Home Qoraallo ARXAN-GOYS Q-6AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-6AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

ARXAN-GOYS Q-6AAD

Islaannimo ayaad u dir sheegatiin, jiraalkana waxay aheyd; in idinka wax leydinka waydiiyo, balse, markii aad idinku isku noqoteen oo aad garbaha iska qaniinteen ayaa halkaas cadawgiinnii kansho ka helay, isla markaana uu heeryadiisa iyo dhaqammadiisa gurran idin dul dhigay. Ilaahow colkeenna col u bixi soomaalida ayaa ku duceysata, balse, waxaad mooddaa in colkiinnii Ilaahay uu col kale u baxshay, sidaasna aad ku neefsan doontiin ayaamo dabadood!. Sidaas ayuu kusoo gaabiyey hadalka kii ila doodayey.

Aniga oo aan fahmin waxa uu ka hadlayo ayaan iri: waa maxaay? Cadawga iyo waxa kan ee aad is daba tixeyso, maxaa kaa si’ ah? Dhoohane yaa war u dhigan jiray intuu yiri, ayuu ii sii daba dhigay: wajigii adduunku inuu sagaashan digree wareegay sow ma ogid? Halkaasna aad kasnsho ka heleysiin haddii aad islaamtihiin? Sidoo kalena agmarkaan faafaha ahi uu meel wanaagsan idiinka soo baxay? War illeyn yaa tanoo kale arkay! Intaan iri: ayaan waydiiyey: waxaan ka doodeynay guud ahaan aadanhaa habkii loo badbaadin lahaa, Ilaah ayaa badbaado haaya e! Waa maxay islaamka aad goor iyo ayaan ka hadalkiisa ku saantiraneyso? In aan xog kaa daboolan daaha kaaga qaado ayaan doonayaa adiguna dammiin aan dareen leheyn  ayaad noqotaye nabadeey! Doodihii oo careysan ayaa sidaas igu yiri:

Intaan garabka ka taabtay ayaan ku sasabay raalli noqo, kas iyo maan is dhaafaan isu keeni waayaye, warka aad maldaheyso maaxdiisa i deeqsii. Wuxuu dooddiisii dhab ka hadalka aheyd ku billaabay:

Islaamku waa ummadda kaliya ee ah: midda ay u siman yihiin aadanuhu, waana ummadda kaliya ee oggol in si nabad ah lagu wada noolaado, sidaa darteed, laabxaarnaantooda iyo wanaagga ay leeyihiin oo daacadnimo lagu iidaamay ayaa aadanaha qeyb ka mid ah u aqoonsadeen islaamka diin iyo dhaqan jiritaakooda liddi ku ah, isla markaana waxay billaabeen cadaaweysi iyo ciribtir aan loo aabbayeeleyn. Muddo ku dhaw hal qarni barkiis (50-sano) ayey ummadaha islaamka ah ku socotay dhalanrog iyo dhaqan doorsoon ay u dheereyd dil iyo warjaafid aan kala sooc laheyn. Cadaawaha islaamku heer waxay gaareen islaamka dhexdiisa ay isku soofeeyaan si ay isu dhammeeyaan.

 Dagaal iyo dibindaabyo medebbo badan leh ka dib, ummadihi islaamka iyo maamulladoodiiba waxay noqdeen kuwa inta muruqa lagu muquuniyey, ka dibna, la soo gole fadhiisiyey iyaga oo jilba duuban iyo kuwa si dadban looga adkaaday oo fadhigooda ku hoggaansamay. Haddii aan hoos kuugu sii dhaadhacona aniga karoonaha ahi waxaan u imid inaan milgaha islaamka baro cadawgooda! Sow ma aragtid sida shacabkii loogu yeeri jiray; dunida koobaad ee ku dhegabarjoobay xummaanta iyo liidnimada dadyowga islaamka ah, sida ay hadda u ogaadeen runta salkeeda, meel iyo waa ay joogaanna hadda ku baraarugay in ummadaha islaamka ah eed weyn laga galay.

Kuwaaba ku dhiirriday inay maamulkii Yuhuudda ee beri laga heybeysan jiray ku yiraahdiin: ”Joojiya dhagarta iyo dhibka aan dhammaadka leheyn ee aad ummadaha islaamka ah la daba joogtaan!” Sabab kale ha moodin ee waxa qof walba ay runta ogaatay, markii lagu yiri: ”Ha ka soo bixin gurigaaga, hana aadin shaqo”. Taas oo ay dareemeen inay jiraan ummado iyagu maalin walba guriga jooga iyo kuwa aanba guryihii heysan. Qofku inuu caafimaad qabay, wuxuu ogaadaa marka uu jirrado, inuu barwaaqo ku jirana wuxuu ogaadaa marka uu baahdo, inuu duni nabad ah ku noolaana, wuxuu ogaadaa markuu deriskiisa soo bariidin waayo, in waddankiisu dulmi u darbanaana wuxuu ogaa haddii dalkiisa la imaan waayo. Intaas marka laga yimaado ummadaha islaamku waxay muujiyeen dareensami, kuwooda waxbartayna waxay noqdeen kuwa laabxaaraan oo deegaannadii ay joogeen iyo ummadihii kale ee ay la noolaayeen gacanqabashadooda ka soo muuqday. Waxay dhabarka u riteen kaalmeynta kuwa liita.

Dadyowgii kale ee aan islaamka aheyna waxay dib u xasuusteen dhaqankii islaamka ee suubbanayaa, waddadama qaar ayaa dadkoodii talo ahaan usoo jeediyay inay marka ay suuliga kusoo xaajo gutaan ay iska meyraan nijaasada labada duleel ka timid. Taas oo ay dadka xasuusiyeen in waxa hadda la heysto ay jirtay beri aan la heysan dadkuna ay noolaayeen. Sow ma aadan maqal guddoomiyihii gobalka Firgiina ee dalka Mareykanka iyo taliyihii booliska ee gobalkaas, kolkii ay bulshadii gobalku taleefoon ku waaleen iyaga oo leh: ”Waxaa naga dhammaaday, warqadihii suuliga lagu geli jiray ee sooftiga ahaa”. Labada hoggaamiye warqaddii ay dadka gobalkaas u qoreen ayey cinwaan uga dhigeen: ”Aadanuhu wuxuu soo maray maalmo dhagxo iyo quryo yaryar la isticmaali jiray ee haddii aad xal kale waysiin sida ay sammeeyaan dadyowga islaamka ah sammeeya oo biyo isaga dhaqa!. Taasi ma aheyn waxaan soo kordhiyey ee waddanka Finlaand oo isagu markiisii horeba u diyaarsaday tubbooyinka lagu astajoodo, inay dadkooda ku yiraahdeen: ”Suuliyada waddanku biyo ayey leeyihiin ee iyaga is ticmaala”.  Haddii aad islaamtihiin, waxaa idinku waajib ah inaad mahadsanid karoone i tiraahdeen. Intaan idinka dilay intaan idiin taray ayaa ka badan. Dooddiisa kama dhex gelin si aan xogta uu tebinayo iiga kala go’in, isla markaana waxaan ku iri: ”Ii wad sheekada hadalbaa ka dambeyn e”.

