Home Qoraallo ARXAN-GOYS Q-4AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-4AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

ARXAN-GOYS Q-4AAD

Ilma Aadanow! Haddii aad ka gudubteen xadkii uu Ilaaheey idiin jeexay, amarkii uu idin siiyanaa aad diiddeen! Wixii uu idin yiri: ha cuninana aad afka ku dhaabateen idinka oo aan u abbayeeleyn dheefta aad ka dooneysiin dhibka ku xigi-doona aniga waxba ha i eedina ee kolka hore naftiinna eeda!. Waa hadalkii cannaanta ahaa ee uu igu yiri: karoonuhu. Asiga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: ”Eebbaha idin abuuray wuxuu idin faray inaad cuntaan cuntada wanaagsan asiga oo midda xunna idinka xaaraantinimeeyay. Kolka uu Eebbuhu idinka reebay ollogaas wuxuu ogaa dhibaatada idin ka soo gaari karta, sidaa darteed, aniga magacyo aan kala dhicin oo aan wanaag laga dheehaneyn ha iigu yeerina ee idinku qaata eedda dhammaanteed. Aniga oo hadalladiisa dhammaantood u arka kuwa gar ah ayaan haddana isku dayey inaan ka meermeero, maxaa yeelay, cadawgaaga guushiisu waxay usii laba jibbaarantaa kolka aad tiraahdo waa iga guuleysatay, kolkaasna waa uu kugu wiirsadaa ee aniga oo madaxa ciidda ka ceshanaya ayaan ku iri: ”Arxan-goys iyo magacyo kasii liitaba waad u qalantaa ee ku wiirsiga iga daa.

Cudurro badan iyo faafeyaal tirobeel ah ayaa aadanaha soo maray, haddana qalin-maalka sooyaallada la soo gudbay weeleeya, sabayaalka joogana ka feyjigan, siiyaalka imaan-doona oddorosa intuba qoraal ay qoreen oo durayadaas arxan-goys ugu yeeray lama haayo ee maxaad aniga iigu dooratay magac bixintaas? Su’aashii uu i weydiiyey ayaa sidaas aheyd. Waa runtaa oo duumooyin kala duwan waa ay jireen, haddana waa ay imaan doonaan, balse, dhammaantood sida aad aadanihii u kala fogeysay ma jiro agmar u kala fogeeyay ayaan ugu jawaabay. Dooddii oo dhinac isu raaci wayday darteed ayuu igu yiri: ”Ninyohow! Afayeenka aadanaha isku sheegaya ee doodda badanow!” Waxaa jira; sooyaallo badan iyo durayo tiro-beel ah oo horteey ka dhacay carra’edeg, adigana kaa gedman ee aan daaha kaaga rogo ee si fiican ii soo dhugo, hana iga dheeraan!. Markii uu halkaas marinayo ayaan ka dhexgalay dooddii, isla markaana waxaan iri: ”Xogtu waa sida baadi kaa maqan” baadiyuna qofkii ay ka maqan-tahay haddii uu helo gacmo furan ayuu kusoo dhaweeyaa ee intaad afeefashada iga deysid ii sheeg waxa aad iga damacsan tahay? Anigoo lulmoonaya ayaan sidaasi ku iri. ”biyo sacabbadaada ayaa looga dhergaa warna salkoo fadhiya” Soomaalidiinna ayaa tiraahda ee xasil darrada joogi, warkana iga dhageyso. Sidaas ayuu igu sabaaliyey.

Wuxuu yiri:

  1. Waxaa jiray; daacuun ka dillaacay qaaradda Yurub bartamaha qarnigii (14-aad) toban iyo afaraad, dadkii berigaas ku noolaana kala bar dilay. Daacuunkaasu wuxuu ka billaawaday hal magaalo, ilaa markii damo uu qaarad dhan dadkeedii uu kala bar dilay. Waxaa loo yaqaannaa: ”Daacuunkii madoobaa” 《Black Plague》. Daacuunkaasu wuxuu dilay; dad lagu qiyaasay: (200) laba boqol oo milyan, halka uu nus bilyan qofna saameeyay. Inta la xasuusto sooyaalka, daacuunkaasu wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee ay Aadanuhu ugu dagaallamaan: ”Bajoolaji” ahaan. Boqortooyadii Mangooliyaanka ayaa ciidamadeedii tirada badnaa ku go’doomisay, magaalada ”Kanfa” oo ka mid aheyd: dal weynaha Talyaaniga. Ciidamadaas Mangooliyaanka ah oo magaaladaas bannaankeeda ku gedaamanaa muddo dheer, ayna u suurtageli wayday inay magaaladaas gudaha u galaan, ayaa daacuunkaasu ka dhex-dillaacay, isla markaana derbigii dheeraa ee magaalada ku wareegsanaa ayey meydkii ciidamada ka tuureen, kolkaasna magaaladii Kanfa ayaa waxaa buuxdhaafiyey meydka askartii Mangooliyaanka, taas oo ugu dambeyn sababtay in magaaladaas dadkii ku noolaa ay dhammaantood daacuunkaas u dhintaan. Dadkaas in yar oo ka mid ah ayaa u qaxday waddamadii kale ee heer Yurub ku waas oo qaaraddii oo idil cudurkii ku baahiyey, sidaasna ay kala bar dadkii heer Yurub ku dhammaadeen.
  2. Hargabkii jaallaha (Yellow Fever), wuxuu ahaa hargab faafe ah oo carra’edeg ka soo ifbaxay qarnigii 15-aad, aadna u saameeyay meela badan oo dunida ka mid ah.
  3. Daacuunkii seddaxaad (Third plague) waxa uu dhacay; hilaadda bartamaha qarnigii 19-AAD. Daacuunkaas oo isna aadanaha nafta dhaafiyey noole lagu qiyaasay: (12-15 milyan) oo qofood.
  4. Daacuunkii London, wuxuu ahaa: daacuun ka dillaacay: carriga boqorrada midoowday ee UK. Daacuunkaas waxaa loogu magac-daray: (Great Plague of London), Wuxuu dhacay: bartamaha qarnigii 17-AAD. Waxa uuna ifka dhaafiyey, dad gaaraya: seddax milyan oo qof.
  5. Waxaa jira faafe kale soomaaliduna ay u taqaanno: ”Furuq” afka qalaadna lagu yiraahdo: ”Smallpox” kaas oo isna qarnigii 15-AAD duniga si weyn u aafeeyay, kuna dilay dad gaaraya: (56-milyan) oo qof.
  6. Hargabkii Isbeyn: waxaa jiray: cudur kale oo ka dillaacay dalkii loo aqoon jiray Andalus, haddana qeyb ka mid ah loo yaqaan dalka Isbeyn, billowga qarnigii labaatanaad. Cudurkaas oo kala bar galaaftay nolosha dadkii Isbeyn. Aadanaha oo idilna ka dilay (100) boqol milyan oo qof dad lagu qiyaasay, halka dadka uu haleelayna lagu sheegay hal bilyan oo qof. Cudurkaas oo loogu magac daray hargabkii Isbeyn 《Spanish flu》. Asalkiisu wuxuu ka yimid doofaarka.
  7. Daacuunkii Justinian loona yaqiinnay: 《Plague of Justinian》waxa uu isaguna billawday: bartamaha qarnigii lixaad, wuxuuna aadanaha ka dilay: (50-milyan) konton milyan oo qofood.
  8. Hargabkii Aasiya, isaguna wuxuu ahaa faafe loogu magac daray: (Asian Flu). Waxa uuna dhacay: bartamaha qarnigii ”20-AAD” Labaatanaad. Wuxuu qoorta ka jaray dad kor u dhaafay: ”Hal milyan”.
  9. Hargabkii Jeyna looguna wanqalay: (Hong Kong Flue) wuxuu dhacay: bartamaha qarnigii labaatanaad, wuxuuna nafta dhaafiyey dad ka badan hal milyan oo qof.
  10. Hargabkii Ruushka isaguna wuxuu ahaa dhammaadka qarnigii labaatanaad. Wuxuuna dilay dad kor u dhaafay hal milyan oo qofood.
  11. Waxaa jira, cudurka: ”Ej I fii aydis” (HIV ADIS) oo soo ifbaxay dhammaadka qarnigii labaatanaad, 1980-kii kaas oo sida la caddeeyay asalkiisu uu ka dhashay daanyeerrada waaweyn, halkaasna uu aadanaha uga soo dusay. Wuxuu dilay; Aadane lagu qiyaasay: (30-35 milyan) oo qofood. Ilaa iyo maantana dawadiisii lama helin, lamana weyn ee dunida seddaxaad ayuu ku soo haray dunida koobaad iyo tan labaadna mar hore ayuu ka dabar go’ay, sidaas ayaa soo saaristii dawadiisa la isaga daayay! Intaasna meel kusii xarriiqo.
  12. Waxaa jira faafihii kale ee oofwareenka loo baxshay: (SAARIS) ahaana cudur ka soo dusay shimbirta fiidmeerta/koballiga, si ba’anna aadanaha u saameyay tumin qarniga aynu jirno ee 21-AAD.
  13. Waxaa jira Hargabkii loogu magac-daray: Iswaan Fuluu (Swine flu) ee asalkiisu uu doofaarka ka yimid.
  14. Waxaa isna jira faafihii darnaa ee Epola, kaas oo asna dillaacay; qarnigaan 21-aad ee aynu ku jirno. Inbadan oo aadanaha ka mid ahna ay ogyihiin inuu gacan ku sammeys ahaa, waliba, baayoolaji si gaar ah loogu bartilmaameedsaday waddan uu yaallo dahab ceeriin. “Dabaalatooy biyo ka hoos ayey iska aragtaaye” si dadban ayaa loo hakiyey, lamana oga goorta xigta ee bporka dib looga jafi-doono.

Durayadaas oo intooda badani ay ahaayeen gacan ku sameys iyo kuwa kale oo aan sheegistooda ka hamraday, dhammaantoodba loogu ma yeerin arxan-goys ee waa inaad ii caddeysaa halbeegga aad ka leedahay magacaas aan ii qalmin iyo sababta aan uga duwanahay faafayaashaas? Dooddiisii dhab ka hadalka aheyd ayuu sidaas kusoo afmeeray. Aniga oo af kala qaad iyo amankaag! Uu iga soo haray, ayaan ku iri: ”inta faafe ee aad soo sheegtay, dhammaantood waxay ka soo hanaqaadeen oo laga diiwaan-geliyay; dunida koobaad iyo tan labaad” ee maxaad uga hamratay inaad sheegto faafayaasha baabi’iyey dunida seddaxaad (Afrika) oo laga yaabo inay toban jibbaar ka badan yihiin kuwa qaaradaha kale? Intuu is ceebsaday ayuu ku gaabsaday: ”Ciyaaye ayaa loo ciidamiyaa” ee malaha shibbanaantooda ayaa xuquuqdoodii seejisay, dhan kale haddii aan kaa tusana waxay ka mid yihiin bulshada caalamka, waxa aan ka hadleynaana ma ahan qaarad ee waa ilma Aadane oo idil. Sidaas ayuu igu af-gobaadsaday. ”Nin kaa doodbadan xoolaha aabbahaa ayuu kula dhaxlaa” hore ayaa loo yiri: hadalkaagase waxaan fahmay inaad tahay: ”Bayoolaji” ay ku dagaallamayaan qolooyinka tuurta ku ritay magaca ah: ”Quwadaha caalamka ee kaligood is cimaamaday”. Siraha qaar hoos looguma dhaadhaco ee naftaada u turo intow igu yiribuu ii sii daba dhigay: Fannaan Soomaaliyeed ayaa yiri:

  • ”Ninka ugu il-dheerbaa
  • Dadka ugu ayaan-daran
  • Waxaan la la arkeynbaa
  • Isaga uun u muuqda”.

Kaadso! Oo mar kale kaadso! Biyo badeed oo aadan ka dabaalan karin gunta hoose ha u gelin ee kaadso! Si degdeg ahna iigu sheeg, sababta aan ku mutay magaca jaan ee aad ila soo doonatay. Sidaas ayuu hadalkiisii kusoo koobay.

Aniga oo cabsi dareemay, inay halis tahay ka hadalka waxyaabaha qaarkood ayaan ku iri: ”waxaan usoo joogay dhowr dhacdo oo aanan hortaa usoo joogsan. Waxaad xirtay xarumo diineed oo aan ebed la xirin inta la xusuusto nolosha aadanaha, waxaad hal mar albaabka u laabtay isu socodkii Aadanaha ee carra’edeg, bari iyo bugux koofur iyo waqooyi. Sidoo kale, waxaad Aadanihii ku sandulleysay inaan laba ka mid ahi isa salaamin, waxaad intoodii badneyd nafta dhaafisay waayeelkii hagi lahaa da’yarta aan sooyaallo hore iyo siiyaal dambo midna garaneyn. Waxaad soo jilba duubtay, ka dibna, aad soo gole fadhiisisay dowlado waaweyn oo ku tookhi jiray inay carra’edeg nabadoonno ka yihiin. Ceebo badan oo dahsoonaa jiray ayaad bannaanka soo dhigtay islaam iyo gaalba. Intaas marka laga yimaado, waxaad kala xannibtay oo marnaba is arki waayay Tawl (waalid) xanuunsan iyo carruurtii uu dhalay, ma adiga ayaan arxan-goys aheyn? Kolkii aan halkaas marinayo ayuu iga soo dhex-galay isla markaana wuxuu yiri: ”Kuwaasu qool furaad kuuma noqdaan ee ninyohow! Na kala ammaan-geli oo waxa aad maldaheyso ii bidhaami?”

Ma sugto mahar ma leh, ninkeedna marag ma leh, ayaa hore loo yiri: ee sheekada ha iga dhantaalin, adiguba markii aad ii waayo warrameysay si habsami leh ayaan kuu dhegaysanayay intaan ku iribaan usii daba dhigay: Cali ayaa laga soo wacay xarunta dabiibka iyo dhaymada ee Aadanaha (Cisbitaalka) ka dibna, waxaa lagu yiri: ”Waa inaad si degdeg ah noogu timaadaa, aabbahaa dhabbiga geerida ayuu ku sii socdaa, sidaa aawgeed, haddii uu dardaaran kuugu dhiman-yahay labaatan cagood (daqiiqo) ku imaaw!” Cali orod ayuu isku xaabiyey, gaarigiisana hore ayuu ula sii cararay, isla markaana asiga oo neef tuuraya ayuu xaruntii dabiibka iridka ka galay, ka dibna, qeybtii uu aabbihii ku ogaa ayuu toos u abbaaray, balse, isla markii uu iridka sii gelayaba waxaa hakiyey ilaaliyihii goobta, waxaana loo sheegay; inaysan jirin qof hore u sii gali karta, qolalka dabiibka, sidoo kalena, waxaa lagu yiri: ”Halka aad taagan-tahay hore uma dhaafi kartid”. Cali iyo waardiyihii oo murmaya ayaa waxaa soo ag joogsaday, dabiibihii u yeeray, wuxuuna ku yiri: ”Cali is deji!” wax walba waa ay is beddeleen, halka aad taagan tahayna ma jirto qof hore u dhaafi karta oo aan dabiibe (Dhaqtar) aheyn.

Aabbahaa waxaan ka bixineynaa neefsiiyaha, goortiisina waa ay dhammaatay! Waxaanna kuu wacnay inaad la dardaaranto oo kaliya, kansho kale ma jirto. Dabiibihii intuu dhankiisa midig farta ugu fiiqay Cali ayuu ku yiri: qolkaan ayaad gelaysaa, aniguna waxaan ku laabanayaa abbahaa, kolka aan u tago ayaan muuqbaabiyaha telefonkaaga kaa soo wacayaa, sidaa aawgeed, kaamiradda ayaan kuu furayaa marka aan neefcaawiyaha ka siibeyno! Dabiibihii wuxuu Cali u daba dhigay; ma jirto kansho aan taa aheyn, mana heyno xal kaas ka fudud ee is adkey! Haddana nabadeey! Hore ayuuna u dhaqaaqay. Cali oo amankaagsan ayaa dabiibihii gacanta u halaajiyey, balse, dabiibihii ayaa si taxaddar leh u yiri: Cali waxa wanaagsan waan naqaan, balse, beriga maya! Suurtagal maahan ee anigana shaqada ha iga daahin, aabbahaana nafta ha ku dhibin ee telefonkaaga kaamiradiisa fur. Dhowr mar ayuu dabiibihii hadalkaas ku celceliyay. Waydiintii ugu dambeysay ee Cali ayaa noqotay: ”in aan Yaasiimiyo aabbahey oo aan karfano una weesaqaado fadlan ii oggolow! Dabiibe fadlan ii oggolow! Dheg looma dhegin, maxaa yeelay, xeerka dabiibayaasha ayaa waxba kama jiraan ka dhigayey dhaqan walba oo hore u jiray wax walbana waxay marayaan dhabbihii suubbanaa mid ka duwan oo arxan kala goys ah.

Cali oo dhabannada heysta ayaa teleefonkiisii gacantu soo dhacay! Kolkii uu eegana waa dabiibihii goor aan fogeyn ka dhaqaajiyey! Cali oo anfariirsan! Ayaa muuqaalkii lagu soo wacay ka jawaabay, isla markaana wuxuu dhaayaha ka qaaday aabbihii oo indha oo qura warwareejinaya, dabiibihiina wuxuu ku qeylinaya! Cali la hadal aabbahaa! Waa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ifka! Meel lagu ooyo lama joogo, xaalkuna waa dhabannaheys iyo walaahow! Cali afkiisa asiga oon kala furin ayaa aabbihii naftu ka haadday. Cali iyo aabbihii waxa u dhaxeeya waa hal derbi oo laba qol oo isku dheggan ayey ku kala jiraan, hadda waa laba qol oo isku dheggan! Yaab! Lama arag lamana maqal tanoo kale! Nin adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban. Cali xasuustii ayaa ka tagtay, in muddo ah ka dibna, waxaa u yimid dabiibihii oo u tacsiyeynaya. Cali gasarkiisii ayuu isaga soo laabtay, asiga oo caga jiidaya, luguhuna aysan qaadi karin.

Belo waa tan dambeysa ee dhowr maalin ka dib, ayaa loo sheegay Cali in aabbihii la aasayo, aaskiisana ay dowladdu u qorsheysay, toban qof oo loo tababbarayna ay aasi doonaan, cid kalena aysan ka soo qeyb galeyn, taas oo Cali mar labaad ku noqtay fallaar wadnaha looga giijiyey. Shalay ayaa aabbihii geeriyooday asiga oo aan ka fogeyn haddana aan la joogin, waxaa loo diiday inuu yaasiimiyo, wuxuu awoodi waayay inuu dhaqo, u weesaqaado, wuxuu ka caagay inuu karfano, si niyadsami ahna uu u sagootiyo. Waxa uu waayay qof u timaada ee u tacsiyeysa, tacsidu waa tiiraanyada oo lagula qeybsado, waxkastaa waxa ay kusoo koobmeen shaashad taleefon oo layska daawado iyo mid leyska maqlo, gacalkii ayaa is booqan waayey, geyaankii ayaa isa salaami waayay, guurtidi ayaa geed wada fadhiisan waayey, guddoonkii dowladaha ayaa howshoodii gudan waayey. Adduunkii kala socday maalin ka hor ayaa isu beddelay jiraal dadkii ku noolaa ay ka diga rogteen, magaalooyinkii waaweynaa ee Aadanuhu is buuran jiray tiradooda darteed ayaa waxay noqdeen goobo haawanaya, waxay isu beddeleen gabiib cidlo ah..magaalooyinka qaar oo waxaaba la arkay ay duurjoogtii soo galeen kolkii ay waayeen Aadane dhex socda.

Boqollaal arrimood oo aan carra’edeg hore loogu arkin ayaad lasoo banbaxday, waxaad kusoo aadday debshid aad loo saadaalinayey is beddel nololeed oo Aadanaha ku yimaada, balse, taadu waxay noqotay mid karkaarka waydaaratay aadanuhuna ay xal u waayeen. Intaas oo dhibaato ah iyo intoo kale oo aan ka hamraday sheegiddoodda ayaad la gole timid ee sow arxan-goys maahid? Sidaas ayaan hadalkeygii kusoo qabbiray, aniga oo ay dhacdooyin ka sii xunna ay ii harsan-yihiin. Alleylehe, intaad sheegtay, waa runtaa, balse, sababta ugu weyn iyo eedda dhammaanteed idinka ilma aadane ah ayaa qaadaya. Sidaas ayuu isku difaacay. Habkee iyo halbeeggee ayaan ku qaadeynaa adiguna aad ku eed la’aaneysaa ayaan si canaan laga dheehanayo ku waydiiyey. Wuxuu yiri: ”Anigu waxaan ahay waad ka dheregsan tahay, balse, idinku aadane ahaan isma taqaanniin. Maxaad ku caddeynaysaa ayaan ku iri: hubka aad goor iyo ayaan kala iibsaneysiin iyo cabsida qoloba tan kale ay ku beereyso ayuu ku jawaabay.

Cabsidee, hubkee ayaan ku laba celiyay aniga oo aan weli garan ujeedkiisa. Wuxuu yiri: Aadanuhu, si ay uga macaashaan dhibka aan ku haayo aniga karoone ah ayey haddana soo allifeen in (15) shan iyo tobanka soonqaad uu dhagax 20 kiilo oo isku wareeg ahi adduunka kusoo dhacayo, hal magaalo inta ay ku fadhidana uu dhulka la simi doono. Taasi sow ma ahan baqdin gelin labaad oo idinla soo deristay? Sidaas ayuu ku tiraabay. Goor kale ayaad iiga sheekeyn doontaa ee baddaas ha igu furin hadda intaan ku iribaan u daba dhigay: ”Hubka aad soo hadal qaaddana maxaad uga jeeddaa?” Wxuu ku gaabsaday: hubka iyo halaagga uu aadanaha usoo wado, asigana mar kale ayaan kaaga warrami doonaa. Intaan ku qoslay ayaan ku iri: ”Mar walba madal ayaad sii dhiganeysaa ee inaad aadanaha nabadgelyeyso oo aad dabar go’do ma rabtid miyaa?” Intuu yara dhoollacaddeeyay ayuu ku aftideystay: hadda ayaan iri: ”Ka rog oo laba saar, waddama badan oo aan iska key difaaci karinna aan sii laba cugtay”. Ma soomaaliya iyo Afrika ayaad ka hadleysaa aadduunka intiisii kale cagta ayaad marisaye ayaan waydiiyey.

Afkaaga hoori ama kala qaad aan ilkahaaga tirshee sow ceeb maahan intuu yiribuu ii sii daba dhigay: ”Soomaaliya, Afrika iyo aniguba wixii aan kala helno ayaan leennahay! Tabbat-baa Abii Lahab ku degay tanafaskiisii ee Ilaaheey meel daran ha kugu aaddiyo, intaan hoos u iribaan usii daba dhigay: inta aan foogta la gaarin iyo ka sheekeynta dhagaxa adduunka kusoo dhacaya, maxaad iiga tegeysaa dardaaran ahaan oo aan Aadanaha kaa gaarsiinayaa? Wuxuu yiri: war iyo dhammaantiisba, inta aad is dhagreysiin oo aad is hagardaameynaysiin, qola walibana qolada ay ka tamar roontahay cagta marineyso, in aad ayaansami ku noolaataan waa ka ”heyhaata”. Marar badan ayaana hore laydin la dardaarmay oo abwaan iyo indheergaradba waa idinku daaleen. Laashin: Cabdulle Raagge Taaraawiil (AUN) ayaaba dhammaadka qarnigii labaatanaad idiin tilmaamay waxa aad aheydeen iyo hab-dhaqankiinnii gurracnaa haddii aad ilma Aadane tihiin. Dardaarankaas ayaanna kaaga tegayaa ee maqal habboon, ayuu warkiisii ku soo afjaray ina Karoone.

  • Soonkiya salaaddiya sekadi, Subici mowliidka
  • Sigaar iyo khamraa lagu beddelay, Sannadka maantaa e
  • Saddaqana dadkii wuxuu ka dhigay, Sixirya laaluushe
  • Sakaraadki meydkiya dhibkii, Saa’idka ahaaya
  • Siraadkiya su’aashiya qabrina, Waa na sugayaane
  • Sammaan iyo xumaan maalintaad, Kala saxiixeyso
  • Senti-kaate iyo qaalli ma leh, Kula safaayaane
  • Qof walbow! Waxaad suubsataa, Saxarla’ kuu yaale
  • Sarriig iyo xishood ma leh dadkani, Sabarya iimaane
  • Labadii qof ee wada socdaa, Waysa sirayaane
  • Salaan cudur leh oo been ahaa, Laysku sabayaa e
  • Sunoow kuu qasaayaa midkaad, Subag cabsiisaaye
  • Sowjaya ninkii qabay inuu, Sinayo xeerkaannu
  • Sokeeyihina uu jaalle yahay, Waa la socotaane
  • Sida aniga iimuuqatoon, Ka arko saadaasha
  • Salka waxay ku heysaa waqtigi, Seydinaa Cali e
  • Salaama Alla ummaddaa dhamoo, Saaqiddaan nahaye.

Mar kalena wuxuu yiri:

  • Uurreydaan dirirtoo xirxiran, Ahabna diideysa
  • Umushaan ilmaha kii ka dhalay, Waa inkirayaa e
  • Aqoontaan jahligi loo legdaye, Laga adkeysiiyey
  • Aakhirkeedu sow naqayo waa, La arki doonaa.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo!

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

Naga la soo xariir:

  • laashin77@gmail.com
  • cuute23@hotmail.com
  • Tel: +46 (0) 700345789
SHARE