Home Qoraallo DIINTA IYO FANKA! W/Q: Warfaa M. Bayle

DIINTA IYO FANKA! W/Q: Warfaa M. Bayle

0
SHARE

Iyadoo ay wanaag iyo horukac bulsheed tahay. Baruuragga aqooneed ee sanadihii ugu dambeeyey ka billowday guud ahaan gayiga soomaaliyeed. aynuna ka sheegi karno wacyiga loo yeeshay dhigaalaynta iyo akhriska. Waxa guul ah inta aan wax kaleba la gaadhin in jiilkani iska beri yeelayo dacaayaddii ahayd (Soomaalidu waa ummad hadal). Sidoo kale waxaa wax lagu faano ah in qabkii nafsadeed ee dhallintu ka kortay isirseejinta iyo sinji guurinta in badan laynagu waday. Waxaan odhan karaa middani waa madhax aqoomeed iyo fahan dhaqameed iyo sidoo kale dhaadashado faneed, qodobbadaas ayaa sabab u ah in jiilkani ruuxdiisa ku tallaalo. Waa ged lagu yaqaanno, balse, mar walba oo kacdoon aqooneed dhaco waa mar walba oo fikrad soo jireen ah ama dhaqan guun ah la deedayfaynayo. Iyada oo dhaqan waliba dhinac san iyo xun ba leeyahay.

Middani waxa ay marar badan qof ka dhallinyarada ah ee xiisaha isbaddalka iyo laba boglaynta loogu dawgalay ka indhasaabtaa qiimaha waxyaabo muhiim u ah noloshiisa amase lama taabtaan u ah dhaqankiisa. Ugu horrayn aynu qeexno labada qodob ee mawduuceenu ku wareegayo oo kala ah:

  • Fanka.
  • Diinta.

Diintu waa seeska dhaqanka mana jiro dhaqan quman oo aan diin salka ku hayn maadaama oo ay iyadu tahay ujeeddo culus oo ka baxsan soohdinta goob iyo gooreedda (الزمان والمكان). La’aanteedna ruuxda qofka waydoow ayaa ku dhaca. Sidoo kale kaallinta diineed dhaqan iyo fan midna ma buuxiyo. Waayo fanka asalka horeba waa farriin aadamuhu dhexdiisa isu diro. Taas oo bulshada ka dhex dhalata kuna dhex dhammaata. Qeexidda ereyga fan oo inta badan loo xambaariyo laguna murgiyo suugaanta, haddana waa labo kala madaxbannaan. Suugaani waa curinta hal-abuurka maankiisa ka soo godlata. Waxana ka mid ah, qaybaha maansada oo idil, sidoo kale qaybaha sheekooyinka (sheeko xariiro iyo sheeko faneed) ayaa la dhahaa suugaan.

Fankuna waa waxkasta oo gacanka qabasho u baahan amase qalab loo adeegsado ha noqoto, farshaxan hees ama riwaayad iwm. Suugaantu iyada ayaa mararka qaar dhasha fanka maadaama ay heestuba ka feedh abuuranto badaha maansada. Dadka soomaalidu ilaa milay horeba suugaantu waxa ay u ahayd summad lagaga sooco ummadaha kale, balse, fanka soomaaliyeed (gaar ahaan dhinaca heesuhu) wali ma boqol jirsan. Sidoo kale qaybaha kale ee fanka soomaalida dhexdeeda kuma tanaadin oo ma xaalayso. Xidhiidhka ka dhexeeya fanka fayoow iyo diinta waxaynu odhan karnaa:

Diintu waxay ka jawaabtaa yididiilooyinka fog fog ee aan laga soo gayoon karin kuwaas oo ku lammaanan nafta aadamaha. Isla jeerkaasna waxa ay buuxisaa baahiyaha ruuxeed ee aan maaddiga ahayn. Halka uu fanku dhaqaajiyo dareemada hoose ee duunka qofka hurda. Sidoo kale fanku waxa uu nafta ku jiheeyaa dheehashada iyo ildoogsiga waxyaabaha maaddiga ka dheer. Kuwaas oo hanka nafsadeed koriya, naftana macna u sammeeya.

Diintu waxay beegsataa toosinta ruuxda aadamaha waxayna ku sidigtaa koonka iyo Eebihii bilay. Jeer ay ruuxdu bulaasho ayna gaadho heer dhamaystirnaan ah. Diintu waa haddiyad inooga timid Eebaha abuuray bilicda, inoona hibeeyey jiraalka, fankuna waa muraayadda aynu kaga bogan karno muuqaalladda ilqabadka leh ee Ilaahay dunidan ku marriimay. Haddaba fanku mar walba oo uu gefo qabashadiisa waxa leh diinta maadaama oo ay iyadu sal u tahay qawaaniinta akhlaaqiga ee dhaqanku leeyahay, balse, mar walba oo diinta lagu gabood falo (sida maanta taagan) waxa ka dhasha dhibaato wayn oo aynu odhan karno waa xaalad uu qofku isku qanciyo in uu quudkiisa ruuxiga iyo is kula tacaaliiddii diimeed ka doorsado fanka. Isaga ugu xilanaya in fanku nabaddoon yahay fannaankuna samatebiye yahay.

