Home Qoraallo SUULKA LUGTA IYO SIRTA KU DUUGAN WQ; Calinaasir C/rasaaq Axmed

SUULKA LUGTA IYO SIRTA KU DUUGAN WQ; Calinaasir C/rasaaq Axmed

0
SHARE

Suulka lugta iyo sirta ku duugan

Soomaalida waxa lagu tiriyaa dadyowga dunida ugu faca wayn, maadaama ay ku uuman yihiin geeska Afrika oo la rumaysan yahay in sooyaalka aadamuhu kasoo unkamay muddo hadda laga joogo malaayiin sano. Si taas lamida, waxa kale oo soomaalida loo yaqaan dadkii suugaanta iyo gabayga, oo macnaheedu yahay in soomaalidu kaalmaha hore kaga jirto dadyowga dhifta ah ee Eebbe ku galladay hibooyinka hal-abuurnimo.

Run ahaantii, soomaalidu waxa ay kusoo caano maashay ka faaidaysiga aqoonta durugsan ee ay u lahaayeen deegaanka ay ku noolaayeen, iyagoo adeegsaday culuum aad u kala duwan si ay ula qabsadaan xaaladda ay ku sugnaayeen iyo deegaanka ku xeernaa labadaba. Tusaale, cilmiga xidigiska (astronomy) waxa ay u adeegsadeen soomaalidu meelo badan, iyo u jeeddooyin kala geddisan oo aynaan halkan kusoo koobi karin, hase yeeshee waxa ugu mudnaa bilkeedinta saadaasha hawada iyo garashada xilliga roobku da’ayo, xooluhu rimayaan ama dhalayaan iyo xilliga abaartu kusoo fool leedahay intaba.

Sidoo kale waxa ay soomaalidu ka gaadhay meel la mahadiyo, cilmiga geedo-gooyenimada (herbal medicine), iyagoo dawooyin kala duwan kala soo bixi jiray dhirta deegaankooda ka beernayd, isla markaana u adeegsan jiray ku dabiibidda dad iyo duunyo labadaba. Sidoo kale waxa aan iyaduna meesha ka maqnayn cilmiga naqshadaynta iyo suubinta (Sculptures) oo ay u adeegsan jireen wax soo saarkooda ku aaddan dhammaan agabka, qalabka iyo alaabooyinka lagama maarmaanka u ahaa adeegsiga nolol maalmeedkooda.

Intaas haddii aynnu kaga nimaadno aqoon-deegaankii ay soomaalidu caanka ku ahayd ee fac ba fac kasoo dhaxlayay, waxa sidoo kale soomaalidu kaalin hal-dheeri ah ka gaadheen aqoonta nafta (psychology)-ga, innagoo odhan karna waxa uu cilmigani la fal-galay, qayb ka mid ahna noqday noloshooda gebi ahaan ba. Tusaale, waxa ilmaha yar ee soomaaliga ah lagu ababin jiray aqoon-ardaa aad u faro badan, taas oo ka qaybqaadan jirtay kobcinta iyo kor u qaadidda garaadkiisa iyo kasmadiisa labadaba. Marka aynnu ka hadlaynno aqoon-ardaaga waxa aynnu ula jeednaa sheekooyinkii, hal-xidhaale yaashii, googaalaysigii iyo dhammaan waayo aragnimadii da’yarta loogu tebin jiray ardaaga reerka, fiidkii inta xoolaha la maalayo. Tusaale yar haddii aynnu u soo qaadanno googaalaysiga ama hal-xidhaaluhu sida uu uga qayb qaatay kobcinta cilmi nafsiga soomaalida, waxa aynnu odhan karnaa waa carinta iyo xoog uga

shaqaysiinta maskaxda, garatana hummaagga dhabta ah ee uu yeelanayo shay loo tebiyay astaamihiisa.

Haddaba sida ka muuqata cinwaanka maqaalkeenna waxa aynnu u baahannahay in aynnu dul istaagno suurtagalnimada in ay jirto sir ku duugan suulka lugta qofka bini aadamka ah. Maxay noqon kartaa sirtaasi? Ma jiraan wax cilmi baadhis ah oo hore looga sameeyay suulka lugta iyo sirta ku duugan?

Intaas haddii hordhac ahaan aynnu uga nimaadno, waxa aan rabaa in aan idiin sheego in aanan anigu jaamacad u gelin barashada cilmi nafsiga, hase yeeshee sidii aan hore u soo xusay aan haysto aqoon-ardaagaygii lasoo fal-galaysay noloshayda iyo waayo aragnimadayda, iyadoo intaas ay ii dheerayd buugaag iyo maqaallo badan oo aan ka akhristay cilmigan, maadaama aan aad u xiisaynayay. Tusaale, waxa aan xasuustaa, markii aannu yar yarayn waxa aannu isla gorfayn jirnay mid annaga naga mid ah oo dhinacayaga u soo socda, isla markaana odhan jirnay “hebel markuu inna soo gaadho waxaas ayuu inna odhanayaa, mayee waxaa kale ayuu odhanayaa!”. Sidoo kale, dhererka qofka, dhakadiisu sida ay u samaysantahay, wejigiisa, socodkiisa intaba waxa aannu kala soo bixi jirnay macluumo qofka ku saabsan, markaa waxna waanu sixi jirnay waxna waanu surmo seegi jirnay.

Aynnu u soo laabanno mawduuceenna ah sirta suulka lugta ku duugan iyo aragti ahaan anigu waxa aan ka aaminsanahay, indho indhayn iyo u kuur gelid dheer kadib, laga soo bilaabo dabayaaqada sanadkii 2011-ka ilaa ammintan aynnu hadda ku sugannahay. Muddo dheer oo aan macallin ahaa, waxna u soo dhigayay arday da’ ahaan iyo heer waxbarasho ba u kala duwan, isla markaana isku dayay bilkeedinta xidhiidhka ka dhaxeeya qaab-samaysanka/nooca suulka ilmaha iyo qof ahaantiisa (shakhsiyaddiisa), waxa ii soo baxday in ay saamayn togan ku leedahay ilmaha iyo heerka garaadkiisa iyo caqli badnaantiisa. Tusaale, waxa aan xasuustaa ardayda aan garaad badni ku tuhmo waxa aan eegi jiray suulka lugtooda, kadib waxa ii soo bixi jiray in qaab-samaysanka suulka sir wayni ku duugantahay. Waa midda kale e’ bilkeedinta hannaankani waa mid u siman wiil iyo gabadh ba, hase yeeshee waxa xusid mudan awoodda bilkeedintu in ay aad ugu habboontahay una awood badnatay da’da 6 jirka 7 jirka iyo 8 jirka, iyadoo marka da’du sii koradho ba ay sii yaraanayso awoodda bilkeedinta ee hannaankani.

Qaab-samaysanka suulka lugta

suulka aan aragtidayda ku dhisay in uu yahay suulka ilmahawataa leeyahay sifo muhiim ahi waa suulka dushiisa sare hilboon ama cuddoon ama yara

buuranyahay. Si kale haddaan u dhigo waxa uu dusha ku leeyahay (halka uu ka laabmo) cad yar inta badan laba liid leh, hadduu saddex liid yahayna waa midka ugu mudan. Haddaynnu eegno qaab-samaysanka suulka ee afka hore ama wareeggiisa, iyadu muhimad sidaas ah ma leh, hase ahaatee in uu suulku wareeg dhammaystiran yahay iyaduna waxa ay kor u qaaddaa hannaanka tijaabadan. Ugu danbayn Marka aad rabtid in aad tijaabada fuliso waxa aad ka codsanaysaa ilmaha in uu lugta dhulka dhigo si caadi ahna isu taago, haddii aad liidadkii arki waydo waxa aad ka codsanaysaa mar kale in uu lugta dhulka ku yara cadaadiyo/adkeeyo gaar ahaan suulka, isagoon faraha laabayn.

Dhanka kale, waxa iyadana aan u kuur galay, in suulka dhuuban aannu lahayn sifo muhiim ah sida midka aynnu kor kusoo xusnay, anigoo odhan kara suulka dhuubani waxa uu saami-gal qumman la yahay sifada caqli-yaraanta, oo macanaheedu yahay markasta oo suulkuu sii dhuubto (miiq noqdo) waa markasta oo ay sii badanayso caqli-yaraanta iyo in-dhow aragga ilmuhu.

Ugu danbayn, waxa jiri kara dad waawayn oo ay weli suurto gal tahay in lagu sameeyo tijaabadani, sababtuna ay tahay suulkooda oo ilaashaday welina ay ka muuqato (predominant) qaab-samaysankiisii yaraanta. Si taasi loo helo waa in marka hore (xilliga yaraanta) ay sifadu aad uga soo muuqataa qofka, sida in uu saddex diillin lahaa markuu yaraa oo kale, iyadoo hal diillin isugu soo uruuraysa marka uu waynaadana. Hase ahaatee waxa xusid mudan xiisana leh, in ilmaha leh suul dhuuban (yaraantiisa) aanu qarsoomin marka uu waynaado si toos ahna loo garan karo haddii aan is beddel kale ku dhicin.

Guntii iyo gunaanadkii, waan jeclaa in aan halkan idinkula wadaago sawirraanta noocyada suulasha aynnu ka hadallay, hase yeeshee waxa aan ka cudur daaranayaa in aanay ii soorto gelin in aan helo qaababka iyo noocyada suul ee aan ka hadlay, maadaama aanan arag haba yaraatee cid ka hadashay ama wax ka qortay, marka laga tegi waayo waxyaabo laga yidhi qaab samaysanka cagta oo dhan. Waxa aan rajaynayaa in cilmi baadhayaasha aqoonta nafta iyo hab dhaqankeeda gorfeeyaa ay mustaqbalka innala wadaagi doonnaan xog ka mug wayn, kana faahfaahsan kaliya aragti (theory) ka dhar tiran cilmi baadhis xeel dheer.

W/Q: Calinaasir C/rasaaq Axmed

July 2017

SHARE