Asiga oo dooddiisii sii wata ayuu yiri: Isku soo wada duuboo, in aadanuhu uu dib u fikiro sow aniga (Karoone) ahi masuuliyaddeeda qaadi maayo? Haah! Aniga ayaa qaadaya, maxaa yeelay, hurdada ayaan ka toosiyey, intooda badan waxay ahaayeen: ”Dahar ku jiraa daruur ma arkee, illeyn xalay roobki waa da’ay”. Intaas waxa idiin dheer oo aan soo kordhiyey dhowr walax oo ay ka mid yihiin: in cadaawaddii ay bulshada galbeedku idiin qabtey ay hal mar is dhalanrogtay, si toos ahna ay ugu wareegtay, waddamada shuuciga ah ee uu ugu horreeyo Shiinuhu, isla markaanaa ummadihii shalay idin necbaa maanta ay garab iyo gerger idin ka sugayaan. Waxyaabaha aan soo kordhiyey si guud waxaa ka mid ah: ”Fashilka hoggaaminta dunida” taas oo markii hore la moodayey in aadanuhu uu mustaqbalka u guurayo meel ka baxsan dhulka, taas oo la sii saadaaliyey in hawada sare meel ka mid ah la dagi karo, sida mariiqa, taasna waxaa waxba ka ma jiraan ka dhigay anigaan (karoone) ah oo aan ishiinnuba isoo qabaneyn. Aaway awooddii aad ku tookhi jirteen iyo sahankii aad hawada sare iyo meelo ka baxsan dhulka aad ugu maqneydeen? Awooddiinnii oo idil marka aad isu geyseen waa aad ku guuleysan weydeen joojinteyda, balse, idinka islaamka ah danbaad igu qabtiin ee ha ila colloobina? Asiga oo kaftamaya, aniguse aan u gartay inay dhab ka tahay ayuu sidaas iigu lib sheegtay.

Marka hore adiga oo aan igu wiirsan, waran wadnaha iiga mudanna aan igu jiljilin aan si maangal ah u doono, intaan ku iri: ayaan u sii daba dhigay: ”Waxyaabo badan oo suurtagal ah ayaan dooddaada ka fahmey, waxyaabo kale oo kabad-badis ahna waa ay ku jiraan. Intuu deymoosho garaawsho la’aaneyd igu soo eegay ayuu igu yiri: maxaa aayo kuu leh oo aad dooddeyda ka fahan tahay, maxaadse qoonsatay oo aan kaa qanciyaa?

Waxaan ku iri: ”laba qodob waan kaa qaatay, balse, inta kale igama daadigin!” Labada qodob kan hore, wuxuu yahay: in aadanuhu uu 90-degrii dib u wareegay waa kugu raacsanahay. Nus qarnigii la soo dhafay in islaamka ay dhagar wayni ku socotayna waa wax jira, balse, doodda aad ka leedahay arrintaas, waa kaa diiday, maxaa yeelay, ma ahan kansho usoo muuqatay dadyowga islaamka ah ee kolkii meel lagu soo hubsaday, qof qof iyo qolo qolona loo kala furfuray ayaa halis kale soo muuqatay, taas oo ah cadaawadda ugubka ah ee kala gaartay labadii nidaam ee dunida ku loollamay ku waas oo kala ah: ”hanti wadaag iyo hati goosad” islaamkana waayaha ayaa tilmaami doona sida ay kanshadaas uga faa’iideystaan islaamku, rejo badanse lagama qabo inay booga badan oo ay malaxi hoos taal dib u dhayaan, ka dibna ay bugto bixiyaan.

Tan kale oo ah: is cadaaweysiga labada nidaam ee galbeed iyo qorraxsin waa arrin halisteeda leh, haddii aan xal dhab ah loo helinna meel xun ku furi doonta sahanka uu aadunuhu ugu jiro jiraal xasilloon, sidoo kale, waxaad illowday oo aadan dooddaada ku darin hardanka kale ee koofur bari aasiya, (Hindiya iyo Bakistaan) ku waas oo iyaguna ah; kuwa aan nabadi kasoo carfeyn, sidoo kalena, mid walba goonidiisa uu u heysto sunta wax baabi’isa ee quwadda nugliyeerka. Meelo kale oo addunyadu uur ka leedahana waa jiraan. Waxaase aan la dafiri karin inaad tahay il maqabto aadanihii ka yaabiyey, ogeysiiyana heerka hooseeya ee ay joogto awooddoodu, yeelkeede, fashiliyey waddama badan oo markii hore laga heybeysan jiray, haddase u muuqda masaakiin gacmaha hoorsanaya. Inaad aadanaha tusto wajigooda dhabta ah, waxay wax ka tareysaa ka gaashaamashada faafe yaasha kale ee adiga kugu xiga. Gacan ayeyna kuu taageen basharku idilkood, waxayba kuu cimaamadeen boqorkii cudurrada faafa.

 Intuu dareensami iyo gallad muujiyey ayuu yiri: Ma maaro ayaad ii waydeen, asaad magacaas ii garateen, mase, anaa awood iyo karkar la soo muuqday oo sidaas ayaad igu caanashubteen markii aan carun badan idinka daadiyey, kuwa badanna aan ifka dhaafiyey? Si kastaba ha ahaatee, sow hadda boqorkii faafayaasha laguuma yaqaan? Ayaan dooddii ku soo afjaray. Waxaanse u sii daba dhigay: ”Haddii aad sammaawi tahay, Eebbe ayaa naga kaa qaadidoona”. Haddii aad gacan ku sameys tahayna xilligaagi waa idlaaday ee na dhaaf!

Sammaawi ama gacan ku sameys, labada ayaan mid ahay, howlina kow ma joogto intuu yiribuu sii daba dhigay, oraah kaftan u muuqatay, taas oo ah: haddii aad moodi jirteen waxkasta oo dhanka Shiinaha ka yimaada inaysan tayo laheyn, aniga (karoone ah) ayaa taas ka dhigay been ay runtu banjarisay!. Yeelkeede adigaan ila doodaya waligaa ma is waydiisay sababta ay aadanuhu isugu birtumanayaan? Ayuu hadalkiisii kaftanka ahaa ku soo gaabiyey! Maxaad uga jeeddaa isu birtumashada? Sidaas ayaan waydiiyey. Nolosha aadanaha laba walax ayaa waxay u yihiin udub dhexaad, labadaas walax oo dugsan hal walax oo asal ah. Sidaas ayuu ku gaban gaabsaday. Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa ee waa maxay waxa aad maldaheyso ayaan waydiiyey? Aniga oo aan biya dhaca dooddiisa garan.

Intuu si aan quneyn iisoo jalleecay ayuu yiri: ”Labada walax ee aadanaha u ah udub dhexaadka waa ollogga iyo iidaanka” (biyo iyo raashin), kan labadaas asalka u ahna waa dhulka ama deegaanka. Seddaxdaas ayaa noolaha, gaar ahaan aadanaha u ah: aragtida koobaad ee noloshooda bila waana seddaxda ay isu baabi’yaan dartood! Hadda ayaan ku gartay, balse, maxaa doodddeyna soo dhex dhigay ayaan waydiiyey? Wuxuu yiri: ”seddaxdooda kolka laysu geeyo waxaa aadanaha uga muhiimsan maanta hubka wax gummaada iyo agabka dagaalka. Biyaha, raashinka iyo dhulka kolka leysku darana, aadanaha maanta nool ee jiilka shanaad, saanadda ciidamada ayaa uga qaalisan ayna ka iibsan ogyihiin. Sidaas ayuu igu hogatusmeeyay. Alleylehe taasi waa runtaa oo lama dafiri karo, agabka ciidan ee qof walba keydsaneysana kolleey ugaar loo keydin maayo ee aadanaha ayaa lagu ber gaabin rabaa. Sidaas ayaan ugu garaabay dooddiisii.

Waxaanna u sii daba dhigay halkii aan ka raadinayey meel ka dhaw ayaad wax iga tustay, balse, waxaad mooddaa marka aad dood ii billaawdo, adiga oo aan dhammeyn ayaad mid kale ka sii dul akeekimeysaa ee cilmiga ku aasan iyo danta aad ka leedahay waa maxaay?. Waydiintaas ayaan uga naxsaday. Degdeg iiguma jawaabin, balse, wuxuu goor dambo ku afeeftay: Si aan u diyaariyo dareenkaaga, kuuna tuso inaan farriin muhiim u ah jiritaankaaga kuu sido ayaan sidaas u yeelay. Ku darsoo arrimihii islaamka ee aan kuu billaabana kuuma dhammeyn ee taasna sii ogow! Intaan dib u xasuustay halkii aan ku qodobnay ka warramidda dhacdadaas, tu’ kalena igu soo dhacday, ayaan ku iri: Arrintii Mareykanka iyo Shiine iyaduna waa noo qabyo! Qushigeed ee mar kale nooga dhig! Sidaas ayuu iiga hamraday.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo. Jimco walba

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHARE