Home Qoraallo ARXAN-GOYS Q-7AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-7AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

ARXAN-GOYS Q-7AAD

Dooddeynu hadda waa isku dhacday, marar badan ayaanse ku sigannay inaan kala awdanno oo aan safaaradaha kala qaadanno, haddana aadanuhu waa hadal quute, imaaduhuna waa arrin keene, balse, labadaba waxaa isku xira dan, kolkaasna waxaa suurtagal noqoneysa inaan isla jaanqaadno, si aan isula sii joogno. Ma jiro xeer noo qoran aniga iyo ila doodaheyga oo na kala xadeeya, haddii mid naga mid ah karkaarkaa dhaafana joojiya, haddana waan is af-garannaa. Anigu ma ogi waxa aadanaha iga soo saaray ee kaligeey waydiimaha igu harqinaya, isaguna ma oga waxa faafayaasha kale ka farsamo dheereeyay. Isku soo wada duuboo, waxaan si aan ku talo-gal aheyn isula garannay in midba markiisa uu ka hadlo dubaaqiisa, kan kalena uu ka dhegeysto xogta uu xambaarsan yahay dhiggiisu.

Is afgaradkeennii ka dib, ayuu i waydiiyey: ”horta wax badan i doocdoocisaye adigu maxaad iga aaminsan tahay?” Adigee ayaan ku iri: ”Aniga oo mooge ah”. Anigadaan kula doodaya ee karoone ah! Haah! Waan yara howshooday, hadda ayaanse ku gartay ee sow adiga aadanihii oo idil kadeeday. Si degdeg ah ayaan ku yiri: Aadanaha waan kadeeday oo waa runtaa, iyaguna waa is kadeedeen ee warka ii dildillaaci. Hadalkiisii ayuu sidaas ku soo koobay. Tilmaantaadu waa isaga key dhexyaacday, maxaa yeelay, tirada ayaa kaa badatay oo goob walba iyo gole kasta waad joogtaa, maalin walbana waji cusub ayaad la soo muuqataa, meel aan lagaa fileynna waa lagaa arkaa had iyo gooraale, balse, abuurkaagii hore ayaan faalleyn karaa intaan kaa aaminsanahay! Haye! Intuba waa ii dan ee maxaad ka ogtahay abuurkeyga iyo imaanshaheyga labada ba? Si degdeg ah ayuu igu waydiiey. ”Nin xasilan xagaay ma ridaa la yiri” ee horta tartiibso, intaan ku iri baan u sii daba dhigay: haah! Abuurkaagi wax badan baa iiga baxay, taasna waayaha ayaa wax i baray. Wuxuu yiri: ”ha ka meereysan ee sheeg waxaad iga aaminsan tahay!” Waxaan iri: ”waxaan kuu aqaan seddax xagalka sharta”.

Kaasi maba ahan ku aan filanayey ee sidee iyo habkee ayaad haddana ku keentay magacaas baas. Horta adigu intaad ka soo gurubsataa magacyada xunxun ee meel ka dhaca igu ah? Sidaas ayuu ku cataabay.

Waxaan iri: Faalleynta howshaas haddii aan geli tagno amminka ayaa nagu dheeraanaya ee maad naga deysid?

Kaa deyn maayo ee waa maxay seddax xagalka shartu? Mase aniga dhambaadba ii heystaa been abuur? Maxaad hadalka uga hamraneysaa, maad daboolka ka qaaddid. Sidaas ayuu igu yiri: asiga oo careysan.

Alleylehe, adiga ayaaba is caddeeyay inta aanan ku tilmaamin oo Karoone waa been inta aan ku iri baan u sii daba dhigay: Salka dhulka dhigo, si habboonna ii dhageyso, kolkaasna aan u billaabay dooddeydii dhab ka hadalka aheyd.

