Idil waxa ay la yaabtay sida uu u yaqaan Af Jarmalka oo aysan ka maleysanaynin, waxaa uuna dhiibtay  codsigiisa Af furka iyo hadhiimadaba waa habdhaqanka xarunta in maalin walba dhammaan waxaad cunayso mar lagaa wada qaado.

Kaddib waxaa isku soo hadhay Idil iyo Xaashi, Idilna waxa ay kula hadashay Af soomaali, si wanaagsan ayay uga warbixisay sida wax u gaadheen iyo hadda in aysan naftiisu halis ku jirin oo uu aad u soo kabtay, jugta madaxuna aysan wax dhibaabe ah keeni doonin, sidoo kale waxa ay uga warrantey intuu meesha ku jiray  in ciidan yimaadeen, aqoonsigiisuna dhacsanaa sidaa awgeed ay  fareen in marka aad soo nabdaado lagu celin doono,  balse arrintaas  xaalkaaga fayo qab oo adkaa ay gurmad ka galeen iyada iyo bulshada soomaaliyeed, haddana  waaxda gargaarka iyo kaalmeynta dadka ee dalkani arrinkiisa la wareegtay.

Aqoonsigiisana loo soo cusboonaysiiyey, haddana uusan waxba ka werwerin, inay hadda wici doonto qoladii waaxda gargaarka arrinkaagana kala hadlayso in ay  meel aad degto kuu diyaariyaan iyo in aad halkan sii joogayso qayb kale oo lagama maarmaan ay tahay in aad marto.

Xaashi oo intaas afkeeda dhawrayey, haa iyo hmm keliyana warcelintiisu ahayd, aadna ula dhacay gabadhan soomaaliyeed dedaalka ay ku bixisay iyo hiilka ay u gashay, kuna dareensan sida wanaagsan ee loo barbaariyey ayna uga muuqato soomaali jacaylka, maxaa yeelay eray walba oo ay tidhaahdo, Adeer ayaa ugu horreeya.

Xaashi ayaa u mahadceliyey, waxaa uunna u sheegay in dalkan uu in doora joogay, balse qaabdarrona ku soo galay, qaabdarrona la joogay oo arrinkiisu uusan qumanayn,  waxaa uu u sheegay saddex gu’ ka hor in isaga iyo rag kale oo madoow iyo caddaan ah inay gaadhi dalka ku soo galeen, intaasna hawshiisa uu iska watay habeenba meel lagu hoyanayey, ugu dambayn dadkii iyo raggii inay kala hadaafeen, balse ay jirtay haweenay caddaan ah oo ay is barteen uu la deganaa, gurigeedana ku hoyan jiray,  haweenaydiina inay  ismaan dhaaf dhexmaray oo markii dambe ay bannaanka soo dhigtay. Arrintaasina ay ahayd midda keentay inuu aad u cabay kaddibna uu galay shilkaan.

Xaashi oo foolkiisa murugo ka muuqato ayaa yidhi: Adeer ismaba lahayn dad soomaaliyeed oo wax kugu falayaa jira, nin da’ daydaas ah oo maanlaawe ah, Balwad iyo dan la’aanna isu dhiibay, waan kaaga mahadcelinayaa hiilkaaga iyo garabgalkaaga, haddana waxaan filayaa haddaad qoladaa la hadasho, haddaan helo meel aan dego, waa iska xoogsan karayaa.

Idil ayaa weydiisay in dalkii uu ka yimid ay u joogaan, dad xigaal, gacal, ubad Oori iwm?

Xaashi ayaa intuu dhoolla caddeeyey yidhi,  Adeer maya cidna iima joogaan, waagaas dalkaas imina ma dhaweyn  mana ahayn  nin bulshada soomaaliyeed ee dalkaas joogta  xidhiidh la leh oo ku dhex jira, waxaan ahaan gooni daaq, sidaa awgeed imaba garanayaan, waxaan aad ugu milmay bulshada dalka degan iyo dadka kale ee shisheeyaha ah.

Idi loo la yaaban arrinkiisa ayaa tidhi: Dhib ma leh, caano daatay dabadeed la qabaye, hadda haddiiba aad halkan sii deganaato, waxaan kugula talin lahaa inaad dadkaaga ku xidhnaato oo dhex gasho, waayo cid meel kugu  sheegtaama jirto, haddii ay jiraan dad aad la xidhiidhayso oo meelo kale jooga, walaal ama gacal kale waxaan kuu keenayaa Alan gacmeed aad kala xidhiidho, haddana dawooyinka joogtee,  waxaan gelaya hawshaada kale,  fayo qab ayaanan eebbe kaaga baryayaa.

Xaashi ayaa yidhi: Mahadsanid Adeer waxaad tahay qof wanaagsan, naxariistaada iyo dadnimadaa ayaaba isoo xasuusey hooyaday iyo dadkaygii wanaagsanaa ee soomaalida, Adeer ii keen, waxaan isku dayayaa dad ay waah ore iigu dambaysay oo xigaalkay ah inaan waco, arrinkaygana u sheego.

Idil aad ayay uga murugootey arrinkiisa ninkaan odayga ah ee in ka badan  soddon gu iyo dheeraad  aan lahayn ubadka iyo oorida, gacal iyo xigaalkiisana meel ku sheegin ee noloshiisu leel iyo silica tahay, haddana Idil waa qof aad u garasho badan ee waxa ay soo xasuusatay in uu u sheegay in uu dibadda ku yimid dhallinyaronimo ayna la fogaatay, haddana  uu garab u baahan yahay mid fayadiisa dhawra iyo mid dib u soo nooleeya hab nololeedkiisa, oo dhabahan qalloocan ka soo weeciya.

Idil waxa ay go’aansatay inaysan cidla kaga dhaqaaqine ay badbaadiso, iyadoo soomaalinnimo iyo aadminnimo ku riixayso, waxa ay la hadashay qoladii gargaarka waxa ayna u sheegtay inuu u baahan yahay xannaano gaar ah iyo in jidhkiisa lagala dagaallamo HALAAJIDA(Alkoolada) in la geeyo qaybta dejinta iyo xannaanada iyaguna ay bixiyaan wixii dhaqaale ah Idil ahaanna ay si gaar ah arrinkiisa ula socon doonto.

Qoladii waxa ay ku yidhaahdeen, naga warsug laba maalmood kaddib ayaa go’aan ku soo siinaynaa,  sidaas ayayna ku kala tageen.

Waxaa  ammin kaddib meeshii yimid laba Oday oo soomaali ah iyo Liibaan, waxa ayna u tageen Idil iyagoo arrinka Xaashi ka wareysanayaa, Idilna waxa ay u geysay, Xaashi oo bedqaba,  Ayaandarro soomaalidu isku deegaan maaha, Labada oday iyo Liibaan midkoona ma garan waa dad soomaalinimo isu keentay, Labada Oday waxa ay ka kala yimaadeen, Gobollada waqooyi iyo Galbeed, halka Liibaanna ka yimid  Koonfurta dhaw.

Sidaa awgeed ma garan karaa cidda iyo xigaalka ugu dhaw, waa wareysteen, waxa ayna u keeneen dhar iyo agab kale oo ay is lahaayeen waa u baahan yahay, waa is barteen, waxna ma aysan sii weydiin iyagoo og xaalkiisa guud.

Xaashi waa uu rumaysan waayey in dad aan aqoon weligiisna arag ay soomaalinnimo ugu soo gurmadeen, waxaa kale oo uu aad ugu riyaaqay, gacalnimada, gargaarka iyo soomaalinimada loo muujiyey,  wax badan ayay arrintani ka doorisay nacaybkii iyo fogaanshihii kaga jiray dadkiisa oo markii hore uu u arkayey inaysan ahayn bulsho la sheegto ama lala noolaan karo.

La soco qaybaha kale……

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE