Home Qoraallo Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q1AAD W/D: Ina CUBTAN

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q1AAD W/D: Ina CUBTAN

0
SHARE

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q1AAD

Maalmaha madaxbannaanida dabbaaldeggooda ayaa lagu jiraa oo xus badan ayaa geyiga iyo geesaha dunida aan u kala qaxnay laga dhigaa, aysan ka marnayn doodihii midnimadao o qolaba dhinac la aaddo ay ku salaynayso; damacooda rabid, dareenkooda jirid iyo daymadooda aragti.

Haddaba, qormadu ma ahan ‘aqoon’ ama ‘aqool’ baaris ee waa qoraal dulxaar iyo xusuus duruurin u ah maskaxda, maankana u ah doodin xiseed oo aan ku tusmayn doonno tagtada laga wada sheeganayo oo meelo iyo marar badan tiiraanyooyin reebtay, tacaddiyada dhacay iyo takrifallada la gaystay awgood.

  1. Madaxbannaani: waxaan ku eegaynaa cunsurro aan hore loogu garsoorin oo heliddeeda qayb weyn ka qaatay, welina ku qatan xuska iyo xusuusta bulshada.

Madaxbannaani waxaa dhalinteeda dhis iyo dhudhun u ahaa; beelaha, wadaaddada iyo suugaanleyda oo hal-adayg, haldoornimo iyo halgan adag kala hortagay gumeystihii degaankeenna soo duldegay. Qaab abaabulkooda iyo heer wacyigooda ayaa halbeeg iyo u noqday hannaan lagu hago habka halganka sidii Axmad Gurey uu hore Xabashida ugula dagaalay abaabulka beelaha oo la’aantood uusan meel ama guul midna gaareen.

Dhanka kale, haddii aan abaabul beeleed jiri lahayn, sooyaal fog iska daaye, Xabashi ka ma baxdeen Muqdisho oo la soo gashay siddeed kun ciidan kor u dhaafaya oo aysan maanta cudud ka joogin.

Saddaxdan oo marna is dhexgalaya marna midba gaar u istaagayo, la’aantooda dawladnimo la ma heleen, xorna la ma noqdeen oo waxay dhabarka u riteen kaallin aysan u diyaarsanayn iyo kaadirnimo aysan u darbanayn; waayuhu iyaga ayaa ragga abuura.

Xuska beelaha aan ku billowno beesha Abgaal Cismaan iyo hoggaamiyahoodii Sheekh Axmad Wacdiyow oo degmooyinka Cadale iyo Warsheekh talyaaniga kula dagaalay, kagana dilay boqol askari ka badan, oo uu ku jiray abbaalduulkoodii, talyaanigana lama filaan iyo ku noqotay mid aysan moodayn.

Beesha Biyomaal oo xus sooyaaleedka magaceedu ku haray, talyaanigana la galay dagaallo geesinnimo iyo naf-hurnimo ah oo casharro ay ugu dhigeen talyaaniga, caradii ay ka qaadeenna ay xasuuqyo iyo dullaysi badan ku gaysteen.

Gaaljecel oo uu hoggaaminayey Sheekh Xasan Barsane oo gaalo madow iyo caddaanba la dagaalay, maxaa yeelay, Xabashi iyo Talyaaniba wuxuu ku qaaday gulufyo uu guulo ka keenay, gaalana ku jabeen.

Beesha Wacdaan, iyaga oo kaashanaya beelaha Gelledi iyo Murursade, ayaa talyaaniga saddax mar kula dagaalay degmada Afgooye oo dhab ahaan ahaayeen dagaallo lagu hoobtay, talyaanigana askarta badan ee looga dilay uu wehliyey hoggaanka ciidankoodii.

