Home Qoraallo ARXAN-GOYS Q-8AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-8AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

ARXAN-GOYS Q-8AAD

Dooddu waa habka kaliya ee bulsho lagu dhisi karo, waana waddada ugu fudud ee farriinta lagu gaarsiin karo aadanaha. Qofku kolka uu doodda iyo aragtiyaha is weydaaranaya uu aqriyo ama uu dhegeysto, naftiisa ayaa iyaduna waydiin ku doocdoocineysa, taas oo dooddaaddii ka dhigeysa mid miradhal ah, sidaa darteed, ma doonayo inaad iga gooyso hadalka maadaama aan dood xogdoon ah ku gula jiro. Sidaas ayaan ku iri: Ila doodaha oo u muuqday mid dulqaadkii uu ka dhammaaday. Wuxuu yiri: ma markii aan u diyaar garoobay inaan kala weecanno ayaad si cilmiyeysan iisoo jiidaneysaa? Ninyohow! Yaab ayaad leedahay, balse, inta aad ka gaareyso dantaada waan kula joogayaa. Sidaas ayuu warkiisii kusoo afmeeray, asiga oo u muuqda mid ammin kale oo aan kula doodo isiinaya.

Ragannimo waa u dhalasho, waana kugu ogaa inaadan meel cidlo ah iiga dhaqaaqi doonin. Dhibka ugu weyn ee i heysta ma ahan inaan aadanaha, gaar ahaan soomaalida xog u gudbiyo ee waa inaan kolka hore nafteyda waydiimaha igu harqineysa aan jawaab ay ku qanacdo u helo. Kolkii uu dareenkeygu dego ayaan dib uga sheekeyn karaa, wixii na dhexmaray aniga iyo adiga ee inta aan xogtaada ka hirqanayo ku dedaal inaadan i faaruqin oo aan isla sii joogno. Sidaas ayaan mar kale ka codsaday anoo ka sii afeefanaya inuu mar kale isku dayo inuu iga tago. Is afgaradkeennii ka dib ayaan waydiiyey, wax dabiib ah oo aadanuhu kuu helay ma jiraan oo aan ka aheyn waxyaabaha kolkaagii horeba lagaa ogaaday ee afjaabashada, kala fogaanshaha iyo is nadiifinta ah, ku waas oo annaga ”Islaamka” ah, (1441) kun iyo afar boqol, afartan iyo kow gu’ ka hor naloon sheegay? Iyada oo nalan ku yiri: ”Nadaafaddu waa iimaanka barkiis”. Sidoo kalena nalan ku waajib yeelay inaan shan jeer dhaqanno gacmaha iyo jirka qeybo ka mid ah. Intaas marka laga yimaado ma jiraan agab caafimaad oo laguu helay sida ka hortag (tallaal) iyo ka dib tag (kaniini iyo daawo)? Sidaas ayaan waydiiyey. Wuxuu yiri:

Warcelintaadu waa maya! Welibana maalmo dhaw iyo milayo dheerna reja lagama qabo in la helo. Taasina waxay aniga ii tahay kansho (fursad) aan aadanaha kula sii joogi karo. Intaan ciishooday ayaan mar kale waydiiyey: Ka hortag iyo ka dibtag  labadaba lama helin waa war loo qaateen ah, waxaana laga yaabaa; in hadda lagu howlan yahay heliddooda, balse, maxaad uga jeeddaa, maalmo dhaw iyo milayo dheerba lama helidoono? Reja beelkaas ayaa fajaciso igu noqday ee waa maxay ujeedku? Sidaas ayaan si caro leh ku weydiiyey.

Is deji jaalle, hana iska waalin ee tartiibso. Sida aad wax u rejeyneysana wax kuugu imaan maayaan, maxaa yeelay, ma jirto qof dareenkaas kula qabta, waana mid adiga iyo in gaaban ay ku taamayaan. Sidaas ayuu hadalkiisii hore ku difaacday. Ma garan ujeeddada aad ka leedahay weli ee ma ii faahfaahin kartaa adoo mahadsan? Codsigaas ayaan waydiiyey. Haah! Waan kuu bidhaamin karaa halka ay sartu ka qurunsan tahay, balse, waa inaad dulqaad ii yeelataa si aan xogta kaa dahsoon kuugu soo dusiyo. Sidaas ayuu iiga afeeftay. Aqbal iyo guddoon intaan ku iribaan u sii daba dhigay: ”Waa maxay sababta aan dawadaada milay dhaw loo heleyn arxan-goysoow?!

”Gacmo wadajirbeey geed dhiblohoo adag ku gooyaan” soomaalida ayaa tiraahda. Mar kalena waxay yiraahdaan: gowso wadajirbaa lagu wadaa inay wax gooyaan. Midigtuna maciin ma leh, haddii bidixdu maqan tahay, waa laba mantaanoo howsha maamulaaya. Haddii aad soomaali tihiin hore ayaadba warka u dhameyseen oo ma jirto meel idiin dahan oo murti laga soo galo, balse, haddii aan toos u guda galo dooddeyda; waa runteey oo ma jirto dawo la sugayo maalmo dhaw iyo milay dheer, maxaa yeelay, hiigsi walba oo aadane leeyahay iyo dagaal kasta ee uu galo, haddii uusan u wada jirin lagama yaabo inuu guuleysto. Wax kasta waxaa asal u ah: ”Midnimada” haddii taas la waayana wax walba waxay noqonayaan fashil iyo bar kuma taal. Sida aad ogtahay qolo walba, dowlad kasta iyo hey’ad walbaba goonideeda ayey dagaallan ugu jirtaa, taas oo ka dhigeysa inay dhammaantood wada guuldarreystaan.

”Qur’aansha aruurtay bulac waa jiiddaa” soomaalida ayaa tiraahda: waana runtood, sababta oo ah: quraanshadu waa uunka ugu yar uguna tamarta yar noolaha, haddana waxay awooddaa inay qaaddo culeys iyo tan aad u miisaanbadan. Taasna wada jirka ayaa ugu wacan ee haddii hal walba goonidiisa u qaraaban lahaa mar hore ayey carra’edeg ka dabar go’i laheyd quraanshadu. Haddaba waxaad mooddaa in aadanaha oo ah boqorkii noolaha, inuu intaas ay quraanshadu garatay uu garan waayey. Halkii ay aqoontooda iyo awooddoda mideyn lahaayeenna ay ka doorbideen inay kali kali u howl galaan. Taas oo goorta iyo milayga kusii fogeynaysa waaba haddii ay ku guuleystaane. Sugbal aadbaan u gartay hadalkaaga, ujeedkaagana waa fahmay, weliba hadalkaagu waa dhab oo kugu beenin maayo ee maxaa xal u ah aadanaha? Intaan hadalkii ka dhexgalay ayaan mar kale sidaas waydiiyey.

Wadajir wax lagu soo saari waayay kaligoob lagu keeni maayo. Warcelintaadu waa intaas. Waxaan kuu cadddeynayaa in wax midnimo lagu qaban waayay aan marna la qaban doonin. Tusaale: Afka ay Aadanuhu wax cunaan wuxuu ka koobmaa laba qalbax. Qeyb kore oo gowso iyo ilko leh iyo qeyb hoose oo gowso iyo ilko leh. Si kale haddii aan u dhigana daan sare iyo daan hoose. Labadaas daan iyo carrabka oo dhextaal u ah, ayaa waxay shiidaan ama ay ruugaan cunnada ay aadanuhu calaliyaan. Shaqada ruugmada inteeda badan waxaa qabta daanka hoose, halka daanka sare uu taagan yahay oo uusan marnaba dhaqdhaqaaqin. Daanka sare marka uu taagan yahay kama dhigna inuusan wax howl burburin ah qabaneyn, taas beddelkeedana wuxuu kaalmeeyaa daanka hoose oo isagu ah; kan kolba dhan u gaddiya raashinka la cunayo. Qaab dhismeedka afka noolaha ayaa sidaas ah. Waa hab ay si wadajir ah ugu wada howl galaan. “IS KAALMEYSI”. Daanka hoose calaliska iyo celcelinta ayuu leeyahay, halka daanka sare uu burburinta leeyahay. Meel kale adoon ka doonin, haddaba adigu ku baroobeey afkaaga oo tijaabi habka ay gowsaha kore iyo kuwa hoose isu kaalmeystaan. Sidaas ayuu igu yiri: intaan ku qoslay ayaaan ku iri: ”Alleylehe, waa runtaa, haddii aan jijaabiyana sidii aad sheegtay ayaa iisoo baxday oo daanka sare waa uu taagan yahay, mana dhaqaaqayo, halka daanka hoose uu shaqada inteeda badan qabanayo. Haddii sidaas la yeeli waayo, qola walbana halka ay ku wacan tahay loo diri waayo, si wada jir ahna loo howlgeli waayo, waxaa dhaceysa inaydnaan hadafkiinna gaarin. Sida aysan calooshiinna wax u gaareyn haddii aan daamanka iyo gowsuhu is kaalmeyn.

