Home Curis Aabbihii Ambaday Q9AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Aabbihii Ambaday Q9AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
SHARE

Aabbihii Ambaday Q9AAD!

Habeenkii waxaan la jiiftay riyaaq iyo rayn rayn, waxaanna rumaystay inaan gaadhay yoolkaygii, waxaanna naftayda u sheegay in ay dhabbadii guusha cagta saartay, waxaanna  nabdigayga buuxiyey obsi iyo riyaaq,  waxaa dhacaysay inaan mararka qaarkood keligay iska muusoonayey oo iska qoslayey, haa waxaa leh dareen samaantaas jacaylka,  oo jacaylku waa mid qofka ku jujuuba waxyaabo uusan hore dhaqan iyo alab midna u lahayn.

Ammin ayaan jilaynay lammaane sheeko wadaag ah, hubaal ma jirin wax gaar ah aan isu sheegi jirnay, keliya waxaan ku celcelin jiray, in ay tahay gacalisadayda oo aan gaadhi doono, maalin aan midowno,  filasho iyo yididiilo dambe maahine ma jirin sheekooyin baxaali ah iyo haasaawe qare leh, maxaa yeelay da’deediiba ma joogno, waxaanse aniga dhankayga iga dhab ah inaan hantiyo oo mar uun ay noqoto marwadayda Deeqa nolol wadaago, laba kala bariday kala war la’.

Deeqi waxa ku jiray nabdigeeda iyo laabteeda wax igu jira wax ka duwan, waxa ayna u aragtay codsigayga kansho noloshayda ku maareyn karto, si wanaagsana gacanta iigu dhigi karto waxa ayna igula dhaqantay halkudhegii gabyaaga ee ahaa:

  • Nimaad dili, nimaad dagi, nimaad dabin u qooleyso
  • Waa laysu kala daadiyaa, Yuusan kaa didine.

Habeenkii aan Deeqa dareenkayga u sheegtay waxaan filayey inaan hantiyey guul, mase ogayn inaan gacanta u galay qof raba in ay noloshayda ku ciyaarto naftaydana ka dhigato addoon ay gumeysato.

Habeenkaas wixii ka dambeeyey, waxaan noqday qof aan dooc iyo dareen lahayn oo wax walba oo yoolkaygu ahaa, higsigayga iyo hilaadayda nololeed ku jiray, waxa  kala tuurtay Deeqa,  haddii aanan hawl gaar ah qoysku ii dirin, waxaa aan dul taagnaa Deeqa, waxa ay igu jujuubtay inaan gacantayda ku qoro magaceeda,  waa arrin waagaas socdaye, waxaa aan dildilaaciyey, gacantayda waxaanna ku qoray magaceeda, kaddibna waxaan ku shubay INDHAKUUL, taasoo sida TAATUU jidhkayga ku noqotay, siddii ay maalintaas summada iigu dhigatay  waxa aan noqday Bide ay Deeqi hoggaanka u hayso.

Waxa aan ka dhex baxay bulshadii iyo widaayadeydii kale oodhan oo aan qaarkood kula dagaallamay markii ay wax iga weydiiyey qaabka doqonniimada ah ee aan isugu dhiibay Deeqa,  waxaa aad uga xumaaday waxa aan samayayo hooyaday,balse Aabbe ayaa si hoose ula hadlay.

Waxyaabaha aanan ilaaweyn waxaa ka mid ah iyo dhaawacyada ay ii geysatay  Deeqi, aniga waxaa qorshahaygu ahaa inaan galo dugsiga sare ee Farsamada gacanta si aan Jaamacadda si fudud u helo qaybta Injineeriyada, hase yeeshee, taasi ma dhicin,  waayo waxa ay igu sandulleysay Deeqa inaan galo dugsiga sare guud, kaasoo ay tahay 50% in aad uga gudubto jaamacadda Injineeriyada oo waagaas adkayd sida lagu helaa.

Waxaan noqday adeegaha Deeqa oo haddii ay wax meel uga baahato iyo haddii ay gabadh soo booqanaysoba waxaan ahaa midka ay  bakoorad ahaan ka dhigato,  ma jiro tixgelin iyo ammin ii gaar ah oo ay i siin jirtay,  haddana waxaa taas iiga darnaa in qof walba ay odhan jirtay u sheeg qofka aan kuu ahay, kaddibna sida goor sheegtada ayaan tusi jiray gacantayda magaceedu ku xardhan yahay, waxa aanan u sheegi jiray inaan jeclahay, balse,  ilaa habeenkii aan u sheegtay hal maalin afkeeda kama maqal dareen ka yimid dhankeeda oo muujinaya inay i jeceshahay ama naxariis muujinaysa inay tixgelin ii hayso.

Marka aan arrintaas weydiiyona waxa ay warka ku soo koobi jirtay, haddaan ku necbahay ama aanan ku rabin maxaa  i kaa daba dhigay,  tan oo ahayd mid doqoniimadayda ay igu seexiso.

Waxii hore iyo dhibkaan qabay waxaa uu sii laba jibbaarmay markii aannu dib u bilowday dugsiga oo weliba codsanay Aabbahayna aan ka baryey inuu siday noqotaba  geeyo  Dugsiga ay iyadu dhiganaysay oo markaas ka fogaa xaafadeyda, teedana u dhawaa.

Waxaa  aannu bilownay sannad dugsiyeedkii koowaad ee fasalka koowaad ee dugsiga sare,  Deeqi markan sidii hore iguma aha,  waxa aan is aragnaa ammin kooban, waxa ayna billowday in ay iga dheeraato, weliba iska kay maaweeliso, haddaan u yeedho inay I quudhsato, in ay dadka oodhan ii tusto qof waalan oo derderan.

Waxaa si guud iyo si gaar gaar ahba iila hadlay dhallinyaro badan oo ii garaad celiyey, in qoftaasi  i liidayso, qofnimadaydana dhulka la gelayso, hase yeeshee, kuwaasi waxa ay ahaayeen kuwa aan dadka ugu necebahay,  waayo waxaan u arkayey col iyo nacab na kala dilaya.

Marka aan is waalana waxaa i hortaalay, saw kuma odhan dadku  yeysan ina dareemin, markaan idhaahdo, sawdigii igu sanduleeyey in aan magacaaga gacanta ku qorto, maxay tahay dareenka dadka inoo dhiman, immisa qof ayaan hortooda ka qirtayna, waxa ay odhan jirtay, taasi tijaabadii jirrabkii jacaylkaaga ayay ahayd, balse, hadda ardaydan cusub iyo barayaashu yeysan na ogaan ee waxeenna bannaanka hanoo ahaadaan.

Marka  lay sheego, afla gaadada iyo Af xumada oo gabdho iyada ay jaal yihiin xitaa iiga damqadaan, ayaan haddana is indho tiara aniga oo qaadaya heestii Maxamed Axmed Kuluc ee ahayd.

  • Dan kaama laha  taa dhaaf
  • Waa dumare haw jebin
  • Dar baa igu yidhaahdee
  • Amba dira diraha iyo 
  • Dadka kaa xanaaqee
  • Dartey kuu colaadshaa
  • Intaa daaya leeyahay
  • Adiguna jacayl daran
  • Sideed iigu daysaa
  • Nafta waad damqaysaa
  • Sideed ugu daraataa
  • Oo ee aad iiga durugta
  • Hadal iigu diida 
  • Dadka iigu maqashaa

Deeqi waxa ay noqotay xadhig lama sitaan,  waxaanna maalin maalinta ka dambaysa sii xooggeysana kala fogaanshahayaga, maaha dhankayga balse iyada  xageeda “ Xumbo iyo xiisaba waa gudhaan”  Deeqa xittaa adeeganimadaydii markan waa ay dhibsatay,  marka ay baxaysana kooxay isku xaafad yihiin ayay dhexda u gashaa, marka ay imanaysana waa  ay iska kay ilaalisaa,  balse si badheedh ah weli iima odhan  iga dheeraw iyo iga leexo.

 Dhawr jeer ayaan arkay  iyadoo dhallinyaro kale ku loohan, haddii aan wax ka weydiiyona, waxa ay hadalka iigu soo koobtaa,  anigu codsigaaga waa kaa yeelay, balse noloshayda inaad leedahay ha u malayn iyo hadalo kale oo liidid ah ayay isugu kay dari jirtay.

Habeen habeennada ka mid ah ayaan soo aaday xaafaddii ay deganayd, waxaa aan habeenkan u soo dhaaraansaday inaan laba midkood ka keeno, in aan si wadajir ah xidhiidhka u dhawrno iyo inay runta ii sheegto, anigoo go’aankaygii la guuraya ayaan imid gurigeeda, balse, kaabad weyn dhagax ka samaysan gurigoodana ku horyaalay ayaa waxa aan ugu imid, iyadoo wiil kale oo dugsiga nala dhigta barbar fadhida.

Burkaba bahal kama filan waan bariidiyey labadoodi, wiilkii si wanaagsan ayuu iiga qaaday, iyadiina huruuf, hiiftan iyo haaraam baa iiga muuqday, waxa ayna igu tidhi: Oof Dadka laguma kediyo, haddaad wax uga baahan tahayna waa loo sheega, bal eeg adiga oo iska soconaya ayaad daf na soo tiri. Erayadani waxa ay ahaayeen kuwo loo muujinayo, Jamaal in aniga iyo iyada waxba naga dhaxayn iyo kuwa laygu quus gooynayo.

Deeqa oo wiil kale la sheekaysanaysa marka aan u imid,  iigama aysan muuqan dareen ah in wax gef iyo gardaro ah ay igu samaysay,  iimana muujin wax tixgelin iyo xushmo ah.

Anigu xaalkaygu waa nin dan leh ma daalo,  waxa aan ku idhi, Deeqa anigu iskama imane e adiga ayaan kuu imid,  waxa innaga dhaxeeyana waad ogtahay,  waxa aan rabaa inaan wax ku weydiiyo ee ma soo yara kici kartaa, Kamaaloow adiguna walaal waxyar raali noqo.

Kamaal ayaa yidhi: Dhib malaha ama anigaaba kacaya wada hadla, kaddibna iyadaa gacanta laashay oo tidhi: Maxaad u kacaysaa waxaa uu sheegayo, dhegayso gacaliye, jaadkan fadhi uga kici maayo, adiguna uga kici maysid,  Deeqa oo hadalkii sii wadata ayaa tidhi: Oo haddaad magacayga gacantaada ku  qorqortay ma waxa ay kula tahay inaad igu helayso wiiloow?

Intaas markaan maqlay ayaa maskaxdaydu boqol talo soo daysay oo kala wada qaab darran, haddana waxa aan go’aansaday in aanan tallaabooyinkaas qaadin ee aan isku dayo inaan ka gun gaadho Deeqa.

Waxa aan Deeqa weydiiyey iyadoo wiilkii kale na maqlayo,  Deeqay ma jiraa wax xidhiidh ah oo soo jiray ammin dheer oo inaga dhaxeeya? Maxaanse agtaada ka ahay anigu?

Deeqi hadalkaba meel dheer kama doonin, umana tallamine waxa ay tidhi: Wiiloow  aniga iyo adiga waxba igama dhaxeeyaan, waxaan kugu dhawrayey inaan dugsi hore wada digan jirnay, haddaadse soo dhaafto, soohdintaada waxaad la kulmaysaa wax aadan filayn.

Dhammaan erayadani waxa ay ahaayeen kuwa wadnahayga u gubaya sida dhimbil dab ah,  iyadoo ciilka iyo cadhada i haysaa ay dhaaftay heerka qof aadane ah gaadho ayaan dib uga soo huleelay gurigeedi,  iska daa inay isoo dhaweysee iima aysan quudhin nabadgelyo inay i tidhaahdo,  intaan dhexda soo socday ayaa roob billowday,  waxaan  maalayey cagahayga oo gaadiid ma aanan soo raacin, waxaanna tireyn u galay intii gef iyo gadaafo ay ii gaysatay intaan is lahaa xidhiidh jacayl baa idinka dhaxeeya, waxaa dhammaan horteyda yimid maalin walba iyo qaabkii ay iila dhaqmi jirtay, sida ay ii liidi jirtay iyo dulqaadkii badnaa ee aan u yeeshay inaan gegsado.

Ma ogi meel aan marayo waxaa iigu dambaysay aniga oo raacaya waddada dheer ee Wadnaha ee haloosiga ah, saw waa hore ayaan baalmaray gurigayagii waxaanna indhaha ku kala qaaday shabaaxiska badda iyo hugunka hirarka,  goor dambe ayaan jaleecay mise waxaan marayaa  Kawaan Bari iyo badda xeeligeeda.

Dib ayaan u soo majiiray mar kale socod iyadoo intaas roob bushucle ah igu dul socdo dharkaygiina wada qoyey,  habeenkan ma jirin  intaan ifka joogay habeen iiga murugo badnaa,  habeenkani waxaa uu ahaa habeenkii ay bilaabatay colaadii dheerayd ee aniga iyo haweenka na dhex martay.

Habeenkan ayaan go’aansaday inaanan haweenay danbe  jeclaan, ku kalsoonaan, naftayda u dhiibin, wadnahaygana u furin, habeenkan ayaa waxaan go’aansaday inaan Deeqa ka aarsado nolosheedana rafaad iyo raxanraad geliyo, habeenkan ayaan go’aansaday inaan jidkii aan shalay u maray jacaylka mid la mid ah aanan u marin.

Waxaan sii luudo oo talamo hadba maanku ciil iyo cadho sida daadka u soo rogmado, waxaan goor dambe tegay gurigayagii oo dadkii dhami werwerayaan, kaddib Aabbe ayaa aad ii canaantay, balse, waxaasi nin maqlaya ama ay wax la yihiin ma aanan ahayn.

Waagii markuu baryey ayaan soo toosay,  waxaanna taladii habeenkii aan gaadhay ku duugay qalinka, waxaanna ku xardhay xasuus qorkayga waxaanna bilaabay sidii iyo qaabkaan u aar gudan lahaa.

Waxa aan  arrintaas ku sargooyey inaan marka hore Deeqa ka masayrsiiyo si ay gacantayda u soo gasho, kaddibna aan nolosheeda iyo aayaheeda u baasbaxo, kana dhigo qof aan haba yaraatee tirsi iyo tashi lahayn.

La soco qaybaha kale……

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE