Home Qoraallo Dib u milicsiga GASO, GANUUN IYO GASIIN W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Dib u milicsiga GASO, GANUUN IYO GASIIN W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Dib u milicsiga GASO, GANUUN IYO GASIIN

Dhiganaha: Gaso, Ganuun iyo Gasiin. Brof: Cali Jimcaale Axmed

Prof: Cali Jimcaale Axmed, waa aqoon yahan wax ka dhiga: Queens College ee Jaamacadda magaalada New York ee dalka Maraykanka. Wuxuu dhigaa maaddada isbarbardhigga suugaanta dunida (Comparative Literature), waxa uuna dhigaa suugaanta Afrika, Yurub, Mareykanka, Aasiya iyo tan caalamka Islaamka. Prof. Jimcaale, waxaa uu shahaaddada PHD, ka qaatay Jaamacadda UCLA ee gobalka Kalifoornia. Waxaa uu ku takhasusay, buugaag badanna ka qoray halka ay iska qabtaan suugaanta, dhaqanka, bulshada iyo siyaasadda. Prof. Jimcaale, waxa kale oo uu qoray: gabayo, buugaag iyo sheekooyin ku qoran Af-ingiriis. Buugaagtiisa, waxaa ka mid ah:

  1. The invention of Somalia,
  2. Daybreak is Near,
  3. Fear is a Cow,
  4. Diaspora Blues,
  5. The Road less Traveled,
  6. Silence is not Golden,
  7. When Donkeys Give birth to calves,
  8. Gaso, Ganuun iyo Gasiin.

Prof. Jimcaale, waxaa gabayadiisa, buugaagtiisa iyo sheekooyinkiisaba loo tarjumay afaf ay ka mid yihiin:

  1. Jabbaanka,
  2. Turkiga,
  3. Bosniyaanka,
  4. Burtuqiiska.

Prof. Jimcaale, waxaa kale oo uu ka mid yahay aasaasayaasha iyo tifaftirayaasha Journal of Somali Studies (JOSS) oo ka soo baxa dalka Ingiriiska. Haddaba Gaso, Ganuun iyo Gasiin waa buug falsafadeed, nuuca loo yaqaanno sheeko-faneed. Sheeka-faneeddu waxay kulmisaa waayo tegay, waayo jooga iyo waayo-dhiman intaba.

GASO:

Gasadu waa meel oodan ama wareegsan, kolkaas waxay noqon kartaa meel duunyada lagu xareeyo ama lagu mooreeyo, sidoo kale waxay noqon kartaa meel dadku ay ku negaadaan sida aqallada iyo guryaha. GASO, waxaan ka baraneynaa in hardanka ugu culus ee dunida ka jiraa uu yahay sidii loo sii jiri lahaa, (Saciid Maxaad Raage, Xaa looga kala guuray? Reer Jabaq maxay uga soo hayaameen kobtaas iyada ah? Kaawadii intay ku dambeysay, intayse ku dambeyn-doontaa? Qawmiyadaha guud masiirkoodu xow noqon-doonaa IWM?). Sii jiritaanku wuxuu ku xiran yahay in la helo ama la haysto: mooro lagu dhex noolaado, agab lagu joogo moorada iyo dareere lagu dhunxiyo moorada dhexdeeda, dareerahaas oo asalkiisu uu biyo yahay. Noloshu, waa ”biyo, biyo zamzam, biyo xareed, biyo macaan, biyo dhanaan, ceel biyood, war biyood, biyo biyo…” Gasada buuggu uu tilmaamayo waa mid kulmineysa dadka iyo duunyada ama noolaha oo idil. Kolkaas gasadu, waxay noqonaysaa jiraalka carra-edeg adduunka aynu ku noolnahay oo hal gaso oo lagu wada jiro ah. Dhulku waa gaso kor ka daboolan. Waxaana dahaar ama derbi u ah oo dhinacyada uga wareegsan korna uga daboolan: ”Cirka”. Sidee ayaad ku ogaatay taas? Caddeyteedii waa tan ee ila dhuux macnaha aayaddaan, ka dibna, magac-bixinta buugga Gaso dulsaar, car waa kaase yaadan helin ujeeddo kale oo kaa dahsoon, dhiganuhuna si dadban kuugu tilmaamayo. Aayaddu waxay leedahay:

وَجَعَلْنَا فِي الْأَرْضِ رَوَاسِيَ أَن تَمِيدَ بِهِمْ وَجَعَلْنَا فِيهَا فِجَاجًا سُبُلًا لَّعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ ﴿٣١ ﴾وَجَعَلْنَا السَّمَاءَ سَقْفًا مَّحْفُوظًا .وَهُمْ عَنْ آيَاتِهَا مُعْرِضُونَ

Eebbe wuxuu yiri: Dhulka gudihiisa ama dushiisa waxaan ka yeelnay gogol (GASO) waxaanna ku dhakawinnay buuro si aysan sukaanta iyo noolaha dulsaaran ula dheellin. Intaas oo kaliya ma ahan ee haddana gogoshii ama Gasadii ayaan ka yeelnay: mid leh waddooyin lagu safro (Subul iyo fijaaj) qofkii raba inuu ku safro cirka wuxuu helayaa dhabbi uu maro. Qofkii doonaya inuu ku safro badda wuxuu helayaa dariiq uu maro. Qofkii doonaya inuu ku socdaalo dhulka wuxuu helayaa boqollaal dhabbi oo kala duwan. Taasina waxay ka mid tahay: galladaha laguugga ka badan ee aan ku dhex-heysanno Gasada Brof. Jimcaale sida dadban noogu sheegayo. Allow yaan gasadaas ku kibrin ee si nabad ah ugu dhex-noolaada. Aayadda labaadna waxay leedahay:

Samada/cirka ayaan ku daboolnay; dhulka ama Gasada aad ku dhex-nooshihiin, waxaanna uga dhignay saqaf dhowrsoon oo la ilaaliyey.

Haddaba GASADII aan ku dhex sugneyn ayaa haddana waxaa naloon ka dhigay: mid aamin ah oo kor ka daboolan. Waa nimcooyinka aan la soo koobi karin ee Eebbuhu nagu maanshoodiyey.

GANUUN:

Ganuun, waa erayga labaad ee sheekada. Ganuun, waa ”aambur, dabool, afxirka dhiisha ama haanta lagu daboolo iyo waxkasta oo aan looga maarin in la dedo”. Marna waa weel lagu shubo dareere ama lagu cabo ‘biyo, caano, subag, iidaan iwm’. Dareeruhu, waa midka nolosha aadmiga salka u ah, aanba si kale u dhigee, waxaan aragnaa in nolosha oo dhammiba ay ku xiran tahay dareeraha oo la’aantiis aanayba jiri karin nolol. Noloshu, waa biyo, biyuhuna waa dareere, dareeruhuna wuxuu u baahan yahay weel lagu xafido. Waa in loo helaa GANUUN. Gasada lagu noolyahay haddii aan loo helin agab iyo weelal wax lagu shubto ama lagu cuno sidee ayaa loogu dhex noolaanayaa waa ma dhacdo taasi. Ganuunku wuxuu saldhig u yahay; Agabka. Agabkuna waa kii ugu horreeyay ee la baray aabbihii dadka (AADAM C.S.). aan dib kuu celiyo si aan macnaha dahsoon ee GANUUN uga dhex-helno qur’aanka. Haah! Waan ka soo helaynaa weliba Ganuunku wuxuu ka mid yahay; walaxdii ugu horreysay ee la baray Aadam. Aayaddaan bal ila dhuux macnaheeda, si aad isula hesho magacbixinta sheekada Gaso iyo hab isa saarkeeda cilmiga ku dhisan. Aayaddu waxay leedahay:

:عَلَّمَ آدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَاوَ

Aadam waxaan barnay walxada ama sheey yaalka magacyadooda dhammaan.

Hadda sow ma aragtid in walxaha Aadam la baray ay yihiin: Agabka oo GANUUNKUNA ugu horreeyo. Kolkaan Aadam la barayey agabka xitaa ayeeyo Xaawo lama uumin. Halkaasna waxaan ka qaadaneynaa muhiimadda ay u leeyihiin nolosheenna. Taas oo aheyd usii gogol xaarid annaga naloon sii gogol xaarayey. Eebboow! Adigey mahad oo idil kuu sugnaatey.

GASIIN:

Gasiinku waa ollogga iyo iidaankii lagu cuni lahaa, gasada uu nooluhu ku sugan yahay iyo ganuunka uu ku dul heysto aadanuhu, kaas oo ah: firaash iyo gogol IWM ah. Gasiinkaas waxa saldhig u ah: “biyaha” Haddii aan biyo jirin nololi ma jiri karto, sidoo kale inta noolna biyaa nooleeya. Haddaba, Gasiin, waa erayga saddexaad ee sheekada (Gaso, Ganuun iyo Gasiin), Gasiinku, wuxuu noqonayaa wax dhuunta la mariyo, waa baad. Baadkuna waxaa sal u ah waa biyo, milaygii biyaha la helana waa in baad kale la helaa si loo sii jiro. Salka baadka iyo biyuhu, waa nabab. Nabaddu waa waxa noolaha nool milgo iyo sharaf ku nooleeya. Waxa sheekada Gaso tilmaameyso kuma eka baad ka baxay goofkaaga ama beertaada, ishaadu yaaney qaban uun rabta dhaw ee kuu muuqata, waxa la yiraahdaa: ”Ishaan meel dheer wax ka arageey dhac”. Maanku waa inuu u faalal tagaa meelo fog-fog, uuna la yimaadaa riyooyin dhaxal gal ah oo gayeysiiya, sii jiritaanka qof ahaaneed ama ummad ahaaneedba.

أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ.

Wixii gaaloobay ma waysan arkeyn in dhulka iyo cirkuba ay markii hore ahaayeen; kuwa isku dheggan, ka dibna, aan kala fujinnay ee samadii ka yeelnay toddobo, dhulkiina aan ka yeelnay toddobo. Intaas ka dibna, waxa kasta oo ku dhex sugan aan ka yeelnay mid biyo ka abuuran. Waxkasta oo nooli waxay ku noolyihiin BIYO.

Haddaba sow ma aragtid in wax kastaba ay biyuhu saldhig u yihiin? Haah! Waa sidaas. Jirka aadanuhu waxaa la yiri: 70% boqolkiiba toddobaatan waa biyo. Dhulku wuxuu ku noolyahay biyo, geeduhu waxay ku noolyihiin biyo, dhagxaantuna waxay ku noolyihiin biyo, nooluhuna waxay ku noolyihiin biyo. Haddaba inta nooli waxay ku noolyihiin biyo. Fasirka aayaddu waa intaas. Haddii aan dhan kale ka eegno, magacbixinta dhiganaga ee Gaso, ganuun iyo Gasiin, waxay ku qotontaa ama ayba ku taagtan tahay, si dadbanna ay u werinaysaa: 3-daas aayadood oo aan soo tilmaamey. Sida magaca dhiganuhu u kala horreyana u kala horreya. Cajiib!

Dadka ama basharka ayaaba biyo laga abuuray, taasna aayaddaan ayaa daaha nooga rogeysa, taas oo iyana aan ka qaadaneyno muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin jiraalka carra’edeg. Aayaddu waxay leedahay sidaan:

وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ مِنَ الْمَاءِ بَشَرًا فَجَعَلَهُ نَسَبًا وَصِهْرًا وَكَانَ رَبُّكَ قَدِيرً.

Dadka waxaan ka abuurnay biyo, ka dibna, waxaan ka yeelnay nasab oo ah: Ragga iyo (Sihri) oo ah: Dumar, Rabbigaana waa mid awooda wax walba.

Isku soo wada duuboo, Prof. Cali Jimcaale Axmed, wuxuu kor u qaaday hab-qoraalka Soomaalida, wuxuuna qoray sheeko aan is leeyahay waa ka sarreysaa qormooyinka sheeko ee faneed ee soomaalida iyo guud ahaan tan caalamka. Waa sheeko 99% boqolkiika sagaashan iyo sagaal dahsoon oo aan qofkii la arkaa hore ka fahmi karin. Marbaan is iri: waa sheeko kasoo hormartay waayaheedii tebineed, maxaa yeelay, marbaan u fahmey inaan jiilkaan maanta noolba aan loo qorin ee loogu talogalay jiilasha xiga kuwa hadda jooga. Hubaal in sheekadu ay dahsoon tahay oo aan qof walba si sahlan usoo haaban karin macnaha ay daaran tahay. Qoraaga ayaaba mararka qaar dood toos ah kula gelayaa, asiga oo marmarna ku raalligelinaya, taas oo marna kaa qoslineysa, marna kaa yaabineysa. “Ninki raayaan rag u aqaan” ayey nin ka sheegeen, aniguna qofkii dhuuxa sheekada bannaanka soo dhiga ayaan rag u aqaan. Aniga laftirkeyga ayaan wada garan ujeedka oo ay wax badan iga dedan yihiin adna waan hubaa inaad iga sii darnaan doonto. Kaliyase aniga iyo adiguba waxaan uga salgaari karnaa inaan aqriskeeda badinnno oo aan eray eray isu dul-taagno.

Wabarkii wabarrada:

Wabarku wuxuu ahaa wabar ay u sinnaayeen sabiga uu dhalay iyo midka meel kale ka yimid, sheekadu, waxayna tuseysaa, in wabarku uu dhalay wiil la yiraa Cali. Cali waa wiil caniid ah oo bulshada oo dhan xax ka siiyay, gaar ahaan bulshada wabarka saldanadiisa ku hoos nool. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wabarkii loo soo sheegay in wiilkii Cali uu yaxaas la tegey. Kolkaas ka dib, Wabarkii aad ayuu ugu farxay arrinkaas. Waa hee dhibkaas canug aad dhashay oodan maaro u helin, suuqana aadan gaysan karin, waxaa la yiraa: ”Waxaad dhashay kuma dhalin” sidoo kale; madax muuqdo iyo middi saawira midna lagama sabro”. Wabarkase layr qaboow ayaa martay kolkii uu ogaaday in muggaas wixii ka dambeeya ay bulshadu ka nabad geleyso canugiisi.

Caddaalad marka la helo, waxaa imaanaya nabad. Nabad kolka la helana, waxaa imaanaya nolol. Nolol marka ay timaadana waxaa imaanaya sinnaan iyo wadajir, maxaa yeelay, Aadanaha waxaa isku diraya waa baahi iyo nolol raadis. Dhiganaha Gaso, Ganuun iyo Gasiinna: Caddaalad, nabad iyo nolol in la helo ayaa saldhig u ah, ujeedkiisa ugu weynna waa is nabad-gelin si loo wada noolaado, waa sheekada inteeda daahfurane.

Seddexda eray ee buugga magaciisu ka kooban yahay ayaa dhexdiisuna ay ka kooban tahay, waa sheeko dedan oo haddana daahfuran, suugaan ku habboonna lagu iidaamay. Ma doonayo inaan buugga dhexdiisa idiinka sheekeeyo, balse, macaanida ku jirta sheekada ayaa kugu qasbeysa in qaybiba qeyb kuu dhiibto. Mar-mar ayuu qoraagu dood isla gelayaa, dooddaas oo dhex maraysa, maskaxda iyo maanka. Maskaxdu mar walba waa oggol diiddan, halka maanku yahay mid oggol walaxda maskaxdu u soo bandhigto, haddana danbaa ka dhaxeysa ee waa is af-garanayaan.

Buuggu inuu ka hadlaayo adduunka oo idil, qoraaguna yahay aqoonyahan gaamuray, waxa kuu caddeynaya af aan ku jirin waa uu yaryahay, dhiganaha dhexdiisa. Waxa ku hilan qisooyin maandhis ah oo uu qoraagu kasoo guuriyay waddamada adduunka. Sidaa aawgeed, GASO, waxay u taagan tahay moorada dadkoo idil ku noolyahay “Adduunka”. GANUUN, wuxuu u taagan yahay agabka kala geddisan ee yaalla isla gasada uu qoraagu tilmaamay. Halka GASIIN, ka warramayo dhuuniga lagama maarmaanka u ah, gasada iyo ganuunka sare ee ah “Adduunka idilkiis. Haddaba biya dhaca iyo muhiimmadda dhiganuhu waa in dunida lagu wada noolaado iyadoon lays riix-riixeyn, laysuna awood sheeganeyn. Dhanka kale wuxuu si mug iyo miisaan leh uga hadlayaa dhiganuhu, “Caddaaladda” oo ah tiirka koobaad ee nooluhu ku baraaro.

Waa sheeko daalacan oo haddana dedan. Waa sheeko dabran oo haddana dalaaloco ah. Waa sheeko dhiliqsan oo haddana dhiftin leh. Waa sheeko dhahan oo haddana dhigan. Waa sheeko fayl-xiran oo haddana furan. Hadal badan haan ma buuxsho ee intaas wixi ka badan, adigaa lagaa doonayaa inaad aqriso dhiganaha ee kasoo dhex saarto macaanida falsafadaysan ee buugga dhex ceegaagta mahadsanidiin.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com
SHARE