Home Qoraallo Qalinmaalkii Qarniga! W/Q: Aar Aw Fiqi

Qalinmaalkii Qarniga! W/Q: Aar Aw Fiqi

0
SHARE

Qalinmaalkii Qarniga!

Maanta oo kale lix sano ka hor buu iishay Cabdiqaadir C. Maxamuud “Aroma” (1950s—July 16, 2014). Waxa uu ku allaystay London, UK.

Hordhac:

“Waxa uu ahaa nin Rabbigii abuurtay ka cabsada, aadanaha isaga oo kale ahna ka xishooda!”—Cabdicasiis-Xildhibaan Cali Ibraahin: Laanta Af Soomaaliga, VOA.

Cabiqaadir Cismaan Maxamuud “Aroma” waxa uu bartamihii qarnigii 20d ee tegay ku dhashay degmada Dhuusamareeb, Gobolka Galgaduud. Korriinkiisii ilaa kaallingalkiisii gudaha dalka ayaa uu ku qaatay.

Waxa uu ahaa qoraa jiitay oo taariikhda Soomaalida in badan oo abaal ah gashaday; tiraba shan dhiganayow oo qaayo leh baa uu kaydka buugta sooyaal ee Soomaalida ku soo biiriyay. Da’yarta Soomaaliyeed ayaa uu u dhiteeyay sheeka-awaallo xallad miiran ah oo uu si-uyaalka Soomaalida ku suureenayo. Noloshiisa badankeed wuxuu ku qaatay, qorista sooyaal dhaqameedka iyo mid siyaasadeedka Soomaalida. Waxa uu ahaa waayajoog u soo taagnaa dhacdooyinkii kala geddisnaa ee dalkan soo maray. Waxa uu ahaa qoraa dhiirran oo halka sartu ka qurunsan tahay farta ku goda, sheega oo daaha ka roga. Runta ayaa uu ku joogay ilaa uu madaxa laabay July 16, 2014. Dhabta ayaa uu abbaari jiray; leexleexdanna ma aqoon. Mabda’iisa lama uu gabban jirin!

Meeshii uu doono ha joogee, qoraa waliba waxa uu u baahan yahay in uu wax fiican ka aqoodo dhaqanka bulshada uu ku dhex nool yahay iyo dadweynaha uu qoraalkiisa u gudbinayo. In ay u la ekaataba, waa in uu ogaal u leeyahay [ha tabnaato ama se ha tognaato e] waayaha uu dadka degaankiisu soo maray. Waa in uu in buuran ka yaqaan, wadar ahaan, sooyaalka uu dadkiisu ku dhaato. Waxyaabaha la san iyo kuwa la silloon. Waxa daara iyo waxa demiya. Isirkeeda iyo asalkeeda. Abkeeda iyo meel-ka-soo-jeedkeeda. Inaasba, Aroma, waxa uu ahaa nin koobsaday!

Haddaba, si uu u muujiyo ka isirraanshihiisa sinjiga Ximaatig (Himatic race) oo diinta mooyee haba yaraatee aanu wax dhalasho ah Carab la wadaagin buu 1980kii la baxay “Oromo” oo ahayd naynaas uu magaciisa ku lammaanin jiray. Ka gadaale, markii uu ku baraarugay dibindaabyada Xabashida iyo sida ay, Soomaalida uu ka dhashay u wanjalayso ayuu goostay in uu naanaystiisii dooriyo una beddelo “Aroma” oo ah: eray Laatiin ah, una taagan udugga wacan. [Tiirka Colaadda: Ararta Qoraaga, b.XV].

Cabdiqaadir intii aanu iishan ka hor waxa uu waday saddex buug oo uu ka mid yahay buug uu u qoray habka “sheekada-sawiran” ah. Buug uu u bixiyay “Al-Amru Bil Macruuf Wannahyi Cani Al-Munankar” se ma uu calfan in uu baahiyo oo meleggii nafta ka qaadi lahaa baa ogaysiis la’aan ugugu yimid. Markaas buu ifka ka jiciirtay.“Waxaad aadanow maaggan tahay adiyo maankaagu Iyo meel uu Ilaahay ku marin kala mid weeyaane!”—Qamaan Bulxan. Qaryaan Xogogaala:

Aroma, waxa uu ahaa qoraa indheergarad ah oo oddoroska waayaha aad buugaagtiisa ka dhex daalacan karayso. Waxa uu ahaa qoraa in badan oo xog ah ku cufay qoraalkiisa. Dabo iyo dacal, dul iyo hoos, gebigeeda taariikhda Soomaalida waa qoraaga keliyee si dhammaystiran u dhiteeyay. Hadba dhacdada wax-ka-soo-qaadka lihi waxa uu ahaa nin aanay demmani ku dhaafi jirin ee qora. Xumo iyo wanaag, guul iyo guuldarro, jab iyo kabasho; intii uu hanaqaaday wixii uu u soo joogay oo idil buugtiisa ayuu ku taariikheeyay. Waxa uu ahaa baare iyo akhriyaa weyn, taas oo aad ogaan karayso markii aad shansha-dhuuxdo buugtii uu qoray.

Qalinyahan Waddaniya: “Markii Maxamed Siyaad Barre iyo maamulkiisii dumay, reerka aan ka dhashay ayaa awood badan yeeshay. Gaalkacyo ilaa Libooye 360 isbaaro ayaa tiil. Afgooye ilaa Leedo 12 isbaaro ayaan ka tiriyay. War dadka sidan ha u la macaamilina,… In aad degaankii degto, in aad dowladnimo sheegato, in aad duunyada boobto, la iskuma helo! Soomaaliduna diyaar u ma ahan in Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu beddelo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid! In Mareexaan ay Habargidir beddeshana diyaar [Soomaalidu] u ma ay ahan! Taas waaye midda aan anigu qoray, welina waan aaminsan ahay, sidaas!” [Kalsan Tv: Waraysi, 2013].

Aroma, da’ ahaan kolkii loo eego, waxa uu ku bikaacsaday iyada oo hanka Soomaalinnimada uu calan-walaynayo. Waxa uu ku barbaaray iyada oo himilooyinka ummadda ay ugu weyn tahay xoraynta iyo midaynta dhulka iyo dadyowga Soomaaliyeed ee uu gumaystuhu kala saanyaday. Wuxuu garaadsaday iyada oo qab-wadareedkii ummaddu uusan weli shiiqin, Soomalinnimadu sarrayso. Wuxuu tabaraystay iyada oo halgamaaga iyo haligaha la kala yaqaan oo uu halgamaagu horreeyo! Himilooyinkaas ayuu la koray, la kacaamay oo la kaallingalay. Iyaga ayaa ku weynaaday oo uu ku waayeeloobay. Iyaga ayaa maankiisa ku gunudmay. Taasna waxaad ka dhadhansan kartaa dhammaan aragtiyihiisa dhex godlan buugtii uu, isagu, qoray.

Cabdiqaadir-Aroma, waxa uu si walba uga geddisnaa qalinmaalkii ay isku gedda ahaayeen oo, qaranjabkii Soomaaliya ka dib, iyagu doortay in ay ku ururaan halkii uu reerkoodu degganaa. Qalinmaalyo u nuglaaday hindisaha taban ee jibbada qabiilaysan ah. Qalinmaalyo gar iyo gardarraba ku raacay wixii uu reer tolkood falayay. Qalinmaalyo iska sayray midnimadii ummadda ee waayo hore, ay sheegan jireen in ay ku dhaataan! Hanjabaad iyo hungurigalin, hiif iyo haaraan, wuxuu ahaa qoraa lagu soo loodin waayay. Waxa uu ahaa qoraa aanay u ka la soocnayn sokeeyaha qabyaaliga ah iyo shisheeye nacabka ah; iyo cid walba oo moorada qabiil ku dhex jirta. Waxa uu iska dhowray in uu jeeb ay cid kale leedahay galo, ama inta la laaluusho uu danayste ahaado; halkii uu dadkiisa u daneen lahaa. Markaas buu, wuxuu, noqday qoraa madaxbannaan, qalinkiisuna madaxbannaan yahay! Dhabtii, qoraa waliba, isaga oo nool, waxa uu ciidda ka hoos maraa kolkii af iyo qalin kala jira lagu barto! Sidii ruux siyaasi ah markii uu u dhaqmo ayaa loo yaabaa! ‘Laba-wejiile’ ayaa ay bulshadiisu u aqoonsataa.

Si isku mid ah, waxaa looga wada jeestaa, markii uu u ranbaso madaxyaweynta qabiilkiisa iyo cadaadiska xagga shisheeyaha kaga yimaadda. ‘Qoor-iyo-xeralaawe’ ayaa lagu sheegaa kolkii uu oggolaado in uu ‘lahayste’ noqdo! Haddaba, waayihiisa haddii loo fiirsado, intaas oo liiddanaan ah cidina, Aroma, kuma sheegi karto. Waxaa daliil kuugu filan dhawrka buug ee uu qoray; dhawrka barnaamij ee laga qabtay iyo meerisyada maanso ee laga hayo.

  • “Dulmanahaan u doodaa
  • Danyartaan la jaal ahay
  • Doqonkiyo damahaan
  • Danta guud u sheegaa
  • Wixii aniga iga dadan
  • Rabbi baan u daayaa
  • Intaan dunida joogana
  • Dastuurkaygu waa kaas!

Cabdiqaadir-Aroma C. Maxamuud. Tol iyo xidid ka sokow, Aroma, bahda qalinleyda ayaa si weyn u tebtay, waaqeedna u tebi doonta. Runsheegnimada haatanba dadkeenna ka sii dabayshanaysa ayaa u curyaantay, geeridiisa ka dib, una sii curyaami doonta. Jaallayaashiisii gaar ahaaneed ka sokow, qoraalkiisii qaayaha badnaa intii quudan jirtay ayaa sannado u sii golangoli doonta. Si dhab ah timaaddada markii wax loo qiimeeyo ayaa si wadajir ah loo wada qiri doonaa kaallintiisii looqaateenka ahayd ee uu kaga jiray qalinyahannadii Soomaalida u soo baxay billowgii qarnigan 21-aad ee qalinkooda ku runsheegi jiray!

Haad kale;

Dhiganyowgiisii:

  • Sooyaalkii Soomaaliya, Muqdisho—19992.
  • Sababihii Burburka Soomaaliya, 19993.
  • Tiirka Colaadda, Muqdisho—20024.
  • Taangiga Tigreega, Muqdisho—20075.
  • Hadimadii Gumaysiga, Muqdisho—2005

Sheekooyinkiisii:

  • Ilmo Dahabo Toolmoon iyo Adeerkood
  • Dhagaxkariye iyo Beendhoobe
  • Dhaxal La’aan
  • Toban Kunley
  • Salaamullaah Calal Xujaaj
  • Faalkii Sheekh Kulli.

W/Q: Aar Aw Fiqi

Muqdisho-Soomaaliya

SHARE