Home Qoraallo Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-3AAD W/Q: Ina CUBTAN

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-3AAD W/Q: Ina CUBTAN

0
SHARE

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q3AAD

Suugaanyahannada: aadanuhu waa hadal iyo hawraar ku noole, warquute iyo wehelrabe isku xiran oo la’aantood uusan xoolaha wax sidaa ah uga duwanaanayn, waana sabab ka mid ah samayska bulsho oo qofna keli iyo gooni u ma joogi karo, sidaa oy tahayna war la sheego iyo hadal la jeediyo suugaanta iyo sarbeebta ayaa ugu sarreeya. Anagu (soomaali) waxaan nahay bulshooyinka war-ku-noolka ah kuwooda ugu horreeya, hawraarinta suugaanna uguna habayn wacan, waana sida aan looga maarmin suugaaminta hawl walba oo la qabanayo af ama addin ama labadoodaba ha laga fuliyee. Marka suugaanta waxaa lagu gutaa hawlaha ay ka midka yihiin: huwaayeynta ubadka, carruur ciyaarsiinga, dheesha, badartumidda, dhambal falkinta, kebed samaynta, geel daajinta, waraabintiis dheelmid iyo daaqsiintiisba. Sidoo kale, waxay gashaa, marka aadane qaangaar ah lagula hadlayo; ammaanta, kicinta, caraadinta, guubaabinta iqkb oo saddaxdan dambe ay eheed, midda aan halkan kaga faalloonayno.

Haddaba, suugaantu waxay kaallin dhexaad ah ka gashay halgankii gumaysidiidnimada oo suugaanyahanno erayga dhihiddiisa iyo arar dhigiddeed loo fududeeyey, suugaan dhaadhiyana ahaa, ayaa u istaagay, in ay safka hore ka gaalaan baraarujinta, kicinta, caraadinta iyo guubaabada bulsho, iyagoo ku boorrinaya, in aysan qaadan wax aan u qalmin, una sheegaya dhagarta iyo waxyeellada uu saancaddaaluhu dadka iyo degaanka la doonayo.

Abwaannadaa suugaan dhaadhiga ah ee maanso iyo tix ugu hiilliyey halganka xornimodoonka iyo gumaysidiidku run ahaantii way badan yihiin, xuskooduna xiska bulsho wuu ku haray, maadaama aan nahay bulsho wareed oo hadal-haynta eray afeedka aan uga badannahay bulshooyinka kale, marka waxaan dhihi karnaa, sida beelaha loo laalay kaallintooda oo badi eheed ujeeddooyin siyaasadeed silloon, wadaaddana loo hagraday oo iyana ujeeddo gurracan eheed, dibna garacnimo gaalaysiin ka dhashay, suugaanyahannada haba la hoosaasiyee, haddana, hawraarradoodii afka bulsho ayuu weli ku dambeeyaa. Abwaannada Soomaaliyeed ee dab-u-shidka dareenka dadka iyo ku hoggaaminta halganka, badnaantooda awgood, waxaan ka soo qaadan doonnaa in ka mid ah, anaga oo ka sii afeefanayno, in qormadu aysan wada qaadi karin dhammaantood, muhimna ay tahay, in aan la isku kihin xornimodoonkii iyo xornimo helid ka dib ka maansoonta oo labo marxalo kala eheed. Abwaannada waxaan ku billaabayaa HALGANKII XORNIMADOONKA Sheekh Axmad ‘Wacdiyoow’ oo yiri:

  • “Soomaaliyaan u dagaallamaynaa
  • Dalkeenna ballaaran u daafacaynnaa
  • Kufriga soo dagaan diida leenahay!
  • Dadka tus danahiisa aan leeyahay
  • Durriyaddaada dab looma aasee
  • Kuwa dambaan u dariiq falaynaa!”

Mar kale, isagoo isku xiraya farriinta DIIMEED iyo WADDINAYADDA, wuxuu yiri:

  • “Rugta Qiyaamo minii roogsado
  • Rafato Naarana raar ka soo dhaco
  • Rabbiga weynnana raalli kaa noqon
  • Rasuulka Suubbanna uu ku reed maro
  • Illeen Risaaladiisi horaadna raacine
  • Haddoo raggow Qalbi waa rafaadaa!
  • Rajulka Kaafir ah oo rugtaan yimid
  • Sidii Rasuul Rabbi nooma soo dirin
  • Mana rabnoo naga reed bax waa niri
  • Haddaadse ruux la gadaasho kaa roon
  • Reerkaad u kaashan lahaydna raagaan
  • Rabbiga weynnana raalli kaa noqon
  • Ragoow haddoo qalbi waa rafaadaa.

Xaaji Axmad Maxamad Liibaan ‘Axyaa waddani’ ayaa ‘QASAD’ wuxuu ku yiri:

  • “Qasadkeeda Soomaali
  • Allahow qawiyeeyo
  • Arrintii ka qalloocan
  • Rabbi haw qummaneeyo
  • Nin Qur’aankaba diidey
  • Qaddirkey ha ka deeqo
  • Reer qabiilo-qabiilo
  • Rabbigey ha ka qaadoo
  • Quwo waaba qabaane
  • Qalbi toosan ha siiyo
  • Qaladkii nagu raagay
  • Qod kaleeto ha aado
  • Wax dhan baan qulbanayne
  • Qalbigeennu ha nuuroo
  • Qunsulaad Muslimiina
  • Qarankeennu ha yeeshoo
  • Qilaafkoo ka dhammaaday
  • Mahdi Qoom ha yimaadoo
  • Qaneecaadka billowday
  • Qabad ruuxa ha gaaroo
  • Qushigey nin yiraahda
  • Qandaraas ha la saaro
  • Hadduu qaabbili waayo
  • Qoomku haysu yimaadoo
  • Qalbiguu ka bukaaye
  • Milkigiis ha la qaatoo
  • Hadduu qaylo ka keeno
  • Meel qarsoon ha la geeyoo
  • Qoomka yuusan halleyne
  • Qabbaxaas ha la saaro.

”Abwaan Xaashi Cali Barre, ayaa gabay dheer ku yiri:

  • “Dhagaxtuur ayaantuu dhiciyo, dhimashadii Xaawo
  • Dhabbayaasha dhiiggii qulqulay, maydkii dhacadiiday
  • Dharaartaa nin joogaa xornimo, ka ma dhaqaaqeene.

“Mar kalena wuxuu yiri:

  • Dhug-ma-low wixii aan aqoon, dhagarta loo aasay
  • Amase aan ka dhiidhiyin markii uu, rag is dhabaaleeyo
  • Aan cadowga dhiif adag ku dhufan, dhaawacna u gaysan
  • Malaha waa na loo soo dhigay ee, waanu noo dhalane
  • Anana kuu ma dhiibaynno oo, waa lagaa dhicine
  • Ha dhoofaannu leennahay intaan, dhuunta laga goyne!”

Abwaan Maxamed Ismaaciil ‘Barkhad Cas’ ayaa isna ku geeraaray:

  • “Awowgey ninkii indhaha tiray
  • Ninkii aabbahay addoonsaday
  • Ninkii anigana i iibsaday
  • Ninkii ifka igu adduun tirey
  • Libaan li’i baa ishaa i bidee
  • Haddaan ogohoon ka aarsan karayn
  • Haddaan, Aadanow, unuunka jarayn!
  • Ninkaa araggiisa uurkaan ka nebcee
  • Aan ooyee albaabka ii xira!”

Abwaan Faarax Shuuriye ayaa isna yiri:

  • “Ninkii soomayee quusay
  • Biyo hoosta ka seexday
  • Naftiisii wada siiyey
  • Intuu saabka ka buuxshey
  • Kor u soo samawaaday
  • Iska seyray candhuufta
  • Sidaan Eebbe arkeynin
  • Ragga haatan sidaasa
  • Uurkoon saafi ahaynin
  • Sarraxaas na tusaayiyo
  • Sirrow uun la ma mooga
  • Soomaalaa arki doonta
  • Saacad baa weli laaban
  • Dadku weys kala sooci
  • Samaan baa la maleynoo
  • Saafigaa hari doonee
  • Saas ha leyska ogaado!”

Fisha qormada qaybaheeda kale. Haddii Eebbe idmo.

W/Q: Ina CUBTAN

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com
SHARE