Home Qoraallo Sibbaaddii la turqay W/Q: Cabdiraxmaan Maxamuud Salaad (Guureeye)

Sibbaaddii la turqay W/Q: Cabdiraxmaan Maxamuud Salaad (Guureeye)

1
SHARE

Sibbaaddii la turqay (Sheeko)

Cadceedda ayaa godkeeda baalka sii dhiganaysa. Fallaadho dhaadheer iyo mood guduudan ayaa ay ku sii nabadgelyaynaysaa maalintii ay iyadu bilaysay. Daruur dugul ah ayaa sii gelbinaysa oo dhibco gacaltooyo ku sii buufinaysa. Yadan balliga weyn ka sokeeya ayaa aan qarkiisa taagan ahay. Codkii mar-la-aragga ahaa ee Cali Udin oo inantii uu hablaha ka calmaday si mug leh u la garnaqsanaya ayaa aan si baar leh u dhuuxayaa. Mararka qaar feker aan sii ridnayn ayaa aan gelayaa, mar sida qorraxdu dhirta ugu sii madaxsalaaxayso iyaguna uga durraamanayaan in ay la sii joogto, dabadeedna ay ugu madaxdejinayso: “berriba alaasayda hore waa aan idinla joogaaye, nabad iigu berya” iyo dareemmada ay isdhaafsanayaan ayaa aan la qiiroonayaa, kol kalena naftayda ayaa aan hoos u la yoomayaa. Isla jeerkaas ayaa uu rahuna bilLaabay in uu soo tebiyo warka farxadda leh ee barwaaqada iyo balliyada ceegaaga. Kolleyba warkan waa la hayaaye, tolow ma dadka iyo duunyada ayaa xusuusinayaa in ay Eebbe u mahadnaqaan, mise waa cod shukaansi oo ay isku fahmaan labkiisa iyo dheddiggiisu, sida nafle kastaaba cod gaar ah isugu shukaansado? Ma aqaan!

Daqiiqado ka hor ayaa aan ka soo degay baabuur saacado badan i soo walwaalayay. Halhaleel ayaa aan halkan u imid. Durba jaadadka kala duwan ee cayayaanka iyo berribiyooleyaasha qaabbilsan baratakoolka iyo bilcinta balliga ayaa siyaalo kala duwan ii soo dhaweeyey. Codadka dabiiciga ah ee ay shimbiruhu samaynayaan, balanbaalis qalimmo leh oo joog hoose ku duulaysa, lullumada kolba hoos biyaha u muquuraysa iyo sida uu diinceelaadku madaxa u la cararayo ee aad mooddo bilcaan bilaa madaxsaar ah oo geyaankeed sheedda ka aragtay, neecawda udgoon ee aan sanka la sii raacayo iyo galka calcalyada ah ee haraacinaya; ayaa aan daawanayaa oo jewigaygii la sarategay.

Cod aad u xiiqsan ayaa gadaal iiga yeedhay. Halkii jewigu iila kacay ayaa aan mar qudha ka soo jeestay oo jalleecay meeshii la iga la hadlay. Alla! Waa ayeeyo Dhudi. Waa ayeeyo Dhudi oo markii ay ii yeedhay intay tukubaheedii cuskatay hoos gorodda u laallaadisay. Ba’e adduunyooy, maxaa aad wax beddeshaa! Maxay baa laguugu dawgalay ka la dhantaalidda waayaha wacan ee noolaha! Qofkan tukubaha dheer ee aan socodka ku laafyoon karayn ee dhaqaaqjoogsanaya, dhabarka ka soo jabay ee aan saani u istaagi karayn, jidhkeedu tin ilaa cidhib kurbanayaa; ma ayeeyo Dhudi baa?! Dhakhso ayaa aan ugu imi iyada oo neefkudinaysa. Weylo xunxun oo inta maalin walba lo’da jeexa duhur ugu tagaan ku maacuunoobay in ay cabbaar yar celcelisay ayaa ay la neefkudinaysaa. Salaan ka dib ayaa aan dhankii aqalka u la sii luuday. Anigu iyada in aan soo eego ka na soo ducaysto ayaa aan u socday. Isxaalwaraysi muddo yar qaatay ka gadaal ayaa ay goor cilcillawgii ah igu tidhi: maandhoow alaabtaada aqalkan dhigo, dabadeed cawda iyo bustaha muskaas sarabka ah saaran inta aad qaadato bannaanka halkoo ah la tag. Dhankan galbeed ee tuulada ha qaban, kolley dhegweyn ma tihid oo war ku ma seeggana e. Waa runteed oo waa aan og ahay in tuulada aan la isu gelin. In ay leedahay bar u dhexaysa labada reer ee wada deggan oo uusan midna summaddaas soo dhaafin. In la wada deggan yahay, haddana la ka la  deggan yahay.

Gogoshii ayaa aan halkii la tegay. Waa dhul yar oo goobo ah oo toban sano ka hor mutul ka dumey. Dhir qash u badan ayaa aan ka jaray. Waa aan rusheeyey, dabadeedna gogoshii dhigtay. Barta cirka iyo dhulku iska galaan ayaa aan labada indhood ku liishaamay, dabadeedna waxaan galay feker dheer oo wata xusuuso maankayga qummaati ugu soo qubanaya:

Bartan suxulkaagu qotomo ayaa aad ku dhalatay. Daabiyaddan aad caawa dhex dangiigto ayaa aad ku kortay. Tobaneeyo sano ayaa aad ku gaadhay. Jeerinkaa faraha badan dhexdooda ayaa aad gaadhi ka raacday kolkii kuugu dambaysay. Ka ma aad raacin e, lagaaga qaaday. Raacid aa! Waaba aad ooyeysey kolkii sabaaxa isha densan jujuubka lagugu saarayay. Eebboow qof aan waxba ogayn ha cadaabin. Gabaahiirtaas ayaa aad isku sii nagaadhinaysay oo aad wax walba ka jeclayd. Balse, dadka oo dhan baa ba kula mid ahaa. Cid kasta oo ” Sibbaad” maqashay ama aragtay ayaa jeclayd oo ku naawili jirtay in ay mar degaan ka dhigato, qofkii mar degaamaystaana sidaas uun baa uu isugu nagaadhin jiray.

Tobaneeyo reer ayaa ku wada noolaa. Dad aad isu jecel oo waxwalba wadaag ah baa ay ahaayeen. Xoolaha waa la isla raacan jiray. Baadida waa la wada dooni jiray. Hiil iyo hoo ayaa la is la garab taagnaa. Dumarku wada saaxiib ayaa ay ahaayeen. Haddii mid ka mid ahi xanuunsato ama socdaasho reerkeedu ma ay dareemi jirin oo waxa booskeedii buuxin jiray hablaha iyo hooyooyinka kale ee Sibbaad. Haddii la doono hal guri ayaa cuntada lagu wada karsan jiray. Biyaha waa la soo wada dhaamin jiray. Jirkaammada la ma ka la lahayn. Ceesaan haddii la qasho, waa in beerkeedu wada gaadhaa tobaneeyada reerba. Sababtaas ayaaba tuulooyinka deriska la ah iyo reer miyigu ugu bixiyeen “ku deg”. Guddi isku jir ah oo hawlaha guud ka talisa ayaa ay lahayd. Heerka saaxiibtinnimo ee dhallinyaradu waxa uu ka sarreeyay walaaltinnimo. Badankood, kaftanwadaag aad isugu dheer baa ay ahaayeen. Habeenkii kolka ay hawlaha soo idleeyaan baa meel ay “barxadda” u la baxeen isugu iman jireen. Inta badan sida ay u caweynayaan ayaa waagu u beryayey. Marmar ciyaar baa ay tumananayeen. Kolkaas baa reer miyiga aaggaas ka dhowi soo yaacayey. Sida kobtaas looga botorinayo ayaa waagu galalac ka dhahayey. Haddii wiil reer Sibbaad ahi guursado, qoyskiisu ka ma ay welwelayn hawsha arooska; bilow ilaa dhammaad.

Carruurtu sidaas si lamid ah baa ay wax yaryar oo is wada jecel u ahaayeen. Ka mid baa aan ahaa. Ciyaar baa ay nooga caddayd. Hablo iyo wiilalba, badanka, isku ciyaar baa la ahaa. Ay’ayda, dhuumaalaysiga iyo ku-tartanka foodhigaallaynta ayaa aannu ugu badnayn. Googgaalaysi iyo boodh-is-maris iyaguna waa jireen. Anigu ciyaarta ‘Qoys qoys’ baa aan ugu jeclaa. Waxa ay tahay: wiilasha iyo gabdhaha ayaa la isu dheellitirayaa, dabadeedna la isu guurinayaa. Haddii ay habluhu bataan, wiilasha ayaa qaar minyaraysanayaan. Haddii wiilashu ay bataanna, ‘marti’ ama ‘guurdoon’ baa marba mid laga dhigi jiray. Waxa aan xusuustaa in mar walba aniga iyo Hoodo aannu isqabi jirney. Jacayl ma aannaan gaadhin, wax uun se dabar ah baa jiray. Meel suryo ah ayaa reer walba eeganayaa oo guri ka dhiganayaa. Ciid ayaa la ka la xaadhayaa oo xero laga samaynayaa. Saalo geel baa la soo uruurinayaa, qodxo Qudhac iyo Jeerinna waa la soo gurayaa. Saalada ayaa afka hore qodax lagaga mudayaa oo qoor looga dhigayaa. Afar lugood oo qodxo ahna waa loo samaynayaa. Mar kale ayaa saalo adhi la soo qaadayaa. Qodaxdii Jeerinka baa inta la soo qoollaabo labada af lagaga mudayaa. Koor bay ka dhigan tahay. Wiilashu, inta ay maydhax soo diirtaan ama xadhig baa ay ul yar oo dhumuc leh afka iyo dabada kaga xidhi jireen oo ‘qori’ ka dhigan jireen. Habluhu, caagad baa ay maro ku xambaaranayeen oo ilmo ka dhiganayeen. Reerahaas bankadhiska ah sida loogu jeedo ayaa xooluhu dhamci jireen ama bahal warjeefi jiray. Kolkaas baa ay balasbalastu naga dhammaan jirtey annaga oo wada boodh ah oo aad mooddo in mar na la xabaalay.

Kolka aannu adhiga soo hadhgelinno, qadaynno ama balligii galabta aan joogey ku soo batalaqsanno ayaa aan anigu gurigii adeer Qaaje isku sii deyn jiray. Aad baa aannu u wada jeclayn Aadan-Qaaje. Waxa uu ahaa farsamayaqaanka daabiyadda. Agabka xumaada, se weli caymada leh baa loo geyn jiray oo uu tumi jiray ama toli jiray. Waxa uu lahaa rikoodh sanqadh weyn oo Panasonic ah. Galabta uusan hawl hayn ayaa uu hadhqoodaalka gurigiisa la soo fadhiisan jiray oo heeso ka daari jiray. Jeclaayee kolka uu codkiisii luxdanaa hoobalka ku la qaadayo hees uu aad u keenayo laxankeeda! Isla fannaaniintii uu jeclaa ayaa aan imminka jecelahay. Waxba ku ma doorsan karo heesaha wada dhiigdhaqaajiska ah ee Maxammuud-Kabanle. Waxa aan aad ugu jecel ahay guuraha. Xaliimo-Magool, Axmed Mooge, Khadra Daahir, Axmed-Digfeer, Xabiibo Tooxow iyo Xasan Aadan ilaa hadda dhegeysigooda ka ma xiisagooyo. Ka ma ba qaraaro.

* * *

Habeen ayaa ay dhallinyaradii Sibbaad, sidii caadada u ahayd, ciyaar falkiyeen. Dadyow kale oo yabaqa maqlay ayaa soo adeentiraacay oo ciyaartii yimid. Gashaanti iyo barbaar reer Sibbaad ah ayaa isu baxay oo isu heesay. Si aad wax isaga dhiciso ama qofka aad isu heesaysaan u baacsato, waa in aad wax walba oo aftahamadaada xoojinaya ama isaga ka cadhaysiinaya golekeentaa. Waa la ka la bixi waayey. Kol dambe ayaa wiilkii eray xifaalo ah ku tuuray gabadhii iyo reerkeediiba:[. . .] laangaab in aad tahay. Durba wixii reer Warfaaga ‘laangaabka’ lagu sheegay meesha ka joogey baa is madaxmaray oo cadho jiq yidhi. Mid baa budh raas-ba-raas ah la boodey oo wiilkii heesayay madaxa askaaxaha ka dhigay. Waa uu dhacay oo dhiiggiisii ayaa qulqulay. Dagaal labadii reer ah baa halkii ka aloosmay, dhallintii Sibbaadna labadoodii reer baa ay la kala safteen. Waa la isu gurmad-dalbaday oo birta la iska aslay. Toorrey, waran, xabbad iyo faraqabsi kastaa la isla tiigsadey. Reer Giirkii nabarka shuqeeyay ee wax caayey afar ruux ayaa laga diley, reer Warfaana saddex. Dhaawacii iyo meydkii ayaa la ka la uruursaday oo la isu qumayaystay. Colaad ayaa ribbatay. Beryo ayaa gaade kaw la isaga siiyey.

Galab ayaa ay reer Giir weerar soo qaadeen. Kadin geel ah oo Warfaagu leeyahay baa ay soo mooraduugeen, raggii la joogeyna waa ay laayeen. Qudhooda ninna waa laga diley, dhawr kalena waa laga dhaawacay. Sibbaad, waa meesha keli ah ee labada qolo si isle’eg u wada degaan, cid saas ahina ku ma tarraxdo. Reer Warfaa oo dibnaha qaniinsan, qoryahoodana lalansanaya baa tuuladii ku soo duuley. Wax reer Giir ah oo ay arkeenba dhegta ayaa ay dhiigga u dareen, wixii ka yaalleyna waa ay ka laallaabteen. Colaaddii ayaa mar kale cirka isku shareertay.

Hal mar ayaa dadkii Sibbaad degganaa noqday fiin firidhay. Waxa ay noqotay guri lama-degaan. Toddobaad gudihii waa tan iyada oo haawanaysa. Waa tan tii oo gubad iyo gelgelin ah oo geelu guure ku dhaafayo. Fadhi iyo heshiis dambe ma leh oo waa kaas mid walbaa genefka taagay ee dhaarta jalaq siiyay in uusan heshiis nabadeed yeelayn, wixii dhacayaa yeelkiis e. Annaga iyo heshiis reer hebel na dhexmara aa! Ha ku sheekaynnina oo shirka ha geynnina; ayaa midwalbaa geestiisa ka leeyahay. Ummaddii iyo qabiilweynihii ay ku aroori jireen oo dhan baa isugu yimid. Wax la wado oo la wado oo la wado hal qodob ayaa loo ka la saxeexay: Sibbaad, reerba dhan baa uu leeyahay e, ha dego. Kobtaas mutulku ka dumey ayaa idiin dhex ah. Ninkii reer kale seerihiisa galaa isaga ayaa is melgey. Shan sano ka hor ayaa uu heshiis-ku-sheeggaasi ahaa.

Waa taas aan la isu gelayn, la isu gurmanayn ee la is gargaarsanayn. Waa taas aad mooddo laba dal oo deris ah oo colaad iyo cadaawad gaammurtayi ka dhexayso. Waa taas qudhunka abtirsiga iyo xinka qabyaaladeedi ka soo kankamayo. Waa taas farxaddii iyo raynrayntii ay tusaalaha u ahayd dalluunta dheer ku ridday. Waa taas ciil iyo caloolyoow dartood aan la gami la’ahay. Waa taas Sibbaad habeenka baas ee baalka xun la turqay. Belaayo ayaa turuqday. Ma wax qabyaalad ka turqid xun baa jira?! Maya, sida ay i la tahay. Waa boog xun oo aan bogsoon. Kun maalmood haddii la dhayo, maalin keliya, maya e, ilbidhiqsi yar baa ay ku damqanaysaa. Lama jari karo oo meel muhiim ah baa ay jidhka kaga taal. Aad baa aan uga tiiraanyaysan ahay in meeshii aan dhulka u jeclaa mar keli ah isu beddesho halka aan ugu neceb ahay. Qushigeed. Sideedaas daaqadaha iyo sarabka dhexdiisa ha isaga qooraansato. Sideedaas ha u ka la xadaysnaato oo xuduud ha u dhex maro. Iga kici meel baasta. Aan xagaafka baabuur u istaago oo yaanan dib dambe la iigu arkin. Nabadey Sibbaaddii la turqaay!

Qalinkii: Cabdiraxmaan Maxamuud Salaad (Guureeye)

salaadmohamoud4@gmail.com

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com
SHARE

1 COMMENT

  1. Hab qoraal caajiba oo aad lo farshaxameyay sheko xun oo hadana xiiso badan afa qabyaladed oo qalin hadlaya lagu qoray o afmal af somaliga yaqan u akhrinayo waxay isku noqden haka jeensan iyo mxay u dhamaatay
    Cajiib!

Comments are closed.