Home Qoraallo DARDAARAN WAALID W/D:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

DARDAARAN WAALID W/D:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

Dardaaran waalid

Aabbe Soomaaliyeed ayaa wiilkiisa la dardaarmey, waxana uu ku yiri, wiilkeygiyow:-

  • 1. Webi agtiis ha degin!
  • 2. Wacal ha korin!
  • 3. Naag war ha u sheegan!
  • 4. Askari ha la saaxiibin!
  • 5. Doqonna gabar ha siinnin!

Aabbuhu, markii uu sidaas kula dardaarmey wiilkiisii, ayaama dabadood ayaa naftii ka baxday oo waa uu dhintey, asiga oo aan sababtii uu sidaas u yiri, wiilkiisa u sharrixin. Wiilku, markii uu hana qaadey ee uu noqdey nin reer leh oo kurta iyo dhiisha tolkiisu ay ka xisaabtaan, ayuu uu go’aansaday inuu dardaarkii aabbihii ka daba tago, si uu u ogaado diidmada aabbihii iyo waxa uu ku qoonsaday shantaas arrin, isla jeerkaasna waxa uu u dhaqaaqay inuu sameeyo dhammaan arrimihii uu aabbihii uga digay.

  • 1. Webi agtiisa ayuu degay, aqalna ku dhistay.
  • 2. Wacalna waa uu koriyey.
  • 3. Arrin sir u ahaydna wuxuu u sheegtay xaaskiisa.
  • 4. Askarina waa uu la saaxibay.
  • 5. Nin doqon ahna geber ayuu siiyey.

Webi agtiis ayuu degay:

Mudda fog markii uu degganaa webiga jiinkiisa, noloshuna ay isugu toostay oo uu noqday nin degaan ah oo meel loogu soo hirto leh; ayaa habeen habeennada ka mid ah waxa bari iyo bugux ka soo jibaaday roob ma hiigaan ah oo hillaaca biriqda iyo hugunka gugaciisa aan maqalka dheguhu u dul-qaadan karin. Roobkii mahiigaanka ahaa wuxuu habeenkii mir ahaan u da’o, maalintiina uu hooro, waxaa dhacday; inuu webigii soo fatahay, ka dibna ay biyuhu xaafeen reerihii jiinka webiga degganaa oo uu ninkaasu ku jiray. Halkaas waxa ka soo gaaray burbur lixaad leh, aqalladiisii uu degganaa iyo agabkii u dhexyiillana naftiisa ayuu kala baxsaday, asiga oo ay dushiisa ku dhabowday dardaarankii aabbihii ee ahaa; ”webi agtiisa ha degin”.

  • Wacal ayuu koriyey:

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu meel aan dad joogin kula kulmey wiil meel lagu tuuray oo ooynaya, ka dibna, waa uu soo qaatay si’ uu u korsado wiilkaas uu bannaanka cidlada ah ka helay, asigoo doonaya inuu ogaado macnaha ku aasan dardaarankii aabbihiis ee ahaa maandhow: ”Wacal ha korin!” intaas dabadeed, wiilkii inuu barbaariyo ayuu dhabarka u ritay waana uu koriyey. Markii uu wiilku u hana qaaday ayuu u geeyay nin ay saaxibbo ahaayeen oo askari ah, wuxuuna ku yiri: jaalkeeyoow wiilkaan ii tababbar, wixii ollog iyo iidaan ah ee uu u baahdona aniga ayaa la bixi doona.

Naag war how sheegan:

Arrin sir u ahayd ayuu xaaskiisa ku qarsaday. Xilli ka mid ah xilliyada ayaa ogaygu degaankii uu ku noolaa, waxaa ka dhacday; abaar aad u daran, iyado xaalku uu xun yahay ayuu nin ay saaxibbo ahaayeen oo degaan kale ku noolaa xoolo ka doontay, ka dibna, ninkii saaxibkiis ahaa ayaa wuxuu soo siiyey wan weyn oo waab ugu xirnaa, (wan koris ah). Wankiisii ayuu soo watay, balse, intii uusan xaaskiisa u imaan ayuu wankii qalay, ka dibna, wuxuu soo gurya noqday asiga oo qandi ku wata hilib shilis ah oo aad u tirabadan. Hilibkii ayuu xaaskiisa u dhiibay, wuxuuna ku yiri: ”Hilibkaan noo kari”. Intaas ka dibna, hilibkii ayey qaarna karsadeen oo ay cuneen qaarna intey shiileen ayey meel keyd ah ku shubteen. Markii ay hilibkii cuneen ee ay baahidii deysay ayaa xaaskiisii ku tiri: ”gacaliye intee ayaad ka keentay hilibkaan caddiinta ah, xilligaan abaarta ah ma jiraan xoolo sidaan u cayilane?”

Odaygii, wuxuu xaaskiisa ku yiri: waad sheegeysaa haddii aan kuu tilmaamo halka aan ka keenay!. Xaaskii waxay tiri: maya! Gacaliye, qofna uma sheegayo ee ii bidhaami, halka aad ka keentay. Odaygii ayaa yiri: ”Askariga aan saaxiibka nahay, ayaa waxaa u joogay wan weyn oo waab ugu xiran, aniguna intaan ka soo xaday ayaan noo soo qalay ee noo shiil cidna ha u sheegin. Wuxuu u sii daba dhigay: ogoow! Haddii aad qof kale u sheegto, lana ogaado inaan wankaas qashay, waa lay dilayaa, adiguna asaay ayaad qaadi-doontaa, haddii aanba labadeyna laysla keenna dilin!.

Xaaskii uu odaygu qabay ayaa maalin maalmaha ka mid ah, waxaa u yimid islaan ay saaxiibbo ahaayeen oo ay isku sirqarsan jireen, isla markaana hilibkii shiilnaa ee u keydsanaa ayey qeyb ka siisay, waana ay cuntay. In cabbaar markii ay sheekeysteen ayaa islaantii martida ahayd, waxay xaaskii odayga ee ay martida u ahayd ku tiri: ”Walaaleey! Intee ayaad ka keengay hilibkaan caddiinta ah? Waxa aan ogaa idinka oo aan xoolo qabine?. Islaantii martida loo ahaa dhinacyada ayey iska fiirisay, iyadoo eegaysa in hal qof uu meelaha ka dhaw-yahay. Ka dibna, islaantii saaxibteed aheyd ayey ku tiri: waa arrin sir ah ee haddii aad iga ballan-qaadeyso inaadan sheegeyn waan kuu qishayaa. Islaantii kale oo hadalka sirta ah in loo sheego u degdegaysa ayaa tiri: walaaleey! Ima aamineysid miyaa? Intaas oo sano ayaan aniga iyo adiguba saaxiib ahayn ee weli miyaad aragtay sir aad ii sheegtay oo aan qof kale u sii sheegay ama sii gudbiyey?.

Islaantii martida loo ahaa inteey maya tiri: ayey u daba dhigtay: Walaaleey! Qofna ha u sheegin, waa arrin aniga iyo ninkeyguba aan dil iyo xabsiba ku mudan karno e. Iyadoo dhinacyada iska fiirineysa ayey saaxibteed warkii u kala dhig-dhigtay, waxayna ku tiri: Saaxibeey! Hilibkaanu, wuxuu ka yimid! Ninkeyga ayaa askariga hebel ah saaxiib la ah, wuxuuna ka soo xaday wan weyn oo meel ugu xirnaa, ka dibna, intuu duurka ku soo qolay ayuu ii keenay asiga oo wankii hilibkiisa jawaan ku sida, wuxuuna igu yiri: ”Hilibkaan noo shiil, qofna ha u sheegin askariga saaxibkeey ah ayaan wan kasoo xadaye”.

Islaantii waa ay iska tagtay, waxayna aadday gurigeedii. Belo waa tan dambeysa ee islaantii lagu xanqarsaday, waxay arrintii u sheegtay islaan kale oo saaxibteed ah, tii loo sheegana waxay u sii sheegtay islaaman kale. Warkii ayaa deegaankii ku fiday wuxuuna gaaray inay qof walba oo deegaanka deggani ay ogaato; ninkaas iyo naagtaas tuugada ah ee xoolaha aysan lahayn qasha, ka dibna, qarsada. Inta aysan dhowr maalmood ka soo wareegin ayaa odaygii wanka qashay xabsi loo taxaabay.

Abaal-gudkii wacalka:

Odayga oo gurigiisa iska jooga oo aysan ka qasneyn ayaa goor ay barqadi tahay oo ay qorraxdu nabad ugu soo baxday, waxaa u yimid wiilkii uu soo koriyey ee uu askariga saaxiibkiisa ah u dhiibay, kuna yiri: ”Wiilkaan ii tababbar” ayaa waxaa iridda kasoo galay; wiilkii oo dhowr askari oo kale hoggaaminaya. Isla markaana duqii soo koriyey ayuu xarig ku boobay si uu xabsi u dhigo. Odaygii ayaa ku yiri: Wiilkeygiyow! Ma waadan xishooneyn, ma waanan anigu ku soo korin oo ma waanan aabbahaa ahayn, maxaad sidaas iigu xireysaa? Wiilkii hadalkaas calaacalka ah ee odaygu ku yiri: ma dhegeysan, taa beddelkeedana wuxuu askartii la socotay ee uu horjoogaha u ahaa ku amray in odayga la garaaco si uu u aamuso. Odaygii markii si xun loo dilay waa uu iska aamusay, wax uu sheego ayuuna garan waayay, mar haddii wiilkiisii uu soo korsaday askartii farayo in la tumo. Halkaasna waxaa odaygii uga dhabowday! Dardaaranki aabbihiis qeyb ka mid ah.

Askarigii uu saaxiibka la haa:

Wiilkii uu soo korsaday iyo askartii la socotay, sidii ay u garaacayeen ayey u geeyeen taliyahoodii oo ah odayga xiran askarigii saaxiibka la ahaa, sidoo kalena ah, ninka wanku uu kaa maqan-yahay. Halkii uu ka filanayey inuu salaan u soo taago, ka dibna uu xarrigga ka furo ayuu askartii keentay mar labaad amray inay garaacaan, kana dhaliyaan sababta ku kalliftay inuu xado xoolo uusan lahayn. Odaygii oo tuugtamaya ayaa sarkaalkii ay saaxibbada ahaa jireen berigase uu xabsiga u jiro, ka codsaday inuu iska cafiyo, wuxuu hadalkiisii ku billaabay odaygu: saaxibkeeyow! Aadanuhu, waa uu qaldamaa, naf iyo sheydaan ayaana igu xariiray oo igu riixay inaan waxaas xun sammeeyo ee ii naxariiso oo markaan i cafi, tuugaysi kalena uma laaban doono. Inta aan ifka ku noolaa aniga iyo adiguba saaxiib ayaan ahaan jirnay, nafta iyo naagaha ayaana noo kala soocnaa ee inta kale waa ay naga dhaxeysay ee wanaaggii naga dhaxeyn jiray maanta igu furo oo i cafi.

Ninkii sarkaalka ah intuu ku qoslay ayuu yiri: anigu waxaan ahay; askari waxana lay soo baray sida dadka eedeysanayaasha ah loo ciqaabo, loona dilo ee sida loo cafiyo layma barin. Wuxuu ugu sii daray asiga oo ku dhega hadlaya, haddii aad rabto inuu ku badbaadiyo ruux aad saaxiib la tahay, maxaad markii hore ula jaal noqotay askari. Sarkaalkii wuxuu hadalkiisii ku soo gebagebeeyay: ”Gacantii aad ku qashay wankeygi inaan kaa gooyo oo aan mudankeedi marsiiyo ayaa igu ballan ah”. Intaas ka dibna, wuxuu amray in xabsiga la dhigo inta laga xakumayo ama laga helayo cid ka dhiibta xoolaha uu qabo. Isla markaasna xabsiga ayaa jiridda loo dhigay!.

