Home Qoraallo QOF TALLANSAN W/Q: W. M. Bayle

QOF TALLANSAN W/Q: W. M. Bayle

0
SHARE

Habeen dheer ayaa galbaday, waa habeen saacadihiisu ay kala badnaadeen intii lagu yaqaannay, waxa uu fadhiyaa kaabadda qol ka mid ah guri ka kooban afar qol, waa afar qol oo albaabadoodu mid mooye inta kale is eegayso, midh sigaar ah oo dabkeedu farihiisa ku sii siqayo ayuu intii u dambaysay sambabada u diray oo qiiqii muddo ilbidhiqsiyo ah laabtiisa ku aabudhay dabadeedna cuntub qiiq ah hortiisa ku firdhiyey. Waxa uu xidhan yahay macawis sarando ah oo jactadsan iyo garan fiino ah. Labadaa shay wax ugama sarreeyaan waxna uga ma hooseeyaan. Muuq ahaan waa nin dheer oo caato duukhaysa ah midab ahaanna waa maarriin madow xiga, da’dana soddomeeyoda ayuu foodda la sii galayaa. Koodad wajiga ka soo fiiqan iyo indhaceel la moodo sida ay u gudheen, ayuu ku eegayaa qudhaanjo hor yaacaysa, waxkasta oo uu eego maskaxdiisu farriin ka soo celin mayso, iyada ayaa iskeed isaga tallansan, hirarkii fekerka ee fiidkii maangadDiyey ayuu iska dulsabbaynayaa.


Waa feker taxane ah oo noloshiisa uu ugu kuur galo, waa sida qof dhintay oo taariikh nololeedkiisii qabriga loogu keenay, waxba iskama baddalaan noloshiisana waa uu seexda, soo toosaa dabadeedna gallinkaa iyo wixii ka horreeyey ka fekeraa. goobodaas ayey noloshiisu ku wareegtaa, waa nolol bilaa sareedo ah, qoomamose ka dheer, sababtoo ah in uu noolaado iyo in geeriyoodoba waa laba gudboon. Caawa sidii hore ma aha oo xasuuso hore ayuu duunkiisa ka soo jafayaa, xasuus walba oo uu galo waxa ay ku jihanaysa jeerin oodan iyo meel dubaaqiisa la hugmayo, markaas ayuu is illawsiinayaa oo sigaar kale shideyaa. Sideedaba xasuus waliba waxay ku dhammaataa xaaladda qofku markaa ku jiro si kasta oo uu badhaadhe qofku ugu soo joogayna waxa ka awood wayn taaganta kakan ee uu markaa la noolyahay, isla sababtaas ayuu isna uga xunyahay in uu maskaxdiisa la kaliyoobay, in uu fekeray iyo in uu leeyahay nolol hore oo uu waayeheeda laabta weli ku sito. Waxa uu is waydiiyey markii ugu dambaysay ee uu nolol ujeeddo leh noolaa, qalbigiisu xasilanaa,aayahana waxsan ka rajaynayey. Waa saddex qaamuuska noloshiisa la moodo in hal mar istiigad laga mariyey.

Waxa uu dib ugu celiyey xasuusta toddoba iyo labaatan sano hortood. Farxaddiisii dhallaannimoda ayuu xasuustay sidii ay ugu koobnayd nacnac iyo qunjuraaf kale oo aan wax dhaamin. Middaas darteed ayuu ku xusuustay dukaan yar oo ay daris ahaayeen. Waa dukaan aan waynayn oo bagaashka yaryar ee nacnaca iyo wixii la halmaala lagu iibin jiray waana halkii uu markaas ifada ugu jeclaa. Sababtuna waa in farxaddiisa halkaa lagu iibin jiray oo maxaa ka wanaagsan in aad taqaannid halka farxaddaada lagu iibiyo? iyo inaad la socotid hadba sicirka ay joogto, markale ayuu xusuusta ka raadiyey xilligaas wixii uu la noolaa ee ku taami jiray middaasina waxay ku jihaysay isaga oo walaalkii ku leeyahay: “war toos toos dayuuradda miyaadan guuxeeda maqlayn” waxa la yaabku noqotay sidii ay ula waynayd daawashada diyaarad cirkaa guud maraysa jeer uu hurdada uga tooso.

hal cabbaar ah ayuu xasuusahaa hore iska jibaaxay, balse, ugu dambayn waxa isu qaban wayday garaadkiisa curdinka ahaa sida ay ugu kulmeen labadaas riyo ee midi daruuraha ka sarraysay midina dhulka guud taallay. Su’aasha maankiisa gaddayna waxa ay noqotay: “maxaa sababay in aan jeclaato diyaarad aanan waligeey indha ka qaadin iyada oo fadhida sidoo kalena aysan dalkaba cid wadataa shicib iyo dawlad toona jirin?” Ugu dambayn waxa uu qiray in damacaasi salka ku hayay anaaniyada isnaanka oo dhan ku abuuran, waa damaca dhalanka ah ee qof walba fara in uu soo taabto meel aan dadka kale gaadhin, tusiyana wax ay tahay in uu gaar yeesho, ugu yaraan ku khasba in uu yeesho hami aan laga filayn oo cirkaa jaran. markale ayuu garashada ku dayay waxa keenay in isaga oo hammi sidaa u wayn lahaa haddana farxaddiisu ku xidhnayd xabbad nacnac ah. Si qun leh ayuu u fadhiistay oo isku dayey in middaanna uu jawaab waafi ah u helo.


Waxa uu yiqiinsaday, in nacnacaasi ahaa farxadda dhabta ah ee uu markaas garaadkiisu yaqaannay, isla jeerkaasna uu si toos ah wax uga tari jiray duunkiisa. Middaas ayuu ka xusuustay sidii uusan uga ilbixi jirin in lagu maslaxo xabbad nacnaca si walba oo uu noloshiisa wax ku qaali ah u waayo, xataa markii hooyadii dhimatay ee uu dadkii ooyayey iskala ooyay isaga oo aan garanayn wax uu la ooyayo in nacnac la siiyey oo aamusay ayuu xasuustay. Oohinta maalintaa seegtay ayuu toddobiyo labaatan sano kadib dib u qalleeyay illin kulul ayaa dhabankiisa bidix kusoo dhacday oo hoos u roortay dabadeetana isha midig ayaa iyana ilmaysay oo sidii oo kale dhabanka midig u qoysay. Ilmadii waajibka ahayd ee uu iska riday ayuu iska tiray wajigiisana ugu fooldhaqay qoyaankeedii. Geed mirimiri ah oo hortiisa ku beeran ayuu cabbaar indhaha ku qabtay oo laan si qaabdaran ku dhereriyey noloshiisa, dabadeedna is waydiiyey, hooyadii hadii ay noolaan lahayd sidii ay noloshiisu noqon lahayd, waxa uu se dhanna u dhaafi waayey in uu hadda yahay sida geedkaas oo kale goyn mooyee in uusan toosin lahayna sidoo kalena uu yahay tusaalaha xun ee hooyo waliba ubadkeeda ka waanin lahayd Oo maxay kaloo odhan lahaydba oo aan ahayn, “hooyo waxbaro oo anfac naftaada iyo dadkaaga” ama “hooyo ha cabin sigaar balwad oo dhanna kuguma ogi” ama “hooyo cibaadayso oo weligaa ha ka tagin waajibka Eebbe” hooyo hooyo hooyo… wad uun.


Intaasba midna kuma dhaqmo inuu ku dhaqmana taladeeda ma hayo. Sideedaba talooyinka wanaagsan waxa ay toos uga yimaadaan ruuxda wax jecel, waana farriin looga golleeyahay in aysan arwaaxdu kala irdhoobin marka dunida ay ka wada tagaan. Sababtaas darteed ayuu isaguna mar walba oo uu xasuusto hooyadii yabaal uga muujiyaa in ay arwaaxdoodu dib u midoobi karto. Isaga oo sidii u dhakoola ayaa cod dheeri halmar korkiisa ka yeedhay, waa aadankii subax. Waa uu jecelyahay codka wadaadkaas, wallow uu leeyahay “toos oo xaggiisa uu iilo” isaguse markaas ayuu hurdo u hollodaa. Jidhkiisii is galgalay ayuu jimciyey oo hamaansadaY, dabadeedma aayar qolka galay ma seexan ee waxa uu toos u abbaaray qalin iyo warqad aad mooDdid in la sii diyaariyey qoraalna bilLaabay. Waa qoraal ka fiirsi miidhan ah marka uu dhawr sadar qorana, qalinka dabadiisa ayuu foolka taataabsiinayaa kuna fekerayaa, marmarka qaar sigaar ayuu shidayaa muddo badan ayuu qoridda waday, wad oo wad oo wad ugu dambayna saxiix foolxun ku khatin. Inta sarajoogsaday ayuu qolkii uu ku jiray indho hilawgu ka sokeeyo ku eegay, halkaa hortiisa gogol is dhexdaadsan ayaa wadhan, waxa dhinacyaalla seesaar uu sigaar ka buuxo, waraaqo googo’an oo duuduuban ayaa qolka dhexdiisa daadsan, gidaarrada magacyo taleefanno iyo sidoo kale sawir foolxumadooda dad iyo bahal mid ay yihiin aan la kala sari karin ayaa ku
yaal.


Indhaha ayuu ku qabtay weedh ingiriisi ah oo farwaawayn ku qoran “If you want be happy. Haddii aad doonaysid farxad, dee iskaba farax” si deggan ayuu warqaddii buugga u dhex galiyey khaanadda miiskana ugu xereeyey. Dabadeeto kursigii qolka dhexyaallay ayuu iska dhookeeyey sida duddun oo haddana si miisaaman kursiga dhagihiisa ugu sii istaagay, xadhig qool leh ayaa cabbaar hor tiisa lalmaday ugu dambayna qoolkii ayuu qunyar madaxa la galay. Kursigiina suulka midig ku laaday, dhulka ayuu aayar uga soo go’ay kursigii. Isagiina isla markiiba lugaha ayuu ka firigfirigsiiyey, indhahana ka bidhbidhsiiyey, dabadeedna qunyar qunyar ayuu dhaqaaqii lugaha iyo gacmaha u joojiyey, naftiina sidaas ayey kaga aguugtay, cabbaar ayuu sida maro xadhigsaaran oo dabayli ku soo dhacday hor iyo gadaal u lalmaday ugu dambayna istaagay, isagoo carrabka iyo labada indhood oo isku midab ekaaday debedda joogaan. Waagii markii uu baryey ayey inan yari laba saxan oo isku daboolan iyo falaas soo qaadday, iyada oo sanqadh tiranaysa ayey qolkii albaabkiisa furtay oo dhigtay alaabtii dabadeedna dhiniciisii ayey iyadoo is dadbaysa ilqoodhka ku eegtay, lugo hawada dhexe laalaada ayey indhaha ku dhufatay oo kor indhaha u la raacday, jidh korkeeda kasoo daldalanna aragtay, daqiiqaddaas wixii ka dambeeyey qaylo iyo sawaxan ayey la miyir daboolantay.


Warkii ayaa degmadii oo dhan gaadhay, askar iyo dambi baadhayaal ayaa qolkii yaraa soo buux dhaafiyey gidaarradan, guriga shaabad ayaa meel walba kaga dhagan ah lama gali karo! Su’aalo ayaa dhammaan qoyska oo dhan la waydiiyey waraysi dheer kadibna, gurigii ayaa la baadhay waxana loogu tagay warqad ku dhex jirta buug. Waa buug isku laaban oo si qaabaysan xaashi ka gaar ah loogu xaseeyey. Warqaddii ayaa akhriskeedii uu billaabay nin dhakhtar nafsi ahi oo baadhitaanka qayb ka ahaa. [12/4/1919 3:30 AM]. Qof walba oo warqaddaan furi doona waxa aan u rajaynayaa nolol sareedo leh inuu ku noolaado, middaas haddii uu seego waxaan kula talinayaa geeri macna leh in uu dhinto. Marar badan dhibaatooyinka nololeed waa kuwa aadamaha dheef u ah, ma ogi in ay aniga dheef ii ahayd iyo in kale, balse, mar walba oo ay jirto dhib aan xal u la’ahay waxa aan ka baaqsan jiray wed aan anigu sababtiisa qorsheeyey. Haa marar badan ayey igu soo dhaacday inaan nafta is dhaafiyo, balse, haddana waqtiga oo igu yaraa awgii ayaanan u dhiman jirin. Mar ayaa dhacday aniga oo diyaar ah in ay gaajo i dareemay, “adiga oo hamuun qaba ha dhimane wax cun oo hadhow is dil” ayaan is idhi. Dabadeedto markii aan dhergay dhibaato kale oo xal iiga baahan ayaa ii muuqatay, sidii ayaan maalmo, bilo iyo sanado ba ku noolaa, iyadoo haddana fikraddii dilku niyaddayda ilbidhiqsi walba ku jirtay. Dabcan tani waxa ay meel dhaw iga tusiyey macnaha nolosha. Aan dhaho macnaha noloshayda, sababtoo ah qof waliba isaga ayaa qeexiddaas xaq u leh, aniguna waxa aan ku qeexay noloshayduba in ay ahayd dhibaatooyin aan dhammaad lahayn, si taas la mid ahna u baahan furdaamin aan daal lahayn. Waa sida badwayn qofku badhtankeeda dabbaalanayo mar walba oo uu hir fuulana hir kale meel fog uga muuqanayo, ilaa uu isdhiibayo ama ay mawjadaha is hirdiyayaa salka dhigayaan. Taasina waa waxa ugu yar ee qofi samayn karo, maadaama oo aynu ka hadlayno in qofi noolaado oo kaliya, balse, in uu ujeeddo u noolaado waa hawl aad u culus in uu ujeeddo aan naftiisa ahayn u noolaadona waa hawl xajmiga culayskeedu dunida u dhigmo.


