Home Qoraallo Dooddii dhalashadeyda! W/Q: Warfaa Muuse Bayle

Dooddii dhalashadeyda! W/Q: Warfaa Muuse Bayle

0
SHARE

Dooddii Dhalashadayda!

Waxaan ahay ruux jiritaankiisu u dhexeeyo khayaal iyo dhabnimo dareen mooyee aan lahayn jidh muuqda oo il aadame arki karto ama gacan aadame haaban karto. Haddana inkasta oo nolosha aan la igu tirin waxa suuragal ah mar walba in aan noqdo wax jira oo nolosha qayb ka ah. Garaadka aadamuhu ma sugi karo sifadayda, haddii aan gadoodana waxa aan u ekaadaa holaca baarkiisa. Haddii aan muusoodana waxa aan u u ekaadaa uumiga cad ee dhedada. Labadaasi ba sida ay jiritaanka dabeecadda uga mid yihiin misana uusan midkoodna u ahayn wax jira oo la taabankaro, ayaan haatan la mid ahay aniguna. Caalamkan cadmiga ee jiritaanka ka horreeya waa mid aamusan oo mugdi ah, waxkasta oo ka mid ahna ay ku duuganyihiin mugdigaas gadaashiisa, sida waxkasta looga filan karo meel mugdi ah, ayey suuragal u tahay in caalamkani yahay mid sugan oo u jira si ka duwan nolosha caadiga ah. Sababtuna waa in uu yahay halka waxkasta oo jira ka soo billaawdeen. Abuurta ka hor dhammaan arwaaxdu waxa ay ku wada xidhiidhaa dareemo, waa dareemo qaarkood gayeysiisa midow, qaarna kala irdhaysiisa, anigu maadaama aanan weli dhalan ruux walba oo halkan dareemadayadu isku waafaqaan, waxa aan ku rajowaynahay in aan adduunka kula kulmi doono, mase ogi in xasuusta halkan mugdiga ah lagu sagootin doono iyo in aanu adduunka la tagi doono halkaasna aan kaga sheekaysandoono qisadii ka horreysay dhalashadayada.

Waxa aan ogahay in caalamkani ku egyahay dharaarta uu dhasho qof iga mid ah aniguna aan isaga ka mid ahay. Dabadeedna ay halkaas ka billaabmi-doonto Sheeko kale oo aan qayb ka ahay. Marar badan ayaan waydaartay soohdinta u dhaxaysa labadan caalam, markasta oo aan qaydka ku beegan adduunka iska faydona waxaan ugu tagayey wax layaab igu noqda. Dadka adduunka waxa ay u noolyihiin nolol si walba uga duwan midda aan ku noolahay, waa nolol xadaysan oo jidaysan waxkastaana ay u baahanyihiin sabab ka dambaysa si loo ogaado macnihiisa. Dhammaan nolosha dadku waa mid isku eg, ayna qaabeeyaan xeerar xakame u ah oo isla aadamuhu jidaystay, xeerarkaasi waa kuwo deedafaynaya qofku in uu u noolado geddii uu u dhashay. Xeerarkaas waxa loogu yeedhaa xeerarka samaha iyo xumaha. Samuhu waa fal qofku ku kallifanyahay samayntiisa, xumuhuna si taas la mid ah waxa uu noqon karaa yeelista qofku yeelo doonistiisa dhallanka ee ku abuuran. Dunidan aan ku dhalan doono waa mid balaadhan haddana sohdimuhu is barkanyihiin, waxkasta oo aan fali doono waxa loo kala saari doonaa fal xun oo hoos u dhigi kara dadnimadayda iyo falsan oo kor u qaadi kara qofnimadayda, saas oo ay tahay wax ku kordhaya qofka aan ahay ma jiraan.