Doqonkii uu gabadha siiyey:

Odayga markii xabsiga la dhigay, laguna qabbiray, sarkaalkii ay muddada dheer saaxibbada ahaayeenna uu kala kulmey wajigabax iyo arxan darro, wuxuu go’aansaday inuu raadiyo, qeyla dhaanna u dirsado cid ka dhiibta deynta lagu leeyahay, isla markaana waxaa niyaddiisa ku soo dhacay gabadhiisa curadda ah nin qabay oo ah: ”Nin aan karti badneyn”. Isla markaana askartii xirtay mid ka mid ah ayuu ku yiri: ninka hebel ah berri halkaan iigu keen, si’ uu ii badbaadiyo oo uu wanka laygu heysto iiga dhiibo megtiisa. Ninkii askariga ahaa ballantii waa uu fuliyey, wuxuuna farriintii u sheegay ninkii odayga xiran gabadha ka qabay, isla markaana ninkii doqonka ahaa subaxdii ayuu xabsiga ugu yimid duqii xaaskiisa dhalay oo xiran.

Markii uu salaantii ka qaaday, ayuu odaygu u sheegay; in xabsigaan uu ugu xiran yahay, wan uu xaday, isla markaana lagu xakumay in lug iyo gacan isdhaaf ah laga jaro. Ninkii gabadha ka qabay odayga oo ahaa nin hanti badan heysta ayuu odaygii ku yiri: ”Wiilkeygiyow! Waxaan kaa rabaa inaad (10) toban halaad oo meg ah iga dhiibto”. Tobankaas halaad haddii aad bixiso, xabsiga waa layga deynayaa, sidoo kalena, lug iyo gacan laygama jarayo. Ninkii gabadha odayga qabay wuxuu hadalkiisii ku soo koobay: ”Adeer anigu toban halaad kaama bixin karo mana awoodo ee haddii aadan haysan cid kale oo kaa dhiibta iska oggolow in lug iyo gacan lagaa jaro! Waana uu ka dhaqaajiyey asiga oo aan haba yaraatee, wax dareen ah u muujin.

Odaygii talaa ku caddaatay, isla markaana wuxuu askari kale farriin ugu dirsaday nin kale oo gabar ka qabay, balse, ahaa nin aan xoola haysan oo ceyr ah. Ninkaan labaad: odaygu wuxuu ku ogaa nin karmeednimo, wuxuuna askarigii ku yiri: ”Ninka hebel la yiraahdo; berri halkaan iigu keen”. Askarigi oo ballantii odayga mar kale fulinaya ayaa ninkii loo diray u sheegay farriinti, isla markaana hore ayuu u soo kaxeeyay. Ninkii wuxuu u yimid duqii oo xabsi jiridda u yaalla. Is waraysi dheer ka dib, duqii wuxuu u sheegay, dhibka haysta iyo inuu ku badbaadi karo in laga dhiibo toban halaad oo meg ah. Ninkii faqiirka ahaana wuxuu ku yiri: ”Aabbe, haddii aan toban halaad kaa dhiibi waayo, wiilkaagiba ma ihi”. Isla markaasna wuxuu u cilladhaan dirsaday tolkiisi, wuxuuna cod-dheer ku yiri: ”Tolkeygiyow! Marka aan dhinto, haddii aad i duugi lahaydeen, haddii aan qof dilona aad diyada iga bixin lahaydeen, ilmaheyga abkowgood ayaa lug iyo gacan laga jaraya, wuxuuna ku badbaadi karyaa toban halaad in laga dhiibo, anigana xaalkeyga waad ogtihiin oo xoolo ma qabo, balse, tol i jecel ayaan qabaa ee ha layga dhiibo tobanka halaad.

Muddo hal saac ka yar ayaa ninkii waxa ay tolkiisu siiyeen toban halaad, isla markaana inta soo raaceen ayey tobanki halaad iyaga oo wada keeneen xabsigii duqu ku jiray. Waxay u yeereen sarkaalkii xabsiga heystay wanka uu odaygu qaashana iska lahaa, isla markaana waxay ka codsadeen inuu odayga xabsiga ka soo daayo oo uu bannaanka keeno, si’ xoolaha lagu leeyahay looga qaanbixiyo. Sarkaalki oo aad ugu faraxsan in wankiisii loogu megayo toban halaad ayaa odaygii bannaanka uga soo saaray xabsiga isla markaana wuxuu keenay geedkii hoostiisa garta lagu goyn lahaa oo ay fadhiyaan odayaashii tolka la ahaa ninka gabadha ka qaba odayga eedeysan.

Markii laysugu yimid geedkii garta lagu goyn lahaa, ayaa odaygii eedeysanaha ahaa uu hadlay, wuxuuna hadalkiisii ku billaabay: ”Marka hore wiilkeyga iyo tolkiisuba waa ay mahadsan-yihiin”. Marka labaad; anigu wanka askariga kiisaa ma qalan, balse, meel ayaan ku qariyey, hadda ayaanna keenayaa ee kalkiinna ii sii jooga. Sarkaalkii oo aad ugu qoslaya hadalkii uu duqo yiri, ayaa ku afti deystay: Odaygaanu, haddii uu wankii meel ku qariyey miyow intaas oo dhib ah mari lahaa, xabsi daranna uu naftiisa gelin lahaa? Sarkaalku, wuxuu sugi la’yahay; inta looga xugminayo tobanka halaad. Wanka ka maqanna waxaa uga qiima badan geela uu maanta helayo. Odaygii oo xaajadu sidii uu ugu talogalay ugu dhaceyso ayaa yiri: ”Wankii waan hayaa, waxaanna ku qariyey; guriga hebel, haddii aydaan i aaminayna laba askari oo ila soo wadda igu dara. Isla markaana waxaa lagu daray wacalkii uu soo koriyey ee uu askariga ka dhigay iyo mid kale si ay u soo xaqiijiyaan warka uu odaygu sheegayo.

Labadii askari iyo odaygiiba waxay tageen gurigii wanka lagu qariyey, isla markaana halkaas ayey ka soo wadeen wanki oo intiisii hore ka sii qurux badan oo aad loo dhaqaaleeyay. Waxay keeneen wanki iyagoo wada goobtii raggu joogay, dadkii goobta fadhiyey ayaana qof walba la yaabtay! Waxa uu sidaas u sameeyay odaygu. Markii la waydiiyey sababta ku riixday inuu intaas oo dhibaato ah u maro wax uusan qabin, ayuu ku jawaabay: ”Waxaan xaqiiqsanayey dardaaran waalid”. Kolkaas ayaa guurtidii waxay ku yiraahdeen: muxuu ahaa dardaaranku? Wuxuu hadalkiisii ku soo koobay: (5) shan qodob, wuxuuna ku aftideystay:

  • Wacal dambow! Kuma koriyo.
  • Askariyow! Adna maalin kale kulama saaxiibo.
  • Naageey adna sir dambe kuguma qarsado.
  • Doqonoow! Dadnimo kaama sugo, gabarna kuma siiyo.
  • Wobiyow! Adna waa dambe agtaada iiguma baryo!.

Intaas ka dibna, ninkii faqiirka ahaa ayuu siiyey tobankii halaad ee tolkiisu usoo aruuriyey. Waxaana halkaas uga dhabowday dardaarankii aabbihiis ee shanta qodob ka koobnaa.

F.G:

Sheekadaan dardaaran waalid siyaabo kala duwan ayaa looga soo weriyaa, dhulka soomaaliyeed, kolkaas haddii aad si’ kale u maqashay u qaado inaan anna sidaan u maqlay. Sheekooyinka xigmadda leh ee cilmiga ku dhisan, intooda badan lama yaqaanno cidda hal-abuurta, balse, meel iyo madal walba waa ay gaaraan, iyaga oo laga yaabo in asalkii sheekada la dhalan rogay. Haddaba, sheekadaan cilmi iyo faa’iidooyin badan ayaa ugu jira qofka si dhug leh u dhuuxa.

W/D:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHARE