Home Qoraallo Inkaartii naxariista hooyanimo ku dheehneyd! W/Q: Cali Nuur Indhacadde

Inkaartii naxariista hooyanimo ku dheehneyd! W/Q: Cali Nuur Indhacadde

0
SHARE

INKAARTII NAXARIISTA HOOYANIMO KU DHEEHNETYD

Hooyo, waan ku inkaarayaa si nimanku ay muddo yar kaaga safraan, ha arkaanee noloshu waxay tahay! Hooyo Nadiifo waxa ay nolol guur wadageen oday Cilmi  dabayaqada gugii 1978 wuxuuna Ilaah ugu deeqay oo ay dhaleen: saddax gabdhood iyo laba wiil. Gugii 1991-dii, markii uu dalkeenna dhibku ka dhacay ayaa waxaa lagu waayay odey Cilmi, waxaana la weysnaa muddo dhan saddax dabshid. Intaana hooyo Nadiifo waxay ku howshooneyd in ay dhallaankeeda korsato oo ay u xamaalato. Maalin maalmaha ka mid ah, iyada oo aan weli ka rejo dhigin nolol kusoo noqoshada ninkeeda ayaa waxaa u yimid nin aan war yididdiilo leh u sidin, kaas oo ku yiri: “Eebbe ha u naxariisto oday Cilmi, waa uu dhintay, aniga ayaana ka qeyb galay aaskiisa ee Eebbe ha kaa sabarsiiyo, asigana ALLE ha u naxariisto

Hooyo Nadiifo rejadii u taagneyd ee aheyd in odaygeedu uu maalin uun imaan doono, halkaas ayey ku aasantay, isla markaana waxay qaadday asaay, taas oo ah: Lama dhaafaan diini ah oo ay maraan haweenka Islaamku. Afar bilood iyo toban habeen ka dib, markii ay asaaydii ka dhacday hooyo Nadiifo, ayaa waxaa safdheer usoo galay odaygeedii geeriyooday walaalladiis, si ay u dummaalaan, iyaga oo u arkayey qof karti badan oo marwonimo ay ku dhammaatay, isla markaana aan ku habbooneyn inay cid kale ilmo u dhasho. Soomaalida ayaa ku mahmaahda: “Ilmahaaga haddii aad isku aabbe ka dhigi weydo, ilma adeer ayaa laga dhigaa” taas oo ah: dhabbi loo sii maro marwada la doonayo in la dummaalo!.

Hooyo Nadiifo taladaas doonitaanka iyo damacaba leh dheg uma dhigin, waxayna dhabarka u xiratay inay carruurteeda korsato. Adeerradii u xaaljeediyayna waxay ku madashay, marka ay ilmuhu ii koraan ayaan howshaas ka hadli doonnaa, balse, inta ay dhallaankeygu korayaan guur iyo ninba diyaar uma ihi! Hooyo Nadiifo waxay carruurteeda u noqotay hooyo oo Ilaaheey uga dhigay iyo aabbe oo booskiisii kusoo bannaanaaday, maadaama uu geeriyooday. Subax walba inta ay dadku hurdaan ayey dheelman jirtay, si ay dhallaankeeda wax ay cunaan ugu soo shaqeyso, waxayna aadi jirtay: suuqyada Muqdisho mid ka mid ah, isla markaana waxay ku iibin jirtay qudaarta oo ay inteey deyn ku soo qaadato marka ay iibiso faa`iidada ka reeban jirtay iyada oo lafahiina dib isaga celinaysa.

Hooyo Nadiifo, kolka ay gurigeeda ku soo noqoto ma nasan jirin ee isla markaa waxay dib usii iibin jirtay muufo, iyada habeennada intooda badanna ku hurdi jirtay tinnaarka ay muufada ku dubeyso baalkiisa. Habeennada qaar ayey dhici jirtay iyada oo aan hurdin habeenkaas inay subaxdiina suuqii qudaarta u dheelmato.

Waayahaas dhibka iyo karaantiilka ah wxii ay hooyo Nadiifo carruurteeda ku soo korisaba, ilmaheedu waxay ahaayeen kuwa aan laga dareemeyn aabbo la`aan, isla markaana waxbarashada aasaasiga ah kama ay baaqan jirin. Carruurteedu waxay u muuqdeen sida ilmo labadiisii waalid heysta oo kale, deriskuna aadbeey ugu duceyn jireen hooyo Nadiifo. Waayuhu wixii ay is guraanba hooyo Nadiifo ilmihii waa u koreen, waxayna noqdeen kuwa tabar galay oo xoogaabay. Kolkii ay ogaatay inay markaan ilmaheedu ay kaalmo leeyihiin ayey Axmed oo ahaa: kan labaad ee ugu waynaa carruurteeda, waxay u qalqaalisay inay dhaqaalo u aruuriso, ka dibna, ay geyso waddanka South Afrika oo soomaalidu ay si fudud uga shaqeysato. Ayaamo dabadood Axmed wuxuu gaaray waddanka Koofur Afrika, isla markaana hore ayuu shaqo ka billaabay.

Markii uu ayaamo shaqeeyay ayaa wuxuu aruursaday xoogaay lacag ah, isla jeerkaana wuxuu go`aansaday inuu walaashiis Amaal oo dhalasho ahaan ku xigtay uu qaab is xambaar ah ku geeyo waddamada yurub, gaar ahaan waddanka boqortooyooyinka midoobay ee UK. Amaal waxay sammo timid London, aayaamo ka dibna, waxay noqotay gabar shaqeysta oo walaalaheed iyo hooyadeedba noloshooda qeyb ka qaadata. Axmed iyo Amaal markii in muddo ah shaqeysteen ayeey labadooda oo is kaa shanayaa soo qaadeen Ifraax oo aheyd qof seddaxaad ee ku soo xigay xagga dhalashada. Ifraax iyaduna waxay soo caga dhigatay London. Howsha qoyska waxaa jaan goynayaa hooyo Nadiifo, wax walbana waxay u socdaan sidii ay rabtay oo taladeeda aheyd. Carruurteedu ma ahan kuwa ku abaal dhacay hooyadood, waxayna mar walba dib u milicsan jireen dhibtii ay hooyadood kusoo korisay.

Hooyo Nadiifo, markii ay seddaxdaas qorshe u hirgaleen ayey haddana go`aamisay in la qaado gabadha afaraad ee Samsam isla markaana la geeyo Yurub. Axmed, Amaal iyo Ifraaxba soo jeedintaas hooyadood aqbal iyo guddoon ayey yiraahdeen, isla goortaasna wixii ay awoodeen oo dhaqaale ah ayey hooyadood u direen si Samsam loogu soo dhoofiyo. Eebbe oo fududeeyay iyo talada oo gacanta hal qof ku jirtay darteed Samsam waxay soo caga dhigatay waddanka Iwiidhan (Sweden) halkaas ayeyna degaan ku noqotay. Carruurtii Hooyo Nadiifo ee agoonta ahaa afar ka mid ahi waxay galeen qurbaha, isla markaana waxay ku filnaadeen: Nolosha hooyadood iyo halka wiil ee hooyada u adeega!

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo

W/Q: Cali Nuur Indhacadde

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com
SHARE