Kaliya aragtida togan ama taban ee dadku iga haysto ayaa koraysa, dabcan dunidu waa mid aan jiritaankayga dan ka lahayn, balse kaliya dananaysa inaan waafaqo xeerarka dadku ebyey. Ma odhan karo xeerarka dabeecadda sababtoo ah doonistayda qofeed lafteeda ayaa dabeecadda qayb ka ah, waayo waa wax igu abuuran oo aanan iska yeelyeelayn, sida aan iska yeelyeel ugu samayn karo fal aan uga golleeyahay ha lagugu ammaano. Sifada ugu runsan ee qofi yeelan karo waa doorashada iskii uu doorto falkiisa ereygiisa iyo in uu si iskii ah u noolaado, intii aanan dhalan ka hor ruuxdaydu waxa ay sahan ku timid dunida. Si guud iyo si gaar ahba waxa aan u raadiyey qof isagu doortay noloshiisa, balse, nasiibdarro dunida intaa le eg kuma arkin qof geddaa u nool. Ugu dambayntii waan ku daalay sababtoo ah xorriyada dunida taallaa waa mid xadaysan oo leh bar billow iyo bar dhammaad. Markii ugu horreysay ee aan dareemay inaan dhalandoono, waxa ay ahayd mar aan is arkay aniga oo shaqlan oo ku hadoodilan meel yar oo cidhiidhi ah. Marnaba ma malaysanin in aan ku sii negaan doono halkan, maadaama, korriinkaygu xawli u socday.

Qasabado ayaa dhinac walba igaga xirnaa oo ka qayb qaadanayey habdhismeedkayga caadiga ah. Maalin ayaan si faduul ah qunyar u gujiyey derbigii dunida noo dhexeeyey. Dabadeed dhammaan hoygii cidhiidhiga ahaa ayaa hal mar hinqaday oo cod aanan garanayn jiho uu ka yimid ayaa si deggan u yidhi: Aah! aah! xilligaagii waa uu soo dhawaaday, haa waxaan doonayaa inaad jiritaanka nolosha qayb ka noqotid oo aad dhalatid, kortid, dabadeedna nolol abdo leh ku noolaatid, si aad u dhimatid geeri xalaal ah”. Ma aanan fahmin ujeedada hadalkan. Dabadeed waxa aan waydiiyay: Maxaad uga jeedaa, nolol abdo iyo geeri leh? Nolol abdo leh, waa nolol wax laga raalli yahay uu qofku yeelo isaga oo dooran kara in uu falo wax uu raalli ka yahay isaga qudhiisu, waa nolol gayeysiisa qofka in ruuxdiisa dadku u riyaaqaan, jeer oo geeridiisa loo arko tiir jiritaanka dabeecadda kamid ah oo dumay. Mar kale ayaan waydiiyay aniga oo wareersan: Ma wax aan jidh ahayn oo kale ayaa ruuxda lagu lammaaniyaa marka malaggu afuufo?. Dabadeed si deggan ayuu iigu warceliyay, asiga oo i leh: Qof walba waxa ku uuman laba awoodood oo isceshanaya kuwaas oo gudihiisa isaga
waxtar iyo waxyeello toona aan u gaysan karin, waa laba awoodood oo uu mid si dhamaystiran u adegsan karo, midna uu adeegsan karo, balse, ay xaddidantahay.


Labadaasi awoodood waa sharka iyo khayrka. Sharku waa awood dhammaystiran oo uu qofku qof kale qudha kaga jari karo, awoodda khayrkuse waa mid xaddidan, qofku in uu qof kale badbaadiyo mooyee uusan ku abuuri karin sida uu sharka wax ugu dili karo, dabcan awoodda sharka waxa isugu taga jidhka iyo ruuxda, halka awoodda khayrku ku koobantahay ruuxda. Waydiin culus ayaa duunkayga xushay dabadeedna isaga ayaan ku celiyay aniga oo leh: Haddiiba qof walba oo adduunka la keenay isaga oo bayd cad oo xalaala ah, maxaa qaar nolosha ugu xumaadaan, qaarna ugu wanaagsanaadaan?. Xummaanta iyo sammaantu waa halbeegga kala saara laba qof oo midi xeerarka xakamaha u hoggaamsamay midina jabiyey. Sidee loo helayaa xornimo qofka ka soo go’day maadaama xeerarkani yihiin kuwo dad kale ebyeen? Qof waliba xor ayuu u yahay doonistiisa gaarka ah iyo in uu si waafi ah u noolaado, balse, xornimadaasi waa in ay noqotaa mid ka turjumaysa wanaag.” Waa isla guri gayn haddii qofka wax laga reebo iyo haddii wax la faro, isku si ayuuna u dareemayaa doonistiisa oo la diido iyo wuxuu diiddanyahay oo lagu khasbo ama lagu sandulleeyo.

