Home Qoraallo Sanadihii dugsiga Faarax Oomaar Q-1AAD W/Q: Maxamed Heebaan

Sanadihii dugsiga Faarax Oomaar Q-1AAD W/Q: Maxamed Heebaan

0
SHARE

Sanadihii Dugsiga Faarax Oomaar Q-1AAD

Markaan ka gudBay dugsiga dhexe ee Guryo Samo, waxaan go’aan saday inaan fasalka 9-aad ka boodo oo aan u gudbo kan 10-aad.  Sabab gooni ah oo arrintaas igu riixaysay ma jirin.  Su’aasha kaliya ee aan is waydiiyay waxay ahayd: “haddaan fasalka 10-aad u boodo, ma la socon karaa wax barasho ahaan?” Maadaama aan rumaysnaa inaan la socon karo, arrintii waan ku dhaqaaqay, balse, in fasal laga boodo sharci ma ahayn lamana oggolayn.  Dariiraqa kaliya oo arrintaas lagu hirgalin karay wuxuu ahaa: inaan iska dhigo inaan Itoobiya hadda ka imid oo aan maro barnaamijkii loogu talo galay in lagu meeleeyo ardaydii ka imanaysay Somaali-galbeed. Sidii baanna yeelay. 

Waxaan ku biiray fasalka 10-aad ee dugsiga Faarax Oomaar, arrintaasna aad baan ugu farxay markii ay ii hir gashay, balse, farxadaas qoomamo ayaa iiga dambaysay:  Markaan ka baxayay fasalka 12-aad, imtixaankii ugu dambeeyay ee fisigisku wuxuu ka koobnaa lix su’aalood oo laba ka mid ah toos looga soo qaatay fasalkii 9-aad ee aan ka booday!  Afartii su’aalood ee kale, dhib iguma ahayn oo isla markiiba waan ka shaqeeyay, balse, labadii su’aalood ee laga keenay fasalka 9-aad ayaan meel aan u dhaqaajiyo garan waayay.  Aniga oo ku dhaygagsan labadii su’aalood oo warqaddii fiirinteeda indhuhu igu daaleen, ayaan soo xusuustay heeskii Saynab Xaaji Cali Baxsan ee ahaa: “Alif kaa xumaadaa, Al-Baqruu ku dhibaayood ardadii ka hadhaaye!” Maalintaas iyada ah iyo ilaa manta, mar kasta oo aan xusuusto, waan qoomameeyaa fasalkaas aan ka booday!

Waxaan isku fasal noqonnay dhowr arday oo iyaguna Itoobiya ka yimd: Cali-waal iyo Cabdi-Buntukh waxay ka yimaadeen Jigjiga. Seef Jaamac Fadan wuxuu ka yimid Awdal, dhinaca ay Itoobiya haysato, balse, ma garanayo magaalada ama tuulada uu ka yimid.  Xasan Cali Bulxan iyo Xasan Barteeli waxay ka yimaadeen Dhagaxbuur.  Mawliid Cabdi Axmed wuxuu ka yimid Fiiq. Mustafe Cabdi Xasan wuxuu ka yimid Wardheer. 

Seef wuxuu lahaa asxaab aad u fara badan oo dhalin yarada magaalada ah, ardayda Itoobiya ka timid qaarkood ma jeclayn arrintaas iyada ah, waxayna Seef ku xaman jireen inuu isu arko inuu ka sarreeyo ardada qaxootiga ah.  Aniga runtii sidaas iiguma aysan muuqanin.  Maadaama Seef uu lahaa asxaab fara badan, waxaan u arkayay inaysan waxba ku jabnayn hadduu saxiibbadiis la mushaaxo oo uusan isku koobin ardayda qaxootiga ah kaliya.

Faarax Oomaar berigaas wuxuu lahaa sedex qaybood kaliya: 9, 10, iyo 12.  Ardada fasalka 12-aad waxay ahayaayeen: kuwii waxbarashadoodii oo idil ku qaatay luqadda Ingiriisiga, waxayna noola muuqdeen inay duni kale ku nool yihiin oo nama  soo dhex gali jirin.  Sidaas darteed ardaydayada fasalka 10-aad waxaan u dhaqmi jirnay sidii aanu iskuulka madax ka nahay.  Tusaale, waxaa caada ahayd: in ardayda fasalka 10-aad qaarkood inay soo booqdaan qaybta fasalada 9-aad waqtiga nusa-saaca ah, si ay woxoogaa hoos ugu fiiriyaan ama ay isaga sarraysiiyaan.  Dadka arrintaas ku caan baxay waxay ahaayeen: Afar gabdhood oo fasalka 10-aad oo wada socon jiray, meel walbana wada mari jiray.  Meel kasta oo ay maraan iyo cid kasta oo ay la kulmaan hablahaasi, waxay u muujin jireen inay yihiin gabdho khatar ah oo aan loo gali karin.  Runtiina wiilasha fasallada 10-aad ayaaba iska ilaalin jiray oo aan badanaaba ku dhiirran jirin oo dariiqa u bannayn jiray.

