Home Qoraallo DHIMASHADII QALBIGA! W/T: Guryasame Cabdi Maxamed

DHIMASHADII QALBIGA! W/T: Guryasame Cabdi Maxamed

0
SHARE

DHIMASHADII QALBIGA!


S
ubaxdaas iyada ah, waxaan sheedda sare ka arkayay ayadoo taagan geeska barxadda iskuulka; bidix iyo midigna mar ba mid eegaysa sidii inay raadinayso mid ka mid ah ardaydaas; mid ay si daran ugu boholyoowday sidii inuu ba halkaan yimaado maalin kasta. Haweenaydani, waxay ahayd mid ka mid ah shaqaalaha nadaafadda iskuulka, aroor walba waxaaan caadaysatay inaan u fiirsado rejadaas indhaheeda ka muuqata iyo dhoollacadeyskeeda ka adkaanaya walbahaarka. Ma jirto qiso murugo leh hadday jirtana waxay ku billaabataa xaalad xanuun badan taa soo kuu horseedda dhimashada qalbigaaga mararka qaar, markaa kaddibna ma aad heli kartid fure aad ku gaartid farxadda , sidoo kalena ma aad yeelan doontid awood aad xaalladdaas uga yeesho wax tagay. Maalin ayaan si lama-filaan ah u kulannay markaasaan waydiiyay waxa dhacay ee ku kallifay in ay had iyo jeer taagnaato halkaan ardayduna ay sidaan u fiiriso..Wax niyad ah uma aysan haynin inay iiga sheekayso qisadeeda, balse, waxan ku qanciyay in aan doonayo murugada inaan la qaybsado, waxay gudagashay inay iiga sheekayso qisadeeda laga soo billaabo billoowgeedii.


Waa dalka, dalka ayaa xanuunjiyay kaddib markii ay ku dhex waysay wiilkeedii, hadda waxay luuq (cod) iska caadiya iigu werinaysaa qiso ku dhacday laba bil ka hor wiil dhallinyaro ah oo qurux badnaa sida kuwaas kale ee uu mowdku u miciyolisanayo… wuxuu ahaa wiilkeedii kaliya ee madiga ku ahaa. Galabtaas markii uu iskuulka ka soo laabtay waan farxay anigu, isaguna sidoo kale waa uu faraxsanaa, maxaa yeelay, dhowr bil kaddib iskuulka ayuu ka qalinjebin doonaa jaamacad ayuuna geli doonaa, wuxuuna ku taqasusi doonaa majaalkii uu jeclaa. Wuxuu ahaa mid ka mid ah qorshoyaashiisa qurxoonaa mana uu san ogeyn waxa uu qaddarku u qarinayo iyo inuu saacado kaddib…Si kedis ah ayey u aamustay, ma aysan garanayn eray ay xulato si ay ugu qeexdo dhacdadii dhimashadiisa … dil, dhimasho cayaarcayaar ah, dhaawac, hadalkeeda ayey sii wadatay ayadoo leh: duqeyn xooggan oo habqan ah ayaa xaafaddeenna ku soo billaabatay, dadkii oo idil bannaanka ayey u baxeen aniga mooyee, saladdda casir ayaan tukanayay. Daqiiqado kama soo wareegin markii uu naga anfariiriyay boorka iyo jugta xooggan ee dhacday guriga hortiisa, waan cararay si aan u soo arko waxa dhacay, intaa kaddib si kedis leh waxaan u arkay wiilkaygii oo dhulka daadsan dhiiggiisiina dhex dabaalanaaya.


Laga soo billaabo maalintii ay dileen rabitaankiisii nolosha oo ay daldaleen qorshayaashiisii iyo farxaddii dareemihiisa, dhammaan erayada oo la isku keeno kuma filna inay suureeyaan fudaydkii tegitaankiisii abadiga ahaa. Ugu dambeyntii ayey cod xooggan ku tiri: Haah! ooy haddaba waa anigaas ku wabxiyaye. Hadalkii waa dhammaaday, sheekadiise ma dhammaan, tafaasiishii ayadaa nafteeda u la hartay, aniguna maalintaas aad ayaan u murugooday, balse, ma aanan ooyin markaas. Hooyadaasi markasta oo ay istaagto halkaas waxay heysatay; ammin ku filan oo ay ku soo ceshato tafaasiishii wiilkeedii oo idil. Subax xun ayey ii sheegeen warka geerideeda, sidii in ayba ogaatay in aysan waqeeed ku dhex arki doonin ardaydaas, qaddarkeeduna uu yahay inaysan maalinna noqon mid faraxsan. Aad ayuu iiga fajaciyay warkaasi, markaaseey indhahayga ka soo daadatay ilmadii aan isku celiyay maalintii ay iga dalbatay in aan ooyo.

  • W/Q: Fatima Al-Zahra Ahmed
  • W/T: Guryasame Cabdi Maxamed
  • Xaquuqda sawirka: Shani Rufai
  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com
SHARE