Home Qoraallo INA RAGOOW, GEERIDII GALBEED GONDAHAAGA KA FILO! W/Q: Farax Sheekh Cabdirisaaq...

INA RAGOOW, GEERIDII GALBEED GONDAHAAGA KA FILO! W/Q: Farax Sheekh Cabdirisaaq Cali

0
SHARE

INA RAGOOW, GEERIDII GALBEED GONDAHAAGA KA FILO!

Haweenka soomaaliyeed waxay dhibbane u yihiin intii ka ag dhawayd, dhabta kii ay saareen ee ay dhaleen iyo kii ay u dhaxeenba waxay ku dhiirradeen dhaxal wareejintooda waxa ayna u gaysteen dhagar aan loo meel dayin. Ina rag haddii la waydiiyo ciddii dhashay dhanna kama marayo inuu qirto inay HOOYO dhashay. Ilama aha in la helayo nin Soomaali ah oo diiddan in haweenku dhaleen, la dhasheen, dhalay, ama u dhaxday.

Haweenku waxay ragga ku leeyihiin abaal aan sinna loo gudi karin, marag iyo markhaatina waa loo hayaa, kuba daroo isaga ayaa markhaati isku ah. balse raggu waxay haweenka u gaystaan xad gudub aan xisaab laheyn. Taariikhda soomaalida marka dib loo raaco duruufaha nolosha ku gadaamani waxay lahaayeen qalafsanaan saamaynteeda lahayd, taas oo la jaanqaadaysay wacyiga iyo wakhtigii kolkaa lagu jiray, hawl maalmeedka iyo halbeegga nolosha waxa sal iyo unug u ahaa kaallinta ma guurtada ah ee Haweenka.

In kastoo culayska hawshu aanay yarayn, haddana inta ugu badani waxay huranayd haweenka, korinta iyo habidda dhallaanku waa masuuliyadda ugu wayn ee aan iyaga loogu iman, mar ay harar sameeyaan iyo mar hoy dhisaanba, haddana looma arkayn inay wax badan hayaan ee hanjabaad iyo hantaaqada loo gaysto waxa ay inan rageed u ahayd guusha uu in badan ku faano. Ragga soomaaliyeed kamay duwanayn carabtii hablaha aasi jirtay xilligii jaahiliyada, waxa caddayn kuugu filan ninka ooridiisu dhawr hablood oo isku xiga dihato xaggiisa waxay ka ahayd dayro, tani waxay muujinaysaa sida aanay bulshada Soomasliyeed hablaha ama gabdhaha u jeclayn. Xaqiiqduse waa inay haweenku yihiin aas aaska iyo udub dhexaadka bulshada.

Dumarka mar in la dilo, la dayriyo, la dayaco haddana gabadhnimo laga doono waa dhaqan aan sinnaba ugu aroorin dadnimada, hadii cid danbi laga galay waxa gaf iyo gadaafaba loo gaystay Hablaha, waa macquul inaad sababta i waydiinayso balse intaanan jawaabta kuu sheegin aan ku xasuusiyo arrin aad goob joog ka tahay iyo mid aad war dhegood ku hayso.

Labada arrimood ta danbe aynu ku horraynee bal waxaad dib u guurtaa da’da aad jirto shan laabkeed, ma aragtaa Hooyo diifaysan ee daalaadhacsan? HAA: Waad u jeeddaa, hoos u fiiri sow ma aragtid inay caga cagaagan (kaba la’aan) tahay weliba waa dumarka la majeerto ee xaragada lagu sheego, waxay dhexda ku soo dhaaftay adhi cokon oo soo cabay waxaanay rabtaa inay gurigii uga sii hor marto si ay reerka dabka ugu sii shido, daalka ka muuqda qofkii damiir lihi wuu nasin lahaa, balse adigoo rag asaagaa ah la socda ayaad u sheegtay inay geedka shaah iyo biyo idiinku keento weliba adoon u tudhayn ee u goodinaya, inyar ka bacdi waxa ooyay ilmihii ay xanbaarsanayd oo isla adigii uun ah, waa beer wax dhalaye intii ay ku habaysay ayey la habsaantay hawshii laga sugayay, cabbaar ka dib ayey xaggii geedka u qaadday wixii loo dirsaday iyo in ay ku kabtayba nasiib darrose intii ay maqnayd ayaa raggii geedka joogay ku kaftameen“hebelow ninba ma tihid marba haddii aad naagtaadii laba jeer u dhawaaqday” in yar kadibna iyada oo aan looba qarin ayaa ninkii qabay oo isla adiga ahi seddexdiiba ku yeedhiyey, naxdintu ha danbaysa e, halkii bay dani ka lugaysiisay, intay dhexda sii socotay ayey xasuusatay inaanay reerkoodii arxan ka helayn oo markii ninka lagu darayayba dookheeda lama waydiin mar hore oo ay duddayna aabbaheed oo isla adiga ahi wuxu ugu maah maahay “ama xabaal gal ama xaynka ninkaaga ku jir, balse mar danbe xagayga ha soo aadin” cabaar bay calool gubyootay, waxa ayna dib ugu noqotay ninkii duhurka cad soo dalaaqay, intay soo luudaysay ayuu habeenku dumay muska oodda ayey gabood ka dhigatay markii jaantu go’dayna waxay dhuumasho ugu soo gashay ninkii oo gurigiisii jiifa, gadhka iyo gondahaba way qabsatay, udub dhexaadka intay ku dhegtay ayey ku muusanawday“ i diloo dalqadaa iga daa” arrintani waa gafka iyo gadaafaha uu inan rageed u gaystay haweenka, weliba waa tusaalaha ugu dhibka yar ee aad gaysatay markaad shan laab da’daad jirto, haddaba inna celi iminkana oo dib u guur.

Inta aanan kuu sheegin qodobka labaad ee aad goob joogga u tahay waxaan jeclaystay inaan ku fahansiiyo dulucda iyo ujeedka qoraalkaygu maaha inta aynu soo dhaafnay ee aad soo akhriday, keliya intaasi waxay ahayd arar iyo afeefta hordhaca mawduuca. Haddaba si aynu isula jaanqaadno sow ma oggolid inaan kuu tiriyo intii aad goob joogga ka ahayd, HAA SAX aad iila soco haddaba, weliba waan kala ilawsanahaye i xasuusi wixii aan dhaafo, maya iska daa intaan xasuusto uun ha dafirin. Horta yaan kuu sheeko dhaafine, haweenku waxay ahaayeen birma gaydo aan godob lahayn, gabadha xaaska ah xilaheeda mooye nin kale xumaan ula kac ugumuu quudhi jirin xeer iyo dhaqan baana ka yaallay.

Gabadh gayaan ah guur mooye gol qaniin iyo gujotoona looma quudhi jirin, geed baana lagu xidhi jiray ninkii hadal qalloocan ku yidhaa, waa sababta ay gayi kasta u dhex lugayn jireen iyadoo arladu colaad tahay, magan lagu baxsado iyo magac lagu soo hirtana way lahaayeen oo xididnimadu haweenkay ahayd, dagaallada laysku madho iyo colkii maryo dhiigle kala furta waxa keliya ee lagu maarayn jiray ama boqolaal dhintay lagaga samri jiray hablaha godob reebta loo bixiyo ayey ahaayeen.

Aynu sheekadeenni ku noqonnee, inan ragoow Hooyadaa, walaashaa, xaaskaaga iyo inantaaduba sow haween maaha? miyay jiraan haween kale oo aan intaa ahayni, soo intaniba maaha dadka ugu qiimaha badan ee noloshaada qurxisa, sharafta qoyskaagaba soo intani ma huwana? Haa dheh. Markay sidaa tahay Hooyadii ku dhashay ee dhibka iyo rafaadka kaasoo martay miyaad jeceshay in la xumeeyo? waa maya, walaashaana waad ka dagaallamaysaa haddii xagtin yari gaadho, xaaskaagana xaggeeda lagaama mari karo oo waad ku dhimataa, inantaaduna dadba kuulama sinna ciddi uskaggeedna uma oggolid inay gaadho. Haddaba yaa haweenka kufsada, dila, ceebeeya, bah dila, nugleeya, ciila, dayaca, guhaadiya? Waad diiddan tahay inaad jawaabta sheegto, balse intaaba waxa gaysta waa RAG, kuwa soomaaliduna ha ugu sii darnaadeene. Haa waa rag.

Mar labaad aan ku xasuusiyee ragga Soomaaliyeed waxay haweenka u gaysteen dhibaato dhinac walba ka naafaysay sow goob joog maad ka ahayn inan yar oo aan qaan gaadhin oo rag waawayni kufsadeen, Haa dheh, ma cirkay kasoo dhacday soo rag uun lamay- dhalan oo walaashood may ahayn, nin walaashii kufsaday maxaa laga sugayaa soo inuu ceebteedana faafiyo uun maaha, xaqiiqadu waa sidaa.

Soomaalidu waxay hore u tidhi: “ waraabihii hooyadii cunay habaryartiina hadh u jiidi maayo” hooyada aad inanteedi kufsatay ee ‘aad inanteedi kale mooro duugtay iyadana inaad u soo socoto ma shaki baa kaaga jira. Macalinkii dugsigu hadduuu inantii yarayd ee duruusta ka dhiganaysay fara xumeeyo, kii maangaabka ahaana inuu fiidyow kasoo duubay soo ma ogin, markaa yaa la aaminayaa taloow? Intaan ilawsanay iyo inta’ aan afka kala maagayo tiro malaha, aamusnaantaadu waa inaad intaaba ogtahay, soo goob joogba maad ahayn, laakin dee, cida samaysayba sow adiga uun maaha? rag waa ii wada rag uune waxba hayska saarin.

Hablihi waxbaa helaye hays ilaaliyaan ragguna haddaanay hagaag u socon inkaarta haweenkuba way kasoo bixi, Siqiirkii waala kufsaday, Marwadii way cabatay, gabadhii way ceebaysan tahay, Hooyo way ciillantahay.

Ragga, inta qummani ha dulqaateen oo waa tii hore loo yiri: ”BAD BUUXDO HAL MALAAY AYAA QURMIYA” tiinnuna xadkeey dhaaftay.

W/Q: Farax Sheekh Cabdirisaaq Cali

SHARE