Home Qoraallo Guur-bursi W/Q: Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

Guur-bursi W/Q: Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

0
SHARE

Guur-bursi

Waa duhur fallaaraha qorraxdu, si dhammaystiran dhulka ugu soo fooraraan. Kursigiisii ku sii jeeday dhanka laamiga ayuu soo wareejiyey. Kursiga wuxuu ku soo beegay halka uu maankiisu u aroorsan yahay. Qoraansiga dhexiisa ayuu isha ula racaay kor iyo hoos, bidix iyo midig gabadh dhawr mar hortiisa martay. Xijaabka baraha caddaanka iyo madowga gashigu u yeelay ee ku gambisan jirkeedoo dhan ayuu ka billaabay sahankiisa dadban. Indho riyeysan ayuu ku faaqiday jirka ka hooseeya xijaabka. ‘Sida ay u muuqato in ay dhaanto ayaan filayaa. Waxay ila tahay in ay xoogaa yar ka cayilan tahay siday u muuqato. Meeqaan aragnay, iyagoo xijaab ku duuban, markaan sii baarnayna si kale isu beddelay. Yaanan degdegin. Wax walbaa dhici kara. Laga yaabee in ay lafo kaliya ku hoos jiraan xijaabka, balse, maxaa kadeeday oo ku raray qandigan baas! Waaba qof nolosha la daalaadhacayee, yaa u qabanaya asturnaan iyo dhar adag?’

Isagoo kahsanaya xijaabkeeda indhihiisa soo awday ayuu u sii dhaafay diracay hoosta ka qabtay. Dirac baati baalli ah ayey xiran tahay. Diracu markastoo hoos loo sii eego wuu sii ildaran yahay. Daraftiisa hoose waxay isku darsatay dildillaac iyo duruuf. Gacmaheedii shaaha shubayey ee marna ka soo baxayay marna ku noqonayay xijaabka hoostiisa ayey ku hakatay ishiisu. Maqaarka gacmahu way ka muuqataa in uu basaasan yahay. In ay muddo fog ugu dambaysay dhaashi. Maxay dhaashataa, haddii ay nooshahay ayey nasiib leedahay. Meeqo goor ayey sigatay iyadoo laamiga koobab iyo tarmuus la goynaysa. Dagaalka shilinka quuta ayey subax kasta ku soo toostaa. Habeenkiina iyadoo tirinaysa waxay shaqaysay ayey seexataa. Inta u dhexaysana daal bay la gataati dhacdaa. Weli ma fikirin iyadoo deggan.

Isagoo qoordheeraynaya ayuu sii qoraansi-eegay. Ishu waxay naawileysay in ay aragto wax dhaafsiisan dhudhumaha. Dhawr jeer ayey ishu la laabatay gacanta sii laabmaysa. Isagoo aragga soo quus-celinaya ayuu dib-u-xiiso-eegay. Markay gacantii xijaabka isku ilaalineysay laacday miis u dhawaa. Qasac ka fog ayey gacantu haabaneysay. Xijaabkii ayaa u hoobtay ilaa garabkeeda. Cudud daal iyo diif la haragawday ayaa bannaanka timid. Cududdu way abaarsatay, balse, qurux ay u dhalatay ayaa ka muuqata. In hilibkii ay markii hore u dhalatay waayuhu xoog uga saarayna, waxaad ka garataa maqaarkeeda diidsan. ‘Waa weyd, balse, haddii  nadiif iyo nafaqo layskugu daro, sidaan dhaami lahaydaa!’  Isagoo is-la hadlaya ayey intay soo istaagtay dhinac martay. Wuu ka soo daba-jeestay. Laamiga afkiisa iyadoo taagan, sugeysana intuu ka dhaafayo gaari-caasi ah oo soo socday, si ay dhanka kale ugu gudubto, ayuu la hadlay: “Ina adeereey, magacaagii muxuu ahaa horta?”

Iyadoon gadaal u soo eegin ayey laamiga goysay. Way dareensan tahay in uu iyada la hadlayo, balse, muxuu kaga duwan yahay kuwa ku yiraahda daqiiqad kasta magacaa iyo muxuu ahaa magacaagu? Koobab cirifka kale ee laamiga  jirtay ayey soo ururisay. Dalab cusubna way soo qaadday. Markii ay soo socotay ayey isha ku xadday ninka daanka haysta ee aan ka jeesanayn. Iyadoon toos u eegin, ayey niyadda ka tiri: ‘Kan maanta eegmada wuu ku talaxtagay. Goormuu libiqsanayaa!’ Mar labaad ayey is-maahin ku ag-martay. “Adigaan kula hadlayaa. Maxaad ii quursanaysaa?” ayuu kala soo daba-jeestay. Iyadoo shaahii dalabka ahaa shubaysa ayey tiri: “Maxaan ku siiyaa?”

Gacantii uu daanka ku hayay ayuu intuu soo dajiyey tii kale dul-saaray. Way ka muuqataa in uu dhibsaday hadalkeeda qayaxan. Mar kale ayey shaah la dhinac martay. Isagoo isu qiyaasaya sii-jeedkeeda iyo soo-jeedkeeda ayey soo noqotay.

“Bigays mise…..?” ayey weyddiisay iyadoo koobabkii ay keentay baaldi ku sii ridaysa. Isagoon jawaabin ayuu cabbaar eegmo ku sii kala bixiyey jirkeeda. Xubin xubin ayuu isu soo hordhigey isagoo kaashanaya khibradda uu u leeyahay dumarka ee rubuc-qarniga kor u dhaaftay. Xubinba tan deriska la ah siday ugu sii gudbinaysay ayuu gaaray wajigeeda iyo ilkaheeda cadcad. Isagoo gacantiisoo dhinaceeda ka fikiraysay jilibkiisa sii saaraya ayuu weyddiiyey su’aashii jawaabteedu soo xiri lahayd qorshihiisa. “Gabar miyaa tahay mise garoob?” Wuu garan karay in aysan da’daas gabarnimo u saamaxayn, haddii uusan nasiibku ka iilan, balse, su’aashaa dhankaas la aadday.

Su’aasha inkastoo ay dhegteedu taqaan, haddana way ka belbelisay. Alaabtii ay gacanta kula jirtay ayey joojisay. Fikirkii baa xaggiisa ka wareegay oo xaggeeda u soo tallaabsaday. ‘Gabar iyo garoob waxaan ahayn oo laygu tirinayo ma jirto miyaa? Maxaa kale oo laga maleysan karaa qof tarmuusyo ag-fadhiya? balse, tarmuusyadu waa shaqo. Garoob iyo xaasba way ka shaqayn karaan. Xaas miyaa tahay, waa su’aasha ugu dambaysa ee lagu weyddiiyo! Waxaan haddayna run ahayn maxaa iyaga dhan isku wada mid ka dhigay! Mise waxay is-leeyihiin xaas gurigaa lagu yaqaan? “Aay Kutubay. Ha igu dheerayn kala shaandhaynta shaaha. Iiga jawaab su’aashaan ku weyddiiyey. Waxa aad tahay sheeg. Garoob miyaa tahay?”

“Maxaad ka rabtaa kaan ahay gabar iyo garoob? Ma adigaa i guursanayey awalba?” Su’aasha dambe, way garatay in ay tahay bar-kuma-taal. Haddii uu yiraahdo, waan ku guursanayaa yaab ma aha. Meeqay iyadoo meesha joogta guursatay oo iska furtay. “Waan ku guursanayaa iyo koob shaah ah isii” isku si ayey ugu dhadhamayaan.  Nolol-maalmeedka ganacsiga yar ayuu ku dhax milmay micnihii guurku. (Koobka shaaha waa meeqo? Waan ku rabaa. Waa saddex shilin. Maharkana? Waxaad awooddo ama iska dhaaf. Waa tan saddexdii shilin. Waa tan warqaddaadii furriinku).

“Waan ku guursanayaa. Damac baa igaga kaa jira.” ayuu u yiri: si aan labalabayn ahayn. Xaggiisa ayey isku soo majiirtay. Waxay ku talagashay in ay siiso jawaab taban. Nafsad ahaan iyo niyad ahaanba maanta iyo maalmahan guur iyo nin diyaar uma ahayn. Wixii tusayba wajigiisii ayey ku eegmo-dhegtay. Indhaha ayey ku sii caddaysay. Dhididkiisii mid ka kulul kana waaweyn ayaa ka soo yaacay. Waxay u eegaysaa sidii iyadoo leh: “Adigaa! Ma adigaa qofka i leh waan ku guursanayaa! Subxaannallaah! Waayuhu cajiibsanaa! Qurux badanaa, haddaan nolol ku kulanay.” Intay ku dheygagsanayd ayuu is-la hadlay. ‘Maxay tahay qoftii, waa tan indhaha kaa qaadi la’. Guurka miyaa ku cusub mise…. Mise si kalay wax u fahantay. Cajab! Mise odaynimay iga akhrisay. Iyaduba ma yara. Maxaa san oo aan ka weynahay qoftaas daamanku jiidmeen!’ Isagoo taabanaya timihiisa inta cirrada ah iyo inta madow isku dhigan yihiin ayuu hoos uga jeestay eegmadeedii taaraareysay wajigiisa.

“Markuu hoos eegay ayey ku baraarugtay wajigiisa sii noqonaya. In uu ka shakiyey way garatay, balse, shakigiisu halkuu gaarsiisan ayay baartay. “Maxaad tiri? Guur hee?” ayey si u lakac ah ugu soo celisay.

“Waan ku guursanayaa, ayuu si farxad carruurnimo ah ku yiri”.

“Waa yahay. Waan is-guursnaynaa. Balse..?”

Wuu gartay in ay su’aalayso nooca guurka uu ka rabo. “Dabcan, waan is  khudbasireysaneynaa” ayuu u yiri: si dhiirran.

Cimrigaan miyaan is-qarsanaynaa? Way iska weyddiineysay, balse, way hubtaa in uusan khudbasiro waxaan ahayn u qoondaynin.

Maxaad ku falaysaa in la ogaado guurkaaga, aniguna ka rabaa dhib iyo shiddo? Waa shu’uunteenna. Maxaa ka galay dad kale?.

Way eegtay sidii iyadoo leh: “Waan iska kaa weyddiinayey ee waan ogaa in aadan wax kale maaganayn.”

“Mar walba uu hadlayo kursiga ayuu ku sii siqayey. Hadalka ayuu hoos u sii dhigayey. Koloyga rajadiisana wuu sii buuxsamayey”.

“Waa yahay. Dheefteenna waan qarsanaynaa ” ayey tiri: iyadoo u istaagtay qof shaah ka dalbaday. Indhihiisu way sii raaceen. Shaaha ayey wax ka geeyeen. Markay soo noqotay ayuu weyddiiyey su’aal hurinaysay. “Goormaan is-guursannaa?” Sidaanaa afkiisa ku soo toostay mooyee, wuxuu uurkiisu dhahayey “Hadda, ma tahay diyaar?” Waxay u hinqatay in ay tiraahdo: “Galabtaba aan ka dhiganno” balse, way hakatay. ‘Sug, ninka aan isku maacaaneeyee‘ ayey isku qabatay. “Markuu Ilaahay yiraahdo a” .

“Ilaahay haddaba wuu yiri: ee maxaa dhiman haddaynu is-oggolnahay labadeennu?” ayuu uga dhexgalay.

Waa goor galab ah, saacaddaanna suuq ma aadi karo!. Waxaad u baahan tahay anigaa kuu doonayo.

Markii ay aragtay degdeggiisa ayey tiri: “Waa yahay. Lacagaha shaaha aan soo urursado.” Kuraas meel gees ah tiilley xaggoodii ayey aadday. Lacagtii shaaha ayey kula soo dhacday tii  jeebkiisu. Wuxuu billaabay in uu isku geeyo wuxuu heli karay oo lacag ah. Isagoo sii eegaya laafyaheeda kala dheerdheer ayuu xisaabinta dhammeeyey.

Isagoo fadhiya iridka qolkiisa oo macawis dhabarka ku xirtay ayuu isla-sheekaystay. Wax kale kuma soo dhicin ee wuxuu maankiisu ku dheeraaday ka hadalka gabadha uu caawa guursanayo. Marba wax siday ugu soo dhacayeen ayuu raagsaday imaanshaheedii. Waxay u sheegtay in ay saaloon aadayso. Waa dantiisa iyo danteeda in ay saaloon soo marto. Sidaas ayuu ku dagay, balse, ma saaloon baa intaan la jiraa! Wasakhdaan ogaa saabuun fujiso hadday helaan, waqtigay doonaan ha qaateen. Ugu dambayn qoftaas ha iga soo boor-qaadeen. U ekeysiiya aroosad caawa kaliya. Berri siday noqotaba. Isagoo hadalka wada ayey soo dul-joogsatay gabadhii ay casarliiqan kala tageen iyadoo busaaradaysan. Uduggeeda iyo iftiinkeedu way ka soo horreeyeen muuqeeda.

Wuu istaagay isagoon is-ogeyn. “Soo dhawow. Soo dhawow.” ayuu yiri: isagoo gacanta ku sii riixaya albaabka. Albaabka weyn markay galeen ayuu u sii tilmaamay albaab kale qolka ugu sokeeya qolalka. Carafteedii iyo iyadaba way wada galeen. Markuu nalka daaray ayey isu muuqdeen wajiyadooda dhoollacaddaynaya. “Ku soo dhawow gurigaaga. Qolkaaga.” ayuu yiri: isagoo albaabka laabaya.

“Waan dhawahay, ayey tiri, iyadoo sariirta sii fadhiisanaysa. Qolka ayey dhan walba u eegtay. Intay eegmada ku jirtay isagu wuu fikirayey. Wuxuu la yaabay saaloonka la sheego sida uu ugu soo hagar baxay. Gabadhii maqribkan isugu dambaysay iyadoo diifaysan oo baaba’san miyuu sidan u soo shiday saaloonku? Alla, adduunyaa! Maxayna beddelayn. Isagoo sidaas u riyeysan ayey soo eegtay. Isagoo eegayana tallaabo dhigaya ayuu soo garab fadhiistay. Markuu gacanta xaggeeda u taagay ayey istaagtay. “Ha degdegin.” ayey ku tiri: cod dhiirran.

Falcelinteeda marna wuu dareensaday marna wuu garaystay. Mar wuu dareensaday, waa in ay sidaas u dhaqanto iyadoo ka khibrad badan siduu u malaynayo. Marna wuu garaystay oo in uu degdgay laftiisu ayuu isku canaantay. Isagoo istaagaya markiisa ayey dib u soo eegtay. “Ma garanaysaa qofkaan ahay?” ayey ku haliishay. Su’aasha xun ee xanuunka iyo xajiinta isku darsatay, ayaa tabartii ka qaadday xubnihiisii sariirtiina ku celisay. ‘Maxay ula jeeddaa! Ma khiyaano ayey kuu guursatay naagtu? Ma adigaan indho lahayn oo burcad soo xaraystay? Ma gabdhahaan guursaday, mid ka mid ah oo aanan ogayn godobteeda ayey aarsi u tahay? Ma hooyadeed ayaan guursaday? Ma guursan mana guursan karo. Qoftaan aan isku da’da nahay miyaa hooyeed ii cuntantaa? Maya! Balse sug, meeqa islaan oo ayeeyaadaa ka weyn baad guursatay? Naagtaan maanta markii ay hoos u gunuunacaysay baan garanayay in ay godkaygii ii waddo, balse, damac baa iga indho-saabay iimaheedii!.  “Ma i garanaysaa?” ayuu dhan walba u fasiray soona saari waayay.

Muxuu ka garanayaa liiska guurkii uu soo maray! Haddii la hor keeno, isaga laftiisa ayaanba xusuusan karin. Middee ayuu xusuustaa? Tee buu xumeeyay! Gabdhihii ay qaarkood toddobaadyada wada dhaqmeen. Kuwii uu saacadaha qabay. Kuwii isagoon furin kala lumeen. Kuwii ay xummaanta ku kala tageen. Wuu qirsan yahay in uu da’diisa laba labalaabkeeda ama ka badan guursaday, balse, mid nasiib u yeelatay oo raad uga tagtay oo uu wajigeeda xusuusto ma jirto. Siday isu waayeen ayuu u tiray.

Sababta ay  iyadu weli u xusuusan tahay ma qaddar baa? Sidee ayey ku illaawi kartaa ninkii baray guurba wuxuu yahay! Ninkii liiska gabarnimada ka soo saaray ee  ku soo daray garoobnimada. Ninkii toddobaadka qabay ee ku sagootiyay furriinka. Warqaddeedii ku dhex siiyay gaarigii ay raacaysay dhexdiisa. Tobankii sano ee ay kala maqnaayeen uurkay uga ciil qabtay. Mar walbo oo ay da’i u sii korortaba mugga ciilka iyo hamuunta aargoosiga ayaa u sii birqaysay. Meeqa ayey ku soo dhacday furriinkeeda batay in uu isagu sabab u yahay. Barakadarrada guurkeedii ku dhacdayna eersanayso isaga. Markay ka shallaydo guurkiisa, waxay isku samirsiin jirtay, waxaa ka darnaan lahayd hadduu ku faraxumeyn lahaa. Haddana faraxumayntaa la fiicnaan jirtay. Markaas dadkuna way u garaabi lahayeen, guur barwaaqo iyo guri negina wuu uga dambayn lahaa. Haddana, waxaas in uu shaydaan u qurxinayo ayey ku sii fekeri jirtay. Shaydaanka maxaa galiyay maskaxdaada yar dhexdeeda. Malaha waa midkiisa yaryaree meel kasta geyn kara xumaha. “Acuudu-billaahi. Ilaahayow adigaan kaa magangalnay, shaydaanka kuwiisa yar yar iyo kuwiisa waaweyn.” ayey tiraahdaa, iyadoo ku dhex jirta hawlaha shaaha. Wax badan ayey raadisay ninkaas xumeeyay iyadoon si fiican u qaangaarin. Maalintaas uu warqaddeeda furriinka siinayay, hadday awooddo nafta ayey dhaafin lahayd. In ay ka daba booddo oo ay kulleetiga ku dhegto ayaa ku soo dhacday. Dhawr mar ayeyse kursiga isku celisay, balse, lafteedaa maganta ku hoos jirtay. Haddii uu si nabad ah uga tagay kheyr. Uurkeeduse dilkiisaa u muuqday.

Shan iyo taban sano ayey jirtay markii ay is-guursanayeen. Habeen roob badan da’ayay ayey hooyadeed isku dhaceen oo ay ka soo baxsatay gurigoodii. Ninkaan oo ay dhawr maalmood ka hor soo baxsigeeda, sheekaysteen ayey kula eeratay dhibtii haysay. Waxay u sheegtay; in ay caawa gurigoodii baylah ka tahay. Isaguna gacmo furan ayuu ku soo dhaweeyey sida haddaba. Way is-khudba-siraysteen. Waqti badan ayey qaadatay sidii looga dhaadhicin lahaa guur qarsoon. Toddobaad naqaysan ka dibna dacaska i maqashii ayuu ku yiri. Rafaad badan iyo furriin badan ka dib, ayuu maanta dabinkeeda soo galay.

Markuu guurka u soo bandhigay, iyadu way garatay. Way xusuusatay wajigiisa. Way gocotay dhibtii uu u geystay. Way ku faraxday in ay dib u heshay nuxuuskii nolosheeda curyaamiyay. Wax kasta ha martee, waxay si hoose isugu soo dhaarisay, in uusan caawa la dhaafin aargoosigeeda gaamuray. Haddana soo xusuusatay maalintii ay ku fikiraysay in ay disho. ‘Dimasho waa caadi sida noloshoo kale, balse silic.. Aaheey silic. Silic ku noolow ayaa ka daran. Ka warran, haddii aad naafayso sidii uu kuu naafeeyey. Hah!’   Haddii uu isagu billaabay guurkeeda, iyadu way soo gabagabayn doontaa guurkiisa dhaafay sedkiisii. Siday isu sheegtay.

Waxaa calaamatu-su’aal ku noqotay, sida ay horay iyo gadaal ugu marayso wajigiisa. Dharkii ku rarnaa iyadoo midba mar daliiqaysa ayey soo eegtaa. Isagoo ku eegaya indho digtoon, ayuu weyddiiyey: “Tumaa tahay, isku kay sheeg?” Daymo kulul ayey ku halgaadday. Daymo hadlaysa. Daymo dhahaysa: “Waxaan ahay wedkaagii.” Haddaysan libiqsanayn ayuu isagii hoos u jeestay.

Dhammaad

W/Q: Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad”

SHARE