Qaabdhismeedkaaga hore ayaan uga soo hadlay oo ku laaban maayo, balse, asal ahaantaada iyo imaanshiyahaagaba waxaa ka dambeysa dhagar qoto dheer oo la doonayo in aadanaha lagu kala yareeyo. Haddii aan sadarrada lagaa diiwaangeliyay iyo sooyaalkaaga dib u raaco, waxaa tahay: Hub dagaaleed u dhaxeya seddax qolo oo labo ay aragti ahaan isu dhaw-dahay iyo qolooyin kale oo heer dhexe ah, arrintase daawadayaal ka ah. Kolka horese aan seddax sabab oo aad ku qanci karto ku soo hordhigo ee ila soco.

Sababta koobaad:

Aadanuhu wuxuu ka sii guurayaa nidaamkii bidix iyo midig ee ay dhismihiisu galaafatay nolosha 50-milyan oo ruux, intooda badanna ay ku dhinteen dagaalkii labaad ee adduunka. Nidaamkaas waxaa geeddigiisa la soo billaabay: 1945-tii ilaa 1989-kii. Dagaalka qabow meelaha qaar ayuu si dadban uga socdaa, balse, ujeedkiisii weynaa wuxuu soo idlaaday: 1989-kii. Nidaamkaas bidix iyo midig ah ayaa lagu soo dhaqmayey. Debshidka 2020 wixii ka dambeeyana waxaa la rejaynayaa in aadanaha loo rari doono nidaam cusub, kaas oo isaguna galaafan doona nolosha malaayiin ruux oo maanta si nabad ah ugu nool carra’edeg. Halkaas ku jooji! Ma cilmi iyo saadaal ayaad ka hadleysaa, mase, waxaan ahay ayaad ii bidhaaminaysaa, waa ku sidee? Ayuu si degdeg ah iigu yiri. Waxaa tahay ayaan tilmaamayaa, balse, waa inaan mugga hore ku tusaaleeyo, cidda daaha gadaashiisa kuu fadhida ee halkaas kaa hoggaamisa. Sidaas ayaan isaga waabiyey. Waayahay ee wad intuu yiribuu si tartiib ah u fadhiistay. Waxaan ku iri:

Qaab dhismeedkaagu wuxuu u muuqdaa, addoonsi dadban in aadanaha la geliyo, ka dibna, dhaqaala ahaan iyo tala ahaanba loo maamulo. Si gaar ahna waddamada islaamka laga dhigo kuwa quusay oo ay biyuhu harqiyeen. Waxa sidaas yeelayana waa kuwa hadda is dilaya. Waa danleey isku daaban, isku dan ah, kalana dadban!. Dhammaantood cadaw ayey isku yihiin oo isma arki karaan, haddana marka leysku daro waxay leeyihiin hal cadaw, kaas oo ah: ”Islaamka”. Sababta koobaad waa taas!

Sababta labaad:

Aadanaha ku nool carra’edeg, waxay ka koobmaan waayeel iyo dhallinyaro. Dhallinyaradu waa intii 50-sano ka hooseysa, waayeelkuna waa intii 60-sano ka sarreysa. Haddaba labadaas qolo, waxaa isku xira laba walax kuwaas oo kala ah: ”Talo ka timaada waayeelka iyo xoog lagu fuliyo taladaas oo dhallinyarada ka yimaada. Sidoo kale, waayeelka dowladaha waaweyn waxaa uga baxa miisaaniyad aad u badan oo sida ay u heystaan liddi ku ah nolosha jiilasha soo koraya. Waxay aaminsan yihiin; waayeelku mar haddii uu howl geb noqdo, wuxuu soo kordhinayaa dhaqaala darro oo kaliya. Kolkii xisaab seyniseed lagu sameeyay dhallinyarada iyo waayeelka, leysna barbar dhigay, waxaa (900-milyan) oo dheeraad ah noqday waayeelka, taas oo iyana u guuridda nidaam cusub dhabar jab ku noqotay, kolkaasna ay lama huraan tahay in booskaas la banneeyo, si dhallinyarada loo dhallan-rogo garaadkooda, ka dibna, loola wareego dhaqaalaha iyo milgahooda. Waa nolol qiyaali ku dhisan, waana waayo wax walba dhuuntu hageyso. Haddii si wada jir ah loo maareyn lahaa carra’edeg way deeqi laheyd aadanaha, balse, dad baa jira dheeraad inay helaan waayo walba u jiiraya.

Sababta seddaxaad:

Ka fogaanshaha dagaal nukliyeer ah oo dhaca. Waxaa lama huraan ah in gacan ku heynta iyo maamulidda carra’edeg ay tahay: mid ay muddo dheer ku taamayeen dadka Shiinuhu, iyaga oo taas u daliishanaya inay aadanaha saaran dhulka dushiisa ay ka yihiin 17% boqolkiiba. Macnuhu wuxuu yahay: boqolki qof oo meel joogta 17 ka mid ah ayaa Shiiniis ah. Haddaba ummadda tiro ahaan intaas dhan, haddana dhaqaalaha adduunka hoggaaminaya, waxaa lama huraan ah inay noqdaan iyagu, kuwa aadanaha wax laga waydiiyo. Waa sida ay iyagu aaminsan yihiine. Ha illaabin in gacan ku heynta aadanuhu ay dhaqaalo ku xiran tahay, dhaqaaluhuna ay maanta ku tiirsan yihiin tira badnida dadka. Mareykanka ayaase taas kala horyimid diidmo qayaxan, iyaga oo daliishada inay waayo badan ka soo talinayeen aadanaha si fududna aysan ku dhiibeyn jagadaas. Haddaba heshiisyada caalamiga ah ee adduunyada u yaalla ayaan oggolaaneyn in hubka nukliyeerka ah lagu dagaallamo, balse, waxaa hubaal ah in qoladii xaaladdu ay ku ciirto ay adeegsan doonto, wixii ay awooddo ee ay ku joojin karto waabinta cadawgeeda. Inuu ila hadlo ayuu damcay. Waxaanse ku afjigay, tixgeli ballantii aanu dhigannay oo i dhageyso, waxaanna usii daba dhigay: Sheeko cilmiyeed kaagama hadlayo, waxaanse doonayaa inaan si dhaw kuu tusmeeyo soo ifbixiddaada danta laga leeyahay ee dulqaad muuji aad igu dhageysato!. Haye! Waxyaabaha aad soo tixaysona soo gaabi oo amminka noo beeqaami, sidaas ayuu ku tiraabay.

Haddaba si looga fogaado dagaal nukliyeer ah oo quwadahaas dhex mara, waa in la helaa xal kale oo aan dhinacna lagu eedeyn karin, haddana ah lama huraan si loo kala haro. Xalkaas ayaa wuxuu noqday; dagaal qabow oo baayoolaji ahaan leysu baabi’iyo. Dagaalka baayoolajigu waa dagaal aan ka yareysan nukliyeerka, haddana waxaa adag in qolo lagu eedeeyo, maxaa yeelay, waa cudur lagu abuurayo si qarsoodi ah, sida haddaba dhacday ee adigaba laguu abuuray, ka dibna aad dunidii oo idil si dhib yar ugu baahday.

Habkee ayuu ku socdaa, dagaalka qabow ee maanta?

Haddaba, heerkaas cusub ee aadanuhu inuu ku tallaabsado uu ku hamminayo ayaa waxa leysku heystaa ciddii hoggaanka u qaban laheyd. Sidaa darteed, waxaa hardan aan hergelmo iyo hoyaad laheyn legdan isugu saaran yahay: ”Mareykan iyo Shiine” labadaas quwadood oo kala hoggaamiya labada xeer ee aadanaha maanta nool lagu dhaqo, kuwaas oo kala ah: bidix iyo midig (Hanti-goosad iyo hanti wadaag). Labadaas qolo iyo qolooyin kale oo badaniba waxay heystaan: hubka sunta ah ee aadanaha dabar jara (Nukliyeer) haddana qolo waliba waxay dooneysaa inaan hubkaas la adeegsan, mar haddii uu noolaha u yahay halis weyn oo aan laga macaashi doonin haddii leysu adeegsado. Haddana waxaa lama huraan ah in la dagaallamo si loogu kala haro hoggaaminta caalamka. Mareykanku wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayaa sidii uu booskiisa ku sii joogi lahaa aadanahana uu si guud maamule uga sii ahaan lahaa. Shiinuhuna wuxuu leeyahay: ”Maya! 75-sano ayaad aadanaha hoggaamineysay, mana aadan ku furin berrin nabad ah, sidoo kalena, uma hilaadin hiigsi aayo leh ee xilka isaga deg oo igu soo wareeji aniga.

Ninyohow! Bad aan loo joogin ayaad ku dabaalaneysaa! Ma dowlado is herdinaya iiga warran baan ku iri: mase, anigu waxaan ahay ii sheeg? Sidaas ayuu ku tiraabay asiga oo warbadnideyda la yaabban! Adiga ayaaba quwado is herdinaya ka dhashay ee maxaad ku diideysaa in laga faalleeyo? Sidaas ayaan ku iri: aniga oo diiddan inuu hadalka iga soo dhexgalo. Hab kastoon ku imidba anigu Mareykan iyo Shiine iiga sheekeey kuma dhihin ee warka toos iigu sheeg, dusha ha iiga xaadine. Sidaas ayuu igu yiri: ila dooduhu. Biya dhaca sheekadu iyadaa ku tagi doonta ee tartiibso! Intaan ku iribaan, usii daba dhigay:

Labadaas awoodood si ay u kala haraan, iyaga oo aan hubkooda nugliyeerka ah adeegsan ayaa waxa ay heleen tab ka fudud inay toos madaafiic isugu ganaan, tabtaas oo ah: ”Dagaal Bayoolaji”. Mareykanku waxay sammeysteen fayruus faafe daran ah. Faafahaas magaciis ayuu si degdeg ah u yiri: Dib ayaad ka ogaandoontaa, intaan ku gaabsaday ayaan isla markaana iri: waxay keydsadeen dawadiisii guud iyo tallaalkiisii labadaba. Kolkii ay xaqiijiyeen hadafkaas ayaa waxay go’aansadeen inay kolka hore ku weeraraan labadooda cadaw ee ugu halista badan maanta ammaanka qarankooda. Labadaas oo kala ah: Shiine iyo Iiraan, isla markaana feyruskii inta ay qaadeen ayaa waxay geeyeen labada magaalo ee saldhigga dhaqanka u kala ah: Shiine iyo Iiraan.

Magaalada Wuhaan ee gobalka Hubeey, ahna xarunta cilmiga baayoolajiga  ee waddanka Shiinaha, sidoo kalena ah: xarunta dhaqanka ee waddankaas, isla mar ahaantaana ah; magaalo ku taalla bartamaha waddankaas oo kolka lagu beero cudurka uu si fudud waddanka Shiinaha oo idil ku gaari karo. Waa yoolkii koobaad ee mareykanka. Yoolka labaadna waxay ka dhigteen: magaalada Quum ee waddanka Iiraan oo iyaduna ah: xarunta dhaqanka ee waddanka Iiraan. Magaalada Quum waxay ku taallaa iyaduna: bartamaha waddanka Iiraan. Labada magaalo ee labadaas waddan, ma ahan magaalooyin xeeb leh, balse, waa xarumaha dhaqanka ee waddamadaas sidaas ayaana Mareykanka ku riixday.

Mareykanku waxay is tuseen haddii ay labadaas magaalo ku beeraan faafaha inuu labadaas waddan si dhaqso ah u wada gaari karo. Markii ugu horreeysay ee faafaha lagu arkay magaalada dhaqanka ee waddanka Iiraan ayaa waxaa sarkaal mareykan ah oo waddankaas joogay uu ku tookhay in cudurkaan ay ku dhammaan doonaan saraakiisha hoggaamisa Iiraan iyo guud ahaan hoggaanka siyaasadda waddankaas. Sidoo kale, mareykanku abuuridda faafahaas wuxuu ku soo beegay: ”Dilka janaraalkii awoodda badnaa, dadkuna ay aadka u jeclaayeen ee ciidamada kacaanka Iiraan, Qaasim Suleymaani”. Dilkaas oo ujeedka ugu weyni uu ahaa: in Iiraaniyiinta laga howliyo xaddidaadda faafaha aan kuu soo tilmaami-doono, taas oo aheyd; dhagarro is huwan oo Mareykanku ku doonayey inuu hadafkiisa ku xaqiijiyo, cadawgiisa koobaad, ahna cadawga nidaamka Yuhuudda ee uu Mareykanku kor ka waardiyeeyo ee Iiraan. Meelo aan laguu dirsan ayaad ka buskicineysaa ee ma cadaawadda Iiraan iyo Mareykan ka dhex oogan iiga sheekeey baan ku iri? Ninyohow! maad si qumman iila toostid? sidaas ayuu i wadiiyey. Waxaan filayaa inaad ballankii noo yiil aad illowday! Isku day inaad dulqaad u yeelato, xogaha kaa gedman ee aan kuu soo faagayo! sidaas ayaan ku canaantey, ila doodihii:

Iiraaniyiintu waa ay u aamuseen waxayna amaamudeen inay mareykanka si hoose uga aarsadaan iyaga oo xeeladda iyo tabtooda gaar ahaaneed adeegsanaya. Shiinuhu sidaas ma sammeyn Mareykankuna awood uma laheyn inuu Shiinaha ku dhega hadlo, maxaa yeelay, waa quwadda kaliya ee uu maanta ka baqayo Mareykanku, dhaqaale ahaan iyo cudud ahaanna uu maaro u la’yahay.

Shiinuhu kor uma ay hadal ee si hoos ayey u aqoonyahankooda ula faqeen, isla markaana waxay go’aansadeen inay Mareykanka ka aarsadaan weliba sida uu u galay si ka xun ay u galaan. Shiinuhu waxay dib u farsameeyeen feyruskii lagu weeraray, isla markaana, waxay ku sii dareen ilaa iyo lix unug oo hidda sidayaal cusub ah, intaas ka dibna, waxay 8-milyan oo qof safar ugu direen waddanka mareykanka inta uusan bannaanka u soo bixin cudurku. Dadka ay u direen waxay ahaayeen; kuwa faafaha xambaarsan. Faafahee? ayuu si degdeg ah ku yiri. Degdeg badanidaa! iga gur warka aniga ayaa kuu sheegaya sow kuma dhihin? sidaas ayaan ku sii jeediyay doodaaygii. Wajigii labbaad ee weerarka faafidda Shiinuhu, waxay ka dhigeen dalka Jabbaan oo saldhigga raxanta (7) toddobaad ee maraakiibta dagaalka Mareykanku ku yaallo. Dalka Jabbaan wuxuu sidaa ku noqday: dalkii seddaxaad ee faafuhu uu haleelo, Shiine iyo Iiraan ka dib. Wajiga seddaxaadna waxay ka dhigeen Shiinuhu; koofurta Kuuriya oo saldhigga raxanta maraakiibta dagaalka ee Mareykanku ku yaallo, isla markaana waddanka koofurta Kuuriya wuxuu noqday waddankii afaraad ee u soo daata dhagartaas dhowrka gees ka socota. Wajiga afaraadna waxay ka dhigeen: waddamada Yurub gaar ahaan Talyaaniga, Jarmalka iyo waddanka Isbeyn oo saldhigga ugu weyn ee waddanka Mareykanka bannaankiisa ka dhisan uu ku yaallo, ahna  saldhigga raxanta (5) shanaad ee millatiriga Mareykanku ay joogaan jasiiradda Guwaam. Waana goobta ay yaallaan madaxyada ugu badan ee hubka wax gummaada ee Mareykanka. Saldhiggaan Guwaam ee raxanta shanaad ee saanadda mareykanku ay taallo, waa saldhigga ugu weyn ee ku yaalla meel ka baxsan dalka Mareykanka. Sidoo kalena, waa saldhiga ugu badan ee ay yaallaan diyaaradaha duqeymaha culus ee madaxyada nukliyeerka xambaara. Waa saldhigga uu Mareykanku ka ilaaliyo guud ahaan qaaradda Yurub. Waana saldhigga ay wadnaha farta uga haayaan waddamada Ruushka iyo Shiinuhu.

Iiraaniyeentuna waxay shaxda la fahmeen Shiinaha, waxaana laga yaabaaba in si hoose uu Shiinuhu ula soo hadlay, isla markaana Iiraaniyiinta oo shaqadooda qabsanaya ayaa waxay waddankooda u celiyeen dad ka soo kala jeeda afarta waddan ay ku yaallaan saldhigyada Mareykanka ee gobalka bariga dhexe, ku waas oo kala ah: Kuweyd, Imaaraad, Sacuudi iyo waddanka yar ee Qadar. Dadkaas oo la aaminsan yahay inay ahaayeen Shiicada ku nool waddamadaas oo dalxiis ahaan u joogay Iiraan xilligaas. Iiraaniyiintu waxay qaadsiiyeen faafaha, ka dibna, waddamadooda ayey dib ugu celiyeen iyaga oo summeysan. Waddanka yar ee Qadar waxaa ku yaallaa saldhigga Mareykanka ee ugu weyn gobalka bariga dhexe ee ciidamada Mareykanka. Iiraaniyiintu waxaa kale oo ay waddamadooda ku celiyeen; guud ahaan waddamada gacanka Khaliijka. Halkaasna waxaa kusoo geba geboobay shaxdii laba geesoodka aheyd ee Mareykanka la la dheelay, welibana  looga turuq roonaaday.

Goob walba oo saldhig Mareykan ah uu ku yaallo waxay noqotay; goob summeysan illaa uu Mareykanku si degdeg ah kula baxay diyaaradaha: (B-52 iyo B1B) Ee gummaadka culus isla markaana ah kuwa xambaara madaxyada nukliyeerka. Mareykanku kolkii uu ogaaday in doontii lala geddiyey ayuu afka labadii yeeray, isla markaana wuxuu Shiineyska ka dalbaday inay xog dhab ah ka dhiibaan cudurka ay Aadanaha u qariyeen. Shiinuhu markii hore waxay ku doodeen in millatiraga mareykanku ay cudurka keeneen waddankooda, ayaamo ka dibse, gebi ahaanba waxay diideen inay faafahaas abuureen iyagu!. Ma aniga ayaad kolba qola ii saarineysaa, maad warkaaga caddeysid haddii aad ogtahay, cidda aan si dhab ah uga soo fulay maankooda. Waydiintii aan kal hore ku warsaday weli kama haayo warcelin i qancin karta, haddana waxaad shakarineysaa meelo aan laguu dirin ka hadalkooda. Ma Mareykan laga raayey iyo Shiinees guuleystay ayaan ku waydiiyey, mase waxaan ii sheeg kugu iri: waxa aad ka ogtahay halka aan ka imid?

Dood dheer ayuu igu furay, balse, waxaan hadalkeygii ku soo koobay: ”Haddii aad dooneyso inaan kuu sheego waxa aan kuu maleynayo iyo halka aad ka timid, waxaad uga salgaari kartaa inaad warka iga gurto, ammin aan ku dhameeyana isiiso. Waxaan kaa dalbanayaa marka ay dooddu dhankeyga joogto inaadan warka iga kala jarin. Sidaas ayaan ku canaantay, markii uu dhowr goor hadalka iga soo dhex galay. Waahay! Faalleynta warkaaga ayaa igu dheeraaday ee raalli noqo, xogta aad maldaheysana daboolka ka qaad oo hore iigu wad. Hayeh! Ee i dhageyso intaan ku iri: ayaan dooddeyda sii watay:

Dhagartaas yaabka leh! Ee quwaduhu ay isku weerareen inay dhab tahay maxaa noo caddeynaya? Kolka aad si qotodheer uga fikirto habka ay aadanuhu u wajahayaan hoggaaminta adduunka, quwaduhuna ay isu baacsanayaan. Waxaa lama huraan ah: in aadanaha hab cusub lagu hoggaamiyo. Habkaas cusubna waa inuu noqdaa mid galaafta nolosha malaayiin qof. Tusaale: habka duugga ah ee aadanaha maanta lagu dhaqo kaas oo ah: ”Bidix iyo midig”. Bari iyo galbeed ama (hantiwadaag iyo hanti-goosad). Asalkiisuna uu yahay shuuciyad iyo furfurnaan. Waa nidaam la soo billaabay goor hore. Habka cusub ee loo guurayona waa inuu galaaftaa noole badan. Waxaa waajib ah: inuu dhaco dagaalkii seddaxaad ee adduunka. Haddii uu dhacana waxaa lama huraan ah; in hubka sunta ah ee nukliyeerka laysu adeegsado, kaas oo qaab dhismeedka guud ee dabeecadda carra’edeg wax badan ka beddeli doona.

Haddaba qolo waliba waxay ka fogaaneysaa inay iyadu noqoto tan billowda dagaalka isla markaana adeegsata suntaas halista badan. Kolkaas waa in la helaa dagaal bayoolaji ah oo kaas ka fudud adeegsi ahaan, balse, waxyeello ahaan aan ka liidan nukliyeerka. Taas ayaa keeneysa inay quwadaha waaweyni shax dhagareed ay isla dheelaan. Waxaa adag oo aan sahlaneyn in dagaalka baayoolajiga qolana lagu eedeeyo. Waa sidaas sida la isugu weerarayo.

Dhismaha nadaam cusub oo aadanuhu yeesho, waxaa ka horreeya is reereeb adag, kaas oo aan waxba leysu hambeyn doonin. Mareykanu inuu dhagartaan isagu malkiyey asalkeedii hore, waxaa caddeynaya dabiibaha ugu sarreeya dalka Mareykanka ee cudurrada faafa, ninka la yiraahdo: Antooniyo Fowji, haddana ah: ninka hoggaaminaya la dagaallanka lagu gula jiro ee Mareykanka ayaa 2017-dii bishi koobaad: xilligii uu Taraambo xilka la wareegayey ka sheegay jaamacad ku taalla waddankaas: ”In inta uu Taraambo xilka Mareykanka haayo uu adduuka ku faafi doono cudur aan la aqoon. Taas oo dhab ka dhigeysa inuu mareykanku si ku talogal ah kuu abuuray, ka dibna uu cadawgiisa koobaad ee Shiine iyo Iiraan kugu weerayay. Waxaa kale oo aan la illoowi karin, doodihii yaabka lahaa ee Taraambo ku tookhi jiray inay heystaan: daawo ku filan, uuna iska dhega maray warbixinnadii ay siin jireen sirdoonka Mareykanku, taas oo goor dambe fajaciso ku noqotay, markii uu garaawsaday in feyruskoodii la soo dhalanrogey. Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah: Inuu Taraambo yiri: dadka reer Amiirika ee 350-ka milyan ah, haddii ay boqol milyan ka soo harto dhib ma leh, taas oo uu sii daba dhigay: ”In dhaqaalaha Mareykanku uu sidii gentaalka u dhaqaaqi doono Karoonaha ka dib. Taas oo daliilkeedu uu yahay: inuu hore u ogaa inaad waayeelka mareykanka intooda badan aad galaafan doonto ARXAN-GOYSOW!. Sidoo kale, waxaa laga qaadan karayey: digniin guud oo uu waayeelka caalamka u dirayey. Taas oo lagu qiyaaso waayeelka adduunka joogaa inay 900 oo milyan ay dheeryihiin dhallinyarada ku nool carra’edeg.

Tororog! Walle inaad iska hadashay ee aadan wax aan moogganaa ku hadlin! Ma anigadaan doodda kugu la jira ayaad kolba cid ii xawileysaa?! Intii aanan u dhammeyn xogta aan ka oddorosay imaanshihiisa ayuu igu yiri: ”Ma ogtahay inay halis tahay, laguna dhiman karo  arrimaha aad baahineyso?

Nolol Ilaahbaa haaya, sidoo kalena, geeri Ilaahbaa haaya, waxaase iga go’an intii aan awooddeeda leeyahay inaan bulshadeyda gaarsiin doono, dhagarta ka dhaceysa hareerahooda, inbadan oo ka mid ahna ay moogeyaal ka yihiin, iyaga oo hadalba kusoo koobaya Eebbe ayaa keenay Arxan-goyska. Haah! Waa run! Maxaa yeelay, ma jiraan wax Eebbe soo dhaafay oo qaddarta Eebbaa leh, balse, Arxan-goysow! waxaa tahay been, falka asalkaaguna wuxuu ka yimid: Aadane!. Sidaas ayaan ugu jawaabay: anoo weliba isku kalsoon.

Alleylehe, dhiirranaan ayaa kaa muuqata, waxaase ila habboon inaadan howlaha qaarkood ka hadal oo aad dhegaha uun ka meersato. Sidaas ayuu igu sasabay.

 Intii aan silic u dhimman lahaa inaan si milgo iyo sharaf leh u dhinto ayaa lay qaatay ayaan ku iri.  Abwaan Salaan Carrabeey Alle how naxariistee ayaa yiri:

  • ”Haddaad dhimato geeridu marbeey nolosha dhaantaaye
  • Dhaqashiyo marbeey kaa yihiin dhegaragu xaaraane
  • Nin dharbaaxo quureed dugsaday dhaqayadeed maalye
  • Dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhowrataa ebede”.

Waa sidaas oo marbeey geeridu nolosha dhaantaa, haddana ma jirto sabab iga reebeysaa inaan xogaha qarsoon soo bandhigo, anigoo kaashanaya aqriskeyga iyo raadinteyda badan. Waana sababaha igu qasbaya inaan adiga dood kula galo adiga oo dilaa ah! Sidaas ayaan ugu jawaabay.

Inta uu igu wiirsaday, aadna u carooday ayuu igu yiri: ”Ma ogtahay; dadka aad warka u sheegeyso inay dhegoolayaal yihiin?”

Maya! Intaan ku iri: ayaan u sii daba dhigay; taas kula ma qabo, haddii ay jirtana intii xogtu ay gudaheyga ku qarsanaan leheyd inaan dibadda u soo saaro ayaa ii caafimaad badan. Wuxuu yiri: ma maqashay laashinka yiri:

  • Nin dhegool wacdiyey iyo ninkii, Dhoon nikaxan dhaanshey
  • Dhalma diid nin guursaday waqtiga, Dhaafayaa badan.

Haah! Balse, yeelkadiis. Xagasha weecsan ee aad ka soo fooftay arxan-goysow! Inaan tilmaamo ayaana iga go’an war iyo dhammaantiis! Halkaas ayaan dooddii ku hakinnay!

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo. Jimco walba.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHARE