Home Qoraallo Gorfeynta dhigaha Gaso, Gasiin iyo Ganuun W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

Gorfeynta dhigaha Gaso, Gasiin iyo Ganuun W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

Gorfeynta dhigaha Gaso, Gasiin iyo Ganuun

Arar

Hubaal dhigane walba waxaa uu wataa waayihiisa iyo wacaalkiisa, waxaase lagama maarmaan ah, marka aad naawisho (aqrido) dhigane oo aad dhammeyso inaad ka dhex hesho farriin iyo dhambaal uu xambaarsan yahay. Horta aan ku weydiiyee, marka aad wax aqrisanayso, ma waxaad aqridaa erayada mise tuducyada, mise  heensaha guud ee ay isugu xidhan yihiin tuducyada isku tolan ee isku toosan? Aqristuhu haddii uu is dhex taago labada sadar dhigaal dhexdooda, hubaal inuu helayo wax badan oo ka dahsoonaa kuna dhex duugan qoraalkaas ama dhiganahaas.

Waa kuma qoraagu: “Gaso, Gasiin iyo Ganuun” waxaa qoray oo si habsami iyo farshaxannimo togan u haaneeday, bare sare Cali Jimcaale Axmed, Bare wax ka dhiga Kulmisada(Jaamacadda) Queens College ee Magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waxuu dhigaa maaddada isbarbardhigga suugaanta dunida (Comparative Literature); waxa uuna dhigaa suugaanta Afrika, Yurub, Mareykanka, Aasiya iyo tan Islaamka. Bare sare Jimcaale, waxaa uu maraq aqooneedka Ph.D ka qaatay Jaamacadda UCLA, ee dalka mareykanka Gobolka Kalifoornia, magaalada Loos Anjalees. Bare sare Jimcaale dhiganayaasha uu qoray oo ku qoran Afka Ingiriiska waxa ay kala yihiin : The invention of Somalia, Daybreak is Near, Fear is a Cow, Diaspora Blues, The Road less Traveled, Silence is not Golden, When Donkeys Give birth to calves.  

Maaha intan uun waxa uu qoray mana aha sooyaalkiisu mid aan qormo iyo qoraal ku qeexi karnee waa uun farmuuq aan is leeyahay inta aan aqoon ha bartaan.

Dhiganaha Gaso, Ganuun iyo Gasiin, waxaa ugu horreyn u baahan qeexid magacdhawga dhiganaha. Gaso waa xero, Ganuuna waa weel, Gasiinna waa dheef iyo waxii jadiinka mara, ma saas ayuu ula jeeda haddii aad qaabka ay u qoran yihiin u qaadato waa lays odhan karaa mase aha ee magacu ka qoto dheer  yahay ama ka sii mug weyn.

Gaso: waa hooy wax uusan aadanuhu ka maarmin, adigu waxa aad leedahay gaso aad ku hoyaado, haddana gasadaas ayaa ku sii taal gaso kale oo weyn magaalo ay dad badani kugula hoyaadaan, gasadaas ayaa ku sii dhex taal dal ay dad badani kula wadaagaan, gasadaas ayaa ku sii dhex taal ifkan Eebbe ina keenay oo ah gasada guud ahaan ee aadanaha. Gaso waa hooy waana bar noole kastaa qudhaanjada ayaa ugu yare ay leedahay oo god bay u hoyataa, haddaba gaso waa mid ka mid ah lagama maarmaanka nololeed hadba ballaca iyo baaxadda ay doonto ha le ekaate.

Ganuun: waa agab aynu wax ku shubanno, haa waa midka aynu caanaha ku lisanno, waana haanta hadhuubkeeda. Waa weel, oo noloshu agab la’aan miyey jiri kartaa dhan walba? Warcelintu waa maya, haddaba ganuun halkan waxaa uu ugu jiraa guud ahaan agabka nololeed ee aynu baahiyaheenna u adeegsanno kuwaasoo aan dhannaba looga maarmin.

Gasiin: waa cunno waa wax la dheefsado, hunguriga iyo dhuunta mara, waa dhab, balse ogoow noole kasta oo waagu marka uu baryo toosaa, waxaa ugu horreeya ee baahidiisa ahi waa gasiin siduu ku heli lahaa. Dhammaanteen waxa aynu baadi goob ugu jirnaa gasiin, magaca uu doono ha lahaado, muuqaalka uu doononana haw ekaado. Halkan waxa aynu ku ogaan in gasiin yahay kaalinta saddexaad ee nolosha, haddii aadan lahayn, gaso aad ku hoyato, ganuun iyo agab aad adeegsato, gasiin aad ku cunto,  waxa aad tahay mid ka qatan kana fara madhan hawshii ifka.

Aan intaas uga gudbo faalleynta magacdhawga dhiganaha oo ah mid gudo ballaadhan, balse aan ku koobay in yar oo bidhaamin ah. Ogoow gorfeeyuhu mar walba ma buuxin karo heerka qoraagu u qaabeeyey ama u qotomiyey, balse waxa uu ka soo qaataa inta garashadiisa uu ka helay maankiisuna gedgeddiyey.

Dulucda iyo biyo dhac: buuggu maaha mid guntiisa qof welibaa gaadhi karo, waase geed midho leh oo ninba intii gacantiisu gaadho ka haabanayo, sidoo kale ninba heerkiisa garasho ayuu ka guddoonsanayaa, dhiganaha Gaso iyo Ganuun iyo Gasiin ayaa waxaa uu gudbinayaa dhawr qaybood oo kala duwan.

Maantoole: Dhacdooyin isku maran oo wacaaltebis iyo waayo warran ah uu qoraagu barayo waayo aragnimada nololeed aqristaha, waa halka ay ka billaabato barashada afkuye, dhallaanka ayaa waxaa looga sheekeeya sheeko xariir, maaha sheeko xariirtu mid fudud ama la dhayalsan karo, waa dugsiga koowaad ee nolosha, waxaa lagu baraya halka aad ku nooshahay, afka aad ku hadasho, dadka aad ka dhalatay iyo waayaha kugu xeeran, iyadoo hadba halkudheg gaar ah laguugu soo tebinayo, sidaasoo kale ayuu sheeko xariir iyo maantoole inoola wadaagayaa qoraagu, hadba uu dhan iyo dhinac inaga tusayo nolosha iyo is gedgeddiskeeda.

Murti: Waxaa dhiganahan dhex ceegaaga, murti aad u badan oo afka soomaaliga ku dhan yahay maay iyo maxaa tidhi, maahmaahda iyo suugaanta uu qoraagu isku dhilay iskuna dhaabay ayaa ah kuwo aadan marnaba ka xiiso dhigayn, haddii qof hadlo oo uusan hadalkiisa murti iyo maantoole ku darin, hubaal waa gasiin iyo aan lahayn goosaar iyo iidaan oo qalallan. Murtidu waa dhayaha maanka, haddii gacantaada ama fartaada bir aad gelisay ku dhegto, waa la sabaaliya oo subag iyo dufan ayaa la marshaa, taasina waxa ay si debecsan oo aan kaar lahayn u fududeysaa in birtii aad kala baxdo gacanta ama farta, sidaasoo kale, marka hadalka iyo dhigaalka lagu iidaamo suugaanta iyo murtida waxaa uu maanka uga degaa si ka qumman kana qurux badan haddii uusan lahayn murti.

Maad iyo madadaalada: Waxaa sheekada ku jirta maad badan oo aad keligaa marka aad aqriyeyso iska muusoonayso, maankaaga riyaaq iyo raynrayn gelinaysa. Maadda ma laga weynaadaa? Aragti ahaanteyda may, balse habka loo maadeeyo ayaa marba heer joogo, dadka carra edeg ku nool, isku si uma yaqaannaan maadda iyo madaddaalada, qoloba waxbaa ka qosliya oo dareen obsi geliya. Qaybaha maadda ah waxaa iigula qosol badnaa in Jabaq aabbihii oo ah qoyska saldhigga u ah sheekada, odaygu Jabaq dhalay in uu la kulmayo wiil iyo gabadh reer magaal ah oo haasaawaya ama is shukaansanaya, waxaanna dhex maraysa sheeko ka hadlaysa is maandhaafka iyo is diiddooyinka reer miyiga iyo reer magaalka, taasoo aad ka dheehan karto, sida qoraagu xog ogaal ugu yahay, facii hore, faca dhexe iyo faca cusub ee haatan jooga mid walba habdhaqankiisa iyo heerkiisa nololeed.

Haddaba intan oo isku dhilan ayuu xambaarsan yahay dhiganaha Gaso, Gasiin iyo Ganuun, waxyaabaha xiisaha leh ee aadka ii soo jiitay ayaa ka mid ah, dhacdooyinka uu qoraagu inala wadaagayo oo ah maan carbis uu ku laylyayo garaadka qofka aqristaha ah, waxaa carra edeg maanta ka jira wax loogu yeedho aqoon maamuuris (Sceince Fiction) waxa aan mararka qaarkood maqalnaa, aqrin aa ama daawannaa qoraallo, muuqaallo iyo dhacdooyin ay ku jiraan in noole aan aadanaha ahayn hadlaa jiro ama u dhaqma qaabka aadanaha oo kale, waxaa jira buugaag badan oo ka sheekaysa arrimahan. Hubaal waa qaab laynoo dareensiinayo habdhaqanka dahsoon ee duur joogta, baalalleyda iyo dab joogta inala nool. Mararka qaarna waxaaba dhacda in laynooga sheekeeyo Jinniga oo ah duul aynaan arag balse aynu maqalno. Isku soo wada duub oo dhacdooyinkani waa kuwa ina baraya cid walba oo inala wadaaga noloshan ifka inaan ka haysano aqoon iyo garasho nagu filan.

Bal dib u milicso waayaha sheeko xariireedkii aan hore u soo sheegnay, waxaa ubadka la bari jiray hab nololeedka noolaha duur joogta, ugaadh iyo habar dugaagba ama meesiyada aynu dhaqanno ee dab joogta ah, inay hadlaan,  inay taliyaan in ay wax dhaqdaan iyo in ay hooy leeyihiin.

Marka maanta aad aragto Filim Kartoon la sameeyey diin hadlaya ama libaax talinaya, ogoow waa sheeko xariireedkii boqol tirisyada (Qarni) ka badan geyigeenna ka jirtay oo la cusboonaysiiyey laguna saameelay waayaha iyo agabka cusub ee maanta la adeegsado.

Sidaasoo kale ayuu qoraagu inoo dhex dalxiisinaya, sheekooyin maan curis ah oo aad u xiiso badan, kuwaasoo ku ladhan kuna lammaan isla sheekooyinka kale ee waayaha dadyoowga kale ee ku dhaqan carra edeg.

Waxa aan ka madhnayn oo dhan walba dhiganaha aad uga bogan doontaa, awoodda af aqoolnimo ee qoraaga, waxaad ka baran doonaa, erayo iyo murti badan oo afkeenna hooyo ah, weliba Maay iyo Maxaa tiriba ah.

Waxyaabaha aadka ii xiisaha geliyey ayaa ka mid ah, inaad marar badan is arkayso adiga iyo qoraaga oo uu si foolka fool ah inta dhiganaha u soo dhex galo kuula hadlayo, kaddibna marka aad waxoogaa is weydiiso, Bare sare Jimcaale xagguu kuu wadaa, ayuu haddana isla isagu kuu warcelinayaa oo ku odhanayaa, ma sheekadii baan ka dhex galay iga raalli noqo, waxa uuna mar kale kugu celiyaa halkii ay sheekadu kuu maraysay!

Qaab qoraalkeeda togan ee Bare sare Jimcaale kuma arag intaan aqrisanayey sheeko Soomaali iyo mid shisheeye toonna, waxa uuna ahaa mid barasho iyo baal hor leh iiga furay aqriska.

Waxyaabaha aadka ii soo jiitay waxaa ka mid ah waayaha uu xambaarsan yahay iyo habka farshaxanimada leh ee qaab walba oo nolosha aadanaha ku saabsani ugu dhan yahay, magacdhawga iyo eray bixinta aadan marnaba ka daaleyn, sida uu isugu tolan yahay dhiganuhu, haddana aad Carra edeg gawar ka gawar adigoo halkaaga fadhiya u soo dhex mushaaxayso.

Gebo gebo iyo Gunaanad: Waxa aan si guud mar ah kuula wadaagay, waxa aan ka dhex arkay ama ka helay oo kooban, waxaadse habdhaca sheekada iyo heemaalkeeda kaga bogan kartaa markaad adiguna aqrisato, waa dhab in laga yaabo intaan ka helay ka badan inaad ka hesho amaba aad ku dhex ambato, sidii ruux jad cidlo ah inta roob ku helay, dayoobay oo kala garan waayey afartii goonyood meel ay ka xigaan oo hadba jar isku qaaday.  Waa sida aan hore kuugu sheegay dad waa kala maan, waxaanse hubaa haddii aad si qumman intaad hoos galbeed u doonyeysato, koobkaaga casariyahana qaato, in aad kala kulmi doonto, waayo badan oo kaa gedmanaa iyo wax badan oo aadan dhaadsanayn.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE