Home Curis KUFSI IYO KADEED ADDUUN Qaybtii 1aad. W/Q: Mohamed Musa Sh.Noor

KUFSI IYO KADEED ADDUUN Qaybtii 1aad. W/Q: Mohamed Musa Sh.Noor

0
SHARE


        KUFSI IYO KADEED ADDUUN
Qaybtii 1aad
Nolosha waa mid qaddaran sida ay u qaddarantahay ama ay noqon doonto sakanka dambe Cid og ma jirto, waana Calaamad ka mid ah calaamadaha muujinaya daciifnaanteena Baniaadnimo,
qofka haddii uusan garan Karin sakanka uu joogo kan ku xiga waxa uu noqonayo, taas macnaheeda waa in uusan wax tala ah ku lahayn noloshiisa bilowgeeda iyo dhamaadkeedaba iyo halka ay saldhigan doono waqti walba, balse, waxaa jira Doorasho uu isagu Xaq u leeyahay.
Qofku wax wuu dooran karaa balse ma ahan doorashadiisa mid awood u siinaysa in uu qayb ka noqdo fulinta ama awood u lahaanshiyaha waxa uu noqonayo ama noqon doono Mustaqbalka.
Wax badan uu qofku meelo badan ka baadi goobay ayaa laga yaabaa in meelo uusan ka filayn ay uga soo baxaan iyada oo laga yaabo in uu dhib badan usoo maray hanashadooda kuna guul darraystay in uu hanto ama helo waxaas uu ku hamminayay, balse dhinac kale oo fudud ama uusan filayn laga siiyo waxa uu intaas usoo rafaadayay.
Sheekadan KUFSI IYO KADEED ADDUUN ayaa ah sheeko Murugo badan kuna tusinaysa in doorashada qofka uu naftiisa wax u dooro ay mar walba ka weyntahay kana ahmiyad badantahay doorashada uu Alle qofka u dooro ha ku qanacsanaado qofka ama yuusan ku qanacsanaan, dhabta ayaasa ah in wax walba uu Alle doono ay noloshaada qayb ka noqon doonaan saamayn balaarana ay ku yeelanayaan, halka doorashadaada ama doonistaada laga yaabo in aysan saamayn ku yeelan noloshaada amaba aysan qayb ka noqon.
Qofku inta uu nool yahay waa mid ku jira baadi goob uu is leeyahay naftaada ayey dan ugu jirtaa, hadana laga yaabo in waxaas uu baadi goobayo aysan naftiisa dan u ahayn, dhinacaas marka laga eego waxay tilmaan cad u noqonaysaa in qofina uusan ogayn waxa dhab ahaan dantiisa ah ilaa uu dhadhansho dhaxalka uu ka dhaxlo waxaas uu muddada baadi goobayey.
Idil waa gabadha ay sheekadeena ku socoto, runtii waxay Astaan u tahay Noolaha oo dhan, marka aan sidaa leeyahay waa noolaha ku nool dunideena Soomaalida ah, wax badan oo muddo ay si wanaagsan oo dookheeda ah iyo si dookha dadkeedaba ay u dooreen ay ku baadi goobaysay ayaysan ku helin sidii ay rabtay, balse, si kale oo lama filaan ah oo xanuun daran ku reebay laabteeda ku heshay.
Waa Gabar yar oo ka dhalatay Cid Faqri ah, waxay ahayd gabadha Curadda ah ee uu Alle ku mannaystay qoyskaas, dhulka ay ku noolaydna Miyi (Baadiye) ayuu ahaa oo dadkeedu xoolo dhaqato ayay ahaayen.
Haybad iyo hananaan Dumarnimana Alle wuu ku mannaystay, Qurux iyo qiimana waa u dhalatay, intaas waxaa usii dheeraa Garaadka ay lahayd oo la oran karay wuu ka hormarsanaa Da’da ay markaa jirtay.
Idil waxay ahayd Gabar yar oo kusoo kortay Nolol adag oo ah midda Miyiga taas oo ay garan karaan Dadka kusoo barbaaray dhadhanshana nolosha kale ee Magaalada, ma ahayn mid Nasiib u yeelatay in ay Qallinka qaadato sida asaageeda ku nool magaalooyinka, taas baddalkeeda waxay qaadatay Qorayga ama Usha ay ku raaci jirtay Xoolaha ay qoyskooda lahaayeen.
Subixii marka ay kasoo kacdo oo ay ku dhufato koobka shaaha ah kaas oo mararka qaar aananba la heli jirin ilaa Cassirkii ama habeenkii ayey soofin jirtay inta ay xoola lahaayen, waana mid ka mid ah sababa Dunida loo keenay oo ay qosykooda u dhaleen.
Qoysaska Miyiga Dhalmada ay Ilmaha dhalaan sababaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah Ciidaminta  si uu Cunugaas ugu adeego Cidda oo waxaa la oran karaa ma jiro Hadaf  kasii shisheeya ama dhaafsiisan.
Macnaha nolosha qolo walba waa sida ay u fahanto, Dunida sababaha Dadka uu Alle ugu abuurtay ayaa kow ka ah in ay isaga caabudaan kadibna ku intifaacaan nimacadiisa uu dunida ku mannaystay, dunidana ay nuuriyeen oo ku cammiraan Garaadka iyo xooga uu Alle uga duway abuurtiisa kale.
Balse taas waxaa mooddaa in umaddeena aysan ku baraarugsanayn, marka aad aragto dadka ku nool Baaddiyaha qaabka ay caruurta u dhalaan iyo sida ay u koriyaan iyo hadafka ay ka lahaayen marka ay dhalayeen ilmahaas, waxaa kuu soo baxayso in ay ahayd oo kaliya Xoolaha ha kuu raaco kuna intifaac xoogiisa marka aad xoog yarayso.
Waxaa kaloo laga dheehan karaa in waaliddiinta dhalaya ilmahaas in ay ujeeddada koowaada ay ahayd in ay ku danaystaan, balse wax la dhaho u danayn loo danaynayo ubadkaas aysan jirin, marka uu cabaar noolaadana uu ku biyo shubto qaabka ay ahaayeen waalidkiisa, waa nolol Mugdi oo mugdi kale laga sii dhaxlayo runtii.
Mar walba nolosha qoyska ayaa muhiimadda leh iyadoo mararka qaar waalidiinta ilmaha miyiga dhalay la oran karo maba oga Xaqa uu leeyahay cunugaas ay dunida keeneen ayaga oo aaminsan qaarkood in sababta ay u dhaleen ay tahay in ay ciidansadaan taa baddalkeedana ay koriyaan ama wax uu cuno ay ugu deeqaan, aakhirkana uu ku biyo shubto sida ayaga oo kale, noloshaas adag aan lahayn hadaf aan ka ahayn xoolo dhaqid la iska dhaxlo ayuu ku biyo shubtaa cunugiina ilaa la isku sii gudbiyo jiilba jiil dhaqanka nuucaas ah ee cuuryaaminta iyo caqli aan la maalin ku dhisan.
La soco Qaybta 2aad jimca walba
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com
SHARE