Home Curis Aabbihii Ambaday Q5AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Aabbihii Ambaday Q5AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
SHARE

Aabbihii Ambaday Q5AAD!

Xaashi fayo qabkiisu waa soo hagaagay,  dhogortiisana waa is dhalanrogtay,  waxaanna soo iftiimay dheehiisii dhintay,  waxaa ay samaysay Idil, waxa ay   fartay in laga xiiro guudka iyo timaha,  waxa uu isaguna iska jaray gadhkii yocofka ahaa ee sida qaabka darran ugu baxay,  waxaa  uu noqday qof kale oo laga dareemayo  qaabka uu u xuub dhacsaday.

Xaashi iyo Idil aad ayay isu la jaanqaadeen, balse, inasktoo aysan jirin wax dhaafsiisan tallooyinka iyo xog wareysiga guud, Xaashi waxaa uu mar walba ugu yeedhaa Idil, Gabadhaydii  Idileey,  arrinkaas oo aad naxariis iyo dhawaansho ugu beeray Idil, heer ay gaadhay in ay ula dhaqato, sida mid ka mid ah tawlkeeda, Aabbe, Adeer ama Abti ay aad u jeceshahay.

Idil dhammaan guud ahaan nolosheeda waxaa ka maqnaa xidhiidhka iyo helitaanka,  Taw lee dhaafsiisan hooyadeed, Idil ma aysan arag, Aabbe, Adeer iyo Abti, tan oo ka dhigaysay inaysan nolosheedu u helin ayaan iyo cawo,  xidhiidh xigaal oo dadka kale haystaa, sidaa si la mid Idil weligeed ma aysan arag, Eeddo, Aayo(Habaryar) iyo Ayeeyo midna,  keliya waxaa idil ifka wehel ugu ahayd, Hooyadeed Cudbi oo ahayd qof intaas oo dhan kaalintooda u buuxisay.

Idil waa ay ogtahay inay leedahay intaasoo dhan, balse, ayaandarrada ayaa waxa ay tahay   inaysan arag, aqoon, ogayna  halka  ay  joogaan  ama ay ku dhaqan yihiin, waa hubaal inay jirto arrin ka qarsoon, taasoo aysan marnaba la wadaagin hooyadeed ayna ka doorbiday inay tidhaahdo, ma ogi xigaalkaygii iyo kaagii meel ku dambaysay waannu kala lunay waayadii colaadaha.

Idil bulshada soomaaliyeed ayaa u ah dhammaan kaalmaha waalid ee ka maqan waanna mida  ku abuurtay laxawga iyo dareenka  wanaagsan ee ay ku beereen erayada naxariista leh,  waxaase hadda ka hor dhacday in gabadh ay ku tidhi “ Hooyaday iyo hooyadaa waa xigaal iyo tol, balse, Hooyadaa waa la dayriyey oo waxa ay ahayd qof xun,  sidaa awgeed adiga dartaa ayay nolosha ugu keliyoowday” Idil ma aysan garan ujeedka marka ay hooyadeed weydiisay arrinkaasna waxa ay u sheegtay, in aysan gabadha iyo hooyadeed midna garanayn, balse, gabadha oo ay dhanka waxbarashada kaga wanaagsanayd ay doonayso inay liido si ay u murugooto, kaalinteeda dedaalna u gabto.

Mar kasta oo ay weydiimaha Idil ee dhanka arrimaha Aabbaheed ama xigaalkeeda kale ku saabsan weydiiso hooyadeed, Dhudi waxa ay uga dhaadhicin jirtay qaab aad u qurux badan iyadoo meesha ka saaraysay tabashadooda, waxaa inta badana ay Cudbi raadin jirtay Fillimada, Buugaagta ku saabsan gabadh hooyadeed korsatay oo aan lahayn Aabbe iyo xigaal kale toona, haddana aan tebin, markaasay tusaale dadban uga dhigi jirtay, haddii ay kugu dhacdo Aabbe la’aan ama xigaal la’aan inaad naftaada kalsooni geliso oo aad isku daydo  inaad tebitaankaas is dhaafiso.

Waa aragti toolmoon in qofku waxa uusan haysan uusan  u lumin waxa uu haysto, waayo dadka inta badan ku hawshooda arrimaha jiraalka ah ee aan ayaanku  oggolaanin guuldaradooda ayaa badata,  tusaale: Qofka agoonka ama Rajada ah ee mar walba kaalinta ka maqan ee Aabbennimo ama Hooyonnimo la’aanteed isu liida una arka inuusan waxba qabsan karayn waxa ku dhaca dib u dhac iyo guuldaro.

Waa inuu qof oggolaada waayaha iyo ayaanku Eebbe siiyey, uunna isku dayaa kaalinta ka maqan ee uusan waxba ka gedin inuu ka maarmo, waanna qaabka ay Hooyo Cudbi u diyaarisay Idil, inaysan tebin Aabbennimo iyo xigaal kale toonna. Cudbi wax walba waxa ay ka dhawrtaa maqalka gabadheeda dhibka iyo rafaadka ay soo martay iyadoo 17 jira teer iyo hadda oo ay tahay hooyo da’ deedu gaadhayso kontomeeyo iyo ka badan, arrimo badan oo nolosheeda mugdi geliyey ayay ka ilaalisaa inay waxyeeleeyaan aayaha gabadheeda Idil, sidaas awgeed waxa ay si walba uga qarisay arrimo badan oo aysan Idilna helin jiritaankooda.

Idil mar kasta oo uu yidhaahdo Xaashi: “Gabadhaydii qumaneey, Gabadhaydii gacalisooy, Gabadhadaydii wacnaydeey” waxa ay ku beeraysay naxariis iyo laxaw ay ugu hilowdo ag joogiisa, la sheekaysigiisa iyo xannaanadiisa,  taasoo ay ka dhigatay sida Aabbaheed Xaashi, ayna ugu hagar baxday dedaalka noloshiisa.

Xaashi, waxaa loo wareejiyey, xarunta daryeelka iyo xannaanada bukaan socodka, taasoo qaab ka duwan xarumaha kale loola dhaqmo, dadka lagu  dhaqan celiyo laguna tabbobaro, lalana wadaago dhib iyo dhacdooyin saameeyey dadka kale ee sidiisa nolosha dhibka iyo raxanraadka ku mutay qabatinka balwadaha.

Xaruntan ayuu Xaashi yimaada maalin walba marka laga reebo, labada maalmood ee toddobaadka u dambeeya dadkuna  kanshada haysto, xarunta dhaqan celinta ayaa ah mid lagu toosiyo laguna tabbobaro dadka qabatimay balwadaha maandooriyaha,  dadkaas oo naftooda halis badan geliyey,  waa arrin aad ugu wanaagsan, waxaanna suuroowda in badan oo nolosha quus ka taagnayd inay dib uga waantoobaan,  ayna samaystaan aayatiin ifiya iyo nolol aad u wanaagsan oo ay weligood higsan jireen.

Waa habdhaqan ku wanaagsan in qofku helo, kansho labaad noloshiisa oo uu kaga soo noqdo, jid iyo waddo xumaa dibna isu dhaqan celiyo, arrinkan ayaa ah mid lagama maarmaan u ah bulsho weliba inay yeelato, maaha keliya xaruntani mid lagu dhaqan celiyo, dadka qabatimay balwadaha ee waxa ay leedahay,  qaybo lagu dejiyo dadka murugaysan ee dareemaya kelinnimada iyo cidlada,  dadka dhibaatooyinka kala kulmay dagaallo ama soo dagaallamay, dadka sidoo kale  aafooyin qof ahaaneed ku dhaceen oo dhibaabe loo geystay tiiraanyadeedu saamayn ku yeelatay maankooda.

Qaybtase uu Xaashi joogaa waa qaybta dadka qabatimay balwadaha, maxaa yeelay waxaa uu ammin dheer si ka baxsan soohdinta aadanaha u qabatimay cabista Halaajisada(Alkoollada) isaga oo ay dhiigiisa degeshatay, heer uu gaadhay in uusan la’aanteed waxba kala garan karin, haddii uu waayona ay wax weliba ka suuroobaan, kuma ekayn taas oo keliya ee maandooriyayaal badan ayaa u raacayey mararka qaarkood kuwaasoo ka dhigay,  qof u nool keliya helida iyo adeegsiga maandooriyaha noloshiisuna halkaas ku aayo beeshay.

Xaashi si joogta ayuu u yimaada goobta,  waxaa markii hore la dejiyey qayb deegaan ah oo ka mid ah xarunta dib u noolaynta iyo daryeelka, kaddibna waxaa aad looga helay sida wanaagsan ee uu ula jaanqaaday una fulliyey dhammaan waxyaabihii looga baahnaa, isaga oo weliba dedaal dheeri ah ku daray oo dadka la wadaagi jiray sheekooyinkiisa, taasoo taxane ka dhigtay in ay ku xidhnaadaan dadyoowgii kale, iyaga oo jabkiisa iyo hoogiisa uu u noqday tusaale.

Dhallinyaro badan ayuu u noqday hage iyo tusaale uga warrama haddimada iyo hagardaamada ay leedahay balwad la qabatimaa, kuwaasoo Xaashi dartiis uga waantoobay, markay arkeen foolxumada iyo halista nololeed ee ay gayeysiisay Xaashi iyo sida uu nolosha ugu seegseegay isaga oo lumiyey kanshooyin badan oo uu heer ku gaadhi lahaa.

Xaashi iyo Idilna si joogto ah ayay isku arki jireen una kulmi jireen, Xaashi ugama warramin noloshiisa, mana faragelin jirin nolosheeda, waxaa uuse mar walba uga sheekayn jiray, waxyaabo uu u arkayey inay lagama maarmaan u tahay nolosheeda.

Xaashi waa nin Af tahan ah oo sheeka badan, wax badanna usoo joogay, waxaa uunna ahaa dadka sheeko qabatinka ah ee waxa ay maqlaan aan ilaawin,  sheeko walba oo isaga ku dhacday oo qosol leh iyo kuwa kale oo widaayadiisa ku dhacay, sheekooyin uu aqriyey ama maqlay ayuu uga sheekayn jiray,  taasoo aad u xiisa gelin jirtay Idil, waxa kale uu uga sheekayn jiray Xaashi Idil, jabkiisa oo inta badan dadku ay qariyaan iyo si qotodheer noloshiisa iyo waayaha uu soo maray.

Idil waxa ay ahayd mid dhegaysata oo afkiisa uun eegta, waxa kale oo ay aad u jeclayd, billowga iyo dhammaadka inuu mar walba ku bilaabayo, Gabadheydii Idileey,  taasoo mar walba dareen gacalnimo iyo dhawaansho ah gelinaysay,  teeda kale haddii Idil talo u soo jeediso, marnaba wax saluug ah iyo wax diidmo ah kama keeni jirin waannu u mahadcelin jiray, tixgelintan oo dhexdooda ka dhalisay kalsooni dheeraad ah.

Qof kasta oo hadalkaaga tixgeliyaa waa qof ogol dadnimadaada agtiisana aad ku weyntahay, qof kasta oo hadalkaaga iyo balantaada ku dheeldheelana oo aan tixgelina waa mid aan qofnimadaada iyo dadnimadaadu agtiisa waxba ka ahayn.

Sidaa awgeed Dr William ayaa la dhacay nin in ka badan 25 dabshid reer waalan ahaa, sida gabadhan dhallinyaro ahi ay ugu noqotay Shimbir barkhadeed oo ka weeciyey noloshii xumayd una daaray daw iyo jid cusuboo iftiimaya.

Dr William ayaa ku dhiirigelin jiray Idil inay barato, qaybaha dareen diqadka(Cilmi nafsiga) waayo waxa ay awood u lahayd dhegaysiga dadka, u kuurgalka habdhaqanka qofka iyo raadraaca nololeed ee dhaqamada kala duwan.

Idil  waxa ay ahayd qof aad u aqris badan una dhegaysi badan, waxa ay rumaysnayd, sheekooyinkii hooyadeed ugu sheegi jirtay inta qofku wax dhegaysto inuu ka garasho badan yahay dadka kale,  garashada iyo ogaalku waa isku daaban yihiin barashadu waa mid kaalmeysa oo kor u qaada.

Sidaa awgeed waxa habdhaqan iyo alab u ahaa inay barato wax kasta oo aysan aqoon, iskuna daydo inay ogaata, maaha waxyaabaha ay baranaysaa walxaha xunxun ee nafteeda halista iyo hadimada u keeni kara ee waa waxyaabaha kaabaya ee kor u qaadaya.

La soco qaybaha kale ……

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE