Home Qoraallo Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-6AAD W/D: INA CUBTAN

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q-6AAD W/D: INA CUBTAN

0
SHARE

Madaxbannaani midnimo ama kala miiran! Q6AAD

Ka la miiraan: madaxbannaanidii la mutaystay, balse, aan maamul siyaasadeedkeedu naga dednaa welina naga dedan yahay iyo midnimadii aan miyirka iyo maaninta ku imaane; laab-la-kaca iyo dareenka gacwalnimo ku timid ka dib, maanta lixdan gu’ ka dib, waxaan taagannaa cawada labada calan laga ka la suray Hargaysa iyo Muqdisho meel ka liidata, kana daran, ka qaabdaran, kana qaxar badan.

Haddaba, maxaa na la gudboon, oo ay tahay, in aan haleelno, illeyn, talo adaa ku noole, iyadu kugu ma noolee? Ma garannay waxa halkan fooshaxun na keenay? Ma ku baraarugnay gefka aan galnay iyo qallooca aan qabatinnay? Horta sideeda, maxaa lagu dagaalay? Ka dib, maxaa lagu ka la tagay, oo gooni-isutaagga keenay? Hadda maxaa naga dhexeeya, oon dib ugu midownaa? Sideen u midownaa, oon wadaag maamul u yeelannaa? Maxaase qolo walba tallaabo hormareed u qaadi waysay?!

Weydiimuhu way badan yuhiine, mid aan afeef iyo afxir qoraal ama sheeko aan ka dhigno, oo ah: anagu sideeda midnimo ma diiddanin, oo dadkani sidiisa ayuuba mid ku yahay, oo waa xidid iyo xigto wadayaal, sidoo kale, ma diiddanin midnimada laga hadlo, oo ah midda maamul, haddii la heli karana tan siyaasadeed, marka aan toos u galno, arrinka lagu murrugay murugtana dhaliyey.

Mar walba oo midnimo laga hadlayo, waxaa afka baarkiis iyo ofgobaadsi ahaan looga celcelshaa, in aan nahay bulsho walaalo ah, oo ah gar iyo dhab, oo yaan ogayn, in aan wada dhalannay, is dhalnay, isu dhaxno, wadana dhaqanno hanti iyo xoolaba? Taa waxay qeexee, in aan ka siman nahay; afka, dhaqanka, hiddaha, muuqa, midabka iwm. Marka habkan loo cabbiro, waxay na la tahay, qofna ma diiddana midnimo ama ka weyne, soomaalinnimo, oo xitaa qolyaha gooniyeystay qudhoodu intan sare iyo in ka badan karta, in ay oggol yihiin, ka sokow, way rabaan, oo qof ku la dhashay, adigu ma dooran, wax aad ku diiddanaa meeshaba ma yaallaan, sida aad dookha iyo dareenka rabid looga celin karin, haddii is ka heliddu ay hadba dhankan ma ahane, kan kalana ku jeeddo, waxaana la mid ah, marka dhaqaaale iyo hantigashi ay timaad ama iskaashi ganacsi, oo dantaadu hadba meesha ay ku jirto aad u galbanayso.

Waxaaba dhici karta, anagu uur-ku-baalle ma nihine, in kuwo badan oo gooninnimada u darban, in ay ka soomaalisan yihiin kuwo badan, oo af labadi la yeera midnimo, haddana, waxaan marag ka nahay; nacaybka iyo nacaynta la faafiyey, ee lagu abuuray da’ darta ka la xiran, ee lagu ka la qoqobay tuulooyinka reerkooda ama maamulladooda, oo mid walbaa kan kale looga sheegay walxo uurgunud ku reebay, oo uu col iyo nacab u aqoonsasay kan kale, lid ku ah, kana soo horjeeda jiritaankiisa, sidii in jiritaankoodu qolo kale gacanta ugu jiro -siyaaasad ahaan waa meesheeda- ama jiritaanka bulshada soomaaliyeed, in ay ku xiran yahay qolo siyaasad ahaan uga baxday wixii markii hore aan ka fiirsi la isugu darin!

Haddaba, waxa ugu horreeya, ee ay tahay, in laga weynaado, waa been faafinta iyo nacayb abuurka labada dhinac, oo facacusub een sina u ka la maarmi doonin, in la ka la dilo lana ka la geliyo maloxun, oo aysan dan ugu jirin labada dhanba waxa ay rabaan, in ay ka la dhawrtaan. Waxaa noo xiga, oon tan ka yarayn waa in aan midnimada lagu la meeraysan keliya waxa sokeeye iyo shisheeye ogyahay, ee ah wadaaggii jiray, inta aysan siyaasad iyo maamul ku midoobin ee ah, intan sare ku xusnay.Haddana, waxaan si guudmar ah uga warcelinaynaa weydiimaha sare, oo dhab ahaan u baahan aqoon baaris xooggan, oo maanfuran lagu ogaado; dagaalka waxaa keenay amar-ku-taaglayn iyo takrifal awoodeed ka dhalatay awood marooqsi, oo mararka shaar beeleed iyo lahaa ugaarsi dad gaar ah, oo dhab weli raadkiisu muuqdo, illeyn anagu beelo wadaag siyaasadeed yeeshay ayaan nahaye.

Mid waa muhim in la ka la ogaado; qolada ama qabiilka magac beel kugu dila ama kugu dhaca, waxaa ka xanuun badan kuwa kugu gumaada awood dawladeed, maxaa yeelay, soomaalidu weligeedba beelo beelo waa isu haysteen dakano iyo aanana waa dhextaallay, balse, waxaa ugub ah, ooba aan dhihi karno, waa unugga ebteledeenna, waa awood sheegadka ku dhisan cudud dawladeed, oo ay eheed, in uu dadka ka dhexeeyo ka sokow, uuba qofku ku dareemo xasillooni, halka beeluhuna nabaaddiino ku heli lahaayeen, balse, ayaandarro taa ma dhicin, oo waxaa la arkay, in beel ay ku duusho beel kale, iyada oo wadata hubkii dawladda ama xilside uu beel gaar ah u canaado uur-ku-taallo laabtiisa ka go’i wayday iyo xumaan uu beeshaa u qabo, isaga oo dulmi jaad walba oo uu lahaan lahaa; dilid, qadin, magacxumeyn, imw dusha ka saara!

Labadan sare oo is huwan ayaa waxay dhaliyeen dagaalladii billowday dhammaadka toddobaatameeyadii, oo gobol walba dulmi ka dhacay, beel walbana lagu aabiyooday, markaa ayey ku billaabatay dowladnimada dildillaac, illeyn dadka qaar ayaa mooda, in dawladdu dhacday sagaashankii, haa, oo muuqa qalfoofteedii dhimatay toban gu’ ka hor ayaa sagaashankii si rasmi ah u ka la daatay, ee ka hor oon dhaweyn ayey dawladi meesha ka baxday. Midnimadii qalloocatay, awood marooqsigii xigay, takrifalkii lagu daray iyo beelo qixinta lagu atooreeyey ayaa dhaliyey, in ay dhalato, aragtida ah; gooni-isu-taagga, oo qofkii walaalnimo, wadaag dawladeed iyo midnimo keenid aan dhawrin, maxaa kaga sugtaa, aan ka ahayn dhaqankii oo kale? Dabcan, isla aragtida gooni-u-goosadka waxaa hortaal middan aan kor ku xusnay oo kale, oo iyaguna maanta qabsasho iyo cabburin waxay ku hayaan beelo iyo degaanno aan rabitaan iyo raallinimo ku la joogin, marka sow noqon mayso; ka la kacsi iyo anay eheed, in uu takrifalka sameeyo?!

Mid kale aan qeexno, waxaa jirta aragti kale, oo dadka la cabsiiyey, oo ah; jabhadihii Xabashi ka soo duulay! Hadal dhab ah, balse, qallooc loo la jeedo, oo waxay ceebaynayaan, in qof soomaali ah, oo dulman uu Xabashi garab ka doonto, halka aysan dulmigaa ka hadal, oo aysan marna abbaarin, waxa ku dhaliyey, in uu qofkani Xabashi u galo, sow ma ahan go’aan lagu qasbay, ka dib markuu ka badbaadi waayey dawladdiisii, oo dil iyo deldelaad isugu dartay? Maxaan loo ceebayn, qolada iyo maamulka horseeedka u noqday, in qof soomaali ah uu Xabshi aado, oo runtii maanku oggol yahay, in qof walba oo dhibtooda uu gar u yeelanayo, in uu garab ka raadsdo qolo walba oo uu ka heli karo shaydaanba ha noqdee.

Marka waa in la helo qolo runlowyaal ah, oon been afuuf dhaqan ka dhigan, markaa ayaa la abbaari karaa waxa naga dhexeeya, ee aan dib ugu midoobi karno, sidoo kalana aan gudageli karnaa, sida midow wadaageed maamul u dhalan karo, illeyn, hadda labadaaba ma jiraan, oo qolo walba kabankooda gaarka ah ayey iskood u garaacataaye, iyaga oo dano siyaaasadeed iyo damac qofeed uu hankii bulsheed kala saremaray.Shalay midnimada, sugidda koofur iyo Xamar keenidba waxaa lahaa waqooyi, oo shuruud la’aan Muqdisho yimid, maanta dhib badan ka dib, haddii ay taagan yihiin; wexeennii waan la laabannay, waxay na la tahay, in si qumman oo dadnimo leh arrinkaa loo galo, illeyn iyagu waa ogyihiin talowadaag aysan Xamar ka haysan ku ma go’i karaane.Waxay na la tahay, siyaasadda af-ka-buuxsiga midnimada ee reer koofurku caan ku yihiin inta laga gudbo, in la helo aqooliyayaal dhaliya aragti maan iyo suuragalnimo ku dhisan, oo danta guud, ee labada gees lagu wada dhawrayo la curiyo.

Ma ahan, dhawrkii gu’ba, in shisheeye isu keen keeno, isaga ooba mararka qaaar soo diyaaarsasay waxa laga hadlayo iyo qolo walba waxa ay tahay in ay oggolaato. Waa ayaandarro, in mar walba isu imaadkeenna ay ka shaqeeyaan shisheeye, oo qolada gooniyeystay waanba u garaabayaa, oo wax go’id ka hooseeya ma rabaane, kuwan la taagan, in aan laga go’in ee mid la ahaado, maxay aragti hayaan? Ogow qiil ma ahan, degganaasha la’aanta Xamar iyo koofur ka jirta, maxaa yeelay, haddayba aragti hayaan haba hooseysee waxay wax ugu teri lahaayeen koofurta ay metalaaaddeeda macnotireen. Qofna wax uusan haysan ku ma siiyo. Hubaal, in ay koofur ka jirto faragelin aan waqooyi ka jirin, oo danaha is dhaafsan welibana is ku miliqsan ee koofur yaalla aysan ka jirin waqooyi, haddana, nin rag ihi rafasho wax u dhaama la waa! Siyaasiga koofureed ayaandarro wuxuu noqday MARANE muraadkiisu yahay miiso maal, asoon masalo iyo mustaqbal midna milicsanayn.

Dhibka dawladnimada naga haysta waayee, wixii xitaa hore la isugu af gartay laaliddeedu meel fog ma jirto ama liddood samayntooda, oo waxaannaan weli ku baraarugin wixii luggooyada noo horseeday, welibana halaagga noogu dabamariyey, taa waxaa kuu caddaynaysa, in aannaan u dhaweyn garashada wixii naga hallaabay, in aan garwaaqsanno oo aan garwoshiyo ka bixinno is ka daaye. Tan waxay dhashay, in soddon gu’ qolo walba ay meesheeda ku hayso macalluulo, cudurrro, biyoyari ama la’aan, caafimaaddarro, dugsiyo hooseyn, waddooyinxumo ama la’aan iqkb.

Tallaabo caafimaad qabta waxaa qaaday qolada nabadda abuurtay, iyaguna wax kale waa ku soo dari waaayeen, oo soddon sano ka dib weli dadku waa baahan yahay, bulshadu waa baylahsan tahay, degaanku waa oomman yahay, dalkuna waa dayacan yahay.Talada u dambaysa waxay tahay, in aragtida dib u midoobidda siyaasad maamul ay noqoto mid cad oo qeexan, aanna ku dhisnayn sedbursi iyo dheerisiin, maxaa yeelay, degaan ama beel aan dhibbanayn dhibna soo marin ma jirto, beeluhu ha isu gaystaan ama waa midda xanuunkeeda lehe dawladihii isaga dabamaray ay u gaysteen.

Dhammaad.

W/D: Ina CUBTAN

  • NAGA LA SOO XIRIIR:
  • laashin77@gmail.com


SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here