Haddaba waa su’aal maanka daloolinaysee. Xornimada oo xad loo yeelaa miyaanay ahayn garaadka oo loo dulleeyo xeerkaaas dadku lama taabtaanka ka dhigtay? Xornimada aadamuhu dhanka togan kama xaddidna oo qofku in uu sammaan la yimaado waa waajib saaran oo isagu garankaro ama ay cid kale fari karto, balse, dhanka taban way ka xaddidantahay sababtoo ah taasi waxa ay waxyeello ku noqon kartaa xornimada qofkale. Haddiiba aan taada kuu raaco oo xakamaha aad isudhayna qaato, akhlaaqdu heerka ay joogto ee ah xeer guud ma ka soo degi kartaa oo ma iman kartaa heer qofeed iyada oo la tixgalinayo garaadka korreeya ee aadamaha lagu galladay?. Maya! Taasi suurto gal ma ahan. Waayo, waxa ay ka hor imanaysaa habka wada noolaanshaha. Waxa ayna wiiqi doontaa toosnaanta iyo qiyamka bulshada. Yabaal ayaa jawaabahaas kakan iga galay, aniga oo isdiidsiinaya in dareenkayga uu fahmo ayaan dhinac kale wax ka waydiiyey oo aan idhi: Maxaa keena in uu naf hurku gaadho heer uu qofu qof kale naftiisa u halligo, ma waanay ahayn naftiisu mid qaali ah oo wax kasta ka qaalisan? Naf hurka ama sadqayntu waa jacayl halka ugu dambaysa ee laga gaadho. Waana hibayn furan oo qofku wixii ugu qaalisanaa baxsanayo sida ruuxdiisa oo kale.

Doonis iyo damac ma leh qofka jacaylkiisu naf hurid gaadho. Damaciisa kalena waxa jaangooya naftaa kale ee darteed wax loo hurayo. Nafta wax loo hurayna waxa ay ku qasbantahay in ay loodsanto oo ay gorrada laadlaadiso sida addoon yar si arwaaxdu u midowdo. Haddii ay midi galbato, arwaaxdu waxay ku midoobayaan qalbiga midda kale ee iyadu sii qoyan. Maya! Abadan! suurto gal ma aha in heerkan uu qofi gaadhi karo oo ruuxdiisi labada caalam isu soo martayna u loogi karo mid kale. Sow ma dhici karto in ay dadku qofka ku xusuustaan wixii uu taray oo keli ah? Kibirka iyo anaaniyadda dadku saw ma keeni karto in ay qofka ku ammaanaan sida uu doonistooda uga soo dhalaalay ama uu yeelay oo keli ah? Haddaba si taas ka duwan qofka ka diidana saw isla anaaniyaddaas darteed uma nici karaan oo uma ba fogeeyaan? Saw ma habboona in qeexidda noloshiisa qof walba isaga loo daayo. Si uu macne iyo ujeed uu ugu helo hal xidhaalahan kawniga ah. Balse maxay dadku uga welwelaayaan in ay dhintaan iyaga oo markii horeba cadam laga abuuray?. Marka aan sidaas leeyahay waxa aan gujinayaa uurka hooyadeey dabadeedna waxaan xusuustay aniga laftaydu in aanan wax jiraba ahayn oo aan ahay kaliya ruux la doodaya qofkii dhali lahaa.

W/Q:- Warfaa Muuse Bayle

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHARE