Home Qoraallo ARXAN-GOYS Q-2AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-2AAD W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

ARXAN-GOYS Q-2AAD

Ha i taaban!

Jiidaal gaaban markii aan socday ayaan tallaabada hore u qaadi waayay, isla jeerkaasna waxaan helay meel waddada dhinaceeda ah oo lagu bejin karo. Dareenkii aan ku sabaaliyey haddii aan meel nasiino leh tago ayaan kuu warrami-doonaa, ayaa waydiimo tiro beel ah igu doocdoocinaya. Qofku kolka uu maahsan-yahay, maskax ahaanna uusan u joogin, dhanka uu socdo ayaa ka dhunta. Sidoo kalena, hab fikirkiisa ayaa iska soo horjeesta oo is herdiya. Taas oo qofka gayeysiisa inuu yara nasto.

Kolkii aan si buuxda u fadhiistay, ayaa dareenku oodda ka soo qaaday weydiimo aan kala joogsi laheyn, balse, kala culus. Anigoo diidayaa inay dood adagi na dhexmarto ayaan si hoose ugu iri: ”Arrin waliba waageed”. Isla markaana waxaan hadalkii ugu soo gaabiyey: inaynaan hadda gelin howl meel naga sarreysa ka socota tamar iyo xoogna u laheyn inaan joojinno. Dareenku wuu ila qaatay aragtidaas, wuxuuna si aan gambasho laheyn u yiri: ”Warsan iyo guddoon” wuxuuse si afeefasho ah iigu soo celiyay; ha illoobin inaad ii bidhaamiso seddaxdii eray ee aad hore iiga ballan qaadday tilmaantooda? Intaan isla imid ayaan ku iri: seddaxdee? Si’ deggan ayuu iigu yiri: ”Ha itaaban! Ha is taaban! Iyo is xeyndaab. Haah! Waa anigii kol hore kaa ballan qaaday. Sidaas ayaan ku tiraabay aniga oo is moogeysiinaya. Intaas ka dib ayaan ku iri: ”Dareenyohow dillaamaya! Isoo dhugo adiga oo hadalkeyga u dhugyeelanaya:

Eray walba maalin ayuu soo banbaxaa, iyada oo hore loo adeegsan jiray ayuu goor iyo ammin noqdaa eray taabba galay, sidoo kalena, wuxuu reebaa sooyaal qalloocan ama qumman oo eraygaas u gaar ah. Tusaale: ”Hayla meereysan” waa eray qarniyo fog soo jiray, sidoo kalena ilaa iyo intii af-soomaaliga lagu hadlay la adeegsanayey, haddana wuxuu geyiga soomaalida shaac-bax ka noqday xilli aan fogeyn. Waa eray isku helay; madal iyo milay ku habboon sidaas ayaana sabab u noqotay inuu hanaqaado. Haddaba ”Ha i taaban! Ha is taaban! Is xeyndaab! waxay noqdeen seddax eray oo milay ay dhabbaqo jirto soo banbaxay. Wadar ahaanta seddaxdaas erayna waxay tebinayaan fal yaab leh! Oo dhammaantiis aan ifafaallo nabadeed laga dheehaneyn!. Erayadaasu iyaga oo hore u jiray ayaa haddana waxaa meel mar ka dhigay; agmarkaan arxan-goyska ah. ”Sida uu arxan goyska ku noqday dib ayaad ka ogaan-doontaan”.

Ha i taaban!

Waa eray farid iyo diidmo isugu jira, mar waa farid oo waxaa lagu amray: “Ha i taaban!” Mar kalena waa diido oo waxay ka dhigan-tahay ha iisoo dhawaan, korkeygana meel ha ka taaban!.

Ha is taaban!

Waa farid iyo tilmaan, maxaa yeelay, waxaa lagu faray inaadan is taaban! Marna waa tilmaan oo waxaa lagu yiri: ”Haddii aad is taabato ama meelaha qaar aad taabato dhib ayaa fayo-qabkaaga ka soo gaaridoona.

Is xeyndaab!

Is xeydaabiddu waa farid, maxaa yeelay, waxaad ilaalineysa fayo-dhowrka aadamaha degelka aad joogto kugula nool. Is xeyndaabkaas waxaad dhabarka u ridaneysa ilaalinta nafaha kale ee nolosha wadaagga ahi ay kaala dhaxeeyo. Waa xil aad tuurta ku qaadaneyso iyo masuuliyad aad gudaneyso.

Seddaxdaas eray oo dhammaantood walxo isu wada dhaw tilmaamaya goormee ayey soo billaawdeen? Ma wax aadamaha hadda u kow ahbaa, mase waa farid iyo tilmaamo horay usoo jiray?! Si aan waydiimahaas warcelin ugu helno aan ku dulgeeyo dhacdaan, midda maanta carra’edeg (adduunka) ka taagan la mid ah:

Intaasi markii ay na dhexmartay, ayaa maskaxdu u gudbisay dareenka in is dhalanrogga waayuhu keeno saameyn ballaaran oo af, dhaqan iyo dhurba leh, haah! Waa dhab arrinkaasi, waayihii na soo maray mid waliba xus iyo xasuus gaar ah ayuu nooga tegay, waxa aad maanta arkaysana waa qayb ka mid ah kuwaas. Iyadoo aan weli maan dhiraandhiriska iyo lafa gurka arrinka ku jiro, maskaxduna ay si aad ah u baadi goobayso xalkii ay dareenka ku maan dhayi lahayd ayaa waxaa aan soo xasuustay: dhacdadii Laba Muuse.

Dhacdada lama Muuse

Labada Muuse waxay kala yihiin: Nabi Muuse Alle ha ka raalli noqdee iyo Muuse Saamiri oo ahaa gaal weynaaday. Nabi Muuse waxaa koriyey Fircoon halka Muuse Saamirina uu koriyey malakul-Jibriil (cs). Labadooduba waxay ahaayeen isku qabiil, waxayna ka dhasheen qabiilka Banu-Israa’iil ee ah awlaaddi nabi Yacquub. Haddaba nabi Muuse wuxuu maray seddax xilli. Seddaxdaas xilli oo kala ah:

  • Muuse iyo Rabbigiis.
  • Muuse iyo Fircoon.
  • Muuse iyo Tolkiis.

Muuse iyo Rabbigiis, waa xilligii Eebbe u waxyooday, loona carbinayey nabinimada. Muuse iyo Fircoonna waa goorta Muuse loo diray qabiilkii xoogga weynaa ee Fircoon ka dhashay ”Qibdi” sidoo kalena uu odayga u ahaa gaalkii weynaa ee Fircoon . Goortaan seddaxaad oo ah: ”Amminkii oodda loo rogay Fircoon iyo intii la jirtey ee xad-gudubka badnaa. Xilligaasi wuxuu ahaa: ” Maalintii ay gobonnimada hanteen reer banu Israa’iil oo ahaa dad la gummeysto. Qibdi waa reerkii degganaa Masar uuna ka dhashay ninkii la fogeeyay ee ahaa: ”Fircoon” Banu Israa’iilna, waa reerkii lagu gummeysan jiray carriga Masar oo ay ka dhasheen labada Muuse.

Fircoon oo ahaa nin isla weynidu gayeysiiyey inuu Ilaah sheegto, ayaa wuxuu habeen ku riyooday, olol ka baxaya wajigiisa iyo balaayo baabi’neysa boqortooyadiisa. Intaas dabadeed Fircoon wuxuu u tegay faaliyayaashii riyooyinka u sheegi jiray, waxayna ku yiraahden: ”Wiil ka dhashay reerka aad gummeysato ee reer banu Israa’iil ayaa boqortooyadaada rogi-doona. Fircoon wuxuu yiri: ”Ka warrama haddii aan qoorta ka goyno wiil kasta oo ay dhalaan, gabdhahana aan iska deyno?” waad heshay oo sugtay taladii habboonayd ayey ku yiraahdeen duqeydiisii lunsanaa. Mar walba arrintii Eebbe uu hoggaaminayo ayaa hirgeleysa ee waxaa dhashay: Nabi Muuse Ina Cimraan (Cs), waxaana Eebbe ka yeelay in Fircoonkii gowracayey wiilsha awlaaddii nabi Yacquub ”Banu-Israa’iil” uu nabi Muuse koriyo. Isla xilligaas ayaa waxaa kale oo dhashay: Muuse Al-saamiri. Muuse waa magaciisa, Saamirina waa laf ka mid ahayd heer banu-Israa’iil, sidaas ayaa beeshiisa loogu magac daray.

Muuse Saamiri hooyadii markii ay foolaneysay ayaa waxay u carartay hawdka, isla markaana halkaas ayey ku soo dhashay, iyadoo ka baqaneysa in iyada, odaygeeda iyo wiilkadaba Fircoon uu warjaafo. Muuse Saamiri kolkii ay hooyadii duurka uga soo tagtay ayaa waxaa Eebbe usoo diray malakul-Jibriil (cs) ilaa uu ka hana qaadayna halkaas hawdka ah ayuu ku noolaa. Kolkii uu weynaaday ayaa wuxuu la yaabay faraskii uu ugu imaan jiray Jibriil Alle ha ka raalli noqdee. Farasku haddii uu geed qallalan ku istaago, geedkii wuxuu isu beddelayaa doog waana cagaarayaa. Haddii uu meel ciid ah oo qallalan ku istaagana waxay noqoneysaa reys qoyan. Waa faras barakeysan amar Eebbana ku socda ee Muuse Saamiri wuxuu go’aansaday inuu ciid ka soo xantoobsado halkii uu Farasku ku istaagi jiray isla markaana wuxuu ciiddii kusoo xirtay maradii uu heystay faraqeeyda. Muddo aad u dheer ayuu heystay ciiddaas uu ka soo qaaday halkii uu ku istaagi jiray faraskii Jibriil (cs).

Wixii xaalku isrogaba, Nabi Muuse ”cs” ayaa Eebbe soo diray, wuxuuna dood adag iyo halgan badan oo Eebbe garab-joogo la galay Fircoon, isla markaana waa uu ka guuleystay oo Fircoon iyo reerkiisi Qibdi ee uu ka dhashay intii Nabi Muuse raacday maahan ee intii kale oodda ayaa loo rogay. Dhulka dushiisana Eebbe ugama tegin ruux ka mid ah. Nabi Muuse Eebbe ayaa ku amray inuu habeen madow la dheelmo addoomada Eebbe rumeeyay, isla markaana waxaa Eebbe ku yiri: webiga Niil marka aad gaarto mara, hana ka cabsan aniga ayaa idiin dhambali-doona, kana dhigi-doona dhul yaabis ah oo qallalan. Muuse waxaa Eebbe ku yiri: ”Gadaashaada ha ka filan col iyo cid wax idin yeesha”. Muuse iyo Haaruun oo dadkoodi hoggaaminaya markii ay webiga ka gudbeen, Fircoon iyo ciidamadiisiina biyaha lagu shiiday. Fircoon iyo qabiilkiisa kolka la halakeeynayey qolada kale ee Eebbe amarkiisa ku badbaadDay waa ay daawanayaan. Markii ay dhibtaas ka gudbeen, dunidiina iyaga loo gacan-geliyay ayaa Eebbe u waxyooyaday nabi Muuse, wuxuuna ku yiri: ”Muusow! Adiga, Haaruun iyo dadkaaguba waxaad iigu timaadiin buurta ama waadiga ”Duurisiina” (40) afartan maalmood ka dib. Afartankaas maalin oo ahaa: 《30-ka bisha sidataal iyo tobanka maalin ee ugu horreysa bisha Arrafo》. Afartankaas maalin ayaa nabi Muuse ”cs” iyo ubadkii nabi Yacquub (Israa’iil) Eebbe u ballan qaaday inuu siin doono, dastuur iyo kutub ay ku maamulaan dunida. Waa kitaabka ”Towreed” ee Eebbe uu gacantiisa ku qoray. Kitaabka Towreed ee nabi Muuse Eebbe siiyey wuxuu ka mid yahay seddexda shey ee Eebbe uu gacantiisa sha’niga iyo awoodda badan uu ku sameeyay, isla jeerkaasna ah: seddaxda walax kan ugu dambeeyay. Seddaxdaas oo kala ah:

  • 1) Nabi Aadam (cs) Eebbe ayaa gacantiisa ku abuuray.
  • 2) Miraha ka baxaya Jannada. Eebbe ayaa gacantiisa ku abuuray.
  • 3) Kitaabka Towreed. Eebbe ayaa gacantiisa ku qoray.

Balse, abuuranayaasha intooda kale Eebbe wuxuu ku yiraahdaa: ”sidaas ahaada” isla markaasna waa ay ahaadaan. Markii ay soo dhawaatay ballantii loo qabtay Muuse iyo qoomkiisi, ayuu nabi Muuse wuxuu la dardaarmay walaalkiis Haaruun oo isna nabi la ah, da’ ahaanna labo sano ka weyn. Wuxuu ku yiri: ”Eebbe ayaan nooga sii summeyn xirayaa ee dadka iga daba keen oo ha iga harina!. Nabi Haaruun ”cs” waayahay ayuu ku yiri. Dadkii uu nabi Muuse uga tegay nabi Haaruun ayaa waxaa ka mid ahaa ninka aan soo tilmaamay ee Muuse Saamiri. Muuse Saamiri kolkii uu ogaaday inuu nabi Muuse dheeraaday ayaa wuxuu soo kulmiyey heer banu Israa’iil iyo intii la socotay ee soo islaamay.

Markii uu goob isugu keenay ayuu ku yiri: ”Waxaan qodeynaa god, waxaanna ku shubeynaa waxa aad dahab, qalin iyo maar heysataan”. Wuxuuna cod-dheer ugu sheegay; inaysan u bannaaneyn inay heystaan xoolo la soo amaahday. Habeenka Fircoon iyo qoomkiisa la halaagi-doono, habeenkii ka horreeyay ayaa waxa aroos qabay heer banu Israa’iil, isla jeerkaasna islaamanka reer banu Israa’iil ayaa waxay dahab iyo waxyaalaha la isku qurxiyo ka soo ergeysteen islaamanka kale ee reer Qibdi.

Intii aan Eregtii/amaahdii dib loo celinna amarka Eebbe oo wax walba ka weyn ayaa dhacay. Ninkaan alla ka fogaaday ee Muuse Saamirina taas ayuu ogaa, sidaas ayuu ugu beerlaxaawday inaysan heysan xoolo aysan laheyn. Taladaas Muuse Saamiri ka dib, god weyn ayey qodeen, waxayna ku qubeen wixii ay haayeen oo dahab iyo macdan kale aheyd. Markii ay godkii ku wada shubeen ayaa intii aan la gubin, Muuse Saamiri wuxuu ku shubay ciid ammin dheer faraqa ugu xirneyd. Kolkii uu ciiddii ku shubay godka ayaa waxa kasoo baxay DIBI maaxleynaya jir ahaan iyo jammaal ahaanna u dhameystiran. Kolkii uu dibigu godkii dibadda uga soo baxay ayaa Muuse Saamiri qoomkii oo kulansan ku yiri: ”Kani waa Ilaaheyna iyo Ilaaha Muuse” wuxuuna u daba dhigay; Muuse bin Cimraan waa uu ka lumay Ilaahii uu aaday, waana kan soo daba maray. Sidaas ayey qoomkiina dibigii ku caabudeen. Nabi Haaruun ayaa kor iyo hoosba ula hadlay, balse, dhegna looma dhigin.

Muuse binu Cimraan, wuxuu la kulmey Rabbigiis, isla mar ahaantaasna Eebbe ayaa waydiiyey: ”Aaween dadkaagi, maxaadse uga soo degdegtay Muusow?! Nabi Muuse ayaa Eebbe ugu jawaabay: Eebbow! Waa ay isoo daba joogaan oo raadkeyga ayey soo hayaan, anna waxaan usoo hormay inaan ku hufo, kuna raalli-geliyo. Eebbe ayaa ugu jawaabay Muuse, kuna yiri: Muusow! Ma jirto cid ku soo daba joogta, dadkaagi anigaa beleeyay, qaddar aan ugu talo galay ayaa ku dhacday, waxaana sii lumiyey Muuse Saamiri ee u laabo dadkaagii.

Nabi Muuse oo careysan, balse, ku laabsan qaddarta iyo awoodda Eebbe ayaa dadkiisii dib ugu laabtay. Wuxuuna ka dultegay qoomkiisi oo DIBI ku wareegeysanaya iyaga oo ka dul xadreynaya. Nabi Muuse walaalkii Nabi Haaruun iyo Muuse Saamiri, asiga oo aan la hadal ayuu qoomkiisii ku yiri: ”Tolkayoow! Ma waxaa idinku dheeraaday ballantii uu Eebbe dushiinna yeelay ee wanaagsaneyd?” Oo ma waxaad go’aansateen Rabbigii maalmo ka hor idinka badbaadiyey halaaggii ku dhacay reer Qibdi inaad ka careysiisaan?

Aawlaaddi Nabi Yacquub ee banu Israa’iil waxay ku jawaabeen: Muusow! Annagu ma diidin ballankii Eebbe, hase ahaatee, waxaa noo qurxiyey howshaan Muuse Saamiri, wuxuuna noo soo saaray dibi, isla markaana wuxuu nagu yiri: ”Waa Ilaahiinna ee asiga caabuda!”

Nabi Muuse asiga oo aad u careysan ayuu u tegay walaakiis Nabi Haaruun ”Cs” intuu gacantada midigta ah madaxa uga soo qabtay, gacanta bidixda ahna gerka uga qabtay oo dhankiisa usoo garaangeriyey ayuu ku yiri: Haaruunow! Maxaa kaa reebay inaad qoomka iga daba keento, sidee ayaadse ugu dhexjirtaa waxa kan, adiguna ma amarkeyga ayaad ku caasisay?

Nabi Haaruun si deggan oo debecsan ayuu yiri: ”Hooyadey wiilkeediyow! Ha jiidin gerkayga, hana qabannin madaxgeyga, anigu waxaan ka baqay inaad igu tiraahdid waxaad kala geysay Reer nabi Yacquub. Dadkani waxay u qeybsameen qolo i raacday oo hadalkeyga yeeshay iyo qolo i diidday oo aniga iyo Eebbeba ku caasiday”. Nabi Muuse oo ay ka degtay caradii uu walaalkiis u qabay, arrintiina ogaaday inay kusoo biyo shubatay Muuse Saamiri ayaa wuxuu u tegay Saamiri, isla mar ahaantaana wuxuu ku yiri: ”Hooge!” Xaalkaagu muxuu yahay, falka aad sameysase waa maxaay?

Muuse Saamiri wuxuu nabi Muuse ugu jawaabay: Waxaan arkay, wax aysan qofna arkin ama aysan ogeyn, taas oo ah; faraskii Jibriil ”CS” halkii uu ku istaagi jiray, waxaanna ka soo xantoobsaday gacanteyda muggeed oo ciid ah, dabadeedna, waxaan ciiddii ku shubay godkii alaabaha lagu gubayey. Sidaasna waxaa ii sawirtay nafteyda!.

Nabi Muuse markaan wuxuu ka gungaaray arrintii fajacisada ku noqotay, wuxuuna Muuse Saamiri ku yiri: ’Hadal ciqaab iyo canaanba isugu jira kaas oo ah: Bax oo tag! Kana fogaaw dadkeyga! Noloshaada inta ka dhimanna waxaad dhihi-doontaa: ”Ha i taaban! Adiguna isma taaban-doontid”. Sidoo kale, waxaa lagaa xeydaabi-doonaa dadkeyga intiisa kale! Hooggaas iyo dhibkaas ayaad geeri ku sugi-doontaa, intaas dabadeedna waxaa Eebbe kuu diyaariyey cadaab daran oo aadan ka baxsan doonin. Muuse Saamiri korkiisii wuxuu noqday: ”Danab” (koronto) oo diirkii laga qaaday, qofkii taabta asiguna wuxuu noqonayey la mid, qofki taabta qofkii sii taabtana danabkaas ayaa ku dhegayey.

Dareenku kolkii uu helay warcelintii uu maalmo badan raadinayey, ayuu asiga oo iiga garaabaya, sooyaalka dhabta ah ee aan ugasoo sheekeeyay, kana turjumaya dhibaatada uu gocanayo ayuu igu yiri: ”Duumadaan arxan-goyska ah iyo dhacdadaas goorta fog ah maxaa ka dhaxeyn kara? Maanka oo aan meel dheer warcelinta ka doonin ayaa warcelintiisii ku af jaray: ”Waxaa ka dhaxeyn kara labadaas dhacdo ee midna sooyaal hore tahay, midna saba yaal hadda taagan inay labaduba ka dhasheen Eebbe oo lagu caasiyey”. Alleylehe waa runtaa intuu yiribuu sii daba dhigay, hadda ma waxaad i leedahay; inta laga gudbayo abaal-gudkaan sammaawiga ah, ha is taaban? Aniga oo xiiqaya ka faalleynta weerahaasna ay igu dheeraadeen ayaan ku iri: ”Haah!” ujeedku waa intaas oo midnimo lagu kaabay.

Af qoyan eedo kama dhammaato ee wuxuu dib u gucday mahmaah habaar aheyd oo hore u jirtay, isla markaana wuxuu asiga oo damqanaya hoos u yiri: ”Inkaartii nabi Muuse ku dhacday” ayaan maqli jiray ee hadda ma iyadaa ku dhacday Aadanaha?. May! Haana! Ayaan ugu jawaabay, si aan ku talogal aheyn. Maya! Waan gartay. Haana waan aqaan ee maxaad kala jeeddaa labadaas waxaan ahayn? Ayuu si kulul ii waydiiyey. Xaalka maanta jira ayaa sidaas ah intaan ku aftideystay ayaan u daba dhigay; Waa maya! Oo ma joogno xilligii nabi Muuse. Mar waa haah! Oo inkaartaas nabi Muuse waxaa keenay Eebbe ka fogaansho, agmarkaan faafahaan daran asigana waxaa u sabab ah Eebbe ka fogaansho. Marka sina waa ay isugu egyihiin, sina way u kala durugsan-yihiin ee ku jar hadalka rabtaas!. Dareenkii oo aad u ciishooday ayaa hadal canaan u ekaa igu yiri: ”Maxaad ii af-jigeysaa?” Sow Eebbe suubbanaha (SCW) uma ballan-qaadin inaan ummaddiisa loo halaagi-doonin sida ummadihii ka horreeyay loo baabi’yey?” waa runtaa, balse, in hormo kale looga faalloodo ayey u baahan-tahay ee hadda dabar noogu xir. Sidaas ayuu dareenku ballan labaad iiga qabsaday!

Intii aanan ka istaagin goobtii aan ku bejinayey, ayaa waxaa haloosigii (Laamiga) soo maray dhowr baabuur oo bukaan la roor ah oo xiimaya nalal-kooduna ay walac gaddoomayaan. Dareenkii aan is af-garanay goorta aan fogeyn, ballantana aan wada yeelannay, ayaa mar kale waydiin soo hinqaday. Inta uusan soo bandhigin ayaanse ku iri: ”Goor kale nooga dhig”.

La soco qeybta xigta, jimcada kale Idam Ilaaheey

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com
  • shiribmaal@gmail.com
  • Tel: +46 (0) 700345789
SHARE