Home Curis KUFSI IYO KADEED ADDUUN. W/Q: Mohamed Musa Noor

KUFSI IYO KADEED ADDUUN. W/Q: Mohamed Musa Noor

0
SHARE

                                          KUFSI IYO KADEED ADDUUN

Qaybta 2aad

Waa Nolol runtii ku dhisan Colaad, Caddaalad darro, dhicid la is dhaco iyo Xoolo jacayl, waxaa kaloo ka marnayn noloshaas Faanka, gabdhaha iyo wiilasha ma sinna ayaa la oran karaa marka loo eego Qoyska qiimihiisa, gabadha waa mid loo koriyo hal u jeedo oo ah in inta ay yartahay xoolaha lagu raacdo marka ay kortana Xoolo lagu kala baddasho, halka wiilka loo adeegsado Difaaca Beesha iyo Danaha kale ee markaaa xooga u baahan.

Ka raali noqdo waan ku fogaaday dhaleecaynta nolosha baaddiyaha iyo sida aan fakar ahaan ka qabo, waa la dhihi karaa in qaarkiin aysan igu raacin balse xaqiiqda ayaa waxay tahay haddii nolol wanaagsan ay tahay in la iska dhexli lahaa, sida magaalada loogu soo diro dadka in ay wax ka qabsadaana baadiyaha loogu safri lahaa in wax laga soo qabsado haddiiba ay y jirto wax laga soo qabsan karo.

Idil wax ay soo martaba Xaalado kala duwan oo nolosheeda ah oo la oran karay waxay ahaayeen xaalado adag hadana waa mid ugu dambayntii usoo baxday dunideeda oo ay kasoo muuqdeen astaanta Qurux walba oo lagu xulan karay Qofka Dumarka ah.

idil waxay lahayd haybad ay kaga tilmaaneed gabdhaha asaageeda, marka ay ku dhex jirtana waxay ahayd midda kaliya ee ay ishu qabato,marka ay kaligeed tahayna haybad gabarnimo oo indhuhu aysan ka libirsanayn ayey kala gaar ahayd gabadhaha berrigaas ku nool.

Tilmaan gaar ah oo aan hadda ka bixinayo ma jirto, balse waxaan kusoo gaabin lahaa in dhamaan inta dumar lagu xusho oo xushmad iyo xishoodna usii dheertay in gabadhaas uu Alle ku mannaystay, xaqiiqdiina waxaa la oran karay waxay ahayd mid ka duwan dumarka asaageeda ah ee markaa ay ku dhex noolayd

Waxay ahayd midda kaliya ee inta Rag ee degaankaas kuwada nool ay ka sheekayn jireen, waxay kaloo ahayd Riyada raga degaankaas, waxay ahayd midda ay ka maseeraan Dumarka asaageeda ah, waxay ahayd mid loo tirsho Hannaan sharafeed u gaar ah, waxay ahayd iftiinka degmadaas ee lagu doogsado aragtideeda quruxda macaan gaar ahaan xilliga ay laafyoonayso dariiqyada degaankaas, waxay ahayd gabar leh Hammi sare oo ay mar walba niyadda ku haysay.

Waxay ahayd oo kale mid leh Riyo ah in mar uun ay noqoto Marwo lagu soo harsado gurigeeda barbaarisana Awlaad kasoo go’day Cad ka mid ah jirkeeda, runtii inta laguma soo koobi karo hammiyada ay lahayd gabadhaas, waxaa usii dheeraa howl karnimo,  Baarinimo iyo dulqaad ay u yeelato wax badan oo nolosha ay u yaboohday.

Idil war la’aan kama ahayn nolosha ay ku nooshahay oo waxay mar uun ku hammin jirtay in waqti ay noqotaba ay noqon doonto qofka ay rabto in ay noqoto, balse inta taa laga gaarayo ay mari doonto Marin (Waddo) adag oo dhib iyo dheefba leh.

Idil iyada oo markaa qaan gaartay ayey u ekayd sida Gabar ka wayn Da’deeda shan sano oo kale, waxay ahayd mid Laf iyo Xoogba la isugu daray, waxay kaloo ahayd dumarka xaga hore ka dhisan, waxaa kaloo taas usii dheerayd in ay ahayd qof wada siman oo hilibkeeda iyo lafteedaba ay wada socdeen, midabkeedana wuxuu ahaa midbka caddaan xigeenka ah, tima dhaadheer oo aad u jilicsana waa lahayd, marka ay laafyoonaysana ninka ag maraya hubaal in uu istaagayey oo magnad aan la aqoon halka uu ka yimid ayaa ku dhagi jiray.

Dumarka quruxdooda ma ahan in ay ayaga kugu soo jiitaan ee waa in in qurxudooda ay si dabiici ah kuu soo jiidato oo dareen ahaan marka aad nin rag ah tahay aad dareenta halka lagaa jiro ee lagaa soo jiitay, xaqiiqdiina idil haybaddaas waa lahayd.

Waxaa jiray Reer kale oo la oran jiray reer Cilmi Warfaa oo ayagan ahaa dad ka mid ah dadka degaankaas ay ku noolayd Idil ugu qanisan micnaha ugu Xoola badnaa aadna looga haybaysan jiray qiimaha ay lahaayeen dartood, waxayna ahaayeen Qoys aad u wanaagsan oo qof walba uu jeclaa in uu wax la wadaago.

Waa dhaqanka Aadanaha in marka uu qofku xoolo leeyahay la siiyo qiimayn gaar ah, ma ahan waxa ay dadku qiimeeyaan garaadka iyo qiimaha uu qofku yeelan karo, balse marka aad xoolo leedahay waxaa tahay ninka wax walba ah oo sifo uusan xitaaa waligiis yeelan quruxdeeda loo yeelo.

Waxaan maqli jiray Nin dhaqaala leh ceebtiisa lama arko, si walba uu u garaad yarhay ama u qiima daran yahayna mar walba isag ayaa ku sita oo ka sita kan garaadka iyo qiimaha badan ee aan xoolaha lahayn, taasna runtii waxaa la oran karaa waa mid ka mid ah Caddalad darrada Dunida.

Dadku sida badan ma ahan kuwa wax ku eego qiimaha iyo garaadka qofka ee qof walba wuxuu wax ku egayaa dhaqaalaha, waxaana la oran karaa waa mid ka mid ah musiibooyinka dadka dhaxalsiiya dhibaatada nolosha, taas oo dadka qaar ka dhigta kuwa haddii ay shalay ahaayeen Dad, maanta noqda Bahalo waxyeeladooda ay saamayn badan yeelato.

Idil isla markii ay sidaa madaxa usoo kala qaadday ayaa waxaa soo doontay reer cilimi warfaa oo xoolo badan oo Geel ah ugu deeqay qoyskooda si ay u hantaan gabadhan ah midda kaliya ee uu qof walba ka eegayay Degmada.

Idil runtii kuma faraxsanayn in sidaas ay noqoto nolosheeda, waxay ku hamminaysay in dhawaan ay u safarto xagaa iyo Muqdisho, si ay u tijaabiso nasiibkeeda, nolol dhaanta middan miyiga ahna ay hesho, maadaama qosykeeda aysan hadda sidii hore ahayn oo ilma kale oo la dhashay ay soo koreen haba ugu horayso gabadha iyada ku xigto oo la dhaho Faadumo.

La soco Qaybta 3aad jimcaha kale

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHARE