Home Curis SAAMAYNTA TABAN EE DHAQAALE UU KU YEELAN DOONO CORONA VIRUS SOOMAALIYA W/Q:...

SAAMAYNTA TABAN EE DHAQAALE UU KU YEELAN DOONO CORONA VIRUS SOOMAALIYA W/Q: Sakariye Cismaan Nuur

0
SHARE

SAAMAYNTA TABAN EE DHAQAALE UU KU YEELAN DOONO CORONA VIRUS SOOMAALIYA

Qormadaan kooban waxaan uga hadli doonaa saamaynta taban ee dhaqaale ee uu ku yeelan doono Corona virus Soomaaliya. Corona virus waxa uu saamayn ba’an ku yeeshay dunida oo dhan. Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa dadka uu cudarkani saameeynayo iyo waliba kuwa u dhimanaya. In badan dadka cudurkani saameeyey ama u dhimanayaa  waxa ay ka soo jeedaan dalalka caalamka ugu hormarsan dhaqaalo ahaan, aqoon ahaan, iyo adeegyada bulshada ee caafimaad intaba.

 Dalalkaasi waxay ku yaallaan qaarado kala duwan oo adduunka ah, sidaas oo ay tahay cudurkaan Corona virus ma kala soocin, waxa uu si isku mid ah u saameey kii  saboolka ahaa iyo kii hodanka ahaa labadaba. Iyada oo sidaa tahay waxa uu soo gaaray hadda Soomaaliya, waxaan ognahay meesha aan taaganahay dhaqaalo ahaan, aqoon ahaan iyo heerka adeegyada bulsha gaar ahaan  dhinaca caafimaadka. 

Intaas waxa dheer, in aanay dadkeennu weli u diyaarsanayn ka hortagga waxyeellada fayruskan dilaaga ah. Dadka qaar waxay aaminsanyihiin in cudurkaan uu ku dhaco dadka aan islaamka ahayn, balse taasi xaqiiqda maanta jirta way baal marsantahay, waxa uu si isku mid ah u haleelaa  dadka islaamka ah iyo kuwa aan islaamka ahayn labadaba. 

Haddii aynu wax yar taariikhda dib ugu noqonno, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 kii dhaqaalaha dalku waxa uu ku tiirsanaa saddex ilood, waxayna kala ahaayeen sidan:  

  • Dadka qurbo joogta lacagta ay u soo diraan oo lagu qiyaasay1.5 billion ilaa iyo 2 billion. 
  • Deeqaha gargaarka ay dunidu siiso Soomaaliya.
  • Xoolaha nool iyo dalaga beeraha oo aan sidaa u badnayn.

Saddexdaa ilood ayuu dhaqaalaha dadka soomaaliyeed ku tiirsanaa ilaa haddana ku tiirsanyahay. Hase yeeshee, waxa muuqata in cudurkan dhibaatada wayn adduunka ka abuuray uu saamayn ku yeelan doono dhammaan ilaha dhaqaale ee aynu kor ku soo xusnay. Dadka qurbo-joogta soomaaliyeed, waa isha dhaqaale ee ugu wayn ee ay haystaan dadka soomaaliyeed, iyagoo dalka soo galiya lacag lagu qiyaaso 1.5 billion ilaa 2 billion, sida aynnu hore u tibaaxnay, taas oo ah lacag adag oo mudnaanteeda iyo waxtarkeedaba leh. 

Sidoo kale waxa aynnu ognahay xidhiidhka ka dhaxeeya bulshada soomaaliyeed iyo xawaaladaha lacagaha xawila oo aynu odhan karo run ahaantii waxa ay ka qaateen door wayn samato bixintii bulshada xaaladihii adkaa ee waddanku soo maray. Xawaaladuhu waxay daryeel muhiim ah ka gaystaan qoysaska, iyadoo shantii qoys hal qoys uu helo lacagaha uga yimaada xawaaladaha sida uu qoray bangiga adduunku. 

Qoysas badan baa waxay iskaga dabaraan lacagaha loo soo mariyo xawaaladaha, baahiyahooda gaarka ah iyo weliba in ay carruurta ay wax ku baraan. Taas oo ujeedkeedu yahay xawaalad la’aan qoysas badan oo soomaaliyeed uma suurogeli lahayn inay ku noolaadaan nolosha maanta ay ku noolyihiin. 

Dhammaadka bil walba waxaa shirkaddaha xawaaladaha lacag ku soo dira kumanaan qof oo jooga dalka dibadiisa iyadoo kumanaan qoys oo dalka gudihiisa ku sugan ay aadaan xawaaladaha si ay u helaan lacagihii dadkoodu u soo direen. Maanta xaaladda sidaa way ka duwantahay, ma fududa in lacag waddan kale laga soo diro, sababtoo ah  adduunkii oo dhan baa bandoow  lagu soo rogay, taas oo keentay in shaqooyinkii badankoodu istaagaan, iyadoo qurbo-joogtuna badankoodu ahaayeen dad iskood u shaqaysta. Waxaa kale oo dhibaato ka iman doontaa shirkadihii ka shaqeenayey xawaaladaha lacagihii caddanka ahaa ee ay ka soo qaadi   Galbeedka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika(Europe and North America) oo ay u soo gudbin jireen Afrika gaar ahaan Soomaaliya, way adkaan doontaa maadaama aysan shaqeynayn diyaaradihii iyo bangiyadii oo shaqadoodu adagtahay. 

Taasina waxay keeni doonta inay istaagto taakulayntii ugu waynayd ee qurbo-joogtu ay siin jireen dadka soomaaliyeed. 

Sidoo kale cudurkain waxa uu saamayn doonaa kaalmooyinkii ay bixin jireen dalalka deeqbixiyeyaasha ahi ee Soomaaliya lagu taakulayn jiray. Sida aan aragno bandankood dalalkii deeqaha soomaaliya siin jiray oo ay ugu horeeyaan USA iyo qaar ka mid waddamada midawga yurub (European Union) waxay la daalaa dhacayaan cudurkan adduunkii oo dhan aafeeyay. Sidaa awgeed way adkaan doonta inay soomaaliya hesho deeqihii ay ka heli jirtay dowladahaas. 

Waxa kale oo ay saamayn doontaa xoolihii iyo dalagii ay soomaaliya dhoofin jirtay oo ay adkaan doonto in ax u kala gooshaan dalalka,sidoo  kale waxa ay dhabar jab ku keeni doontaa dadka soomaaliyeed ee noloshoodu si wayn ugu tiirsanayd waxyaabaha kala duwan ee dibedda laga soo dhoofiyo  iyo ganacsigii waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha ee dalka dibadiisa ka iman jiray.

Sida aan wada ognahay ma nihin dal isku filnaansho gaaranay oo wax soosaar ku filan soo saar  la soo baxa, hadday noqon lahayd raashin, dawo iyo dhammaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha. Waxa aynnu ka war qabnaa in maanta adduunkii dal walba xuduudihiisa, hawadiisa iyo badihiisa ba  wada xirtay cudurkan daraaddii. 

Sidaa darteed, waxaan wajahi doonaa marxalad adag haddii aynaan u diyaar garoobin dhibaatada soo socota. Waa inaan ku baraarugnaa inaan tabcano dhulkeenna, maxaa yeelay ma fududaan doonto inaan dibedda wax kala soo dagno. Ganacsatada soomaaliyeed waxay joogaan xiligii ay dhaqaalahooda galin lahaayeen wax soo saarka beeraha. 

Ugu danbayn, waxaan farriin u dirayaa dadka soomaaliyeed ee lagu yaqaan is kaalmaynta markay la soo deristo xaalad sidan u adagi. Waxaa jira dadyoow badan oo aan awood u lahayn inay helaan waxyaalaha aas aasiga u ah nolosha, sida cunto ku filan iyo hooy ay galaan, maadaama ay ahaayeen dad garab rarato ah oo suuqa ka xammaasha. Ugu danbayn waxaa looga baahanyahay dhammaan bulsho waynta soomaaliyeed in dadkaas jilicsan ee aynu ka soo warrannay ay caawiyaan intii taagtooda. Sidoo kale, ganacsatada soomaaliyeed iyagana waxaa looga baahanyahay in aanay walaalahood uga faa’iidaysan xaaladdan adag ee ay marayaan kuna qaaliyeen maciishadda, taa baddalkeedana ku dadaalaan in ay qayb ka noqdaan kaalmaynta iyo u gargaaridda bulshadooda waqtigan adag ee dalka iyo dadkuba marayaan.

W/Q: Sakariye Cismaan Nuur

SHARE