Home Qoraallo Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-4AAD W/Q: INA CUBTAN

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-4AAD W/Q: INA CUBTAN

0
SHARE

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-4AAD

Midnimo: si ahaan waxay noqon kartaa; isu geynta ama isku daranka labo wax ama ka badan oo isku jaad iyo isku jin ah ama kala duwan, kalana durugsan. Halkan midnimada aan ka hadlaynaa ma ahan mid degaan ama dadeed oo dadka soomaaliyeed horaba mid ayuu uga ahaa, xagga; isirka, afka, dhaqanka, hiddaha iwm. Marka midda aan falanqaynteeda geli rabno waa tan dawladeed ama siyaasadeed oo eheed aragti nololeed iyo maamul oo soomaalida ku cusbaa.

Gumeysigu inta uusan soo gelin degaankeenna ka hor ayey kala qaybsadeen oo waqooyi Ingiriis ayaa duldegay, loona aqoonsaday; ‘British Somaliland’, koofurna waxaa qabsaday Talyaaniga, waxaana loogu yeeray; ‘Italian Somaliland’, halka Jabuuti uu qaatay Faransiis oo loogu yeeray; ‘French Somaliland.’ Intii aan halganka gumeysidiidnimada ah ku jirnay, ayey ka dhex aloosantay Talyaani iyo Ingiriis oo in hore midba gaarkiisa noo dilayey ka sokow, haddana waxay ku soo dareen, in ay noo askareeyeen dagaalka dhexdooda ah ama duldegga ay ku hayeen bulshooyin sidoonna kale itaal darnaa, siiba Ingiriiska oo berigaa loo yiqiinnay; ‘Boqortooyada aan qorraxdu ka dhicin’.

Halgan dheer oo af iyo addin, naf iyo maalba lahaa oo ay ka qaybteen dhammaan qaybaha bulshada, beelaha (awood ciidan), wadaaddada (dhisidda caqiido qofku ku dagaallamo) iyo suugaanta (dhiirrogelin iyo isgarsiin), waxaa soo dhawaatay amminkii aan heli lahayn madaxbannaanida. Marka laga reebo rabidda qaadashada madaxbannaanida oo eheed dhabtii arrin aan wax walba u hurnay, haddana, ma jirin qorshe diyaarsan oo qoraal qodobbaysan ku qeexan; madaxbannaanida ka dib, maxaa xiga, oon u baahannahay, dabcanna ay midnimo kow ka tahay?.

Isla markii waxaa dhashay aragtiyo is diiddan oo ku aaddanaa sida iyo wax laga leeyahay ama laga yeelayo xornimada oo badi ay dabada ka riixayeen gumaysiga labadiisa tooska ugu lugta leheed iyo kawa dibadda ka joogay, oon ka marnayn laaqidda xaalkeenna, ewelba iska ahaa luufluuf. Halkan waxaa ka caddeed kala daadsanaan aan abaabulyari ahayn, kuna iman is ogaal la’aan dadka labada gobol kala deggan, balse, ka dhalatay aqoonyarida aan u lahayn maaraynta siyaasadeed, welina aannaan waxba ka kororsan aqoonteeda lixdan sano ka dib oo ilaa hadda, sidii maalmahaa loo geli jiray xaajo walba oo siyaasadeed ee aayaha dambe taabaynaysa, ayaa rorog iyo sii ridnaan la’aan lagu gooyaa, sidii sheeko dhagaysi caweys ciyaareed looga hallaasayo ama socodyo is daba qulqul ah oo looga gudbo dhacdada aan gunteeda la gaarin.

Aqoonyarida siyaasadeed waxay dhalisay, malaha gefkii go’aaneed ee ugu weynaa, uguna qasaraaha badnaa, welina aan ka soo waaqsan la’anahay, oo ahaa talo soo jeedintii Ingiriiska ee uu la shiryimid wasiirkoodii arrimaha dibadda Bevin, loona baxshay qorshihii ‘Bevin’ ee ahaa, in Soomaalida hal gumeysi la hoosgeeyo, halka ay hadda saddax gumaysi u ka la qoqoban tahay, iyadoo markeedii horaba qabiillo u kala qabbirneed oo talo soo jeedinta Ingiriisku ku doonayey, in uu isagu helo xilka madaxbannaani gaarsiinta Soomaalida oo noqday arrin aan suuragelin, in aan laga fiirsan, in baqdin nagu jirtay iyo in dalal kale dhegaha wax noogu sheegeen awgeed oo qodobka dambe yahay, mid labadan sare sii xoojinaya. Markii qorshahaa la laalay ee lagala hortagay bannaanbixii; ‘Fuor Pawer’ hal-ku-dheggiisu ahaa oo ka dhigan, afartii awood ee dagaalkii labaad ku guulaysatay oo wadasocda, in ay na gaarsiiyaan madaxnimada oo eheed calaacal timo ka soo baxaan iyo wax aan dhaceyn, ayaa qolo walba meeshii ay haysatay loo daayey, sidaana aan ku qasbanaannay, in aan iska suganno madaxnimo aannan mar kale qorshe iyo qaab midna u diyaarsan.

Sanadihii ka horreeyey madaxbannaanida, waxaa hirgashay hanaqaad ka dib, aragtida Soomaaliweyn iyo midnimo raadinta oo la is la qaatay, in si walba lagu raadsho, dhabba walbana loo maro oo eheed iyana aragti hufnaan iyo heersarrayn is huwan leheed. Cawadii calan madaxbannaani dhul soomaaliyeed laga suray, waxaa dhaqangashay, aragtidii mideynta labada gobol ee waqooyi iyo koofur oo shan maalin ay u kala dhaxaysay madaxbannaanidooda oo kala dhacay: 26/06/1960 iyo 01/0701960, markan dambana midowgu toos u hirgalay. Madaxbannaanidii la hel, midnimadiina hirgahsay, haddana, sidii aan hore u xusnay, maadaama aan qorshe jirin, waxaa loo qoondeeyey awood qaybsihii dawladeed, mid aan loo sinneyn ama saami tixgelineed ku salaysneen oo durba dhaliyey tabasho iyo gunaanac reer waqooyi galay.

Midnimadii durbadiiba tash iyo waxaa ku furmay tashwiish, illeyn markii horaba rabid iyo jacayl wax ka baxsan oo isu geeyey ma jirine oo hannaan maamul dawladeed marka la fiirsho, waxay u baahneed dhigaal iyo qodobbo cad oo aan la iska fasiran karin, la lana gaar noqon karin, si aan maaraynta dawladnimo marinkeed looga habaabin. Marka waxaan dhihi karnaa, midnimadii gacalnimada ku dhalatay, waxaa wiiqay qoondoxumo, qab damac ku daaban iyo qabyaalad oo aan si fiican loogu baraarugin, siiba sanadihii dambe ee uu talinayey maamulkii mileterigu oo wax walba oo Soomaali u dhigmi lahaa ama u dhiteysmi lahaa kala dhantaalay, dhimaal xooggan dhexdhigay dhammaantood.

Waa taa ka la dhaqaaqday! Laab-la-kacii markii hore la is ku la mid noqday, markii ay ka horyimaadeen isdiiddooyinka nololeed, qaybinta awoodda oo qalloocneed iyo doonisyaha dadyowga qaarkood oo labada dhinacba ahaa, haddana, ay awood marooqsi ay ku darsantay iyo in lagu takrifalo, laguna gaboodfalo degaannada iyo beelaha, waxay dhashay kala-haad iyo kala-qax aan weli la isu soo laaban, maxaa yeelay, dhaawaca ay dhalisay amar-ku-taaglayntii ayaan weli la dhayin, kana darane aysan muuqan; dareen, dadnimo, aragti, ogool, ogaal ama aqool lagu doonayo, in lagu baaniyo nabarrrada iyo fiitooyinka ka dhashay midnimada la dabamaray ama kuwa dirqintu dhashay. Waxaa la dhihi karaa, kanna waa qaladaadkii dhacay, kii labaad ee ciribxumo iyo qoomamo dhaliyey oo aan garan weynnay, in aan awoodda maamul aan u daadejinno degaannada iyo goballada oo aysan noqon wax hal magaalo ku urursan, sida aannaan ugu guulaysan, in aan maareynta dawladnimo aan ka bixinno xashinta iyo xaniinyaha dhawr qof oo u arkay, in ay keligood leeyihiin, sida ay doonaanna ay ka yeeli karaan, sidii hantidii tolkood ama geelii la ka la dhici jiray.

Hadda, lixdan sano madaxbannaanidii iyo midnmadii laga joogo, ku dhawaaad soddon sanana laga joogo burburkii dawladnimo, madaxbannaani ma jirtaa? Maxaa ka haray labadaa oo aan bulsho ama beelo ahaan dugaashan karnaa? Maxaa qalloocday oo u baahan toosin iyo talo aqool dawladeed? Maxaan ka barannay wixii na soo maray, siiba qaldidda go’aannadii aayo-ka-talinta ahaa ama waayadan burburka iyo colaadaha lagu jiro? Waa weydiimo aan isku dayidoonno, in aan ku lafogurno qaybta u dambaysa ee qormada.

Fisha qormada qaybaheeda kale. Haddii Eebbe idmo.

W/D: Ina CUBTAN

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com
SHARE