Home Qoraallo SIYAASIGA IYO SIYAASADDA SOOMAALIYA! W/Q: Cabdikariin Shardi

SIYAASIGA IYO SIYAASADDA SOOMAALIYA! W/Q: Cabdikariin Shardi

0
SHARE

SIYAASIGA IYO SIYAASADDA SOOMAALIYA

Siyaasaddu waa hannaan maamul dowladeed oo lagu wado waddan. Sidoo kale, waa laan ka mid ah cilmiga bulshada oo lagu barto habka loo maamulo dad. Qofka siyaasiga noqonayo waxa aan looga fursan karin in uu wax uun ka yaqaan hannaanka dowladnimo iyo habka suubban ee maamulka. Fogaan-aragnimo, xeer-aqoon, waayo-aragnimo, daacadnimo iyo dabeecad furfuran, waa waxyaabaha aan looga maarmi karin hoggaamiyaha, si uu u hanto dadkiisa una samata bixiyo dalkiisa. Inta uu hoggaamiyaha hayo talada dalka, waxaa soo wajihi karo caqabado horay loo oddorosay iyo kuwa si kadis ah dib kaga yimaada, waxa ayna hoggamiyaasha dunidu isku dhafeen, sida xeeladda iyo xeeldhernimada leh ee ay ugu dhex dabashaan.

Haddii dal lala doonayo barwaaqo iyo baraare, loona rabo badbaado iyo in ay siyasaddiisu toosto, waxa aan sinnaba looga fursan karin in horraantiiba hoggaanka dalka lagu xusho aqoontiisa, doorashadana lagu saleeyo shuruudo la xiriira qibaradda iyo cilmiga uu u leeyahay jagada la doonayo in loo magacaabo. Siyaasiga, waxa uu mar walba qimeyaa ogaalka dadka uu la nool yahay. Haddii ay dadkaas wacyigoodu dhisan yahay oo aysan jirin dul-duleello laga soo mari karo, way adag tahay si uu siyaasiga qiyaano qaawan u sameeyo. Taas beddelkeeda, dadka uu la nool yahay ama madaxda u yahay haddii aysan wacyi iyo aqoon ahaan u dhisnayn, marka uu qiyaanada ku dhacana gabbaad uu galo helayo, siyaasigu waa ma xishoode aan geed ku gamban, waana ‘gardarro garab og.’ Shacabka marka ay mideesan yihiin waxa ay leeyihiin cudud iyo awood ay ku kala dortaan samaanta iyo xumaanta, qof walba oo xil u hayana waxa uu ku yimadaa rabitankooda ama ugu yaraan waxa uu u hoggaansamaa dooqooda. Baladuse waa marka ay jahada ka wareerto shacabka, waa kolka ay ka habawdo cabbirka hagaagsanaanta oo ayba ku kala duwanadaan ama inta badan ay isku waafaqi wayso waxa dantooda ah, waana libinta siyaasiga danaysta ah.

Siyaasiga Soomaaliga ah waa danayste si saluug iyo anshax la’ dantiisa u qunsada. Wax tiisa dhaafsiisan kama fekero. Meel loogu soo hagaago iyo aragti go’an malahan. Asaga oo aroortii mucaarad madax adag ahaa ayuu galabki muxaafad miir la’ noqonayaa. Qof qorrax soobaxa nooc ah, qorrax dhacana nooc kale ah ha ku daalin. Xil wuxuu kaa saaran noloshaada, haddii aad kasoo baxdo midda dadkaada, marka naftaada ha u dayicin waqtikaaga qaaliga ahna ha ku lumin daafac nin damiirxun. Laba siyaaboodba waa wax la yaqaan in aad wax u tageerto; mid waa in aad dantaada heshaa oo ujeedkaaga gaarka ah egataa, midna waa in aad adiga oo danta guud eegaya wixii qumman gadaal gasha. Inkastoo midda hore foolxun tahay, maangaabnimo inteeda la egna ay tahay, haddana waa qof la yaqaan, oo dantiisa eegtay, lana fahmi karo. Midda dambena, waa midda aan kugula dardaarmayo adiguna kuu wanaagsan annagana noo dan ah. Wixii kasoo harase, waa doqonnimo cimrigeeda go’ay, oo aan loo hayn halbeeg lagu cabbiro foolxumadeeda.

Shacabka oo tubta toosan laga habaabiyo, tashuush iyo kala duwanaasho lagu furo dhexdooda iyo qaar ayaga ka mid ah oo sigaara loo qanciyo waxa ay ka mid tahay dabinnada ay isticmalaan siyaasiyiintu. Waxa ay kusoo gambadaan arrimo badan oo marka Soomaaliya la joogo ugu horreeyo QABIILKA. Dhab ahaan, siyaasiyiintu si dhab ah uguma dhaqmaan mad-habka qabiilka balse, kol walba waxa ay u dhaan tagaan halka ay dantoodu jirto. Waa halka laga yiraah, “siyaasaddu saaxiib joogta ah malahan ee waxa ay leedahay dan joogta ah” kuwa sida qotoda dheer looga dhaadhiciyo arrimaha qabiilka iyo reernimada caqiiddana ka dhigta waa shacabka. Si loo kala qaybiyo cududdooda loona kala dhantaalo rabitankooda ayaa loo soo maraa qabiilka. Dhaca, boobka, kursi-ka-taajirka, siyaasad xumada iyo saluug la’aanta siyaasigana waxaa lagu hilmamaa marka uu u habar wacdo qabiilkiisa una sheego in ay weerar ku yihiin qabiilo kale oo is bahaystay, ayagana uu ka dalbanayo garab gacaltooyo.

Siyaasadda Soomaaliya waa ay dheellisaa oo marba dhan ayey isku turtaa. Hillinka ay marayso iyo halka ay u sahan tagayso, looma fekero ee sida ay isku dhigto ayaa loo wajahaa. Waa il dhaqaale oo si fudud baa maal fara-beel ah looga tabcaa. Waa waajib, in aadan muujin wax dareen dabacsan ah, waana in aad kol walba diyaar u tahay kursiga xoog iyo xeelad midda aad ku heshoba. Waa jidka/qaaciddada siyaasiyiinta Soomaalida. Inta badan siyaasiyiinteennu, ma baran cilmiga siyaasadda, kuwa qaarna xataa meel lagu sheego kama soo ag-dhawaan, waxa ayse kansho u heleen dal iyo dad burburay oo ay qummanaanta iyo qalloocsanaantu isaga qaldan yihiin.

Mabda’ la’aanta shacabka, tafaraaruqa, ilowsha dhawida iyo anaaniyadda qabyaaladda oo weli kacsan darteed dhib iyo dadaal badan uma baahna siyaasiga Soomaaliga ah. Waxa uu kaliya u baahan yahay in uu fahmo sirta iyo xagasha laga galo maskaxda shacabka, ka dibna si fudud uu darawal ugu noqdo bulshada. In ka badan inta ay aqoontooda dhisi lahayeen, una tafaxaydan lahayeen xallinta dhibka haysta dalka iyo dadka, waxa ay ilaaliyaan xiriirka kala dhaxeeya oday dhaqameedyada qabiillada, waxa ayna isku dayaan in ay xiriir wanaagsan dhex maro. Siyaasadda Soomaaliya waxa ay si guud ku dhisan tahay kursi-ku-qooq xargaha goystay iyo danaysi aan xad lahayn. Inkastoo waddaniyadda lagu awr kacsado, haddana dhab ahaantii Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa ay ka maran yihiin waddan jacayl iyo waddaniyad. Waxa ayna ka fa’iidaystaan fursadda yar ee soo marta ayaga uu u guntada maal-aruursi. Ilowsha dhawida shacabka ayaa ka mid ah waxyaabaha abuura dhibka ugu badan. Waxa aad arkaysaa siyaasi shalay boobay dadka, khayraadka iyo hantida dad waynaha afka u dhigtay, dad aan mudnayna ku naas nuujiyay, oo maanta musharrax ah ama jago sare haya, shacabkuna ay caleemo qoyan kusoo dhawaynayaan! Shacabka maalinta uu baxay ayey iska hilmameen. Marka uu hantidii uu aruursaday kasoo idlaatay buu mid kale soo doontay, haddana kuwii shalay uu dhacay baa soo dhawaynaya kuna faraxsan. Siyaasigaas iyo kuwa ka dambeeyana waxa ay ku dhiirran donaan tabta uu maray, bac-damaa sidiisa oo kale la’isaga hilmaami doono.

Marka la eego dhanka siyaasadda Soomaaliya waxbarashada kuma fadhiso qiimo badan, waxaase ka saamayn badan qabiilka iyo reeraysiga, taas oo arraxda jabinayso kana dhigayso waxbarashada wax aan macno badan lahayn. Waxa aad arkaysaa, nin soo bartay cilmiga caafimaadka oo wasiir ka ah wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada. Mayee, mid soo bartay cilmiga dhaqaalaha oo wasiir ka ah wasaaradda beeraha. Mayee, mid soo bartay cilmiga badda oo wasiir ka ah wasaaradda maaliyadda. Sida haddaba dhacday!

Fahamka iyo fekerka laga haysto siyaasadda ayaa aad u cakiran, maddaama sharaf iyo hanti aan lagu mudan laga helayo, dadka badankooda waxa ay ku fekeraan sida ay maalin uun u noqon lahayeen SIYAASI, ayaga oo dayacay fursadaha kale ee dalka ka bannaan. Inta aysan jirin, wax ka baxsan qabiilka qofka oo ka hor istaagayo kursiga iyo hantida xad-dhaafka ah ee laga dhaxlo kursiga, siyaasaddu waxa ay ahaan dontaa waxa loogu jecel yahay, kol kastana waxaa kursiga dhaxli doono qof aan mudnayn, maddaama aan wax shuruud ah oo reerkiisa ka baxsan lagu xirayn.

Waxa aan malaynayaa, haddii bulshada loo abaabuli lahaa qaab ka baxsan qaabka qabaliga ah oo ay hadda u abaabullan yihiin, lana abuuri lahaa mabda’ guud oo si wadajir ah la’isugu raacsan yahay, xagga shacabkana ka ah xurmane aan laga taaban, lana heli lahaa dad u dhaba gala dabinnada ay qoshayaan siyaasiyiinta danaystayaasha ah, waxaa ugu yaraan la yarayn karay sida qaabka daran ay u dhaqmaan siyaasiyiinta iyo ujeeddooyinkooda gurracan.

Si looga baxo xaaladdaan cakiran loona dhiso qaran quwad leh, waxa aan sinnaba looga marmayn in aan beddelno qaabkii hore. Qaabka aan wax u dooran jirnay, waaba haddaan wax dooran jirnee. Qaabka aan u fekeri jirnay. Qaabka aan ku salayn jirnay doonisteenna. Shuurdaha aan ku xulan jirnay qofka aan doneyno. Waxa aan ku kala duwannahay iyo waxa na mideeya. Soddon sano ka dib, qof walba oo Soomaaliyeed ayey ceeb ku tahay in aysan dalka ka jirin dowlad dhammaystiran oo bixisa adeegyada aasaasiga ah, lehna astaamaha lagu qimeeyo dowladnimada casriga ah. Haddii aan sii joogteeyno, qaababkii hore ee aan wax walba ku saleyno sidooda hore, waxa aan ahaaan donnaa sidii hore, wax is beddel ah oo muuqdana ma samayn doonno.

W/Q:- Cabdikariin Shardi

Shardi424@gmail.com

  • NAGA LA SOO XIRIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHARE