Home Qoraallo ARXAN-GOYS Q-5AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-5AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

ARXAN-GOYS Q-5AAD

Faafaha karoonuhu wuxuu noqday mid gebigiisaba nolosha aadanaha qabbiray (karaantiilay) wax walbana waddadii ay ku agaasinnaayeen mid ka duwan ku hadaafiyey. Kala bar aadanaha, kuwii baraaraha ku noolaa ee heystay deegaan nabdoon iyo duni cammiran, isla markaana, hurdada dheer ku jiray wuxuu ka toosiyey dangiiggii ay u jiifeen, wuxuuna ogeysiiyey in nolol kasta oo hagaagsan maalin ay ahaataba la weyn karo. Qoladii kale ee ay noloshu ku adkeyd markii horena waxay ka sii qaadeen kalsooni iyo cilmi dheeraad ah, maadaama ay ogaadeen in hoos laysugu imaan karo (wax la’aan), korna laysugu tagi karo (nolol baraara leh).

 Intaas marka laga yimaado, aadanaha oo qeyb ka mid ahi ay is moodeen inay jaan-gooyaan nolosha inteeda kale, ayaa waxay faafitaanka arxan-goyskaan ka dhex heleen kansho kale, si ay aadanaha ugu abuuraan cabsi gelin, isla markaana ay aayaha dambo ugu sandulleeyaan inay jiraalka ka waardiyeen meelo ka baxsan muuqaalka sare ee caadka, cirkana aan gaarsiisneyn. Waxay carra’edeg u qeybiyeen qeylo dhaan ah in adduunka ay ku soo socoto balaayo kale oo karoonaha ka daran, taas oo ah: ”Dhagax samada ka soo dhacaya, ka dibna, dhulka kusoo dhacaya”. Intaas kuma ay ekaane waxay yiraahdeen: dhagaxa soo dhacaya xajmigiisu waxa uu la egyahay hal magaalo. Waxay ku mutuhiyeen inuu (20-KM) labaatan kiilow mitir oo isku wareeg ah dhan yahay. Ma sheegin halka uu kusoo dhacayo, balse, waxay tilmaameen goorta uu soo dhacayo, taas oo ay yiraahdeen: 29-ka bisha dhammaatay ee Abriil, haddana ay dib u dhigeen mar kale oo ay yiraahdeen: 15-ka bisha soonqaad oo maanta oo jimco ah ku beegan. Dhagaxii ma soo dhacyey? Maya! Oo markii horeba run ma aheyn, aadanena maba awoodyo inuu samada wax ka imaanayo sii tilmaamo. Waa wax aan hore u dhicin, haddana aan dhici doonin.

  1. Qaabkee ayuu u sameysan yahay cirku?
  2. Dhagaxse ma ka soo dhacyaa cirka?
  3. Eebbe muxuu ka yiri: sammooyinka, gaar ahaan samaa’u dunyaa?

Haddaba qoraalka qeybtaan shanaad waxaan rabaa inaan waydiimahaas uga jawaabo. Jawaabtuna ay noqoto mid samaawiya ee aysan noqon mid oddorosid iyo hilaadin ku dhisan sida hey’adaha hawada sare heehaaba, balse, aan warcelinta waydiimahaas ku qotomiyo diinta islaamka, gaar ahaan qur’aanka iyo sunnada iyo intii Eebbe nooga tilmaamey sammooyinka oo idil, gaar ahaan samada soke ee carra’edeg ku hoosiman. Inta aanan ku dulgeyn qaab-dhismeedka sammooyinka, aan marka hore baranno in sammada oo hal ah iyo dhulka oo hal ah ay awalkii hore ahaayeen kuwa isku dheggan. Dhulka iyo cirkuba, waxay ahaayeen: ”Kudlad” hal walax oo isku dheggan, ka dibna, Eebbe ayaa awooddiisa ku kala fujiyey, taasna waxaa noo caddeeyay aayaddaan leh:

.أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ

Kuwi gaaloobay ma waysan arkeyn inaan samada iyo cirka oo intaan la abuurin ka hor isku dhegganaa aan kala fujinnay”. Suuradda Al-Anbiyaa, aayadda: 30-AAD.

Markii uu Eebbe kala fujiyey dhulka iyo cirka, dhulkii wuxuu ka dhigay: ”Toddobo dhul”. Cirkiina wuxuu ka dhigay: ”Toddobo sammo”. In dhulku toddobo yahay, cirkuna uu toddobo yahay waxaa noo iftiiminaya aayaddaan leh:

.اللَّـهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ يَتَنَزَّلُ الْأَمْرُ بَيْنَهُنَّ.

Allaha abuuray toddobada sammo iyo dhulka oo la mid ah. Suuradda Al-Dalaaq, aayadda: 12-AAD.

 Sammooyinku waa ay is dul saaran yihiin. Sammada koobaad, tan labaad ayaa ku dul aaddan, tan labaadna tan seddaxaad ayaa ku dul aaddan ilaa iyo tan ugu dambeysa ee toddobaad, sidaas ayey isu dul fuulaan. Taasna waxaa noo caddeynaya aayaddaan leh:

الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا ۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلْقِ الرَّحْمَـٰنِ مِن تَفَاوُتٍ ۖ فَارْجِعِ الْبَصَرَ هَلْ تَرَىٰ مِن فُطُورٍ .

”Allaha abuuray toddobada samo ee is dul fuusha ee marka aad si kama dambeys ah u fiiriso aadan ku arkeyn meel jeexan, meel dillaacsan, meel dunsan, meel duqowday iyo meel daxaleysatay intaba indhahaaguna ay hungo iyo ciil kala soo noqonayaan iyo iyagoo ka soo waayay wax ceeb ah”. Suurradda Al-Mulki aayadda: 3-AAD.

Sida ay sammooyinku qur’aanka ugu cadyihiin qaab dhismoodkoodu, dhulku uguma cadda, balse, seddax qaab ayaa loo soo weriyaa inuu yahay dhulku.

  1. In dhulku uu sida cirka oo kale is dul saaran yahay, aadanuhuna ay ku nool yihiin dhulka sare, lixda kalena ay ka hooseeyaan, maadaama aysan jirin cid dhulka hoos u qodday ee dhanka kale uga dustay, taas oo aan marnaba la isku dayi karin. Aadanuhu marar badan ayey tijaabiyeen inay dhulka hoos u qodaan ilaa iyo guntiisa hoose, balse, marka ay meel dhexe marayaan ayaa deb iyo waxaa soo celinaya kuleyl, qalabkii lagu qodayey dhalaaliya. Sidaa darteed, culimada cilmigu waxay qabaan in dhulku uu is dulsaaran yahay.
  2. Toddobada dhul ee qur’aanka tilmaamey in loola jeedo, medabka dhulka. Ciiddu waxay ka kooban tahay toddobo medeb ama nuuc, sida: ”Carra madow, carra cad, carra gaduud IWM”. Aragtidaan aadbaa looga xoog badan yahay.
  3. Qolo waxa jirta gadaal dambo ka soo alliftay in toddobada dhul ee qur’aanka ku xusan loo la jeedo, qaab dhismeedka ay aadanuhu maanta u deggan yihiin, taas oo ay u qeybiyeen toddobo qaaradood. Shanta qaaradood ee la yaqaan ayey ku soo kordhiyeen laba qaaradood oo ameerika laga dhex xulay, sidaas ayey ku yiraahdeen: ”toddobada dhul ee la sheegay, waa toddobadaa qaaradood”. Tani waa aragti gadaal ka gaar ah sugnaanshaheeduna waxay u baahan yihiin in dood badan oo cilmiyeysan laga yeesho.

Intaas haddii aan isla garannay, cirku muxuu u qabtaa dhulka, mase, tahay sax in wax sammada soke toos uga soo dhacay ay dhulka burburiyaan? Taasi waa maya! Sammadaan soke dhulka waxay u tahay: ”hoosin iyo saqaf ku dedan”. Waxay ka dhowrsan tahay oo Eebbe ka reebay inay dhulka kusoo dhacdo, sidoo kale, waxay ka dhowrsan tahay inay shayaadiinta, inta xun iyo aadanuhuba ay gaaraan. Taasna waxaa noo caddeeyay qur’aanka, kaas oo yiri sidaan:

وَجَعَلْنَا السَّمَاءَ سَقْفًا مَّحْفُوظًا.

”Sammada waxaan ka yeelnay saqaf la ilaaliyey oo maxfuud ah”. Suuradda Al-Anbiyaa, aayadda: 32-AAD.

Sida ku cad ayaaddaan, sammada waxa laga ilaaliyay laba wax, labadaas oo kala ah: ”inay dhulka kusoo dhacdo sammadu, maadaama aysan tiirar celiya laheyn, balse, ay amar Eebbe ku taagan tahay iyo inaysan gaari karin inta xun ee jinniga iyo insigaba leh.

Sida aan ognahay sammada waxaa ku yaalla, qorraxda, bisha iyo xiddigaha. Qorraxdu waxay qabato waa ognahay oo waa iftiinka kaliya ee adduunku heyso. Bishuna waa la mid, balse, waxay uga duwan tahay in xisaabaadka oo idil ay bishu hormuud u tahay, taasna waxaa u sabab ah: bishu waxay degtaa (28) god ama guri, halka ay laba habeenna maqnaato, taas oo ah: xisaab isku jaangoyn noolaha loogu talagalay, gaar ahaan insiga iyo jinniga. Haddii aan taasu dhici laheyna lama ogaadeen xisaab badan oo maanta lagu naalloodo. Dhanka nuurka, bishu waxay nuurka ka qalin daarataa qorraxda. Sidaa darteed, dhankii ay qorraxdu ka qabato ayey kolba ka iftiintaa habeenkii, labada habeen ee ay maqan tahay bishu ee 29-ka iyo 30-ka, waxa iftiinkeeda loo waayaana waxay tahay; qorraxda oo qabaneysa isla markaana iftiinkeeda ku qarineysa. Qorraxda lafteedu kolka ay dhacdo waxay ku sujuuddaa carshiga Eebbe hoostiisa, ka dibna, Eebbe ayaa u idma inay mar kale soo baxdo. Suuradda yaasiin aayada ku jira ayaa taas daliil cad u ah. Haddaba bisha, qorraxda, dhulka, samadda iyo wixii ku dhex jiraba waxay ku socdaan garan-gar ama giraan uu Eebbe ugu talagalay guduhood. ”Wa kullun fii falakin yasbaxuun”.

Xiddigaha:

Xiddiguhu waa ay ka duwan yihiin bisha iyo qorraxda, shaqo ahaanna wax badan ayey qabtaan. Sida ku cad qur’aanka xiddiguhu seddex arrin ayey sammada ugu yaalliin, seddaxdaas oo labo ay noolaha u yihiin adeeg, halka kan seddaxaadna uu yahay qurxin iyo muunadeyn samada lagu sharraxay. Tan koobaad: in sammada lagu qurxiyey oo ay milgo iyo sharaf sammada u yihiin aayaddaan ayaa caddeysay:

وَلَقَدْ زَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِمَصَابِيحَ.

Xiddigaha waxaan ka yeelnay kuwa qurxiya sammada, sidoo kalena, nuuriya. Suuradda, Al-Mulki, aayadda: 5-AAD.

Haddaba dheefta koobaad ee ay leeyihiin, waa inay samada qurxiyaan. Dheefta labaadna waa inay samada nuuriyaan oo ay naliyaan. Waa halka aayaddu ay ka leedahay: ”Bima saabiixa”. Taas oo ah iftiimin/nuurin. Tan labaad: xiddigahu markaan labaad noolaha, gaar ahaan aadanaha ayey waxtar u leeyihiin, maxaa yeelay, waa ay ku tilmaansadaan meel iyo waa ay joogaanba. Haddii ay bad ku socdaalayaan, haddii ay berri ku socdaalayaan iyo haddii ay cir ku socdaalayaanba waxay u yihiin astaan iyo calaamo ay ku tilmaansadaan xilliga habeenkii ah. Taasna waxaa daaha nooga qaadday aayaddaan leh:

وَعَلَامَاتٍ ۚ وَبِالنَّجْمِ هُمْ يَهْتَدُونَ .

”Waxaan ka yeelnay astaan, si ay ugu hanuunaan”. Suuradda An-naxli, aayadda: 16-AAD.

Tan seddaxaad oo ah tan aan maqaalkaba u qoray darteed ayaa waxa ay tahay: ”Ilaalin/waardiyo” waxay ilaalo ka tahay; in shayaaddiintu ay sammada gaaraan, ka dibna, ay usoo dhegadhegeeyaan malaa’igtu waxyiga ay ku hadlayaan, taas oo dhici jirtay inta aan suubbanaha (S.C.W.) la soo dirin, jinnigu inta ay is kor fuulaan ay soo dhegeysan jireen hadalka malaa’igta, balse, markii suubbanaha la soo diray Eebbe ayaa ka mamnuucay inay sidaas yeelaan. Suuratu Jinni ama qul uuxiyo ayaa aad uga hadashay arrintaas. Haddaba, xiddiguhu waa madaafiic iyo makanooni lagu gemo shayaaddiinta. Taasna waxaa run ka dhigaya aayaddaan leh:

وَجَعَلْنَاهَا رُجُومًا لِّلشَّيَاطِينِ.

”Waxaan ka yeelnay gantaallo lagu gemo shayaaddiinta”. Suuradda Al-Mulki, aayadda: 5-AAD.

Wayddiintu waxay tahay: haddii xiddiguhu ay yihiin makanooni lagu gemo shayaaddiinta, booskii laga gemo hal xiddig waa uu bannaanaan lahaa. Tusaale: koob miis dushiisa saaran haddii aad ka qaaddo booskii uu yiil koobkaasu waa uu bannaan yahay. Xiddiggana haddii la gemo booskii uu ku yiillay waa bannaanaanayaa. Sidee ayaan isku waafajineyaa taas? Meel dheer ha ka doonin, waxa shayaaddiinta lagu gemayo xiddigga laftirkiisa maahan ee waa dambaaburo ka soo go’aysa ama olol. Taasna qur’aanka ayaa leh:

إِنَّا زَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِزِينَةٍ الْكَوَاكِبِ ﴿٦﴾ وَحِفْظًا مِّن كُلِّ شَيْطَانٍ مَّارِدٍ ﴿٧﴾ لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى الْمَلَإِ الْأَعْلَىٰ وَيُقْذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ ﴿٨﴾ دُحُورًا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ ﴿٩﴾ إِلَّا مَنْ خَطِفَ الْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُ شِهَابٌ ثَاقِبٌ.

Annaga ayaa samaa’u dunyaa xiddigaha ku qurxinnay (Ziineynay), sidoo kale, waxaan ka ilaalinnay shaydaan walba oo madax adag. Shayaadiintu waa ka xaaraan inay maqlaan malaa’igta sare, haddii ay isku dayaanna meel walba (jaanib walba) ayaa laga gemaa, waxaana u waajibay cadaab daran oo asiibe ah, balse, haddii uu hal ka mid ah shayaaddiinta uu dafo xoogaa war ah, isla markiiba waxaa raaca dambaaburo, ka daba tagta ee ka dibna, dhabarka ka duleelisa. Suuradda Wasaafaat, aayadaha: 6-10-AAD.

Haddaba dambaaburada lagu gentaalo shayaaddiintu waa holac ka dhasha laba xiddig oo isku dhacda, kuwaas oo ah: “Budul ama dambaaburo holac ah”. Waa meesha aayadda u dambeysa ay ka leedahay: “Shihaabun thaaqibun”. Haddaba sidee ayey dambaaburadu uga soo go’daa xiddigaha? Waa su’aal adag, balse, aan meel dhaw jawaabta kaa siiyo. Marka cuntada la karinayo, gaar ahaan marka burjikada lagu shidayo dhuxusha ee debku jagagaceeyo, waxyaabaha ka soo duulaya ee marka ay kugu dhegaan jirka kaa gubaya, meeshii ay marada ka helaanna duleelinaya, kuwaas ayaa dambaaburo la yiraahdaa. Waxaa taas la mid ah: ninka birta tuma ee farsamo yaqaanka ah, kolka uu birta buufinayo, babbinayo budusha ka soo duuleysa mid la mid ah ayaa waxay ka dhalaneysaa marka ay laba xiddig isku dhacaan. Isku dhacaas labada xiddig dambaaburo ka soo go’day ayaa shayaaddiinta iyo noole walba oo isku daya aadintaaka samada sare lagu soo gentaalaa. Habka iyo sida ay xiddiguhu isugu dhacaan, ka dibna ay maaso duuleysa oo wax burburisa ay ku dhalayaan Eebbe ayaa la gaar ah ee kaliya waxa aan xeerinayno wa inta qur’aanku sheegay, balse, gebi ahaanba cilmiga ay nooluhu heystaan waa mid aad u kooban, mana lihin cilmi iyo awood aan wax walba ku ogaanno.

Haddii aan Intaas ogaannay, waxaa noo xaqiiqoobeysa beenta ay 24-saac faafiyaan shirkadaha macaash doonka ah ee reer galbeedka, gaar ahaan NASA iyo kuwa la midka ah. Haah! Ma jirto dhibaato ay ka ilaaliyaan aadanaha, mana awoodaan in dhagax Ilaaheey soo amray inuu dhulka ku soo dhaco ay hawada dhexe ama halka ay ugu yeeraan saldhigga dhexe ee hawada sare ay ku burburiyaan. Aadanuhu cilmiga nolosha in yar oo ka mid ah oo Eebbe u sahlay waa ay jirtaa, balse, ma ahan mid gaar siisan heer daafac. Dhagax yar oo kooban iska daaye, samada oo idil ayaa adduunka kusoo dhaceysa, sida qur’aanka ku cad! Waase goorma waa dhammaadka dunida iyo goorta uu Eebbe amro inay sammadu dhulka ku soo dhacdo. Aayaddaan ayaa leh sidaan:

وَيُمْسِكُ السَّمَاءَ أَن تَقَعَ عَلَى الْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ.

Samadu waxay ku soo dhaceysaa dhulka dushiisa marka uu Eebbe idmo/amro. Suuradda, Al-Xaj, aayadda: 65-AAD.

Aayad kale ayaa iyaduna leh: ”Samada inta la duuduubo ayaa baqshad la gelinayaa, sida warqad A4 ah oo boosto lagu dirayo, aaayaddaas oo leh sidaan:

يَوْمَ نَطْوِي السَّمَاءَ كَطَيِّ السِّجِلِّ لِلْكُتُبِ ۚ كَمَا بَدَأْنَا أَوَّلَ خَلْقٍ نُّعِيدُهُ ۚ وَعْدًا عَلَيْنَا ۚ إِنَّا كُنَّا فَاعِلِينَ.

Maalin ayaa imaan doonta samada inta la laalaabo baqshad lagu sijilayo, sidii ay markii hore aheyd inta aan la abuurin, annaga (Eebbe) ah ayaa sidaas sameynaya!. Suuradda, Al-Anbiyaa, aayadda: 104-AAD.

Isku soo wada duuboo aayadahaas aan soo tilaamay dhammaantood iyo kuwa badan oo aan ka gaari waayayba ma ahan kuwa iska hor imaanaya ama is burrinaya, sidoo kalena, ma ahan kuwa wax awood ah siinaya aadane haddii ay dhammaantood isu tagaan.

Haddaba dhagaxa ay Aadanaha ku cabsi geliyeen inuu samada ka soo dhacayo, shirkadaha cirbixiyeennadu waa waxbo kama jiraan. Haddii uu Eebbe doono inuu dhagax cirka ka soo dhaco, waa uu awoodaa, balse, waa mid aysan aadanuhu marnaba ogaan karin. Werintaas aan salka iyo raadka laheyn ayaase waxaa ka dambeeya in noolaha lagu sandulleeyo howlaha aan intooda badan aadanuhu mahadin ee ay haayaan shirkadaha ku tartama saldhigga cirka iyo heehaabidda hawada sare, taas oo ah; mid garbaduubeysa danaha quwadeed ee aadka u kala geddisan kana dhaxeeya aadanaha, gaar ahaan kuwa isku cimaamaday quwadaha waaweyn. Haddaba aadanaha oo cudurkii faafaha ahaa la tiicaya ayaa la doonayaa in looga macaasho arrin kale oo taas ka sii dhib badan. Waxay daliishadeen dhagaxaas soo dhacaya si aysan aadanuhu u garan ayaa Eebbuhu karoone ku mashquuliyey aadanihii!. Bal weligaa been taas ka xag jirsan ma aragtay? Waa maya! Eebbuhu wixii uu doono ma ahan kuwa uu cid uga baqayo, balse, naxariistiisa ayaa ka waasacsan ciqaabtiisa mar walba, taas ayaana aadanaha ammin u siineysa inay ku been abuurtaan, balse, maalinka la qabto ayaan la sii deyneyn.

Markii aan doodeydii diiniga aheyd halkaas ku soo gebagebeeyay ayuu yiri: i dhageystihii, haddii aad muslim tihiin oo aad intaas aaminsan tihiin, maxay tahay lama huraanka idinku sandulleynaya inaad u hoggaansantaan farid ay idin siiyaan kuwa aanba milgihiinna aqoon? Alleylehe, waa runtaa oo milgaheyna ma yaqaannaan, annaguna ma naqaan, waayo annaga ayey aheyd in jiraalka carra’edeg wax nalan ka waydiiyo, maadaama aan dastuurkeedii heysanno oo uu gacanta noogu jiryo. Leeb hore ayaase liiqaanyo kiciya ee hadda howl aanan ka bixi karin ha i galin, waagii aan awooddeyda garto ayaase bur iyo biyo loo kala bixi doonaa ayaan si afeefasho ah ugu jawaabay. Waxaanna usii daba dhigay: hadda waan daallanahay oo ka faalleynta dhagaxa soo dhacaya ayaa ila dheeraatay ee goor kale nooga dhig doodda!. Adduunyo madal kama dhammaato intuu yiribuu iisii daba dhigay nabadeey, marka xiga ayey noo tahaye, soonsuubban! Iga tag qandha dood badan intaan iri: ayaa anna neef weyne iga soo fuqday ka dibna, bejiino galay!.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo. Jimco walba

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHARE