Home Qoraallo ARXAN-GOYS Q-1AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-1AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

ARXAN-GOYS Q-1AAD

Waabaa beryay aan bilicsammeyn, waa arooryo aan suubbaneyn. Waa goor hiira-huraad ah, cadceedduna ay dhulka u qeybisay fallaaro aan falxad iyo yiddiilo u sidin aadanaha ku dhaqan carra’edeg (adduunka). Qaddarta Eebbe ma diiddani, haddana kuma kalsammaan karo tiiha iyo wareerka soo wajahay aadanaha ee midba mar siibaya/dilaya. Waxaan ku dul fadhiyaa kursi aan maalmo badan ku fadhiistay aniga oo nayaayiir iyo farxad dareemaya, barqadaanse waxaan ahay maqane jooge. Ayaanku waa jimco, goortuna waa: (7:00am) toddobadii subaxnimo ama hal saac oo subaxnimo. Waxay ahayd; inaan xilligaan joogo ama aan kusii dhawahay goobteyda shaqada. Maalmaha qaar goortaan oo kale goobteyda howl qabadka ayaan joogi jiray. Maalintaan oo kalena, waxaan u labbisan jiray si ka duwan maalmaha kale, waxaana lay moodi jiray; Sheekh caalim ah oo xarameynka khudbo jimcaad ka soo jeedinaya. Kama liidan jirin, maxaa yeelay, waayaha ayaa ii wacnaan jiray. Sida dabshidkaan 2020 uu uga duwan-yahay gugii hore ayaa jimcadaanuna ay uga duwan-tahay kuwii hore. Ma hubo inaan iska beddelay dharkii aan shalay shaqada ku aaday, waxaanse hubaa inaanan xalay hurdin.

Maxaan hurdaa maba seexane. Cudur ima haayo, baahina sidoo kale, balse, niyad deggan ayaa nasiino ciribsata ee maxaan hurdaa. Waxaan ka fikirayaa agmar safmareen ah oo lagu soo dhex tuuray aadanaha, isla markaana dabar goynaya oo liddi ku ah wadar u noolaanshaha. Cudur ay gacantooda ku abuureen ma dhihi karo, maxaa yeelay, suurtagalba uma ahan inay sidaasi yeelaan, awood ay ku hirgeliyaanna haba sheegin. Cudurku waa samaawi, balse, falka loogu soo dhextuuray ayey aadanuhu sammeeyeen. Haah! Waa sidaas! Sammeynta falka ayey leeyihiin, balse, agaasinka imaanshihiisa talo iyo tusaale midna kuma leh.

Cudurkaas waxaa loogu magac daray: ”Agmar ka dhan ah aadanaha”. Waa faafe, haddana daran, waa cudur karkaarka weydaartay, una gudbay qaarad ka qaarad, mayee dal ilaa dal deris ilaa ood wadaag. Ma ihi dhaqtar soo bartay badbaadinta aadanaha, mana ihi sarkaal la soo baray ciqaabidda eedeysanayaasha iyo dilkoodaba, haddana labadaas oo xirfad ahaan iyo xil sidid ahaanba kala duwan ayuu cudurku isku qobtolay, kana wada dhigay badbaadiyayaal. Maxaa iga reebay aniga? Ma ogi iyo waa himmo la’aantaada. Waa dood dhexmareysa laabta iyo qalbigeyga. Intii aan isla doodayey ayaa saacad kale i weydaaratay. Koob kafaay ah oo intii anan kursiga imaannin soo shubtay ayaan eegay, mase, korka ayaa toxobi ka fuushay oo mar hore ayuu qaboobay. Waxa sidaasi yeelay, waa dabeesha iyo hanfigii dhacayey.

Mar labaad ayaan is eegay, malaha labeenta iyo toxobta koobka ka dul hullaaban ayaa anna igu dul yookeysan. Intaan jarajacay ayaan hoos u iri: ”Eebbow! Waa taada”. Inta aan sara joogsaday aniga oo luudaya ximnaha jirkana aan qaadi karin ayaan ku kale soo shubtay, kii qaboobana halka alaabta lagu xalo ayaan ku qubay. Ma hubo koobka labaadna inaan cabi doono, maxaa yeelay, waxaan la baaxaadegayaa; halakada iyo halista aan ku dhex-noolahay. Maxaad qabataa, sidee ayaad u qabataa, yaadse u qabataa, yaa kula qabanaya? Waa doodaha na dhexmaraya aniga iyo ogaalka diifeysan ee dareenka yididdiilo la’aaneed soo werinaya. Ilbiriqsi walba waxaa laabteyda kusoo kulmaya kun wayddiimood oo aanan warcelin u haayin. Waan yara istaagay in cabbaar ah markii aan booskii sii fadhiyey. Kolkii aan si qumaati ah u istaagay ayaan nabdiga iska iri: ”Shiribmaalow! Yaa ku gacan-qabta?” ma adigaas xoogga weyn ayaa gacan-qabad u baahan? War meesha isaga tag oo xilside iska dhib, yaaney carruuruhu kugu qosline. Cid aan hadalkeeda maqlayey, balse, aanan muuqeeda arkeyn ayaa sidaasi igu tiri!. Anna hal mar ayaan dhawaaq aanan garan-karin inta uu gaarsiisan yahay ku iri:  ”MIDNIMO”.

Mar labaad ayaan ku celiyay isla qeyladii. Gacalisadeyda oo malaha qeyladeydu ay soo toosisay ayaa igu tiri: Miyaad waalatay? Gacaliso ma waalan ee xaaladda lagu jiro ayaa inna waaleysa ee ma korbaan u qeyliyey? Sidaasi ayaan ku tiraabay aniga oo hoos ka guuxaya. Haah! MIDNIMO ayaad ku qeylineysay. Sidaasi ayey iigu jawaabtay. Gacaliso raalli iga noqo iina naso intaan ku iri: ”ayaan kadinka weydaartay”. Waa anigaas shaqadeydii ka dib dhacay dhowr saacadood. Haddii aan tago ma anaa shaqeyn kara, niyadba uma haayo e. Hadalkii aan iraahdaba wuxuu noqday MIDNIMO.

Haloosiga ayaan ku hadaafay, si’ aan u gaaro goobteyda howlqabadka. Muuqeygu waa joogaa, miidaantuse waxay halacsaneysaa jiidaal aad u dheer. Maqane jooge haddii aad maqli jirtay maanta anigaa ah. Intii aan sii socday ayaa jaalle aan eraywadaag nahay dhabbiga iiga horyimid. Salaan ayaan u soo taagay, intuu laba tillaabo dib u baxay ayuu yiri: ”Ha i taaban oo ha is taaban!” oo maxaa dhacay, sow annagii eraywadaagga aheyn? Sidaas baan ku iri: aniga oo la fajacsan! Haah! Waa runtaa oo waan is kaftan aqoon-jirnay maantase, waan xeyndaabanahay ee dib iiga durug! Hadalkana si’ tannaago ah iigu sheeg! Sidaas ayuu igu yiri: asiga oo shan baaco dib usii baxaya.  Yaab! Iyo amankaag! Waa tanoo kale intaan ku iribaan! Haddana u daba dhigay; maxaa is beddelay jaalle? Noloshu waa sideedee, dadkuna waa kuwoodii, balse, waxaa yimid: ”Duumo arxan-goys ah” ee is xeyndaab, qofna ha salaamin, intuu igu yiribuu horena u dhaqaaqay.

Mar labaad ayaa dareenkeygu ciribsaday xal raadin, murqaha maskaxdeyduna ay si’ ma jiiro leh isu laba rogeen. Xal iyo xasilin naftaada ayaa u baahan ee horta taada meel saar. ”Tiisa daryeele ayaa tu’ kale ku darsada e”. Cod aanan weli arkeyn cidda ila hadleysa ayuu ka soo yeeryay. Inta aan gadaal daymooday ayaan ku iri: Naftee? Cidna iimey warcelin. Yaa ii warcelinaya waa aniga oo qura e. Nafteyda ayaa laba dibleysan oo dereenkeedu walac gaddoomayaa ee cidiba iima dhawa. Inta aanan toban tillaabo hore u socon ayuu xusuus dheer iyo milicsi maanku dib u furfuray. Ha i taaban, waan gartay ee ha is taabanna maxaa looga jeedaa? Dareenka ayaa i wayddiiyey. Ha i taaban waa eray asal ah, kana facweyn duumadaan arxan-goyska ah oo waa uu ka horreeyay. Ha is taabanna anaa kuu bidhaamindoona kolka aan helo meel aan ku bejiyo/nasto. Sidaasi ayaan ku sabaaliyey dareenkii dillaamayey.

Ha i taaban!

La soco: Q-2AAD Jimcaha dambe haddii Eebbe idmo.

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

Qaanadaha xariirka:

TEL: +46 (0) 700345789

SHARE