Home Curis KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

0
SHARE




!
Qaybta 8aad
Qoyska ay hadda dhaqayso idil ee haashim ma ahayn mid ku yimid dookheeda iyo ku tala galkeedaba hadana waxaad ka fahami kartaa maadaam nin xaasas leh ay guursatay in aysan u hakan caqabadaha ku hor gudban oo ay si toos ah waajibkeeda dumarnimo u gudatay, taas oo sababtay in la wada jeclaado.
Idil qoyskaas waxay ku raagtay Muddo toddobo Sana ah oo aysan waxba dhalin, ha yeeshee iyada mar walba waxaa qalbigeeda ku taagnaa Hawo ka duwan midda ay ku nooshahay, waxay mar walba ku hammin jirtay in ay mar uun ka madax banaanaatoo rabitaanka Dadka kale oo ay u madax banaanaato rabitaankeeda shaqsiyadeeda.
Waa gabar runtii la dhahi karo 17 sano waxay ku noolayd rabitaanka waalidkeeda iyo rabitaanka Niman aan ku iman hawadeeda ama dookheeda, taas oo ay adkaysi daran u yeelatay, waxayna mar walba jeclayd in howsha loo dhiibo sida loogu dhiibay oo raali laga wada yahay uga soo baxdo, waxaana la oran karay mar walba waxay u taagnayd raali galinta waalidkeeda iyo dadka ku hareeraysan nolosheeda.
Qofka qaaliga ah ee hal doorka dadka ah mar walba waa mid la imtixaano, imitixaanadaas oo kala noqon kara kuwa dhanka caafimaadka ah iyo kuwa kale oo marrinka nolosha ku yimaada, tusaale gaaban waxaa kuugu filan Imitxaanka ay Idil marayso.
Wanaaga iyo ixtiraamka faraha badan ee idil ay lala lahayd qoyska ay ninka ka qabto aad ayuu mar walba u balaarnaa, dhowr jeer ayaa Cadaadis uga imaanayay dhanka aabaha dhalay wiilka oo isagu mar walba waxaa ku jiray Damac ah in gabadhan sidan u wanaagsan ay wax la wadaagaan, isaga oo aaminsanaa in Geedka macaan uu mira macaan dhalo, idilna ay la mid ahayd geed macaaan, miraha uu Alle jirkeeda kasoo gooyana ay la mid noqon karaan ama kasii wanaagsanaan karaan idil.
Quruxda iyo qiimaha shaqsiyadeed ee ay idil lahayd waxaaba la oran karay waxay qayb ka qaadanayeen cadaadiska nololeed ee idil uga imaanayey qoysaska ay u dhaxdo, maxaa yeelay, hammiga cid walba ay gabadhaas ka lahayd iyo rajada ah in owlaad ay u dhasho la hiliboobaan  oo meesha ka maqan ayaa la dhihi karay waxay sabab u ahayd in idil lagu kahaysto wax aysan awood u lahayn hanashadooda waa owlaaddee.
Wax muddo la wada joogaba idil marnaba xageeda damac ah in ay furriin sii waydiisato haashim kuma jirin oo qoyska ay hadda la nooshahay waxaa la dhihi karay aad ayuu uga wanaagsanaa qoyskii kale ee ay nolosha ku bilaabatay.
Khibradda ay u kala lahayd labada qoys ayaa aad u kala duwanaa sidaas si la mid ah labada nin ay u kala dhaxday oo dhaqankoodu kala macaanaa, ma ahan in kii hore uu dhaqan xumaa, micnaha ayaa ah in Idil hanashada qalbigeeda uu Haashim aad ugu guulaystay marka lala bar bar dhigo kii ka horeeyey.
Waxaa taas sii dheerayd Haashim hooyadiis oo soddohda idil ahayd ayaa Iyana qayb wayn ku lahayd farxadda idil ee qoyskan, waxaana la dhihi karay aad ayey isku fahmeen idil oo waxayba noqdeen saaxiibo gaar ah oo is fahamsan.
In soddohdaada aad saaxiib noqotaan sida badan nolosha guurka ku salaysan kuma dhacdo, dumarkase waa kuwa kala nasiib badan, qaarna sida idil oo kale ayey soddohdu u noqotaa qaarna waa uga duwanaataa oo ayaga oo ah marwooyin fiican ayaa lagu sallidaa Soddohda oo aakhirka sababta in gurigooda uu dumo.
Mar walba oo Cadaadis uga yimaada Qaraabada Qoyska waxaa jilbaha u aasan jiray oo difaaci jiray soddohda idil waa Haashim hooyadii oo dhihi jirtay “iiga leexda gabadha ma idinka ayaa awlaadda farqaha ku sita, awlaadda waa deeq Alle baxsho, gabadhaydan idil waqtiga uu Alle ugu tala galo ayey helaysaa awlaad, inta ka sokaysase ima qusayso dhalma la’aanteeda ee waxaa I quseeya dhaqankeeda
Idil waxaa la dhihi karay waxay usoo dul qaadatay af xumo fara badan, ma ahan oo kaliya hadalada ay kala kulmayso dadkan oo wararkan iyo kuwa kasii xunba waa usoo horeeyen oo iyada oo nolosha guurka ku cusub ayey usoo dulqaadatay, hadana ma ahan kuwan kuwa ka hor istaagaya in ay gudato waajibkeeda Dumarnimo.
Xaqiiqda marka laga hadlo hadalada dadka afkooda kasoo baxaya waa kuwa saamayn balaaran ku yeesha qalbiga qofka loogu dan leeyahay dhinac ay doontaba samayntaas ha ahaato, balse waxa muhiimka ah ayaa ah qaabka uu qofka uga jawaab celsho, taas oo iyana la dhihi karo waa midda saamaynta sii yeelata.
Guurka imitxaankiisa ugu horeeya wuxuu billowdaa marka aad toddobada ka baxdo oo haddaad tahay rag iyo dumarba midkood aad su’aalaha bulshada kaaga imaanayo si u wajahayso.
Qaabka ay dadka wax kuu waydiinayaan ayaaba ah qaab laga yaabo in qalbiga qofka uu dhibsado, qof walbase culayskiisa ayaa haysta, maadaama guurka uu yahay is baddala laga rajaynayo in uu nolosha si saamayn ugu yeesho, la yaab ma lahan in su’aalhiiisa ay hadba qaab yeeshaan.
Maalmaha hore waa qaabka shaqada aad u gudatay oo wax lagaa waydiinayo, bil marka ay dhamaatana waxaa kusoo xigto in lagu waydiiyo bal in ay siyaado jirto iyo in kale, waana markaas marka uu billowdo cadaadiska iyo culayska xaga maskaxda ah ee wada fuula  Sayga iyo Marwada dhaqaya reerkaas cusub.
La soco Qaybta 9aad
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com
SHARE