Home Qoraallo Hurinta balaayada! W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

Hurinta balaayada! W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

0
SHARE

Hurinta colaadda

Maalin ka mid ah maalmaha ayuu Sheydaan damcay in uu ka geeddiyo xeradii uu degganaa, una guuro meel kale, waxa uu kaagiciyey ubadkiisii, kuna wargeliyey in uu reerku geeddi yahay, loona hayaamayo dhul aad u dheer.

Aqalkii ayey rarteen, awrtiina cayn ayaa lagu taagay, dhigo lulmanaya iyo guro uu jiifiyey ubad abtalo badan ayuu la qaaday dhabbihii, intii ay dhex sii soconayeen ayey sii mareen teendho yar oo hooy u ahayd cid lo’leey ah, wiil ka mid ah wiilashii sheydaanka ayaa arkay neef sac ah oo xiran, ayna maaleyso haweeney, agtana uu ka taaganyahay wiil yar oo aan gaarin gugii shanaad, suganayana dhamitaanka caanaha ay u liseyso hooyadiis.

Wiilkii ina sheydaan ahaa, dhibna loo dhalay, ayaa dhaqaajiyey xariggii uu ku xirnaa sacu, si uu uga nixiyo neefka, sacii oo argagaxay ayaa haraati ku dhuftay weelkii ay ku jireen caanuhu, sidaasna ku daadiyey caanihii, ma hakane, qoob kale ayuu caloosha ku gooyey wiilkii yaraa oo uu la dhul dhigay. Haweeneydii oo durba xanaaqday, ayaa uleysay sacii, intaas kuma ekeysane, waxa ay toorreey gelisay, dhuuntana jartay sacii ay reerku lisan jireen, hanti iyo shinsina uu ka lahaa adooga aqalku oo ay subaxaas kusoo kallahday ceyrnimo.

Odaygii oo kusoo baxay qaylada ayaa dul yimid sacii oo dhiig baxaya, curadkii shan jirka ahaa oo dhul yaal ah iyo islaantiisii oo gacanta ku heysata toorridii, amakaag ayaa ku dhacay, niyaddana waxaa qalaw kaga soo tiri: in ay naagtu adduunyadii bi’isay. Nin carooday iyo camalladiis’e, waxa uu si hagaagsan u garaacay islaantii, kana jebiyey lug iyo labo, iskana jaqaafsaday isaga oo weli is weydiinaya, wixii helay sacii caana badane ahaa iyo curadkii uu lahaa ha kuu ciidamiyo. Reerkii ay ka dhalatay islaantu oo ka war helay ficilladii uu ninku u geystay gabadhoodii cuddoon ahayd, ayaa weerar aan loo kala harin kusoo qaaday ninkii, kolkiisana, afka ayaa ciidda loo daray.

Rag waa kii tol lehe, isaguna gurmad ma waayin oo qaraabadiisii ayaa usoo hiilliday, dirirtuna seef iyo masaar ka gudubtay oo buntuq daryaamaya ayaa la iskula tegay, meydka iyo dhaawacuna noqoy tira beel, tol la’ayda iyo qayla dhaantuna waxa ay ku baahday tuulooyinkii deriska la ahaa iyo jufooyinkii ku noolaa dhulkaas. Ninkii Sheydaan ahaa ee geeddiga ahaa, ayaa la yaabay wixii dhacay, kaddibna wuxuu ku jeestay wiilkiisii oo uu ku yiri: “war inkaar qabe, maxaad sameysay?” Ina sheydaan oo u jawaabaya aabbihiis ayaa yiri: “Aabbe, xariggii saca ku xirnaa ayaan dhaqaajiyey oo qura ee waxba ma aanan sameyn”.

Waxa aan sheekadan uga gol leeyahay, ugana socdaa, waxaa jira dadka qaarkood oo sameeya, ku hadla, qora, ayida, dhiirrigeliya, waxyaabo yaryar oo ay u heystaan “iska caadi” balse huriya naceyb, dakano iyo urugo, sababna u noqda dagaallo sokeeye, kala irdhoobid, burbur dal, agoontoobid, qax iyo qaxooti hor leh. Markii aad wareysato qof dadkaasi ka mid ah waxa uu ku dhahayaa “maxaan dhibay, reer hebel ayaan sidaas ka iri’e, Faarax hebel ayaan mucaaraday’e, deegaan hebel ayaan sheegtaye, dalka ayaan hormarinayey’e”. Maba ku baraarugsana wuxuu geystay iyo gablankii ka dhashay hadalkiisii iyo ficilkiisii isaga la sahlanaa, laguse baaba’ay.

Soomaalida oo ah dad u nugul caaddifadda iyo hurinta balaayada, ayaa waxaa baryahaan danbe kusii dhex badanaya (Ina shaydaan) oo isugu diraya si dhib la’aan ah, kana dhex hurinaya dhibaato ay iska illoobeen ummada badankeedu, maxaase balaayooy lagu damiyaa, haddiiba uu ina shaydaan dhaqaajinayo xariggii aad ku xirneyd.

W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com
SHARE