Beesha Cayr, ayaa degmada Ceelbuur ku dishay komisaariyihii talyaaniga ee degmadaa, ka dibna, talyaaniga oo aargoosidoon ah, wuxuu afduubtay nabaddoonno iyo odoyaal, isaga oo mag, madaxfurasho iyo baad intaba ka rabay, taa sooyaalka ku gashay: dhacdadii Lug Heyreey ama Foolbiir!

Intaasi waa dhanka koofureed oo halgan culus iyo halgaadyooyin cunno goy ah ka dheceen, haddana, dhanka waqooyi ka ma yarayn oo sida uu gumaysigu koofur xeebaheeda uga soo degay, ayuu si la mid ah ugu soo doolaalay degaankooda oo iyana dirir iyo dagaal abaabulan ama indha-adayg ah lagu qaabbilay.

Beesha Dhulbahante oo eheed cududddii ciidanka Daraawiishta ayaa iyana sooyaalka xuskeedu galay, halka beesha Habar Jeclo oo uu hoggaaminayey Sheekh Bashiir Yuusuf, ay door weyn ka qaadatay sidii la isaga caabbin lahaa gumeystaha Ingiriiska, si la mid ahna, waxaa kaallin muuqata lahaa beesha Habar Yoonis oo gumaysidiidnimada geeskeeda kaga jirtay.

Beelahan halganka xornimada iyo saan-caddaale la-dirika dhexda u dhuuqsaday, dhabar adayggana u muujiyey, dawladihii xilka isaga dabamaray ma siin muunad iyo maamuus gaar ah midna, -in la daboolay waa marag-ma-doontee- oo ayba dhici karto, in qaarkiin la yaabban yihiin aragtidan, illeyn waxaa loo laqimay, loona naqdiimiyey, in beelnimadu ay ceeb tahay ka sokow, ayba ku hor-liqdaaran tahay dawladnimada oo ah aragti marin habaabineed ee bal daleel maran ha ku indha daaline, hareerahaaga inta si fiican u eegtid, dhabta iyo dhacdada ha dhaafin oo baro sooyaalka bulshadaada, si aad baraarug ruma u hesho iyo bidhaan riyaaq u higsato.

  • “Hilaadda dhuntaa haboow dhalisee
  • Hayaanka dhugmaad hubaal ku dhismee!”

Dawladihii hore keliya ma ahan ee maalmahan waxaan arkayey, aqoon is weydaarsiyo, doodo, falanqaynno iyo kulammo looga hadlayey xuska gu’guurada ‘SYL’ oo aqooniyayaal iyo aqooliyayaalba ka wada qaybqaateen, anoo kas uga tagaya dhallinyarada, -inta ay baruurug ka duwan kuwii hore ka keenayaan-, oo ilaa hadda waxaa aragtiyahaa loo soo jeediyaa, sidii in halganka gumeysidiidka, xornimodoonka iyo madaxbannaani raadinta uu la curtay ururradii rayidka siyaasadeed ahaa ee dib ka dhashay, taa oo godob ku ah halgankii ka horreegey ee beeluhu dhextaalka u ahaayeen. Marka waa ayaandarro, in weli aan ku dhacsannahay dhabbihii luggooyo ee dhabcaalladu noo dhigeen.

Dabcan waxaa jiray beelo ay hubbaneed, in ay kacdoonka gumeysidiidnimada kaallintooda ka qaadan lahaayeen oo ay keliya celisay ama ciishay, in ay degaanno xeebeedka ama dhulalkii uu isku fidiyey gumeystuhu ay ka fogaayeen, halka ay jireen kuwo maxmiyad qaayibay!

  • “Beelnimada diidow
  • Baha-baha ka cararow
  • Kuwo taa ka baas badan
  • Ayaan baallaheenniyo
  • Bogga aan ku sidannaa
  • Beerka caaraddiisiyo
  • Boqnahana na gooyee
  • Kolley baaqyadeenniyo
  • Burhaanteenna diiddaye
  • Bal baraarug keligaa!”

Fisha qormada qaybaheeda kale.

W/D: Ina CUBTAN

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here