Home Curis KUFSI IYO KADEED ADDUUN! Q-5AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

KUFSI IYO KADEED ADDUUN! Q-5AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

0
SHARE

           KUFSI IYO KADEED ADDUUN! Q-5AAD

Qofka bani aadamka ah Duruufo badan oo uusan jeclaysan wuu u dul qaadan karaa marxalado jiro awgood, balse, marka dhaga hadal iyo war xumo loogu daro waxaa gaabta ama soo yaraada dulqaadka uu qofku u yeelan karo hadallda duul duulaya ee liddiga ku ah qalbigiisa. Aadanaha dhiiggiisa ayaa ah dab dareen la wareegaya, dulqaadkuna waa deeq uu Alle qofka ku mannaysto, balse, wuxuu leeyahay: xad la tijaabsho goortaas oo uu qofku noqon karo mid dulqaadkiisa ku adkaysta ama ay noqoto in ay naftiisu dhahdo: “igu filan, igu filan”, waana heerka ay Idil dulqaad ahaan gaartay.

Idil markii ay sidaa usoo gashayba salaan iyo is waraysi dhex maray waalidkeed ayey ugu sheegtay in ay kasoo tagtay ciddaas wixii hadda ka dambeeyana ay u tahay safar dhankaa iyo Muqdisho ayna jeceshahay nafsiyan in ay shaqaysato oo isku tashato si dadkeeda iyo iyadaba ay wax u tarto. Laguma farxin ayaa la oran karay xaaladda Idil ay marayso, aabbaheedna aad ayuu uga xumaaday in gabadhiisu ay maanta meel cidla ah fadhiso, guurkii uu shalay xoolaha badan uga qaatayna uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday maadama ay gabadhiisa wax ay ka faaiidday ama ay kasoo heshay aysan jirin, cidda kaliya ee faa`iidayna uu isagu yahay.

Hooyadu mar walba lama mid ah ahayn aabbaha, dhanka dareenka naxariista iyo fahmidda gabadheeda ee waxay billowday in gabadheeda ay samirsiiso xaalkuna uu noqon karo mid sii wacnaado oo aysan u shallaayin wixii dhacay, naf huris badanna ay u samaysay ciddeeda si faqriga iyo dhibaatada ay ku jiraan ay uga saarto, waana ku guulaysatay ayaa la oran karay Idil ilaa xad arrinkaa maadama qoyskeeda xoolihii guurkeeda laga helay ay u tarmeen ayna hadda ka mid yihiin dadka ugu ladan halka ay dagganaayeen. Idil waxay billowday u diyaar garow ay u diyaar garoobaysay in ay u jihaysato xaggaa iyo Xamar kadibna nolosheeda ay xaggaa kasii jaan qaaddo maadaama ay u aragtay xamar meel ka jaanis fiican wax badan oo nolosha ahna laga gaari karo marka la bar bar dhigo tuulada ay dagganayd, balse, waxaa jiray arrin ay Idil sugaysay oo ay is lahayd dhameey marka hore oo qayb ka noqo waana arooska walaasheeda ku xigta ee Faadumo oo markaas soo dhawaay.

Wax waqtigu is guraba waxaa la gaaray xilligii la aqal gayn lahaa Faadumo oo ay soo doonteen cid ay qaraabo dhaw ahaayeen Idil oo aad ay isugu fiicnaayeen reerka idil lana oran karay abaal badan ayey ku lahaayeen reerka ay idil ka dhalatay maadama ay mar walba caawin jireen waa xilliga ay ku jireen xaaladda adag. Aabbaha idil go’aan uu qaatay ayuu ku salaysnaa guurka faadumo ee ma ahayn mid Faadumo rabitaankeeda ku yimid sida idil oo kale, labada gabdhood halka ay iska shabbahaan marka guurkooda la tilmaamayo ayaa ah in dookhooda aan marnaba loo madax bannayn oo mar walba danta waalidkood uu ku jaan go’naa mustaqbalkooda.

Habeenkii ugu horreeyay ee aqal galka Faadumo ayaa waxaa dhacday musiibo aad u daran oo aan lagu wada farxin taas oo ahayd kadib markii uu qaniinay bahal la dhaho Jilbis habeenkii nolosheeda ugu qiima badnaa ee macaanso ay is lahayd. Maxaa la macaansadaa waxaa soo gunaanadmay waqtiga nolosha Faadumo oo ku ekaa habeenkaa, nasiib darro ayey dadka qaar u arki karayeen, balse, wuxuu ahaa habeenka loo asteeyay in uu soo gunaanadmo safarka nolosheeda. Haashim oo ahaa wiilka ay ka dhimatay Faadumo wuxuu ahaa nin leh xaasas kale oo ma ahayn Faadumo gabadha ugu horRaysay noloshiisa, wuxuu ahaa oday laba reer oo kale dhali kara, balse, maadaama uu ahaa wiil uu aabbihii aad u jeclaa ugana kalsooni badnaa inta kale ee la dhalatay ayey labada oday waa idil aabbaheed iyo haashim aabbihii ku heshiyeen in lasii ballaarsho xiiriikooda qoysnimo si ay labadaas qoys u noqdaan laba aan waligood kala go’in oo qaraabanimada kale uu hilib kale ugu darsamo.

Hadaf ay wada tiigsanayeen labada oday ayuu ahaa in ay hiliboobaan oo ay noqdaan ul iyo diirkeeda, caku iyo nolosha reer baaddiyaha, waxa lagu xiriiraya oo lagu hiliboobaya ayaa ah mustabalka gabadhahaas masaakiinta ah ee ayaguba hadaf ay tiigsadaan ku riyoonaya waqti walba. Waxaa la yaab leh in waalidiinta miyiga qaarkood aysan uga fakarin dareenka owlaaddooda sida ay uga fakaraan dareenkooda ama damacooda ku aaddan dunida, haddiiba ay sidaa uga fakari lahaayeen ma dhacdeen waxa ku dhacay Idil. Dumarka waa iska masaakiin waana xilaha uu nin walba ku riyoonayo, waxay magan u yihin inta aysan gacanta u galin ninka ay la noolaanayaan aabbahood, waxaana wanaagsan aabbaha dhalay hablaha in uu uga fakaro dantooda si la mid ah dantiisa.

M ahan in xoolo la siisto nolosha gabar dhan oo riyo leh, damacna leh, damiirna leh, xaqna u leh in ay wax jeclaato waxna diiddo, inta uu aabbaha dhalay u baahan yahayna in ka badan ama la mid ahna u baahantahay, waasa kuma aabbaha miyiga ku nool ee sidaa u fakaraya? Xaalka Idil isaga oo markaa cakirnaa nolol iyo hammi kalana tiigsanaysa xamarna u xir xiran ayuu dhacay shilkan lama filaanka ah ee ku dhacay walaasheeda ka yarayd ee Faadumo, dhimashada Faadumo waxay Idil u ahayd musiibo.

La soco qaybta 6aad jimcaha

W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

SHARE