Home Curis Aabbihii Ambaday Q6AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Aabbihii Ambaday Q6AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
SHARE

Aabbihii Ambaday Q6AAD

Waxaa ay noqdeen Xaashi iyo Idil sidii laba qof oo in badan is yaqaanay, Xaashi waa uu ka baxay meeshii xarunta ahayd, markana waxaa yimaad xarunta oo balan loo sameeya bishiiba hal mar, waxaanna hawshiisa iyo noloshiisa la wareegay qolyaga gargaarka bulshada( Caydha) kuwaaso guri agabkiisu u dhan yahay dejiyey, dhammaan dhaqaalaha ku baxayana u qoondeeyey, mid nololeed, mid guri, mid fayo iyo mid socdaalba.

Xaashi waa nin dibad jog ahaa in badan si weyna u yaqaan keli noolaanshaha, dhibaato kuma hayso inuu dhammaan hawlihiisa oodhan isagu qabsado, waayo waxaa dhacda in dadka qaarkood marka ay qabsato nolosha keli noolaanshaha ay ku adkaato, cunta kariska,  dhar dhaqashada iyo hawlaha nolol maalmeedka joogtada,  isagase waaba u jidh-dhis iyo dhaqdhaqaaq.

Waxaa si gaar ah arrintiisa ula socda Dhaktarad Idil iyo Dhakhtar William, waxase uu yeeshay Dhakhtar gaar ah oo fayoobidiisa ka war haya, talooyinna siiya.

Xaashi waa ka raystay dhibkii iyo rafaadkii, markana waxa uu dib ugu bilaabay baal cusub oo nolosha ah, wax uunna  samaystey qorshe nololeed cusub, waxa uu tagaa shanta goorood masaajid aan ka fogeyn, wax ayuu  aqristaa maalin walba ilaa ammin gaaraysa laba saacadood.

Xaashi waxaa dib u soo iftiimay noloshiisa, waxa uunna noqday sidii qof suursanaa sida kooxdii godka(Qowmal kahaf) oo soo baraarugay mar qudha,  waa nolol iyo waayaheede, Xaashi inkastoo uu aad uga xun yahay heerka uu ka taagan yahay nolosha iyo dhibaatada uu soo maray, haddana waxaa uu isku nabdiga ku dejistaa inuu guuleystay, maxaa yeelay kuma uusan dhiman kumana dhammaan noloshiisu Jidkii xumaa ee qaabdarrada ahaa.

Goor galabnimo ah ayaa waxaa u timid Idil oo aad u xaragoonaysa, si heer sare ahna u soo hoy iyo dhar gashatay una soo qalabqaatay si haaneed ah, oo heensaha iyo hubqaadka  marka uu halacsado qof weliba jaleecada iyo milicsiga ilaa marka ay dhaafto uu la sii jeesanayo.

Xaashi oo nin waayo arag ayaa gartay inay  meel u socoto,  balse, isagana ay bariido iyo ka war hayn ugu timid,  aad buu u soo dhaweeyey, waxa uuna u kariyey Shaah baraad ah,  aad bay uga heshay,  wuxuu ku yidhi aan cabbaar lugeyno, iyaduna waayahay ayay ku tidhi.

Xaashi isma dhibin  waa ammin lagu jiro xagaa oo qaboow ma jiree,  surwaalka jidh dhiska iyo garan yar ayuu soo gashaday, waxa  ayna isu raaceen waddo dheer oo webiga dushiisa marta oo lagu ordo dhinacyada damalo waaweyn ka yihiin oo aad u qurux badan, iyagoo hadba sheekadu dhan u dilaamayso ayuu yidhi:  Galabta waxaan filayaa inaad balan adag leedahay, balse waxaan xasuustaa maalintii iigu horreysay ee aan gabadh dareenkayga u sheegto, way iiga xiisa badnayd maalmo badan  oo isoo maray waayo maalintaa waxaan dumiyey teedkii cabsida aan haweenka ka qabay, waxaa aanan isu arkayey inaan gaadhay guul lagu naaloon karo.

Idil oo sheekadan aad u danaynaysa ayaa tidhi: Maxay ahayd guushu, sidee baadse dareenkaaga ugu sheegtay?

Xaashi oo raba inuu la wadaago dhagarta ragga ama ha yaraado ama ha weynaado inuu yahay  marka hore horor ku duulaan ah, gabadha jidhkeeda iyo xubnaheeda, hadduu ku helo  kanshona aan dhaafayn, haddii uu ku guuldaraystana  dedaal u gelayo sidii uu mar uu uga jibbo keeni lahaa ayaa yidhi: Waxaa aan ahaa fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe, waxaanna ahaa nin bulshaawi ah oo aad ugu fiican dhanka waxbarashada, kubbada iyo weliba nin leh isku wadka dhallinyarada, kaddib waxaa aan aad ula dhacay gabadh ka mid ahayd gabdhihii dugsiga,  haa anigu waxaan ahaa fasalka toddobaad ee A iyaduna waxa ay ahayd Fasalka toddobaad ee B.

Ma jirin aqoon naga dhaxaysay gabadha, waxa aanse jeclaa inaan mar walba u dhawaado, waxa ay ahayd mid  iyaduna bulsho badan oo aan marnaba la arkayn iyadoo keligeed ah.

Ammin dheer ayay igu qaadatay inaan la kulmo ama aan wada hadalno, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dugsiga baabuur igu keenay Abtigey oo ahaa Agaasime wasaaradeed, Baabuurkuna waxaa uu ahaa mid cusub oo jaadkiisa dalka ku yar yahay oo ah Marcedes.

Maalintaasi waxa ay ii ahayd guul, waxa aan u arkayey in abtigey gool ii dhaliyey ii suuragelin kara in dad badan igu tixgeliyaan inaan ka soo jeedo, qoys lacag leh,  haa reerkayagu ma ahayn kuwa liita, waxa uu aabbahay lahaa, ganacsiyo kala duwan oo badan,  si weyna waa looga yaqaanay magaalada,  haddana ma uusan lahayn gaadhiga abtigey oo kale ee wuxuu lahaa gaadhi  Toyata Cresida ah taasoo dad badani lahaayeen oo aan waxba ka duwanayn baabuurta kale.

Maalintan Deeqa waxa ay ka mid ahayd, dadka uu aadka u soo jiitay,  iyadoo gabdho hortaagnaa dugsiga ku jirta ayay si kalsamaan ah  ii soo jaleecday, aniguna waa dareemay in dhoolacaddeynta iyo foolka furani yahay soo dhaweyn,  ma aanan lumin kanshadaas ee gacanta ayaan u lulay sidii dad is yaqaan, iyaduna waa iiga warcelisay.

Halkaas waxaa iiga billowday  oo ii furmay  jid aan kula hadli karo, waxaanna markii la gaadhay biririfta  ugu tegay goob yar oo waxyaabo la cabo iyo kuwa la cuno lagu iibin jiray ayaan isa soo ag taagay, waxaa lagu jiraa  teed xidhiidh ah, waxaan arkay dadka teedsani inay  u badan yihiin gabdho, si aan u ilaaqo meeshana dood uga furo ayaan idhi: Gabdhuhu cunto cunid badanaa, waagu markuu baryo ayay  bilaabayaan ilaa ay ka seexdaan.

Deeqa ayaa durtaba soo booday oo tidhi: Sideed ku ogaatay inay gabdhuhu ka cunto cunid badan yihiin wiilasha?

Waa sidaan rabay intaan iskala bixiyey ayaan idhi: Bal eeg inta teedsan hadda, kaaga darane markaad cuntada karinaysaan, sidaad u dhadhaminaysaan ayaad ka qaraartaan, markaasaad hadhoow tidhaahdaan waxba ma cunayo, marka laydiin diro weel dhaqistana wax alaale wixii soo hadhay idinkaa u talsha,  balse raggu mar qudha ayay wax cunaan waanna ka tagaan.

Wiilashii ayaa doodeyda qosol ku taageeray,  mid ka mid ah oo ilka case la odhan jiray ayaa yidhi: Adigaanba dhib yarayn oo hawshaa Jikadda si weyn u yaqaane gabdhaha iska daa.

Gabdhihiina markooda ayay qosol jabsadeen, ninkaas ayaanna xagal daaciyey kaftankaygii, markaasay Deeqi heshay kansho waxa ayna tidhi: Waan kuu halcelin lahaa, balse wiilkan ayaa warcelin sugan ku siiyey,  raggu waxa ay hal mar cunaan ayaa dumarku  hal toddobaad cunaan.

Maalintan ayaa waxaa noo bilowday, wada hadalka,  kaddibna  waxaa aan awoodda saaray sidii aan ugu gudbin lahaa codsi ah inaan is aragno, arrintan ayaa igu qaadatay in ku dhaw laba bilood iyo dheeraad.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE