Home Qoraallo Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus ayaa dhisay Aya Soofiyah

Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus ayaa dhisay Aya Soofiyah

0
SHARE



Boqorka Roomaanka ee Justiiniyaanus ayaa dhisay Aya Soofiyah
 
Caalimka masriga ah ee dhowaan dhintay Allaha u naxariiste Sheekh Cabdu Al Xamiid Juudah Al Ssaxaar wuxuu kitaabliisa “Muxammadun Rasuulu Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam” ku yiri:
 
“Konton iyo labo sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka hor markuu sanadka miilaadigu ahaa shan boqol toddoba iyo labaatan, waxaa Boqortooyada Roomaanka ee Bari, caasimaddeeduna ahayd Istanbuul ee dalka Turkiga, boqor u noqday ninka la yiraahdo Justiiniyaanus.
 
Boqorkaas haweentiisana waxaa la oran jiray Theodora, taasoo intayan Boqorad noqon jilaa ahaan jirtay oo riwaayadaha dhigi  jirtay oo ka shaqayn jirtay, waxayna ahayd haweeney caqli suuban leh, geesiyadna ah.
 
Sidaas ayay ninkeeda gargaar iyo cududba ugu ahaan jirtay, ilaa ay isagiiba ka itaal iyo awood badatayba.
 
Boqorku wuxuu ahaa krishtaan aaminsan ilaahnimada Ciise, Calayhissalaamu, in kastoo uu basharnimadiisa iyo inuu dad yahay uu hadana aaminsanaa.
 
Boqorku wuxuu damcay inuu diintiisaas u dhiso kaniisad wayn oo waarta oo ka sarreysa Haykalka Sulaymaan, Calayhissalaamu, oo Quddus ku yaalla. Markaasuu wuxuu dhisay kaniisadda la yiraahdo “Ayaa Suufiyaa Kaniisadda Xikmada Muqaddaska ah”, oo Istanbuul ku taalla, kaddibna Masjid laga dhigay.
 
Dhismaha kaniisaddaas kaddib ayuu Boqorku wuxuu ogaaday inay haweentiisu caqiido middiisa Ciise ka duwan leedahay, ayna aaminsantahay inuu Ciise bashar ahaa oo uusan Ilaah ahayn, siday aaminsanaayeen dariiqada la oran jiray Nasdhuuriyiinta, oo isaga cadawgiisa ahaa.
 
Wuxuu kaloo ogaaday inay haweentiisu caqiidadeedaas ay rumaynsantahay oo marka isaga caqiidadiisa loo fiiriyo gaalnimada ah, ay faafiso.
 
Halkaas ayaa waxaa ka bilawday wada hadal dhex mara Boqorka iyo Boqoradda oo caqiidadooda ku saabsan, ayaduna ay isku dayeyso inay ku qanciso in hadduu caqiidadaas ku sii taagnaado ay Masar iyo Suuriya oo markaas Boqortooyadiisa ka tirsan ay ka go’i doonaan, isaguna uu ka baqayo in hadduu caqiidadeeda ku raaco inay Dawladaha Galbeed ka caroonayaan oo ay u dhammeynayaan, oo ay xukunka kala wareegi doonaan.
 
Sidaas ayuu wuxuu ku raadiyay si uu labadaas aragtiyood isku waafajiyo oo aragtida cusub ay uga soo baxdo oo sidaas ku dhalatah uuna ku xambaaro inay qaataan Dawladaha krishtaanka ah oo idil.
 
Sidaas ayay isaga iyo haweentiisa Theodora waxay isku waafaqeen inay qof walba oo uu Paapaha Roma fadhiya ka mid yahay, ay waajib ku tahay inuu raaco caqiidada Boqorka oo oranaysa inuu Ciise, Calayhissalaamu, Ilaah ahaa. Sidaas ayuu Justiiniyaanus wuxuu ku bilaabay aragtida diktaatooriga ah oo keligiis tashiga ah oo ah inuu Boqorku diinta u madax yahay.
 
Sidaas ayuu shirar ku qabtay, go’aannada uu doono ay kasoo baxaan, qofkii mucaarad ku noqdana, ayna madaxda kaniisaduhu ka mid yihiin, xabsiyada ayuu ku hubsadaa.
 
Markaasaa waxaa Istanbuul (oo waagaas Qisdhandhiiniyyah la oran jiray, oo Boqorka Roomaanka ee Qhisdhandhiinus loogu magac daray) soo gaaray inuu Thuu Nuwaas, Boqorka Yaman, diinta yuhuuddana galay, Yuusuf-na uu la baxay, uu dariiqa ka gooyey ganacsatadii roomaanka krishtaanka ah ahayd, ayagiina uu laayay, xoolohoodiina uu dhacay, isagoo sidaas ugu aar goynaya walaalihiisa yuhuudda ah oo Boqortooyada Roomaanka lagu cathaabo, ayagoo ay krishtaanku aaminsanyihiin inay yuhuuddu dishay Ciise, Calayhissalaamu, oo ay ayagu Ilaah ahaan u caabudaan.
 
Boqorku arrinkaas ma uusan danayn, isagoo mashquul ku ahaa xarbiyo waawayn oo Boqortooyadiisa ku foorarey, sida la dagaallanka boqortooyada Furus ee Iiraan. Markaasuu Justiiniyaanus wuxuu ergooyin u kala diray boqorka xabashada Ethiopia oo krishtaan ahaa, magaciisuna Kaalib ahaa iyo hoggaamiyaha nasaarada Yaman degganayd, uuna uga codsanayo inay dagaal ku qaadaan Boqortooyada Iiraan, xiriirka ganacsi iyo dhaqaaalena ay u gooyaan, ayagoo ay saddexdoodu isku diin yihiin, oo ay sidaas waajib ku tahay inay u gurmadaan oo ay u hiilliyaan walaalohooda ay isku diinta yihiin oo Roomaanka ah.
 
Gaar ahaan wuxuu ergayguu Justiiniyaanus Boqorka Ximyar ee Yaman uu Boqorka Yamaneed ka codsaday inuu ninka la yiraahdo Qays u magacaabo odayga hoggaamiyah qabiilka Macadd, uuna diyaariyo ciidan wayn oo ka kooban qabiillada Macadd iyo Ximyar, kuna duula Boqortooyada Iiraan.” Waa intaas warkiisu.
 
Kaddib kaniisaddaas waxaa loo rogay Masjid ay muslimiintu ku tukadaan.
 
Kaddib cadawga Ilaahay iyo cadawga Rasuulkiisa Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Musdhafaa Kamaal Ataturk ayaa masjidkii Matxaf ka dhigay.
 
Haddaa masjidnimadiisii lagu soo celiyay in kastoo lala wadaago oo  uu hadana matxaf yahay.
Taas ayay krishtaanu diidan yihiin.
 
Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Makkah Al Mukarramah
Talaado 30 Thoo Al Qacdah 1441 Hijriga, 21 Luulyo 2020
SHARE