Waxa aynu odhan karnaa dheelligu marka uu xagga diinta ka yimaado dad badani xagga fanka sababo nafsadeed ayey ugu soo dillaamaan. Waa se geeddi sahan la’aan guuray iyo digarogasho meel dulin loo doolay. Waxa aan sidan u leeyahay tiirka noloshu qofku waa diin mar walba oo halkaa ka dhaqaaqana waa baylah ruuxdiisu. Taasi waxa ay ina tusaysaa bedqabka labadoodaba in ay dantu ugu jirto bulshada. Labadooduba sida taariikhdu dhigayso ilaa milay fogba waxa ay qayb ka ahaayeen sooyaalka bashariyada. Faylasuufkii jarmalka ahaa ee hegel G.W.F.Hegel (1770-1831) oo arrintaa ka hadlayey waxa uu yidhi: “Diinta iyo fanku waa qaybta ugu mudan isla mar ahaantaasna waa labada shay ee gundhigga u ah saqaafadda aadanaha. Dhammaan marxaladaha kala duwan ee taariikhda.

Laga soo billaabo wakhtiyadii hore ee uu aadamuhu noolaa ilaa iyo xilligan uu horumarka aqooneed gaadhay heer aan binu-aadamku qiyaasi karayn qarni ka hor. Aadamuhu diinta iyo fanka goor horeba laabtiisa ayuu ku duugay, isagoo ku majiiranaya dhimrin abadi ah. Jeer aysan taariikhduba warin jiritaanka ummad soo martay dunidan oo aan yeelan caqiiddooyin ay diimaysatay iyo fan ay ku muujisay gadgaddoonkeeda nafeed iyo himilooyinkeeda ruuxeed.” Maadama oo ay sooyaalka nolosha aadamaha labadooduba qayb ka yihiin siiyaalkana ka mid ahaan doonaan waxa loo baahanyahay in kaallintiisa mid walba loo hagar baxo iyadoon looga sadburinayn midda kale sida maanta taagan.

Tartansiinta fanka iyo diinta laga dhex abuurayo iyadoo laga dhigayo laba shay oo laysaga diga rogan karo. Iyana waxa ay marag buuxa u tahay sheegidda mucda faneed ama diineed ee cidda sidaa yeesha haysata. Fanka iyo diintu labadooduba waxa ay qayb laxaadleh ka qaataan dhaqanka ummadeed. Iyadoo dhaqan walba oo ummadi leedahay aynu odhan karno dhidibbada uu ku taaganyahay ama qaybtiisa dahsooni waa diinta. Halka qaybtiisa ee muuqata ama maaddiga ahi tahay qaybta fanku ku leeyahay dhaqankaas. Xidhiidhka ka dhexeeya diinta iyo fanka isaga oo ka hadlaya imaam qasaali waxa uu yiri: “Diintu waa dhalan marka la soo koobo caqiiddadeeda. Xitaa quruxdu waxa ay raadisaa runta waxa ayna liiddaa dheg xumada waxa ayna sarraysiisaa wanaagga. Si taas la mid ah fanku waxa uu goobaa quruxda waxa uuna indheheenna iyo araggeennaba u furaa isha ay kasoo burqadaan wada jirka xumaha iyo samuhuba.

Aqoontuna ilahaas oo jira ayey iyana markeeda isku daydaa toosinta habdhaqankeenna iyadoon si badheedha inoo wacdiyin waxaanan odhan karaa middani waa dhinaca akhlaaqiga ah ee fanka.” Sidoo kale waxa uu u arkayey mufakarkii islaamka ahaa ee Cali Cissa Begovic in fanka iyo diintu ay wadaagaan hal arrin taas oo ah: dhiirrigalinta nafta aadanaha. Balse uu mid waliba jid gooni ah u maro. Waxana uu yidhi: “Diintu waxa ay xoogga saartaa waaritaan aan bardhamaad lahayn, akhlaaqduna waxa ay ina bartaa wanaagga iyo xorriyadda. Halka uu fanku inagu jiheeyo insaanka aynu nahay iyo abuurta inteeda kale. Sida oo kale ee xaqiiqooyinka gudeed ee kala duwan kuwaas oo aynu fahankooda gabno macnana u wayno ayuu fanku u yahay luuqadda inoo macnaysa.

Si taas la mid ah xidhiidhka diinta iyo fanku waa mid xiddaydaysan hadday noqoto dhinaca werinta ama dhinaca taariikheedba. Waxa ka mid ah waxyaabahaa ay wadaagaan; in macaabiddu ay ahaayeen asalkoodii hore masraxyo jilaayada hu’gooda iyo daawadayaashuba ay middani uga dhignayd isdareengalin diimeed ama cibaadaysi. Masraxyadaas lagu cibaadaysan jiray waxa ay ka soo muuqdeen masaaridii hore waa muddo laga joogo afar kun oo sano.” Haddii aynu soo koobno fan walba oo ka turjumaya ummaddiisa waxa jira sees uu ku taaganyahay. Iyo qodobbo lama huraan u ah uuna ku dhisanyahay. Saddexda qodob ee ay inoo tilmaamayso heesta uu tiriyey: Xasan Sheekh Muumin ayaa inoo koobaya
fanka iyo shaqada uu inoo qabto.

  • Dad waynahaan hanuuninaa
  • Haasaawinnaa danta hagnaa.

Farriinta uu gudbiyo fan walba oo bulsho leedahay waa uun sadexdaa qodob ee hanuuninta haasaawinta iyo hagidda. Haddii aynu dib u milicsanno sooyaalka fanka soomaaliyeed. Waxa inoo muuqanaysa inuu ahaa hub ay bulshada soomaaliyeed iskaga caabbinaysay gumaystaha. Waxa aynu ka xusi karnaa heesihii waddaniga ahaa ee dareenka bulshada ku hadlayey xilligaas. Uuna tiriyey fannaankii: Cabdullahi Maxamuud Maxamed Qarshe (Ahun) ayna ka mid ahaayeen baydadkani:

  • Dadkan dhawaaqayaa
  • Dhulkooda doonayaa
  • Hadday u dhiidhiyeen
  • Allahaayoow u dhiib

Middan ayeynu odhankarnaa waa shaqada ugu muhiimsan ee fanku bulshadiisa u qabto waana sida uguna hago dantooda, dhinaca kale haddii aynu ka eegno fanku waxa uu suugaanta qofeed kaga duwanaaday u hadlista bulshada halka gabyaagu inta badan ka gabyo tabashadiisa suugaanta uu mariyana inta badan ay waayihiisa nololeed uun ku koobantahay. Si ka duwan middaas abwaanka sammeeya heesuhu waa afka ay ku hadlaan dadka aan codkoodu bulshada gaadhin. Sidoo kalena aan lahayn hibo ay ku soo gudbiyaan tabashadooda. Waana waxa loogu ma jiirto heesaha qaraamka ee qisooyinku ku duugan yihiin. Taas oo iyana noqon karta haasaawinta iyo madadaalinta oo iyana ah shaqooyinka fanku inoo qabto. Aan soo qaadanno hadal uu yidhi mid ka mid ah culimada soomaaliyeed waa: Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu yidhi sheekhu:

“Fanka oo dhani hees ma aha. Hees oo dhanina jacayl ku ma saabsana. Jacayl oo dhanina dumar ku ma meeraysto. Dumar oo dhanina ma khuseeyo galmo iyo jidh. Fanku waa quruxdii oo laga sheekaynayo. Quruxduna waa arrin ku xeel dheer aadanaha, koonka ballaadhan, mala-awaalka suugaaneed iyo dhaxalka dadka. Haddii qurux la waayana, fan waa la waayay. Marka fanka la waayana, dareennada ayaa dhinta. Marba haddii ay dareennadu dhintaanna, dadnimada ayaa gebagebawda”

Intaas aynu ku dhaafno fan iyo diin xidhiidhka ka dhexeeya iyo kaallinta uu mid waliba ka qaato nolosheenna. Halka qodob ee ugu muhiimsan ayna tahay in qof waliba hoosta ka xarriiqdo waa kala garashada qofka iyo hu’giisa. Fan marka aynu nidhaahno kama hadlayno qofaf gaar ah, balse, waxa aynu ka hadlaynaa wax nolosheenna qayb ka ah taas oo aan cidna kooto ugu jirin, balse, jiil walba oo kacaa qaybtiisa ka qaato. Sida oo kalena diinta waa aynaan u arkin sifo ku gaar ah bulshada qayb ka mid ah lama taabtaannimadeedana aynaan qof bashar ah oo sida uu u saxmi karo u gefi kara aynaan u hibayn. Gefafka ugu waawayn ee soo noqnoqda waxa ka mid ah; in fanka loo arko dambi nolosha qaybka ah sifada taban ee fannaankana lagu dhoobo fanka. Taas oo ka dhigan in fanku yahay guri jin oo shaydaanka layska naaro marka laga sii baxayo.

Xalka ugu muhiimsani waa in uu qofna isku lurin u garniqidda fan iyo diin. Aragtida uu midba ka haystana uu san ku sawlayn xidhiidhka kala dhexeeya (fannaan & wadaad) taasina waxa ay ku imaanaysaa hadba qofku sida uu isugu dheelli tiro baahiyiisa ruuxiga ah ee diimeed iyo baahiyiisa adduumeed ee fanku qaybta ka yahay.

W/Q: Warfaa M. Bayle

  • NAGA LA SOO XIRIIR:
  • laashin77@gmail.com
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here