Maalin ayaa afartaas hablood waxay tageen qaybtii fasalada 9-aad.  Ma xusuusto inay tageen wakhtigii qadada iyo inay tageen wakhtigii iskuulka laga rawaxay, balse, waxay tageen fasallada oo aan cidi joogin, waxayna sabuuradda ku qoreen heeskii Hibo Maxamed oo wakhtigaa hawada Somaaliya haystay: “Quruxda yaan u leenahay, qalabka yaan u sidannaa? balse, dhexda ayey ka badaleen, waxayna ka dhifeen: “Haddaydaan wax nala qaban, ma FORM ONES qadhmuun  buu, noo qoray Ilaaheey?” Wiilashii fasalka 9-aad dhaawac weyn ayaa gaadhay oo xanaaq ayey kaga dhagtay!  Ma garanayo inay rag gabyaa ah lacag siiyeen iyo in dhaawaca  loo gaystay uu iyaga gabyaa ka dhigay, balse, waxay soo daabaceen gabay oo ay iskuulka ku qaybiyeen, waxaana erayadiisii ka mid ahaa:

  • Afartaa qallalay ee sidii qumayo luudaaya
  • Ee waliba qadaadkii jartee, timaha qaar xiiray
  • Ee diintii qaaliga ahay, qodobo naafeeyay.

Kokii ay wiilashii fasalaka 9-aad is difaaceen, afartii gabdhood faraha ayey ka qaadeen oo caydii way joojiyeen. Ardayga fasalkayaga ugu fiicnaa dhinaca waxabarashada wuxuu ahaa arday la odhan jiray: Xuseen Ismaaciil Cabdi.  Xuseen wuxuu ahaa; arday fahmo badan.  Naanaystiisa cid waliba ugu yeedhi jirtay waxay ahayd: Xuseen Dhiqle oo ahaa gabyaagii caanka ahaa ee Sayidka gacan yaraha u ahaa ee xusuusta cajiibka ah lahaa.  Xuseen wuxuu ahaa wiil deggan oo dabeecad macaan.  Waxaa kale oo uu ahaa wiil daraasad madax bannaan ku jira oo iskii wax isu bara.  Maalin baa wuxuu I tusay waraaqo fara badan oo ingiriisi ah oo uu gacantiisa ku qoray oo ku saabsan boqortooyadii Cusmaaniyiinta.  Markaas ayaa waxaan is idhi: “Aniguna xiisad walba oo ingiriisi ah waan ka dhuuntaa, isaguna boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayuu iskii isu barayaa!” Farqiga aniga iyo isaga noo dhexeeya ayaan ka yaabay. 

Macallinka kimisteriga noo dhigi jiray waxaa la odhan jiray: Ina-giirre, wuxuuna ahaa macallin fiican, maaddadiisa xiiso u haya, jecelna  inay ardaydu wax bartaan.  Aradayga uu ugu jeclaana wuxuu ahaa Xuseen Ismaacill Cabdi.  Mar kasta oo uu Ina-giirre damco inuu tilmaamo sida habboon ee  tijaabo loo sameeyo ama warqad kimisteri ah loo qoro, wuxuu soo qaadan jiray waraaqihii Xuseen mid ka mid ah, wuxuuna hadalkiisa ku billaabi jiray, “sida uu qoray Xuseen Ismaaciil Cabdi”.

Maalin aan u malaynayo inaan wali dhigan jiray dugsiga dhexe, ayaan bangiga hortiisa soo maray.  Bangiga waxaa u dhowaa xarun ka mid ah kuwa hanuuninta-dadweynaha oo lahayd boodh weyn oo ay ku qoran tahay “Midowga Soofyeeti iyo Somaalida maanta” Waxayna soo bandhigi jireen arrimo xiiso leh oo ku saabsan xidhiidhka labada dal.  Mar kasta oo aan meelahaas soo maro, waan ku leexan jiray si aan u akhriyo waxay soo bandhigeen, maadaama wax kasta uu af-somaali ku qornaa.  Maalitaas iyada ah, waxay soo ban dhigeen taariikh nololeedkii Vladimir Lenin, hoggaamiyihii hore ee midowga soofyeeti, taariikhdaas oo sawirro ah.  Waxaa sawirradaas ka mid ahaa, Lenin oo da’yar; isagoo markaas jaamicadda ka baxay; isagoo Yurub qaxooti ku ah; isagoo aasaasaya Bolshafiks; isagoo madaxweyne noqday; iyo isagoo aad u il daran oo aad mooddo inuu indha beelay.”

Sida ay dadka reer Hargeysa u badnaayeen, anigu dan kama lahayn Lenin, hantiwadaag iyo Soofyeetka midkoodna.  Runtii maba maqli karin midkoodna.  Dhallin yaro nimadu mararka qaarkood jar bay kaa tuurtaa.  Marka intaan is illoobay oo aan far iyo suul isku qabtay, ayaan si cadowtinimo leh Lenin isha uga gujiyay oo aan idhi: “Nacaladi kugu dhacday!”  Nin Guul-wada ah oo dhar caadi ah xidhan oo garabkayga taagnaa, ayaa igu soo booday oo gacanta igu dhagay, isagoo leh: “War yaa maxaad tidhi?” Waan argagaxay oo waxaan ku hadlo ayaan garan waayay!  Guul-wadihiina wuxuu damcay inuu saldhiggii waynaa oo booliska oo aan sidaa nooga fogayn ii kaxeeyo.

Haddaad arrin dowladda kasoo horjeedda ku kacdo, malaha Hargeysa waa meesha ugu fiican!  Nin ka mid ah dadkii boodhadhka akhrisanayay ayaa iisoo gurmaday.  Intuu Guul-wadihii indhaha ka fiiriyay, ayuu si xaqiraad iyo jees-jees ku jiro ku yidhi: “Muxuu yidhi?  Ma Nabiguu caayay?  Waar wax yahow inanka faraha ka qaad!”  Guul-wadihii intuu isku yaxyaxay, ayuu Isiidaayay. “ Whew!” balse, dadka fikraddoodu way is beddeshaa.  Markaan ka baxayay fasalka 12-aad, ayaa maalin aniga iyo saaxibbadey oo ku qayilayna xaafada Iftin, ayaa waxaan maqalanay durbaakii la tumi jiray berigii hantiwadaaga oo muddo dheer maqalkiisa noogu dambaysay.  Markaas ayaan hal mar wada nidhi: “Wallee nabad galyo iyo barwaaqo,  berigaasaa u dambaysay!” Marka la qiyaaso sidaan u necbaa qolyahaas, weligay isma odhanin hadalkaas oo kale ayaad ku hadli doontaa, bals, aniga iyo saaxiibbadayba, hadalkaasi niyadda ayuu kasoo fakaday.

Maalin ayaa arday badan isku soo xoontay meel u dhow albaabka maamulaha iskuulka. Ma xusuusta in imtixaan natiijadiisii  gidaarka lagu soo dhejiay iyo waxay ahayd, balse, arday fara badan ayaa isugu timid.  Dabcan arday waliba si uu ugu dhowaado oo magaciisa u fiiriyo, meeshii cidhiidhi ayey noqotay.  Dabadeedna waxaa isku dhacay Seef Jaamc iyo gabadh ardadii meesha isku cidhiidhyaysay ka mid ah.  Seef iyo gabadhii hadallo ayey is waydaarsadeen.  Isla waqtigaas waxaa meeshii soo maray macallin dhigi jiray af-ingiriisiga oo malaha gabadha qoyskeeda yaqiinnay.  Macallinkaasi wuxuu ahaa nin laf u dhashay,  jidhkiisu si fiican u dhisan yahay oo laba-arday oo dugsi sare ka baxaya si dhib yar feedh ugu muquunin kara.  Seefna wuxuu ahaa wiil gaaban oo laf-yar. Macallinkii kaliya wuxuu sugay inuu ogaado qofka ay gabadha murmayaan midka uu yahay.  Markay u caddaatay inuu Seef yahay, macallinkii feedh buu duubtay, dabadeedna intuu is kala bixiyay ayuu ninkii Seef oo halkan iska taagan oo aan waxba iska filaynin ayuu qalbadda ku dhuftay!  Seef intuu cirkaa u kacay, ayuu salka dhulka ku dhuftay! 

Seef runtii arrintaas ma mutaysanin, waayo gabadha muusan caayin, jidhkeedana ma taabanin. Kaliya hadllo taag-taagan ayey is waydaarsadeen.  Wixii meeshaa ka dhacay waaba la ogaa: ardaydii meesha joogtay oo dhan xanaaq ayey is hayn waayeen.  Qaarkood macallinkii way ku qaylyeen; qaar candhuufbay ku tufeen; qaar way riixeen; qaar laad-yar bay u qariyeen. Ninkii Seef oo ilaa 15 arday ay u hiillanayaan wuxuu rabuu sammeeyeey. Macallinkii qiyaamaa ku dhacay!  Buuqii iyo is jiidashadii iskuulka albaabkiisa weyn ayaa la iskala baxay, haddana muddo kadib gudaha ayaa laysla soo galay.  Intii ay arrintu socotay, dushaas ayaan ka fiirinayay.

Markii uu buuqii damay ee meeshii lagu kala tagay, ayaan arkay macallinkii oo meeshii kasoo dhaqaaqay oo aad mooddo in koox dhurwaayo ah ay cidla ka heleen. Shaadhkiisii cusbaa ee uu subaxdaa xidhnaa xabadi kama hadhin, markii oo socdayna macallinku indhihiisa dhulka kama qaadaynin oo dadka ma fiirin karin, waayo wuxuu ogaa dhibaatada soo gaadhay oo dhan inuu isagu masuul ka ahaa.  Runtii aad baan ugu riyaaqay sida ay ardada Faarax Oomaar ugu dhiidhiiyeen xad-gudubkii uu macallinkaasi ku sameeyay ardaygaas oo ay macallinkaas u siiyeen dersi lama illaawaan ah.

Safar ka yimid Somali-galbeed ayaa geel badan Hargeysa keenay, geeliina waxay  ka iibiyeen nin ka mid ah tujaartii Hargeysa ee xoolaha Berbera ka dhoofin jirtay.  Sida ay tujaartaasi xoolaha ku gadan jireen waxay ahayd inay qiimo kula heshiiyaan  nimanka xoolaha leh oo ay heshiiskaas afka,  iyaga oo aan wax lacag bixinin, xoolihii kula wareegaan.  Dabadeedna waxay xoolaha u dhoofiyaan Sacuudiga iyo Khaliijka.  Dabadeedna markay soo gadaan xoolaha, ayey nimankii ay xoolaha lahaa siiyaan lacagtii ay kula heshiiyeen, faa’iidadana iyagu qaataan. Ninkii safarka geela ka gatay, markuu geelii geeyay Berbera oo damcay inuu dhoofiyo, ayuu si kedis ah oo lama filaan ah u dhintay!  Ninku malaha lacag badan oo malaayiin ah ayuu ka qabay bangiga ganacsiga.  Markuu banigigii maqlay inuu ninkii ay lacagta ku lahaayeen uu dhintay, bangigii wuxuu la wareegay ninkii wixii uu xoolo lahaa oo dhan.  Waxaa kale oo uu bangigii la wareegay geelii uu maalinta dhoweyd heshiiska afka ah ku iibsaday, balse, uusan wax lacag ah ka bixinin.

Nimankii geela lahaa waxay ka war heleen arrinta bangigu sameeyay habeenkii geela laga dhoofinayay dakadda Berbera. Nimankii u doodayay nimankii geela lahaa  waxay usoo dacwoodeen Guddoomiyihii gobolka Bile Rafle oo habeenkaas khudbad ka jeedinayay mid ka mid ah xarumihii hanuuninta dadweynaha ee Hargeysa.  Bile shirkii wuu ka baxay, wuxuuna wacay maamulihii dekadda Berbera oo uu waraystay geelaas iyo xaalkiisu meesha uu marayo. Maamulihii dekaddu wuxuu xaqiijiyay Bile in geelaasi uu Markabka saaran yahay, markabkuna isla habeenkaas u baxayo khaliijka.

Gudoomiye Bile wuxuu maamulihii dekadda u sheegay inuu geelaas markabka kasoo dejiyo oo uu bannaanka soo dhigo, inta xaaladdiisu dhinac u dhacayso oo lagu kala baxayo.  Maamulihii dekaddu wuxuu ku dooday inay adag tahay in geela laga soo dejiyo markabka, sababtoo ahayd inuu marku buuxay, waqtigii uu dhaqaaqi lahaana ay dhoweyd.  Haddii ay noqoto in geela lasoo dejiyana ay qasbayso in markabka waxa saaran badankiisa bannaanka lasoo dhigo, si ay suurto gal u noqoto in geela lasoo dajiyo.  Taasina ay dhibaato iyo dib u dhac abuurayso.  Guddoomiye Bile wuxuu maamulihii dekedda ku yidhi: “Haddii uu markabkaasi ka dhaqaaqo dekadda isaga oo geelaa sida, dhibaatada ka dhacda adiga ayaa mas’uul ka noqonaya.”

Maamulihii dekaddu wuxuu ka fursan waayay inuu amro in geelii markabka laga soo dejiyo oo bannaanka lasoo dhigo.  Aroornimadii markuu bangigii ganacsigu maqlay in geelii markabka laga soo dejiyay oo Guddoomiye Bile uu arrintii soo dhex galay, ayuu bangigii u dacwooday Gar-yaqaanka guud ee Qaranka, iyga oo ku doodaya in ay sharci u leeyihiin inay la wareegaan xoolo kasta oo marxuumkii ay lacagta ku lahaayeen u diiwaan gashan.

Gar-yaqaankii guud oo u hadlaya bangiga iyo guddoomiye Bile ayaa arrintii ka shiray oo doodi dhex martay.  Markii hadalkii muddo laysku cel-celiyay, oo nin waliba sida uu wax u arkayay soo bandhigay, ayuu gudoomiye Bile markii dambe yidhi: “Haddii uu go’aankaagu yahay in safarkan Somaaliyeed oo qaarkood soo lugaynayeen ilaa Baali, in xoolahooda laga dhaco oo fara madhnaan la diro, sababtoo ah marxuumkii dhintay ayuu bangigu malaayiin shilin ku lahaa, go’aankaasi mid soconaya ma aha.  Halkan anigaa Gar-yaqaan ka ah!  Kolkii shirkii lagu kala kacay, ayuu Guddoomiye Bile amar ku bixiyay in geelii lagu wareejiyo nimankii iska lahaa.  Nimankiina isla waqtiyadiiba waxay geelii ka iibiyeen nin kale oo tujaartii xoolaha dhoofin jirtay ka mid ah. Kolkii dhibaatadii geelii lasoo af jaray, ayuu Sheikh Cabdiraxmaan Barkhadle oo ka mid ahaa kooxdii u doodaysay nimankii geela lahaa yidhi: “Guddoomiye Bile dhowr eedood ayaan hadda ka hor ka tirsanaynay inuusan noo caawinin sidii aan ka filaynay, balse, sida lama illaawaanka ah ee uu ugu babac-dhigay bangigii iyo gar-yaqaankii guud ayaa na illowsiisay  gocoshooyinkii hore oo dhan!”

Eedaha ugu imanayey reer tolkiis, waxay muujinayaan in guddoomiye Bile uusan go’aannadiisa ku salayn jirin shucuur qabiil, balse, kolba sida uu arko inay sax tahay.  Malaha arrintaas iyada ah iyo arrinta kale oo ah inuu Bile Rafle ahaa nin wax qabad ah oo mashaariic dhaxal-gal ah ka fuliyay meel kasta oo uu kasoo shaqeeyay, ayaa keentay in maanta magaciisa wanaag lagu xasuusto. Macallinka ugu cajiibsanaa Faarax Oomaar wuxuu ahaa macallin la odhan jiray: Cali Xuseen oo dhigi jiray suugaanta.  Cali wuxuu ahaa nin gaaban oo ingiriisi wax ku bartay, taariikhda iyo sugaanta Somaalidana aad u yaqaanna. Waxaan u malaynayaa inuu ka yimid magaalada Berbera.  Labada gabyaa ee uu ugu jeclaa waxay ahaayeen Cali Dhuux iyo Xaaji Adan Af-Qallooc. Cali Xuseen wuxuu ahaa nin aan loo gali karin oo haddaad ku khaldanto gabay iyo suugaan cardaadaqaha kaaga dhigaya.

La soco Q 2-AAD haddii Eebbe idmo

W/Q: Maxamed Heeban

mohamed18456@gmail.com

SHARE