Home Qoraallo XASIL OO ILA GARO “XIKMADO KOOBAN” Q122-AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

XASIL OO ILA GARO “XIKMADO KOOBAN” Q122-AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

0
SHARE

XASIL OO ILA GARO

Dumarka…

Qasab maahan in aad naag u noqoto ninkuu doono ha ahaado, ninka aad naag u noqonayso waa in uu noqdaa nin ku kaafin kara garaad ahaan, jir ahaan iyo dhan walba oo nolosha aad uga baahantahay. Muhiimadda nolosha laga eego maahan sida uu kaaga kaafin karo baahidaada jireed iyo middaada dhaqaale, muhiimaddu waa in uu yahay sida geed mira macaan oo waraabin ku haboon, micnaha nin wax tar u noqn kara barrito noloshaada. Iska dhal aad wax ka heshidee looguma dhalo nin walba. Iska raaxayso wuu raaxa macaan yahana looguma dhar dhigto nin walba. Qiimaha aad u qalanto waa in aad fahamtaa oo si fiican u garataa, nolshaada baahideedu ma waxay ku egtahay in aad dhar dhigato ama wax dhasho? Caqligiinna si fiican u xisaabiya, waxa idinla hadlayo waa nin kale, balse, idinkaga digayo nin u eke.

Nin dayacan:

Ninka dayacayo carruurtiisa, mar walba muran iyo qaylo la dul taagan xaaskiisa nin ma ahan ee marwadaas waxaa u roon in ay ka nin la’aanto. Dhadhan: Wax walba oo dhadhan leh dhadhankooda lagama dhargo mana noqdaan wax aqrintooda ama cuniddooda lagu caajiso. Xanaaqa: Xanaaqu waa mid la tago caqliga qofka si walba uu garaadsame u yahay haddana marka uu xanaaqo hubaal waxaa ah in sida garaadkiisu yahay uusan u fakarin ee uu u fakaro markaa sida dareenkiisu yahay, waa sababtaas sababta loo dhahay dadka xanaaqa ma ahan mar walba kuwa caaqiliin ah. Dagaal: Inkastoo mararka qaar ay duruuftu kugu qasabto in aad dagaallanto oo naftaada difaacato ama soo ceshato sharaf iyo karaama kaa luntay ama lagu soo xad gubay, haddana dagaalka mar walba waa meesha ugu dambeysa ee la magansado waana mid xanuun badan oo dhan ay guushu raacayso aan la ogaan karin. 

Heerka aad bulshada ka joogto:

Dadku waxay kugu qiimeeyaan oo kaliya xisaabta ay kaa arkaan, taas ayaana kaa dhigta heerka aad bulshada ka joogtid. Nolosha qiimaheedu waa farxad: Dhimashada qiimaheedana waa nabad galyo aad ku hesho hooyga aad ku aasantahay. Is waydiinta iyo dhibaatada ayaa ah inta u dhaxayso iyo iyada oo si fudud aan lagu heli karin nabad iyo farxad. Noolaha iyo deegaanka: Noolaha oo kaliya ma ahan dhibbaanaha dagaallada ee deegaankuna waa dhibbanaha aan muuqan. Mar walba wadda ayaa furan: Haddii aqoonyahannimo ama aqoon wax lagu xallin waayay taas macnaheedu maahan in aan u laabanno waddo Jahli, mar walba wadda ayaa furan. Aqriska iyo fahamka: Aqriskaaga in uu degdeg yahay waxaa ka wanaagsan in uu fahamkaagu degdeg yahay. Hadaf iyo cabsi: Haddii uu kaa lumo muuqa hadafkaagu waxaa soo muuqda cabsida caqabadahaaga. Xalka dhibka taagan: Dadku sida badan waxay ammin badan iyo tamarba ku lumiyaan wax iska waydiinta sababta ay dhibaatadu u dhacday ee ammin badan kuma bixiyaan xalka dhibaatada taagan.

Wax walba:

Wax walba oo aad ku raaxaysatay iyo goorti wanaagsan oo aad qaadatay ma ahan mid aad illaawi kartid. Wax walba oo aad dhab aah u jecelnahay waxay noqdaan qayb naga mid ah, jacaylka aad qof dhab u jeceshahay wuxuu noqdaa qayb ka mid ah jirkaaga. Nolosha iyo wahelka: Noloshu wahel la’aan kuma suubbana, safarka nolosha sidiisaba wuxuu ku qurux badan yahay wahel in lagu wadda maro. Safar aan wahel lahayn waxaa badan qatartiisa iyo dhibkiisa. Xikmadda ayaa ah in ay wanaagsan tahay in nolosha ay wehel ku wanaagsan tahay. Nolol xun ma jirto ee ammin xun ayaa jira: Isaga oo meel la fadhiya murug ayaan soo maray markaas ayaan wareestay dhibka ku dhacay, runtii marka uu ii sheegay waan la murugooday, balse, wax kale oo aan talo ahayn ma siin karin, waxaanna ku iri: saaxiib isaga kac meesha maalin xun ayey kaaga dhigantahay ee kaagama dhigna noloshaada oo xumaatay. Nolosha sideedaba lama dhihi karo waa xuntahay, balse, xilligaga markaas kugu adag ayaa la dhihi karaa wuxuu xunyahay. Nolol xun ma jirto ee goor xun ayaa jira. Saacad adiga oo faraxsan ayey saacadda kale isku baddali kartaa wax aadan ku fakarin culays nololeed oo murugo lehna ku dabooli karaa. Qorrax walba oo soo baxdo arrin cusub ayey la soo baxdaa, sida ay fallaaraheeda u tira badan yihiin ayey sha’niyada noloshuna u tira badan yihiin, wanaagna waa yeelan karaan xumaana waa yeelana. Sidaas si la mid ah ayey ula dhacdaa qorraxdu arrimaha dunida maalintaas la doonayay in laga fuliyo, waad aragtay fallaaro ma lahan waa cir gaduud oo kaliya taas oo ka dhigan shaqada maanta halkan ayey ku dhantahay. Nolol xun ma jirtee dharaar xun ayaa jira dharaaruhuna way yimaadaan wayna tagaan. Noloshuna waa mid socoto inta aad nooshahay.

Iska riyoo:

Riya ayuu lahaa waligiis ilaa yaraantiis ayey riyadaasi daba socotay, riyo fiican oo muuqaal fiican leh ayey ahayd. Hammiga uu arriintaa ku gaari lahaa ayuu mar walba ku fakari jiray, riyada uu riyoonayay waxaa ugu darsoomay fakar aan isagana joogsi lahayn. Amminku wax uu sidaas u ahaadaba wuxuu gartay markii dambe in fakarkan uu sidaa ku joogsan doonin riyadana aysan sidaa ku tagi doonin, markaas ayuu is waydiiyay waxa laga doonayo in uu sameeyo. Wuxuu billaabay in uu raadiyo siduu uu ku abuuri lahaa fulinta riyadiisa isaga oo kaashanaya fakarkiisa. Nasiib wanaag wax walba wuxuu u abuuray sida ay riyadu ahayd fikarkiisina wuu kaashaday. Markaas ayaa waxaa usoo baxay wax la dhaho in uu gaaray hadafkiisa lagana doonayo in uu ku nasto dadaalkiisa una riyaaqo guusha noloshiisa isaga oo Alle uga mahad celinayo dadaalka iyo guusha uu gaaray. Riyo waad leedahay, balse, waxaa loo baahan yahay in riyadaas aad raacsiiso fakar aad uga fakarayso sida aad ku gaari lahayd kadibna aad billowdo hal abuuriddedda kadibna u riyaaqdo naftaada dadaalka ay gaartay. Iska riyoo haddana abuur riyadaada jidka ay ku rumoobi lahayd, ku dadaal kadib in aad ilaashato dadaalkaaga naftaadana farxad gali adiga oo ugu riyaaqaya mar walba inta ay gaartay.

Hoos u hadal:

Qalbiga marka aad ka hadlayso waa in aad hoos u hadashaa, maxaa yeelay, hoos u hadalka qalbiga laga hadlayo waa astaanta in jacayl dhab ah uu ku haayo. Hoos u hadal marka aad jacayl ka hadlayso. Xummaan iyo wanaag: Wax ka dhaxeeya ma jiraan wanaag iyo xummaan, waxa ka dhaxeeyo waa ku fakarkooda oo kaliya. Qofka marka uu fakarayo labadaas ayuu ka fakarayaa in uu xummaan sameeyo ama uu wanaag sameeyo. Guusha: Dadka qaar ayaad mooddaa in ay la dhashaan guusha, qaarna waa gaaraan, qaarna ayaga oo aaminsan in ay guulaysteen ayey la noolyihiin. In aad daacad tahay: In aad daacad tahay micnaheedu waa in aad qani tahay.

W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

NAGALA SOO XARIIR:

laashin@gmail.com

SHARE