Home Qoraallo Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-5AAD W/Q: INA CUBTAN

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-5AAD W/Q: INA CUBTAN

0
SHARE

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q5AAD

Debbaaldegga madaxbannaanida: dabbaaldeg waa muujin farxad iyo raynrayn, damaashaad iyo dekayn wehliso oo kulan, is arag, isu soobax, dheel iwm lagu barqaysto ama lagu caweeyo, si jamashada qurxan ee la helay ama la gaaray loo xuso.

Qof ama qolo meel gaartay, hanatay howl ay halgan adag u gashay, in ay hardan ka dib damaashaadaan waa gar oo ninbaa laga sheegay, ka gadaal markii uu reer dhawr qoys ah uu dib u dejiyey; “Waanba daalee, sidee loo degay!

“Haddana, anagu 1960 maalintii u horreysay ee calan loo soo wada canaab mutay dhul soomaaliyeed laga taagay ama cawadii midimo muddo la doonayey ay hirgashay, in la dakeeyo waa wax qummane, sidii uu dalku gacan keli talis u galay iyo hadda uuba ka daray burburkii ka dib, maxaa laga debbaaldegaa? Ma nahay xor? Dhan walba ma ka madaxbannaan nahay; siyaasad, amni, dhaqaale, soohdin, talo iwm?.

Sida dhabta ah, xornimo waxaa ugu weyn saddax middood; xornimo hadlid, kulmid helid iyo xor u doorasho qofka kugu metelaya degaanka ama dalka. Intan iyo in kale oo ku xiran midna ma suuragelayn maalmihii militeriga iyo muddadii maamulku ku jiray marooqsiga midigta inyar oo macangegiin ah, haddaba, sidee anNaga -siiba inteenna aan soo gaarin afqabadkaa, balse, maanfuran- na looga gadayaa waxay eheed beri samaad ay taallay sinnaan iyo suubbanaan? Maangal ma ahan. Dad la haysto, balse, aan ku baraarugsanayn ama ka doorbiday dhawrsita wax uga weyn oo wadajir ah, balse, markii dhibku batay ee la isugu yimid wixii ka haray jiritaanka qarixii dhacay uu ilaa hadda sii qarqarxayo.

Anagu waxa aanba malo iyo dood gelinaynaa, sida ay maangal ku eheed, in ayaamihii afduubka la xuso maalmo madaxbannaaniye, sideen u oggolaan karnaa, in maanta ooba ka sii liidata dhan walba, u dhici kartaa, in dabbaaldeg afka lagu ballaariyo?.

Dabcan qof ama qolo walba iyada ayaa u madaxbannaan, sida ay ka yeelayso maalmahan, haddana, anagu maangal iyo dood wax dhis ah ayaan tebinteeda tusmaynaa, la qaadasho waa meesheedee, in ugu yaraan, dareen is weydiin iyo ay dhaliso milicsi sooyaal, iyada oo xaalka jira uusan fiiro u baahnayn.

Xusku sidiisa marka uusan aqoonin ahayn iyo ogaaltebin, waa dhereg dhacsi iyo dabbaaldeg oo wadaaggiisu sida aan kor ku sheegnay uu ku dhashay gaaridda meel la filayey, haddaba, anagu lixdan gu’ ka dib xaggeen gaarnay oon xiska gelinnaa xusuustana ku haynnaa, si aan u xusno fal dhacay xilligaa? Waxay na la tahay, in marka maan fayow lagu fiirsho, oon weliba u baahnayn baarid iyo u eegid si qotosheer toona, in aan xusaynno maalintii ay luntay halgankii dadka iyo bulshada, haddana, aan xusaynno anaga oo ka la xiran, haddana, wada xiran!

MAALIN xus, haddana, MAALIN laga xaluushay xus, waa xusuus la’aan, haddana adoo xunuunsan xus, waa xis la’aan, haddana xuurto ku xus, waa xilkasnimodarro, haddana xoolo baryo lagu keenay ku bixi xuskeeda, waa xisaab la’aan, is ku soo xooriye, waa xeerin la’aan iyo xeeladxumo! XAMAASAD iyo XIIQSANAAN!

Caawa oo kale iyo cawooyin la mid ah, sida ay na la tahay, cawayn iyo ciyaaro noo ma cuntamaan ee dadoow caqli ma jiraa? Sidoo kale, qarashka ku baxaya dabbaaldegyadaa, xaflad dhigashada iyo xashaashka, saw ma ahayn, in loo leexiyo; in loogu deeqo dadka dhan iyo dhinac walba dhibaatooyinku la dheeldheellinaya?.

Micnaha, hantida iyo dhaqaalaha lagu bixinayo qabashada xafladaha maalmaha XORRIYADAHA, aan wax muuqda laga dheefayn, waxaa na la habboon, in lagu maalgalsho xarun caafimaad, isbitaal, xannaanno carruur, dugsi waxbarasho, waddodhisid, dayactir xarun dawladeed ama dhismaheed, dib u habayn talis ciidan IWM.

Waa ayaandarro, qof aan sooyaalka bulshadan iyo dhaqankooda aqoon ama aan dan ka lahayn, in uu hadba gu’ ka hor hantaataco, isaga oo ayaankooda dilay aayahoodana duugay. Xorriyadda ugu weyn oo qof ama bulsho haysato waa RUNTA, iyana waan ka wada roornaa, asaan u riyaaqnaa riyo iyo riwaayad.

Anaga waxay na la tahay; in haddii xus la qabanayo, xoogga la saaro, in uu noqdo, mid aqooneed iyo waycigelin, siina dhallinta, in lagu baraarujiyo wixii qalloocday, si aysan sooyaalkooda dambe ugu dhicin isla qaladkii hore ay u galeen awoowayaashood. Xuska maalmahan oo kale wuxuu ku habboon yahay, in lagu kobciyo ogaalka dadka, laguna kordhiyo talowadaagga iyo wanaagga, si iyana aysan u dhicin mar kale (marooqsi ama muquunin. Ogaada, macno wayn ma samaynayso dhismayaal la qurxiyo, haddii aan la qurxin quluubta dadka, taasna waxay ku dhici kartaa, in aan runta laga leexleexan ee sida ay tahay loo abbaaro, haba qaraaraatee.

Qabweyni aysan qiyaas la socon qiimo gaar ah ma lahan ee qaxarkan qoobka noogu xiran, yeynaan ku darsan, in ayasn noo muuqan ama aannaan dareemin, dhibta na hortaal oo yeyaan isku qaadin wax kale, si aannaan uga hawlloon wax ka qabadka dhibkeenna.

Fisha qormada qaybteeda u dambaysa. Haddii Eebbe idmo

W/D: Ina CUBTAN

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com
SHARE