Naf hurka iyo anaaniyadu waa isddiidooyinka dhalanka ah ee qof walba ku mataansan, ujeeddada uu qofku u noolyahayna labadaas ayaa jaangooya, in qofi u sadqeeyo naftiisa, farxadiisa ama noloshiisaba qof kale oo kala siman intaasba, waxa ay baddeli kartaa qeexidda nolosha ee ah loollanka aan dhammaadka lahayn. Middani waxa ay deedafanaysaa in nolosha lagu koobo heerka qofeed iyada oo gaynaysa heer ka sarreeya oo ah isku tiirsanaan iyo in qofi qof kale dartiis u noolaado. Si taas ka duwan anaaniyadu waa doonis ku abuuran qof walba gudihiisa, waa damac ka shiidaal qaata dareemada masayrka iyo xaasidnimada ee qofka korriinkiisa la hanaqaada. Tan ayaa sabab u ah loollanka iyo ujeeddaynta nolol bilaa ujeeddo ah. Waana sababta dhalisa in qofku gaar isula baxo oo iswaydiiyo waxa uu ka macno yahay waa isla halka laga ebyey qaacidadan macnaha daran ee ah: (dhalo+hadaf dhigo, ka dhabee/ku dhac +dabadeedna dhimo). Waligay uma noolaan qaabkan, sababtoo ah si wal oo aan noloshayda gudaha u bilo, wax iska badal ah kuma soo kordhinayso nolosha dibeda. xataa haddii aan isdiidsiiyo middaas, waa mid aanan sinnaba waxba uga qaban karayn. Noloshu waa ay iga hor billaabatay, dabadayna waa ay sii jiri doontaa, saas oo ay tahay waxa kaliya ee taransan karaa haddii ba aan sii noolaado waa in magacayga dad sii hadalhayaan taasina wax nuxur ah oo wayn kuma jiro.


Aadamenimada iskama saarayo oo ma lihi waxa aan la ahay dareemadaas oo dhan haddana si uun, waligay doonistayda ugama tanaasulin cid kale, waaba haddii ay jirto dan aan u noolaa e, si taas ka duwan waligay macnaha noloshu ii samaynayso kuma ladhin doonistaas, sababtoo ah fal wal oo aan sameeyo waa mid aan ku qasbanahay samayntiisa. Dabcan taasina doonis ma aha ee waa sandulle. Sida uu qofku ugu sandullaysan yahay in uu naftiisa ka badbaadiyo waxkasta oo dili kara ayuu ugu qasbanyihiin doonis dani ku badday ah. Marka kaliya ee qofi si iskii ah wax u dooran karaa waa marka uu goosto go’aan wayn sida in uu noloshaba ka xoroobo. Taasi waa aragtida aan nolosha ka haysto, balse, shaqsiyaddayda colow ahaan ma garanayo. Haddiise la i waydiin lahaa waxa aan odhan lahaa: “waa Qof iska nool abuurtiisuna aysan waxba ka duwanayn, iniin uu habeen daad kasoo hoos qaaday geedkii ay kasoo dhacday, dabadeedna daad xoortu kula caariday degel kale oo aan geed la jaad ahi hore uga bixin, halkiina si qaabdaran uga soo baxay.

waa qof nool, balse, intaas aysan wax ba u dheerayn jiritaankiisuba waa in uu yahay qof ka abuuran naf cadow ku ah oo ay tahay in uu ka badbaado isla jeerkaasna ay tahay inuu badbaadiyo, si uu u sii jiro. Is diiddooyinka dhexdiisa yaalla ayaa ku sababay in ay nolosha oo dhami hal midab u yeelato, si wal oo loogu qanciyo quruxda dunida looguna sifeeyo midabada jeegaanta ee cuddoon, isagu waxa uu ka fakaraa midabka uu yeesho waxkasta oo jiritaankiisu gebagaboobo kaas oo ah midabka dambaska] dacalka ugu dambeeya ee warqadda ayaa lagu qoray: “waxba ima tarayso qabrigayga in aad ubax saartaan iyo in aad tiin ku tallaashaan, qodaxda tiinku hadda jidhkayga wax kama tarayso, ubaxa caraftiisuna sambabkayga ma gaadhayso”.


NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

SHARE