Home Qoraallo ARXAN-GOYS Q-9AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

ARXAN-GOYS Q-9AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

0
SHARE

ARXAN-GOYS Q-9AAD

Dhagarteydu ma ahan mid ay aadanuhu ogaan doonaan goor dhaw, si kastoon anigu isaga mooso inay ogaadaanna iyaga ayaanba u diyaarsaneyn oo meelo kale ayey ku sii jeedaan. Goor dhaw iyo goor fogba jiilasha maanta joogaa ma ahan kuwa ogaan kara cidda dhagreysa iyo cidda dhowreysa. Waa ummad laga heesto meel walba oo wax laga garan karo. Qofku marka uu ogyahay in dhib heysto ayuu doontaa, raadsadaa xalka dhibaatadiisa, balse, haddii uusanba ogeyn waa qof ku nool moogaansho. Sidaas ayuu ku libin hadlay. Eeddaada tirada badan ee aad aadanaha ka sheegeyso ma ahan kuwa loo dulqaadan karo, maxaa yeelay, ma jirto bulsho wada xun. Haddii ay jiraan kuwa moogayaal ah, sidoo kalena, waxaa jira kuwa garan kara dhibka iyo dhagarta loo malkiyey halka ay daaran tahay. Yeelkeede, waxaa noo ballan ah maalinta dabiibkaaga la helo, kolkaas ayaan dood kula yeelan doonaa, haddii aan kala badbaadno. Sidaas ayaan ku iri: anoo hadalkiisa ka ciishooday.

Nin xanaaqay laga badi intuu yiribuu iisii daba dhigay: xogaha aan kuu tebinayo inaad u dhugyeelato isku day, adiga ayey dan kuu yihiine. Tabaha aan kuu tilmaamayo ma ahan kuwa iska sheeg ah, taa beddelkeedana waa tabo ku qotoma waaqica ka jira carra’edeg maanta. Hagayaasha aadanuhu waa kuwa tiroyar maanta, balse, kuwa la haagaahi waa laguug (bilyanis) qof. Xeerarka lagu dhaqo dhulka waa kuwa kooban, weliba aad u kooban. Waa qodobbo aan ka badneyn 24-qodob oo dahsoon iyo 5-qodob oo caadyaal ah, haddana aan la arkin oo aadanuhu aysan dareemin marnaba. Carra’edeg 29-kaas qodob ayaa lagu maamulaa oo xeer iyo xugun u ah. Haddii aad qaadaneyso xogtaas waa badbaadadaada haddii aad dafireysona yeelkadaa, balse, aadanaha aad ka sugeyso inay beddelaan wax walba ayna hilaadiyaan nolol dhaanta tan ay maanta ku noolyihiin heyhaata ayey ka tahay waa calaacal ay timo ka soo dhashaan.

Qolo waliba mooro ayey oodatay, isla markaana mooradaas ayey ku dagaallameysaa mana oggola in qolada la deriska ah ay usoo dhwaato marnaba, iska daa ee aadanuhu sida ay isu xigaan ama ay deris u yihiin ayaa leysugu diray. Qolo waliba waxaa lagu yiri: dabar go’iinna waxaa gacanta ku haaya deriskiinna iyo xigaalkiinna aad sida gaarka ah isugu xiran tihiin ee af idin walaaleeyo ama diin iyo dhaqan, sidoo kalena aad deegaan dhuleed, badeed wadaagtaan. Inta cadaw la isaga dhigay aadanaha ayaa haddana kor laga maamulaa. Haddii qaaradaha carra’edeg qaar ka mid ah ay billowga qarnigii labaatanaad raadinayeen xornimo iyo inay iska dulqaadaan heeryada ay ku hayaan dadka muuqaalka guud uga eg, maanta ayey uga habboon tahay inay halgan kii hore ka dhib badan, kana dheer ay galaan, maxaa yeelay, maanta aadanaha wax gummeystaahi sidii hore waa ka garaad badan yahay, awood, aqoon iyo maalna kun jibbaar maanta ayey ka badan yihiin qarniyadii hore.

Halganka dulmanayaasha ee maanta wuxuu galaafan karaa nolosha dulmanayaasha intooda badan. Kolkii hore ayaa hankool faraara leh leydin ku qabtay, sida aad isaga wareejisiinna waa adkaan doontaa ee waxba ha ii ribeyn aniga iyo adigana doodda anaa ku guuleysan doona, maxaa yeelay, anigu waxaan ku tiirsanahay buur adag. Soomaalidiinna ayaa ku mahmaahda: ”Bir ahaaw ama buur ku tiirsanow!” hadda anigu birtiina waan ahay buur adagna waan ku tiirsanahay. Halka adiga ila doodaya iyo aadanaha aad u doodeysaba aad ulo boocbooc ah ku kutubeysaan! Haddii aad dooneysaan inaad sii noolaataan hankoolka faraaraha leh ee dhuunta idiin kaga qowfalan ha isku dayina inaad bixisaan, haddii kale yeelkadiin! Sidaas ayuu dooddiisii ugu tiiqtiiqsaday.

Dhallaanka ayaa loo indha gaduudiyaa marka aad doonayso inay wax kuu hagaajiyaan ee malaha anigana sidaas baad i moodday, intaan ku iribaan u sii daba dhigay: Aan u doodno sida laba qof oo isla siman. Faanka, tororogta, eedeynta, is amaanidda iyo qolo u xaglinta intaad iga deyso sidii laba aragti wadaag ah aan u doodno. Inta san ee haddana dulman ayaan afayeen u ahay, adiguna inta xun iyo dulmi kaabayaasha ayaad afayeen u tahay ee si aan isu afgaranno aan doodda isugu dheellitirno. Ma waadan maqal soomaalidu inay necebtahay qofka isagu is amaana, aadanuhuna intooda badan ay taas ka siman yihiin. Soomaalidu waxay tiraahdaa: Rag is faanshay waa ri’ is nuugtay. Malaha adigu ragna ma tihid, ri’diina ma tihin ee walax kale oo jinni ku saar ah ayaad tahay. Mahmaahduse waxay qabaneysaa wax kasta oo dhaqankaas xun la gole yimaada. Laashin Xasan Abaaji ayaaba ku gabyey:

  • Anaa iriya waan kaa ogahay, ina rag wow eele
  • Nin ammaana tiisaa la mida, Ari is nuugaaye
  • Anaaniyo haddeey aayo iyo asal, wanaag keento
  • Afjurkii fircoon-baan biyaha, lagu asqeeyeene
  • Aabigaya ciilkiyo ka aal, eelkad hurinayso
  • Eex iyo qabyaaladu horeey, noo u tumiyeene
  • Umaddaan irdheyntiyo ka daa, waxan ku aafownay
  • Allahana ka yaab iilkiyaan, Ina adeer jirine!.

Dareenka ayaa dillaamaya, dubaaquna wuxuu diiddan yahay dhagarta iyo dhimaalka aad aadanaha la duljoogto. Taas oo ciilkeeda iyo culeyskeeduba na haayo, ha noogu darin eed iyo is ammaanid aan sal iyo raad toona laheyn. Sooyaalkii laga soo gudbay aan sidiisa uga doodno, sababtoo ah; ma jiraan wax aan ka beddelikarno. Waa loox la qoray oo qalinkii lagu xarriiqay uu baaba’ay, halka qaddii lagu qorana ay waayo hore qallashay. Sooyaalkaas hore dhankiisa silloon aan ka digno si looga gaashaanto mid la mid ah, dhankiisa suubbanna aan weeleyno si aan ugu kaashanno waxa nagu soo socda. Sabayaalka aan hadda ku jirno iyo wixii nagala gudboon aan wax iska weydiinno taas ayaan ku sandulleysanahay, maxaa yeelay, anigu waxaan doonayaa inaad iska tagto oo aad aadanaha dhinac u dhaafto weliba kaligaa maahan ee inta dhagarta iyo kala hormeynta nagu waddana waxaan rabaa inay kula baxaan oo aysan kaa harin, weliba waa inaad meel daran isla aaddaan. Adiguna waxaad rabtaa inaad aadanaha la sii joogto si aad ugu sii dul noolaato, adiga oo ay geed fadhi kuu yihiin, inyar oo aadanaha ka mid ah, balse, si dabdan uga macaasha dhagarta iyo dhimaalka aadanaha.

Siiyaalka la sugayona waxaa ila habboon inaan sidiisa u daayno. Aniga iyo adiguba ma nihin kuwa awood u leh inay ogaadaan waxa imaan doona berri iyo saadambe, kolkaas waxaa qumman inaan ka doodno waxa maanta jooga, waxa maqanna aan Eebbe u deyno. Sidaas ayaan dooddeydii ku soo afmeeray aniga oo gacan ku gambad ah. Intuu si aan gambasho laheyn iigu qoslay oo si jeesjees leh hadalkiisa ugu furfurtay ayuu yiri: “Horta ma ii jeeddaa?” maya! Ayaan ku iri: Bisinka iyo burdaha e. Haddii aadan ii jeedin oo dhanka aan kaa xigo aadan u ogeyn sow dooddaadu kuma dhisna mala’awaal iyo iska hadal uun? Sidaas ayuu igu yiri. Dareenka ayaa ku arkaya, maankuna waa ku daalacanayaa, balse, dhaayuhu si toos ah kuuma soo qabanaan. Taasina dhib ma lahan, maxaa wacay, qofku isaga oo hurda ayuu la doodaa qolo uusan arkeyn. Kolkaasna marka uu hurdada ka soo tooso ayaa haddana isla dareenku usoo bandhigaa wixii uu sheegayey kolkii uu hurdayey oo idil. Adiguna waxba kama duwanid sidaas. Waa habkii aan dooddeydii ku difaacday.

Hadda ma waxaad tahay; qof riyoonaya? Dooddeynii dhammeydna waxaad ka dhigtay mid riyo ah? Sidaas ayuu i waydiiyey! Hormarinta nolosha, fikirka iyo hal-abuurka dunidu marka hore ayey hurdo iyo riyo kasoo billaawdaan. Riyadaas ayaa marka laga soo tooso hurdada, waxaa loo rogaa ficil sidaas ayey wax walba ku dhashaan, marka taas dhib uma arko. Sidaas ayaan ugu jawaabay. Malaha aniga dhan ayaadba been ii heystaa markaas? Sidaas ayaan u fahmay duurxulkaaga? Alleylehe, hadda ayaan is af-garannay. Ma waanan hore kuu dhihin waxaad tahay dagaal qarsoon oo aadanuhu isu adeegsaday. Sidaas ayaan ku iri.

Haddii aan ahay dagaal qarsoon oo aadanuhu ku kala aarsanayo, haddaba maxaad iga dooneysaa aniga oo aad eedda dusha iiga saareysaa? Aabbe ninka yar iga celi ninka weyn anaa isaga aadadii la sheegi jiray miyaad waddaa? Sidaas ayuu i waydiiyey asiga oo wardoon ah? Taasi waa wax iska cad. Waxaase la yiri: Iduhu cirka ma fiiriyaan ilaa laga gowraco. Aadanuhuna meelo badan ayey idaha uga egyihiin, maxaa yeelay, dhibta lagu haayo iyo dhagarta lagu dabar goynayo ma dareemaan ilaa iyo kala bar ay ka dhintaan. Marka aniguna dhegooleyaal ayaan wacdinayaa, si ay u dareemaan balaayada ku hareereysan, adiguna dhagar-qabayaal ayaad u doodeysaa si aad uga dhigto kuwa baraare iyo bidhaan wanaagsan u horseedaya inta kale.

Innaga oo kala fog ayaa haddana dantu isku keenna qoobxirtay ee haddii aan laftaada wax kuu qarsani jirin maxaad uga jeedday markii aad laheyd; aadanuhu waa in badan oo la heystayaal ah iyo in yar oo kor ka heysata? Maxayse ahaayeen: 24-ta qodob ee aad sheegtay in si dahsoon carra’edeg loogu maamulo iyo shanta qodob ee aad tiri: waa kuwa muuqda oo bannaanka yaal haddana aadanuhu aysan dareemin muuqaalkooda iyo milgo tirkooda? Sidaas ayaan waydiiyey aniga oo tixraacaya dooddiisi hore ee billowga aheyd. Ma hadda ayaad soo baraarugtay! Waa garasho yaridiinna, haddana ma oggolidiin inaad qiratiin moogaanshihiinna. Laashinkii shirbay ayaa yiri:

  • Nin seexday maalin soor macaan
  • Sicii dibi dhal saaxiboow!.

Waydiintaasu mar hore ayey kuu laheyd. Adiga ayaa kanshadaas iska lumiyey. Nin seexday sicii dibi dhal. Ina Gacal Xaayow ayaa yiri: ”Nin gamaa’ hurdada looga tegay goor an loo bogin”. Warku markii uu furnaa ayey kuu laheyd inaad su’aal iga weydiiso, balse, hadda gudbeen waayihiisii. Cir intuu da’ayo ayaa la doogtaa, warna intuu socdo ayaa la weeleeyaa, soomaalida ayaa yiraahda: ee dib ha noo celin, aan hore u  soconno. Amminkii doodduna waa nala fogaaday, waana inaan soo qabbirnaa gebi ahaanteedba. Sidaas ayuu ku tiraabay; asiga oo diiddan inaan warka dib u baandheyno, si aan xogta iga daahan ee uu maldahayo u helo.

Waxaan rejaynayaa inaad heshiiskeennii hore dib u xasuusato. Waxaan ku heshiinnay inaan midkeenna uusan kan kale ka qarin waxa uu ogyahay, si marka ay dooddo dhammaato danaheenna u kala oodanno annagoo is og. Umule iyadoo og ayey uubkeeda ku fadhidaa. Annaguna waa inaan doodnaa innaga oo is og. Waa inaadan noqon beenaale. Nin laashin ah ayaa ku shirbay:

  • ”Bilisu ballankeey taqaan
  • Beenlowna wax walbow bannaan”.

Qodobbadaas aad sheegtay inay yihiin halka ay ka soo billowdaan dhagarta aadanuhu, weli waxaan sugayaa inaad ii sheegto. Naga mana dhaxeyso inaan annagu dooddii na dhextiillay isku af-garan weyno. Sidaas ayaan ka codsaday aniga oo dib u xasuusinaya ballantii hore ee aan wada galnay. Alleylehe, waa runta doqonta ayaana gadaal ka gucata ee hadalkaas xaal ka qaado. Inta aad ila doodeysana diyaar baan kuu ahay, maxaa yeelay, aadanaha oo idil kuma arkin qof sidaada oo kale iila doodaya. Aadanuhu waxay u qeybsameen: qolo yaabban! Oo meel laga jiro garan la’. Qolo og wax walba halka ay ka soo soofaan, balse, aan nasiib u yeelan inay helaan cid ay kala doodaan. Qolo shaki iyo hummanis ku nool oo kolba dhan u liica iyo qolo la iska rarto oo aragti walba oo loo soo bandhigo waydiin la’aan u dhaqangeliya.

Adiguse waxaad heshay kansho aysan helin asaaggaa, waana waajib isaaran inaan doodda kula sii wado, si aan labadeynuba u ogaanno ma dhaafaanka nolosha iyo hadafka laga leeyahay. Waxaanse si milgo iyo maamuus leh kaaga codsanayaa inaad qodobbadaas dib noogu dhigto ka doodiddooda, maxaa yeelay, waa qodobbo u baahan in mid mid loo dul istaago. Waa 29-qodob oo mid walba goonidiisa buugaag looga qori karo, haddana inaan qodobbadaas kuu wada bidhaamiyo isla markaana kuu soo koobo ayaan diyaar u ahay, balse, ammin aan ku bejiyo isii, maadaama aan xilli dheer soo doodeynay. Sidaas ayuu hadalkiisii ku soo afxiray. Asiga oo codsigeygii iga guddoomay welibana iiga garaabay.

Codsi ma dul qabto codsi kale, sida aan waydiintaba aysan waydiin kale u dul fuulin. Soo jeedinteydii waad guddoontay, welibana si xilkasnimo leh ayaad uga falcelisay, isla markaana codsi kale ayaad dooddaadii ku soo afjartay. Waxaa ii muuqata inaad tahay mid u diyaarsan in la la sii doodo, anna waxba kama qabo taas, maxaa yeelay, waxaa la yiri: ”Haddii war la helo ayaa talo la helaa”. Wax yeel kasta iyo wax qabadna waxaa ka horreeya in marka hore war la helo. Anna codsigaagi waan kaa guddoomay, kansho aad ku bejisana waan ku siinayaa, aniga lafteydu bejiino ayaan u baahanahay ee nabadeey kolka aan soo biya cabno ayeyna noo tahay. Sidaas ayaan ku iri: aniga oo usii gogol xaaranaya inaanan seegin warbixintaas dahsoon ee uu sida hordhaca ah iigu iftiimiyey.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo. Jimco walba.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

SHARE