Home Qoraallo Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-2AAD W/D: INA CUBTAN

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-2AAD W/D: INA CUBTAN

0
SHARE

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q2AAD

Wadaaddada: da’da yar iyo inta aan sooyaalka aqoon badan u lahayn, ogaalkoodu wuxuusan dhaafsiisanayn, sida uu yahay dhaqanka wadaadka soomaaliyeed iyo sawirka muuqda ee summadda iyo u noqday astaanta oo dhab ahaan ah wax in aad looga naxo ka sokow aad looga xumaado, maxaa yeeley, waxaa ayaandarro ah, in ay eelkii iyo ebtaladii ummadda haysatay unugga ugu sarreeya ee ugu saxalsan noqdeen!Marka annaga oo dib idiin celinayna, aan sooyaalkii la deday idin dulgeynno mar kale, si aad u barataan aqoon idinka maqnayd iyo ogaal aadnaan garanayn oo ah kaallinta ay wadaaddadii hore ee Soomaaliyeed ku lahaayeen gumeysi la dirirka iyo iska caabbinta bulsheed ee lagala hortagay caddaankii soo duulay, siiba halgankii adkaa ee dhiig iyo dhaqaale loo huray.

Midda tiiraanyada lahi waa, in culumadii hore laga dhigay, fongor ay tahay, in laga fogaado takoorna mudan, iyada oo loo marayo hab dhaqanno bulsheed oo waayadii hore xoog u jiray, welina baaqi ah, laguna baddalay diin muranneed iyo miino lagu qarxiyo suuqyada, ayna dheer tahay masjid lagu dhexdilo qof sujuudsan, iyada oo dabcan Alle loogu dhawaanayo! Culimada af iyo addinba u hurtay waxaan ku billaabaynaa: Sheekh Axmad Abiikar Xasan oo ku caan ahaa; Sheekh Axmad Wacdiyow ama Gabyow oo deggaannada Cadale, Warsheekh iyo inta hoostimaad halgan iyo hal-adayg kala hortagay talyaanigii xeebahaa ka soo degay, lana galay dagaallo lagu riiqday, illaa ugu dambayntii ay talyaanigu ku dileen degmada Cadale. Sheekha kale waa Sheekh Xasan Barsabe oo si la mid ah talyaaniga gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe kula dagaalay, markii dambana uu talyaanigu uu qafaashay, kuna xiray xabsiga dhexe ee Xamar, iyada oo ay maxkamaddii gumeysigu ku xukuntay soddon sano oo xarig ah, ka dibna ku geeriyooday xabsiga, iyada oo la rumaysan yahay, in uu u geeriyooday sun qolka uu ku xirnaa loogu buufiyey. Sheekha saddaxaad waa Sheekh Bashiir Yuusuf oo magaalada Burco Ingiriiskii soo galay dagaal ku ekeeyey, markii dambana ay dileen, maadaama ay u adkaysan waayeen dirir hoggaamintiisii.

Xaaji Maxamad Axmad Liibaan, oo ku caan ahaa ‘Axyaa Waddani’ isaguna wuxuu halganka gumaysidiidka horseed uga ahaa magaalooyin xeebeedka Xarar Dheer oo uu ku dhashay iyo degmada Hobyo iyo degaannada hoosyimaad.Wadaaddadan iyo qaar kale oo ay dhici karto, in aan ilduuf ahaan aananaan u xusin, aanna ka sii cudurdaaranayno, ma helin meeqaam bulsheedkii ay lahaayeen oo hubaal la’aantood aan halganka adag lagu dhiirradeen, maxaa yeelay, qaddiyad labo hab ayaa lagu difaacaa, in aad rumaysan tahay oo sal u wada ah ka sokow; in ay geeri iyo nolol kuu tahay, magac iyo meeqaamna uusan kaaga sokeyn, kaagana dambayn iyo in aad Eebbe dartii ugu mintidayso, adoo dabcan quuddarraynaya tan dambe in aad hesho abaalgud weyn, lagaana waraabsho webiyada doogeedka iyo beero barwaaqadiisa oo eheed midda wadaaddu kaallinteeda kaabaheeda saab u eheed. Sida beelaha aan sare ku soo xusnay aysan u helin sarreyntii ay mudnaayeen ayeysan wadaaddaduna u mudan, siday noogu miiseen, haddana, halka qof ee magac wadaad sheegta ee kaallin iyo ka badan la siiyey ayaa ah Maxamad Cabudulle Xasan oo ahaa madaxii Daraawiishta, oo dad badan rumaysan yihiin inta uu Ingiriis u gaystay, in ay ka badan tahay inta uu Soomaali u gaystay, marka sidee ku dhici kartaa, in taallo iyo filimaan laga sameeyo, sooyaalkiisana suugaan iyo sooyaalka caadiga ah lagu xardhay nin baqocarar galbeed iyo Caruusho dhexdeed ugu geeriyooday baqa carar, halka aan xus iyo xusuus midna loo yeelin wadaaddadii jiidda hore ee dagaalka ama jeelka hoose ku geeriyootay?

Qofka warcelinta hela, wuxuu gartay, waxa aan ku sugannahay sababta na keentay! Tan beelaha si walba oo loo qiiliyo, inta isku qarisa yeermada dawladnimo carsi iyo xukun dimoqoraaddi ah way ku dhuuman karaan ee sidee loo sheegi doonaa sedburinta qarada weyn welibana qaaawan ee aan laga qajilin, welina lala soo qaaman weyn yahay?.

  • “Qof la leeyahay
  • Asaa qarankiyo
  • Qowmka wax u galay
  • Misna qaxayoo
  • Qol Caruushaad
  • Ku qudh waayey
  • Sidee qoladii
  • Qalbi dhagaxnimo
  • Qoorta loo jaray
  • Ama la qabbiree
  • Sunta qaalliga
  • Gumeysigu qoray
  • Ay u qoosheen
  • Qolkuu ku xirnaa
  • Lagu qubayoo
  • Ku qaloombiyey
  • Sideen loo qorin
  • Qaddarkoodii
  • Sideen loo qirin
  • Qaradoodii
  • Sideen loo qaban
  • Qabweynaantood
  • Sideen loo qalin
  • Qaalmo lagu xuso
  • Sideen qaaradaha
  • Loogaga qisoon
  • Sideen qad dhigaal
  • Loogu qorinoo
  • Qaybtood loo siin?!
  • Waa qiyaas aan
  • Maanku qaadide
  • Yaa is qabadsiin?
  • Waa tiro qaldane
  • Yaa bal qeexaya?!
  • Waa qallooc iyo
  • Qardajeexide
  • Qofkii sixi kara
  • Qabbaqabbo iyo
  • Qiilna aan wadin
  • Ayaa qoor ehe
  • Maxaa qawl jaban
  • Xaajo la qarribay
  • Qoqobkeediyo
  • Quus u geeyaa?!

”Fisha qormada qaybaheeda kale.

W/D: Ina CUBTAN

SHARE