Aadanuhu intaas ayey garan waayeen ee bal adigu is waydii sida ay daawo la igula dagaallamo kusoo saari karaan? Sidaas ayuu ku faanay. Haddiiba aad sidaas wax walba u ogtahay maad iska tagtid oo aad dhinac kale noo dhaaftid! Sidaas ayaan anna waydiiyey? Haddii aan tegayo markii horeba ma imaadeen, waxaadna iila muuqataa nin ay dhinac marsan tahay xogihii aan amminka dheer uga soo qisoonayey. Sidaas ayuu iigu dhega hadlay. Arxan-goysow! Hadda ma waxaad ku hamminaysaa inaad nala joogto inta ay qiyaamadu ka dhaceyso? Sidaas ayaan waydiiyey aniga oo yaabban!

Wuxuu yiri: haah! Inta aad salaadda isaga xiraneysiin ilma aadanow! Mid idinla jooga ayaan ahaan doonaa! Maxaa yeelay, ma jirto cid dagaallan igula jirta. Qola walba inta ay goonideeda u xusul duubeyso, anna halkaas kansho ayaa iigu jirta. Midna aan kuu sheego: qolooyinka gooni goonida ugu halgamaya helidda daawo loo aayo, haddii ay helaanna ma noqon doonto mid aadanaha wada gaarta, taas beddelkeedana qolo walba waxay ka dhigan doontaa hub ay kula dagaallanto cadawgeeda. Sow aniga kolkii horeba kuu sheegay; in soo ifbixiddeyda ay ujeeddo gaar ahaaneed ka dambeysay? Meeqo goor ayaan kuu sheegay; dhagarta iyo mu’aamaradda igu xeendaaban, si guud ayaan kuugu digay, si gaar ahna waan kuugu digay, waxaase ii muuqata inaadan aheyn qof wax fahma. Dammiin lama doodi karo ee ninyohow! Na kala daa! Sidaas ayuu igu yiri asiga oo xiiqsan, caro daranna laga dareemayo. Imaantinkaagii hore iyo habka ay kuula falgaleen aadanaha aan u doodayo marka aan is barbardhig ku sameeyo warkaagu runbow noqonayaa. Sidaas ayaan ku iri: aniga oo usii daba dhigay: shiribkii ina Taraawiil (AUN) ee ahaa:

  • ”Ri dooxan ri’ bireysaneey
  • Ka roontohoo rejeey qabtaa”.

Si kastoon hadalkaaga xog warranka ah u aamino, haddana rejo ayaan qabaa, waxaana laga yaabaa in aadanaha qeyb ka mid ahi ay fahmaan dhagarta adiga ARXAN-GOYS ka ah iyo daneystayaasha muuqaalka aadane leh idinka ka dhexeysa ee xarigga adag isku la xiran, ka dibna, ay xariggaas adag dhexda ka gooyaan, sidaasna adiga iyo iyagaba looga guuleysto, isla markaana Aadanuhu ay helaan imaam guud oo hoggaamiya, inta kalena ay ku daba feysho. Mahmaah soomaaliyeed ayaa tiraahda: “Geelow! wixii aad daaqdaba, marka aad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa”. Adigana si kastood noola joogto marka ay Aadanuhu fahmaan dhagartaada ayaa laguu yaabaa. Sidaas ayaan dooddeydii ku soo afxiray.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo. Jimco walba.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHARE