Home Curis Aabbihii Ambaday Q10AAD! W/Q: Cabdiraxiin H.Galayr

Aabbihii Ambaday Q10AAD! W/Q: Cabdiraxiin H.Galayr

0
SHARE

Aabbihii Ambaday Q10AAD!

Waxa aan la jiifi waayey lana joogi waayey hinaase oo waxa geyiga soomaaliyeed haween haween buuxa  gabadhaan ka calmaday ee aan ku tallamayey inaan nolol wadaagno, qoysna yagleelo markaan arkay  iyadoo  nin kale hoosta kaga jirta, ayaa waxa ay iiga darnayd dhimbil dab ah oo gibilkayga lagu gubayo xasuustaas ayaa ahayd mid wadnahayga holac aan damayn ka shiday, intaas  kuma ekayn dhibtaydu ee waxaa maanka iyo maskaxda sida cajalad duuban ugu soo noqnoqnayey ,  falalkii kala duwanaa ee ay igula dhaqmi jirtay, ee dhagarta, hododaamada, hagarta iyo lug gooyada ahaa.

Waa hadbhaaqan aadanuhu ka siman yahay in uusan oggolaan dhagarta ayna ku beerto tiiraanyo iyo caloolyoow aan dhammaan, arrinta igu dagi weydayna waa haddii aysan ku rabin kuna jeclayn maxay kuugu jeesjeestay? Maxay yididiilada beenta ah kuu gelisay ileyn kuu dhaani maa dhagareey ka roontahay may waa hore ku tidhaahdo kuma rabo kumana jecli.

Wax aan maqlo waxaan ugu necbaaday magaca Deeqa, waxa kale oo aan rumeystay in haweenku ka siman yihiin dhibka iyo dhagarta oo waxaan colaad ba’an u qaaday guud ahaan haweenka, aniga oo eed uga dhigaya qaabkay Deeqi iila dhaqantay.

Waxa iigu darnayd in magaca aan nacay uu qayb jidhkayga ka mid ah ku xardhanaa, taasina waxa ay keentay inaan gacantaydii uu magaceedu ku xardhay la coloobay, qaab aan isaga fujiyana waan garan waayey.

Waxa aanu tegay  widaaygay Hilaac  markaan arrinkii uga sheekeeyey isaguna intaan xanaaqey toban jibbaarkeed ayuu xanaaqa kaddib waxaa aan weydiiyey inuu iga kaalmeeyo qaabka ugu fudud ee aan gacantayda magaceeda uga tiri karo. 

Hilaac baa yidhi: Gacantaada waad ka tiri kartaa magaceeda balse  laabtaada yaa ka tiraya?

Hilaac waxa uu ka mid ahaa ragga kor iyo hoosba iila taliyey ee ka damqanayey sida foosha ee ay iila dhaqmi jirtay Deeqa iyo sida aan ugu indho beelay, hase yeeshe waa uu igala quustay hoga tusmayn iyo talo   waayo waagaas waxaa ii shidnayn heestii ahayd         “Darba i leh, doorka caashaqu, dankuuma lehee iskama daa, miyaan dhegaha u daloosha” waa gartiis inuu weydiintan i weydiiyo, mase oga ololka ka baxaya laabtayda iyo in aysan maanta gacalladii uga buuxday Deeqa isu dhalanrogtay  nac iyo colaad  oo aanba halis ku ahay nafteeda.

Waxaan idhi gacantan waxaan magacan uga tiri lahaa keen, kaddib  waannu is raacnay oo waxaanu u tagnay Ciid oo in doora naga weynaa,balwadna lahaa oo sigaarka cabi  jiray, markaan arrinkii uga sheekaynay ayuu intuu igu qoslay yidhi: Daawashada filimaantu dhibkan ayay leedahay,  war ma naagbaa jidhkaaga lagu qoraa magaceeda, jacaylkaagase dhab loogu sheegtaa waa col iyo nacabe” kaddib waxaa uu nagu xidhay inaan Sigaar u soo iibino, isaguna uu xalka keenayo, waxba iguma aysan qaadan oo waan hayey lacag waanna uso iibshay, isaguna waxaa uu keenay qalab kala duwan oo ah,  Sakiin, Aalkool iyo Bidha sigaarka laga shito.

Waxa ay ahayd xanuun aan laga sheekayn karayn, balse ma dareemayn ciilka iyo cadhada igu gadhoodhay awgood, waxaanna u dulqaatay iyadoo jidhkayga lagu xoqayo sakiin oo laga dhiijinayo, kaddibna Aalkolo inta lagu shubo dhiiga iyo indhakuushii madoobeyd lagu baa’ bi nayo, waxaanna lay daba marinayey dab holcaya si aan looga garan meesha in wax iiga dhaceen.

Idil ayaa gacantiisa eegtay mise waa meel gubna gubnood badan ka muuqdo oo kaduudatay, aad bay uga naxday, waxaa ayna tidhi ilaa  hadda ayuu raadkii sii muuqdaa.

Xaashi ayaa yidhi: Xanuunku intaas iiguma ekaan ee markaan gurigii anigoo dhaawac ah oo gacanta maro cad iigu duuban tahay tegay, ayaa Hooyo iyo Aabbena qaracmeen oo Aabbe bakooradiisii ila dhacay, haddana waa waalid oo waxaa gubaya xanuunkayga ee waxa ay iila ordeen  xarun caafimaad oo noo dhaweyd halkaasoo ammin dhawr toddobaad ah laygu dhayey aroor kasta iyo galab walba, mar kasta oo aan arko nabarkan waxaa i hor timaada Deeqa inkastoo aysan maanta meel ay ku sugan tahay aanan ogayn.

Markii aan soo raystay ayaan imid Dugsigii, waxaanna markaan go’aansaday inaan Deeqa ka aarsado nolosheedana u baas baxo, waxaa i hor kacday cadho iyo ciil, waxaanna u guntay godob waxaanna habeen iyo maalin laabtayda ka guuxayey qaabkaan  Deeqa uga aar gudan lahaa.

Idil waxaa laga yaaba inaad is tidhaahdo Adeer Xaashi waa qof xun,  beentaa maaha haddaad tuhunkaas iga qaado, waxaa aan ahaa qof xun oo weliba gun ah, waan garan waayey iska daa ama iska illow wixii dhacay,  dadku waa kala duwan yihiin alabka iyo habdhaqanka,  haddaad maqasho gobonnimo maaha  abtirsiimo loo dhasho ee waa qof iyo dhalankii, waa qofka dulqaadka badan, waa qofka aan ka aarsan qofka kale isaga oo awoodda, waa qofka dhaafa ee ka hadha dhib loo gaystay, isagoo wax badan xeerinaya, waa qofka aan u awood sheegan cidda uu ka tamar roon yahay.

Gun haddaad maqashona maaha abtirsiinyo iyo oday sheegad ee habdhaqan qofeed,waa qof xadhig maran ah, macangag ah, ciilka iyo arrimidu aysan uurkiisa ka bixin waa qof aan dhaafin dhibka loo geysto, haba yaraate wax  dulqaad ahna aan lahayn, waa qof aan waxba xeerin, waa qof liida iyo dhulka ku jiida qof walba oo uu ka tamar roon yahay waanna qof dadnimadiisu hooseyso oo aan waxba dhaafin, had iyo goorna godobtiisa inuu aar guto jecel oo weliba aarsigiisu aannu dhammaan.

Idil ayaa laba arrimoodba la yaabtay, waa midda koowaad sida uu isugu qirayo xumaanta iyo sida hufan ee uu gefkiisa u ogolyahay,  tan labaadna qaabka uu u kala dhigay lavada eray ee Gun iyo Gob oo maqalkooda maahine aysan si togan u aqoonin, kaddibna iyada oo diidan in sheekadu ka kala go’do balanteediina ilowdayba ayay tidhi: Haye!

Xaashi baa yidhi: Waxa aan ku noqday dugsigii waxaa aanan dhigay shaxdaan ku soo xero gelin lahaa

Waxaan qaatay go’ aanno badano  oo ay ugu horreyso inaan ka dheeraado meesha ay joogto, waxaanna naftayda ku jujuubay in ay ilowdo, Xaashi baa intuu si quman u eegay Idil ku yidhi: Jacaylku waxaa uu leeyahay laba dhaymo oo midna waa malab midna waa dacar, dhaymaha koowaad waa inaad heshaa qofkaad jeclaatay oo aan la midoowdaa waana midka malabka oo kale ah, dhaymaha labaad waa inaad go’aan adag qaata una gegsataa dhibta aad ka mudanayso inaad maankaaga ka maydho, magaca muuqaalka, xasuusta, kalgacalka iyo dhammaan wanaagga qofkaas ugu jira waanna midka ka qadhaadh dacarta.

Idil ayaa aad uga heshay sida togan ee uu u kala saaray labada jid ee loo marayo hanashada iyo ka huleelka jacaylka, kaddibna waxa ay tidhi waa hubaal arrinkaasi waanna dhab, waxaaba jirta hees uu qaado Hoobalka Cabdifitaax Beyloot oo tidhaahda:

  • Jacaylku mar waa dawoo
  • Dabiib iyo caafimaad
  • Dareen nabadduu wadaayo
  • Degini baa laga helaa
  • Mar waa dacare ogoow
  • Diihaal iyo waa darxumo
  • Diif iyo tiiraanyo badan
  • Daaduuf buu kugu ridaa
  • Dabaylaha kugu daraa.

Xaashi baa la dhacay sida suugaaneysan ee ay dulucdii hadalkiisa u soo koobtay iyo sida quman ee ay u dhegaysanayso kaddibna isaga oo sheekadiisii sii wata ayuu yidhi: Maalintaas kaddib waxa aan ka dhigay Deeqa qof aanan aqoon,  waxaan ka dheeraaday meel kasta oo ay joogto, waxaanna ka bartay la sheekaysigeedi ku dhiirashada gabdhaha, taasoo ii fududaysay, inaan gabadh walba been u sheego, habeen iyo laba markaan dantayda ka gaadho ama ka waayona aanan dib dambe ugu soo noqon, dagaalkaygu keliya kuma koobnayn Deeqa ee waxaan la coloobay guud ahaan haweenka iyo gabdhaha soomaaliyeed oo aan qaatay go’aan inaan hanaqa gooyo maahine in aanan hab wanaagsan ula dhaqmin

Waxaan noqday xidig xarago badan oo gabdhaha oo dhami isu sheegaan waxa aanna awooda saaray sidii aan u indho sarcaadin lahaa Deeqa oo aan mar uun cagahayga hoostooda u keeni lahaa. 

Waxaa aan la sheekaystay dhammaan gabdhihii ay sheeko wadaagta ahaayeen, waxa ayna Deeqa arrinkaasi iyadana markeedii ku noqday dhabarjab, iyadoo kuwo badan la dagaalantay, kuwona la coloowday, waxa aan ka dhigay Tuke cambaar leh, waxa aanan ku diray si dadban ardaydii oodhan.

Waxa aan samayn jiray wax walba oo aan gabdhaha ku soo jiidanayo, inaan hadyado u keeno, dhambaalo jacayl u qoro, hadba waxii cusub ee magaalada ka socda u kaxeeyo, sida Filim cusub, Ruwaayad cusub, Casho iwm.

Idil ayaa waxa ay la yaabtay qaabka uu naftiisa ugu qirayo gabboodfallada uu geystay, haddana waxa ay is weydiisay, maxay tahay waxa uu kuugu sheegayo, kaddibna waxa ay is tidhi haka hor dhicin ee sug ilaa aad gaadho sheekada gunteeda.

Waxa uu yidhi Xaashi, maalin maalmaha ka mid ah ayaa anigoo goor galab ah qolkayga jiifa, waxa ii timid gabadh hooyo eeddo u ahayd oo guriga nagula noolayd Suubban, waxa ayna ii sheegtay in gabadhi ay bannaanka taagan tahay, aniguna anigoo  bartaydii jiifa ayaan is idhi waa mid ka mid ah xertaadii waxaan idhi soo geli.

Suubbana sida ay isoo waday ayay i dul keentay, haddaan soo jaleecay waaba Deeqa, intaan naxay oo meel aan ogahay i damqatay, ayaa haddana damiirku i yidhi, Haadooy, maanta waa maalintaad sugaysay,  waa maalintii aad u soo halgantay, waa maalintii aad aarsan lahayd waa maalintii aad xasuusin lahayd maalmo badan, wixii ay ku baday iyo sida kuula dhaqantay waa inay ka qoomamaysaa oo aad cashar walba cashar kale  oo la mid ah aad siisaa ilaa ay gaadho heer ay nolosha nacdo.

La soco qaybaha kale……

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE